Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): SHAQSI DAMBIILE AH DOONI MEYNO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xogogaal

Thursday, September 28, 2000 - 01:20 am
Dowladii xumeyd waxay laysay dad badan oo muwaadiniin ah iyadoo ka bilowday wadaadadii yiri ragga iyo dumarka ilaah ma simin waxay kaloo ku xijisay oo laysay qabiilka Majeerteen waxaa kaloo ay laysay qabiilada •••••, Ogaadeen iyo qabiilo badan oo kale ilaa ay umadoo dhan dareento. Hadaba dowladaas xumeyd waxaa ka mid ahaa C/qaasim Salaad Xassan. C/qaasim dembiyaduu galay waxaa ka mid ahaa: 1. Markuu ahaa wasiirka hidaha iyo tacliinta sare wuxuu sameeyay eex badan, isagoo dhalinyaro ay isku qabiil yihiin u diray waxbarasho dibada ah oo uuna kula baxay arintaas daraadeed C/ceyr. 2. Markuu ahaa wasiirka warshadaha iyo ganacsiga wuxuu lacag faro badan ka qaaday madaxtooyada si' uu dagaal uga dhex qarxiyo labo jilib oo deris ah kuwaasoo kala ah cali madaxweyne iyo ceyr. Wuuna ku guuleystay arintaasi, waxaana dagaalkaas ku naf waayay dad badan oo labad dhinacba leh, dhaawacana iska daa in la xisaabiyo. 3. C/qaasim wuxuu bixiyay hubkii booliska iyo asluubta isagoo ay weheliyeen Gen. C/raxmaan Cabdi Xuseen iyo Gen. Axmed Ciriiri. hubkaasoo loo gacan geliyay dadka U.S.C oo keenay xasuuq badan oo dad maato ah lagu gumaaday.