Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Jan. 23, 2001): IGA FUJIYA WAA IGU DHEGANTAHAYE
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Tuesday, January 09, 2001 - 08:04 pm
Anigu waxaan ahay wiil arday ah oo ku nool
waddanka AUSTRALIA waxaana is baranay gabadh
wadankan u dhalatay. Anigu mustaqbalka waxaan
rabay in aan gabadh soomaali ah la saaxiibo
oo guursado laakiin maadaama aam rajo ka qabo in ay gabadhani muslinto waxaan go'aamiyey in
idinka idiin soo bandhigo walaalayaal.
Marka ma gabadh soomaali ah baan la saaxiibaa
mise tan baan la wadaa?
BAL SAAXIIBO YAAL IGA FUJIYA WAA IG DHEGANTAHAYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miskiin-Waryaa-Macruuf

Wednesday, January 10, 2001 - 09:10 am
Salama...

Tii ku qanciso. Kastee?

Tii aas jeceshahey, lakiin iney Muslim ahaanto aa jeclaan lahaa. Gabar Muslim oo Soomaali ah oo isku dhaceeso, lakiin hadeey dhab kaa tahey oo tan aa u kulushahey ugoow wixii kasoo bixi doono ilahaa ug. Ugoow ciyaal aa imaanaayo; ugoow isku diin ma tihiin {if she didn't revert to Islam}; ugoow isku dhaqan ma tihiin; ugoow isku bulsho maku soo wada korin; ugoow labada waalid ma is fahmi karaan hadey is arkaan; ugoow...ugoow...
___________________

Aragti lee ii ahaa. Isoo bari.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rumaan

Wednesday, January 10, 2001 - 10:07 am
aboowe horta dooqaa adeega oo adiga wadnahaaga baa ku xukuma iyo jaceelkaaga balse mid ogow gabar soomaaliyeed iyo mid cad waa sida qoraxda(g-soomaliyeed) iyo nalka(g-cad) oo marna ma sina.ogowna qof cad in kala dhaqan aad tihiin kala fekar ubadkaaga danbe,oo ilmahaga mar buu hiilis kaaga baahan yahey, intaa iyo good luck.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WALAALKAA

Wednesday, January 10, 2001 - 12:06 pm
MACALINKA nasiibkaa....

hadeey muslimto nasiibkaa
hadeey muslimin nasiibkaa

dad badan oo soomaliyeed ayaan aroosay gaalo cadaan iyo madoow leh...qaar waa u shaqeeysay oo ilmo fiican oo diinta islaamka iyo dhaqanka soomaliyeed yaqaana baa ka dhashay...jaceeylkoodana waa waaray...

qaarna waa lumeen oo gaalo iyo dhaqan xumo ayay ku danbeeyeen

ilaahaaaga la tasho..hadaad tugato salaad istiqaara tugo..oo ilaah bari inuu qayr kaa siiyo
guurkaa iyo gabadhaa bini-aadanka ah