    Nin ku nool Norway... | Wednesday, October 04, 2000 - 05:31 pm ANIGOO KU NOOL NORWAY, HADDA AYAAN SAFAR KA AHAY OO XAASKAYGA AYAA IGU RAACDAY.... Waxaa naloo ku sheegay inay yurub oo dhan siiba Iswiidhan, Denmaarki iyo Norway - yihiin dalal lagu noolaan karo oo aad diintaada xor u tahay, dhowr sano ka dib - dhibaatadii Norway ayaa naga badatay oo Soomaaliya baadiyihii aabbahay ka yimid inaannu geed cidla ah ku dhimanno ayaa nooga fiican. Dugsiyada hoose iyo dhexe - maaddo diimaha oo ah masiixi ayey carruurtii ku khasbeen, qofkii ajinebi ah oo wax barta - iyagoo leh qaxooti baad tahay ayeysan shaqo siinayn oo dad yurubta kale ayey soo kireystaan. Soomaalida dhallinyarada aan xaaska ahayn ayaa taksi wada haddii ay leysanka gaariga haystaan, kuwa aan leysin haysanna shaqooyin nadaafad (dhul dhaqid ah) ayey qabtaan, sida kale xaasaska lacag carruur oo fara badan ayey siiyaan, cunuggiiba ilaa afar boqol oo doollar bishii (haddii ninka iyo naagtu aysan is sheegan waa looga sii badiyaa laakiin ilmahaasu magacii hooyada ayey qaataan oo aabbo la'aan ayey u qoraan ama ilmo aabbihii uu hooyadaas ku cidleeyey oo uusan kolna soo booqan karin ama sheegan karin), marka soomaalida aad bay ubadkii uga dulloobeen (diin ahaan iyo dhaqan ahaan). Wadaaddo badan iyo xaasaska waxgaradka ah ayaa reerkoodii kala guuray. Laakiin dumarka intooda badan iyagoo og dhibaatada ayey lacagtaasi u caddahay oo raggii waxgaradka ahaa naftii ayaa haysa (war sug ann bishan hebel wax u diree ama dumarkii ayaaba raggii qaadka la fadhiya oo habeen iyo maalin ka badsada), ragga dumarka kari waayeyna qaad ayey kolkaas reerka iyo asxaabta ka shaxaadaan oo wakhtiga ku socdaba war uma hayaan. Aniga gabadhayda heesaha ciidal-masiixiga ayey dusha ka qabadsiiyeen oo waaba khasab in la barto xilliga diseembar ee X-mass, sannadkii hore taleefashinka ayaa laga soo saaray kol ay diidday inay kaniisadda fasalka ugu raacdo si loo soo khatimo ciidda masiixiga, kolkaas fasalka ayaa lagu xiray, tv ayaan ugu yeeray, dib dambana dugsi uguma noqon. Sidoo kale dumarka aad ayey nooga baddaleen oo kolkay ilomo umashaba isbitaalkii ayaa ku dhahaya , naa is dur, mar walba ma ilmaad dhaleysaa, ninku carruurta adaa uga fiican, tii diidda - cirbad madhalays ayey u qariyaan. Marka ibtiladan Alle ha naga qabto. Iswiidhan ayaa xagga diinta ugu roon oo dugsiyada carruurtu diin masiixi kuma bartaan, Denmaark xoogaa ayey Norway ka fiican tahay, laakiin Norway ninkii joogaa xaalkeeda og...balse 10ka sano ee dambe aannu ogaanno in soomaali sii joogto. Iyagaaba si xad dhaaf ah noo cunsuriyeeya oo hadda annaga ayeyba noogu neceb yihiin ajinebiga, dad pakistaaniyiin ah ayaa ku nool laakiin waa ay u gali waayeen oo carruurtooda iyagoo yaryar ayey dalkooda geeyaan, kolkay qaangaar dhaafaan ayey shaqo (dukaankooda/ taksigooda) u keenaan, laakiin dadkaasi waa dad dal dhaqan leh... |
    AnonY | Wednesday, October 04, 2000 - 06:21 pm Qofka , maqaalka qorow, calaacalka iska daa, Qofka Soomaaliga ahna, Norwey , dhib aan oolin dalalka reer galbeedka ma qabaan. Midba, meel un buu ku xunyahay, Yahuudda , barwaaqada ku ah,dalaka reer Galbeedka , ee maamulkana ka jooga meelo fiifiican, 100laal sanno ayeey silic ku qabeen Masiixiyiinta reer Galbeed degan. Dhib baa dadkoo dhan haysta ee qaxootiga ku ah reer Galbeedka , waa hadaan sidaad wax u fasireeryso u raacno. Dhinaca kalena, dadka Soomaaliya maanta ku nool , dad-qalato baa buuxda, ee gabadha yar ee aad dhashay casar cir-gaduud ah, ayey kaa dubanaayo , waa qabqablayaashee ee goboladda oo dhan jooga. Awoowayaasheenii Soomaaliyeed, ma calaacali jirin ayagoo biyo la`aan, caga-cadi iyo qorax kulul ku jooga, oo xoolahoodii dhamaadeen, bey wali dhowran jireen in calaacal iyo daciifnimo lagu sheego. Norwey , hadeey ku dhibteyna ka tasho, sida awoowayaasheen Soomaaliyeed ee ka dabaashey dhibka nolasha noocey rabto ahaatee, ama nin baa ilaaheey kaa dhigee , xaaskaada iyo caruurtaada, karti aad Norwey uga dabaalatid u yeelo. (Rag baan nahayoo , rafaad ma hurnee allow raaxo noo danbeeysii) walaalkiis, maanta taas bal ku sii joog.Dad Soomaliya jooga yey ku maqal. Nabadgalyo |