Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 29, 2000): XORRIYADDA AWDAL OO LA ISKU DIYAARINAYO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQLI

Thursday, September 28, 2000 - 02:58 am
Qooyska ugu ballaadhan Gadabuursiga deggen AWDAL ee 'Maxamad Case' iyo Qooyska Labaad ee 'Habar Cafaan', ayaa qaban-qaabinaya in lasoo celiyo sharaftii iyo Ilbaxii AWDAL.
AWDAl waxay gacanta u gashay Iblayska Cigaal iyo Cafaariintiisa oo ka dul taagay Calan lagu soo sameeyay Itoobiya. Somaliland iyo daba dhillifyadoodu waxay ku andacoonayaan in nabad ka jirto dhulka. Waxase xaqiiq ah in Nabadaasi tahay mid la isku Khuukhuninayo oo la isku cabsiiyo haddii an Somaliland la raacin waxa dhici doona dagaal. Sidaa daraadeed ayay dad badan oo reer Awdal ahi uga gaabsanayeen inay ka hor yimaadaan taliska Habar Awal.
Maanta haddii an nahay dhalinyarada Awdal waxan isku diyaarinaynaa inaan dhiigayaga u daadino una dhimmanno xoraynta Awdal.
Inaan soo celinno Calankii buluuga ahaa ee Xoriyadda Soomaaliyeed. Iyo inaan lahaanno awood iyo Ixtiraam an ugu talinno dhulkayaga oo IIDOOR nagu xukumin. Waxan ugu baaqanaynaa walaalahayaga kale ee Gadabuursi iyo Ciise inay kusoo biiraan halgankan xaqa ah een ku badbadinayno Diinta Islaamka ah iyo Dalka soomaaliyeed, oo halis ugu jira in Yuhuud iyo Xabashi, Iidoor u galiyo gacmaha.
Waxan u baaqanaa in dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee jecel soomaalinnimada iyo Muslimnimadu inay taageeraan halgankan xaqa ah.
Waxan ku talo jirnaa in sannadka cusub ee Labo kun iyo Koowdu noqdo sanadkii an Koow ka bilaabno xoriyadda Awdal. Kumanaan naga mid ah oo ku nool qurbaha iyo Kumanaan kale oo jooga Awdal ayaa diyaar u ah inay ku waayaan naftooda, dhidbidda calanka soomaaliyeed ee BULUUGA ah.

KUMANAAN IYO KUMANAAN,
KU KALAAMA KALMAD KALIYIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
KAARKU ISKU KEENIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
KAL CABSIYEED LAHANIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
CIIL KU KAYRAAMIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
KOLNA LIBIQSANAYNIYO
KUMANAAN IYO KUMANAAN
KOORAYSTAY FARDAHIYO
KUMANAAN WALAAL AH BUU
ISKU KEENAY XANUUNKUYE
WALLEE LABADA KUNIYO KOOW
KALA GUURKII WEEYIYE
KASII KALAH NINKII
KU DHALAN AWDALOOWE
KOL DHOOWBAA CALANKII
KAAMIL LA SAARAYAAYE
KUN JEERBAA LA CIILTIRAYAA
GEESIYADII KADEEDNAAYE
KARAAHIDAN NINKII KEENOOW
KADAB GO'AAGII WEEYIYE
KURKIYO WAXA LAGU JARI
KURAAMIHIYO LAF DHABARTEE
KOLOLO'AAGAA LAGA MAQLI
KARINKII JIIFEEDE
KABASH-KABASHBAAD U ROORI
SIDII KOROMO GEELAADE
KAADSO HADDII LAGAA WAAYAY
KAALAY JIISAA LAGAA HELIYE