Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000 #2): Xoghaynta Ururka RRA oo beenisay warar ay qoreen wargeyska Qaran iyo Somalinet
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

real Gerbida

Wednesday, October 11, 2000 - 02:43 am
Xoghaynta Ururka RRA oo beenisay warar ay qoreen wargeyska Qaran iyo Somalinet
by BAYDHABO PRESS
Xoghaynta Ururka RRA oo beenisay warar ay qoreen wargeyska Qaran iyo Somalinet

BAYDHABO 11, 2000 (BP)- War maanta ka soo baxay xoghaynta ururka RRA ayaa ku tilmaamay been abuur warar ay qoreen wargeysyo ka soo baxa magaalada Muqdisho oo u ka mid yahay wargeyska Qaran iyo Somalinet oo ay ku sheegeen in "Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu magaalada Waajid kula shiray Morgan haatana ay wada jogaan BAYDHABO" .

Warkaas ka soo yeeray xoghaynta ururka RRA ayaa lagu cadeyay oo lagu sheegay "in Md. Dr. Xasan uu ka maqan yahay dalka wararkaasna ay yihiin dicaayad ay caadeysteen waxa ay ku tilmaameen kuwa aragti gaaban oo hal dhinac wax ka arka oo ka qora kana soo horjeeda horumarka iyo danaha qowmiyadda Digil iyo Mirifle, waxayna warkooda ku sheegen in wargeysyada noocaas ah oo u adeega danaha qabiilkooda mar kasta oo ay arkaan in qowmiyadda Digil iyo Mirifle ay qaadi rabto talaabo ay la soo baxaan warar raqiisa oo ah in ay yiraahdaan Itoobiya ayaa dalka soo gashay".


(BAYDHABO PRESS)


Posted on Oct 10 2000, 9:53 PM
http://network54.com/Forum/message?forumid=44498&messageid=971239475