Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Siduu madexweynaha ku meel gaarka ah xaalada Soomaliya u sii xumeenayo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WABAX

Friday, October 06, 2000 - 05:30 am
Salaamu calaykum

Waxaa dhawaan la doortay madaxweyne ku meel ah iyadoo dadka badankii ay ka filanayeen inuu Soomalidoo idil isu keeno, hase ahaatee sidii Siyaad bare(allah u naxariisto) ayuu doonayaa inuu wax u maamulo, balan uu qaaday oo uusan ka soo bixin, go'aano isagoon ka fiirsan uu gaaray.

Sida loo doortay madaxweyne ku meelgaarka waa si mudan in la daba raaco. Mid ka mida nimanka tartanka isa soo sharxida ayuu ka balanqaaday inuu jagada ra'iisal wasaarnimda siin doono haduu dhibcihiisa siiyo. Dhibcihii waa la siiyay markii ay timi inuu tiisa ka soo baxana laba wajiiluu noqday isagoo ku dhawaaqay inuu baarlamaan dooran doono ninkaas. Intaa kumuusan ahrin wuxuu soo sharxay nin ay dadkiisu Soomaliya si sharafleh uga go'een oo aan dooneyn iney Soomaliya ku soo biiraan. Maxuu jagada ugu soo sharxay ninkan ma Soomalida kaluu ka jab-jabi is leeyahay mise caqli daradiisa dad taguu rabaa in wax lala qeybsado?

Siyaadihii/aragtiyadii Siyaad bare Soomaliya kama shqeynayaan. Hadii uu ninkan sidan wax ku bilaabay Soomaliyeey maxaad filaysaan. Hogaamiyaal badan baa ku dhawaaqay iney Soomaliya ka billan doonaan dagaalo cus-cusub, sida ay ila tahayna dad dilaayo aan la aqaaon baa soo bixi doona hadaan ninkan yac la iska oran.

"Idaa taqal muslimaata bisayfayhimaa fal qaatilu wal maqtuulu fi naar" Sadaulaahi wasadaqa rasuuluhul kariim.