Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Jan. 23, 2001): CIID MUBAARAK ciid wanaagsan:)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, December 20, 2000 - 09:08 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

CIID MUBAARAK

Ciid Wanaagsan oo Wacan

Bisha Ramadaan ee sii galbanaysa tii khayrka lahayd ee adduun iyo aakhiraba lagu liibaanay Ilaahay Ha idiinka Yeelo. AAAAAMIIN.

Tobanka danbane ogow waxaa ku jirta habayn KUN habayn ka khayr badan. Ogowna KUN habayn waxay u dhigantaa 83 sano iyo jar jar. Ogown isku celceliska cimriga dadka maanta adduunka ku nool waa 76 sano. Ogow haddii Ilaahay khayr kula rab in habaynkaasi ka khayr badan yahay cimrigaaga oo dhan.

Ogow haddii Ilaahay kula kulmiyo habaynkaa waxaad tiraahdaa:

Allaahuma Innaka Cafuwun Tuxibul Caf Fac-fi Cannaa

"Ilaahayow Waxaad Tahay Kan Wax Cafiya (dambi dhaafa), Waxaadna Jeceshahay Cafiska Ee Na Caffi."

Midda kale anigu runtii waa ku dhex lumay SomaliNet oo golihii fadhiga iyo faalada macaanaa waxaa ka sokomaray xir adag iyo geedo faro badan ee DHAMMAANTIIN CIID WANAAGSAN. :)

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 20, 2000 - 10:10 am
waar aduunku ma sidaasuu u kala horeeyaa, maan is lahayn weli waa la gaadhay iidii.