Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): SOOMALIDA MA MAWAADINIINBAA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baxar

Tuesday, October 10, 2000 - 05:09 am
Su`aashaas ayaan in mudo ah is waydiinayey waxaan a ii soo baxay in soomalidu lahay dal jaceel iyo Qaran jaceel toona,waxa kaliya ay naftooda iyo malkooda u hurayaan waa QABIIL iyo islaannimada,
Waayo hadii ay meel ku wada kulmaan nin reer badiyo ah iyo nin aqooonyahan ah iyo nin sheekh ah oo ay ka hadlaan qadiyad qabiil waxaa hubaal ah in ay isku rayi ka noqonayaan in qabiilka la difaaca,laakiin hadii ay kawada hadlaan qaranimada soomaliya waa ay ku kale duwanaanayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-Somali

Tuesday, October 10, 2000 - 11:45 am
Waa runtaa oo su'aasha aniguba waan is weydiyey. Inyar mooyee Soomaali inteeda badan waxay ku gubteen QABIIL. Hadii ay Islaan-nimada ay sheeganaayaan ay ku dhaqmi lahaayeen dhibka dhacey heerka uu maanta gaarey ma gaareen.
Hada waxaan isweydiiyaa, sidee jirada QABIIL loo daweyn karaa???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

awoowe

Wednesday, October 11, 2000 - 04:56 am
waa runtiin oo soomaalidu waxay ku faantaa waa qabiil wax muwaadin ahina ma jiraan tusaale ahaan maanta hadaad wadankaaga joogtid oo aad kursi makhaayada shaah aad ku fadhidid oo uu yimaado nin aan soomaali ahayn markiiba qaar baa ku odhanayaa uga kac kursiga ninkan ajnebiga,hadaad nin ajnebi ah is qabataan adigaa lagu xidhayaa iyadoon waxba lagu waydiin, markaa soomaalida waxaan odhan lahaa intaan arag wadamada carabta ha yimaadeen si ay u arkaan waxay tahay muwaadinimadu.
waad mahadsantihiin