    Sahal | Thursday, October 05, 2000 - 06:34 pm Alla fadeexo badanaa!!! Waxaan maqli jiray rooti niman goosan karin ayaa ilaah siiyaa. Akhristow waxaan aad ula yaabay karti darada haysata ninkaan la doortay. Fursad dahabiya ayaa gacanta loo saaray; laakiin geel indha kuul maxaas ka kasaa. Warnimanyahow nin dawladiisiiba magacaabi la' ma rajaan kasugaynaa. Dawladii isagoon dhisin ayuu tuugsasho ka dhamaan la' yahay. Imisa ayaan sugaynay inuu magacaabo Prime minister ruuxuu doono ha ahaadee? War waxkale iska daaye cayr iyo sacad ma heshiisiin karo. Karti la'aan maantoo kalaad farta la qaniintaa. Saddexdii sano waxay dhamaan asagoo saas isaga daba wareegin. Hadaba su'aal: Sidee usharaf badan inuu sameeyo. Ka warama haduu is casilo intay goori goor tahay? |
    SHADIA | Thursday, October 05, 2000 - 06:40 pm I AGREE WITH U 100% |
    siyaasi | Thursday, October 05, 2000 - 06:59 pm Sahal - maangaab baad tahay... Maxay ku nuugtaa, maxayse ka nuugtaa... War inaad maangaab tahay, nin og inuusan hal maalin wax kasta ku samayn karin. Dalkoo idil ayaa kala qeybsan. Xamar keliya ayaa kala googgo'an, jagada wasiirka koowaad (ra'iisal wasaaraha) waqooyi baa xaq u leh, laakiin rag badan baa isa soo sharraxay. Nin iska dooro macquul ma aha, Xamar in la geeyo golaha shacabka (baarlamaanka) ayaa lagu tala jiraa, dabadeed ra'iisal wasaaraha sidii ballantii waqooyo iyo koonfur ahayd, waqooyi baa leh - laakiin canaasiirta is careysiineysa waa in laga tashado oo dunida aqoonsi laga helo, jaahiliinta nabad diidka ahna waa loo joogaa, la danayn maayo oo in la qiimeeyo ma aha, kolka hadday beerka la' yihiin iyo hadday California khamri ku cabbi jireenba soomaali maanta ma kala reebi karaan. Dadka soomaaliyeed oo idil waqooyi ilaa koonfur, bari ilaa galbeed, dadweynaha caadiga ah 99% dowlad ayey rabaan, naftii ayaa haysa sharci la'aan, fawdo...sidaas ula soco.... |
    Guled | Thursday, October 05, 2000 - 07:24 pm I disagree with you Sahal. I don't think it is that easy to form a new government after so many years with no government. It's easier say than done. C/Qaasim is probably trying to select the most qualified person. So my sugestion is let's give the man some time before we jump to conclusion and hope that he does a good job of presiding the country. I am not saying that he is good or bad but all I am saying is that let's look before we lip. Get to know him better before you start dissing. Waxaa Qoray Nin Nabad Jecel |
    Goljano | Thursday, October 05, 2000 - 08:52 pm TO:Siyaasi Waa marka u horayse ha isku sheegin siyaasi,waayo qaabkeeda ma lahid ,waxaad sharxi karto ayaa aad uyar. Mar labaad inkii tii saba daryeela ayaa mid kalana ku dara ,marka uu heshiisiiyo cid kalena ha eego,Adiguna nin wayn baad tahay caydu ma fiicna,dad aanad gaaraynina in aad aflagadaysa ma wanaagsana,ee haday soomaalinimadu kaa dhabtahay waxaad ku dadaali lahayd wanaageeda ee cidna maad aflagaadaysen,hadaba adeerkaa hadii uu rajo ku nool yahay yay qabyaaladi ku qaadin. |
    Jamal | Thursday, October 05, 2000 - 09:22 pm Aniga waxay iila muuqataa inuu iscasilo maxaa yeelay kama bixi karo shaqadaan oo waxaa haboon in loo dhiibo nin karti dheeraada leh. Aadan cadde raadkiisa ha raaco. Oo yuusan dusha ku qaadin hawl uusan ka bixi karin. Cinwaanka mawduuca ayaana muujinaysa in reer bililiqo hawshaan ku adagtahay. Waa kabaxay. |