Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before October 29, 2000): JANADII MA HURIDAA..............
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JANO

Tuesday, October 17, 2000 - 11:36 am
Boqorkay huq iyo ciil hagardaamo lumisow
hadimada kalgacalka leh cilmigii u hoydow
heesaha baroorta ah halqabsiga jacaylkow
hambalyo iyo salaan iyo hibo iga guddoomoo
kolley waan hubaayoo hawlii adduunyada
heshay aayahoodee hal yar aan ku toydee

Jannadii ma hurudaa? Hadh qabow ma jiiftaa?
Hoobaan ma gurataa? Hablo xuural caynii
Sow kuuma heesaan? Wixii aad la haysaba
hoo kuma yidhaahdaan?

Wedka lama huraayee reer soo hayaamiyo
hayin raran ma kulanteen? Hor ilaahay adigiyo
Hodan maysku aragteen?
ma is-dhaafsateen hadal?

Bal maxaan haweenkiyo dumar ugu hiloobaa?
Ama kula heshiiyaa, ugu hagar la'aadaa?
sowtay hir beeniyo ku tuseen hillaacee
hogol aan da'ayn iyo hanfi kuu aroorsheen
Hirwo kuu garaaceen hungo kuugu baaqeen!

Sowtay ku hawleen ku jareen halbowlaha
haadaan ku qariyeen hore kuugu riixeen
hogga kuu dabooleen
hoos kuugu tuureen!

Sowtay ku heereen hengelaa ku saareen
gudcur kuu hillaabeen ku dhigeen habaaskee
cidla kaaga hoydeen hororkiyo waraabuhu
hilbahaaga jiiteen haadda iyo xuunshadu!
hanbadooda feenteen.

Waxaan ugu hamranayaa hooyaa ka dhalaatoo
naaskii habreed baa iga hiilinaayee
wallee hawlahaan galo iyo heegantaan dhigo
dumar lama haweysteen ragba ma hungureeyeen
hanti lagama dhiibeen guri laguma hoysteen
hadal lalama yeeshees!