We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Unrecorded Date Isfahan la'aanta dhextaal raga iyo dumarka Somaaliyeed Maxaa keenay?
|
| | Unrecorded Date Abdi, adiga maxay ku la tahay?
|
| | Unrecorded Date cabdiyo adiga maxaay kulatahay coz u r among one of the somali womens aroud the world. think about it abaayo and answer the question carefully.
|
| | Unrecorded Date Abdi Waad nasoo lu'goysay saaxiib waaxay labadan eray ee aad meesha ku soo qortay? Abdiyo Mzee iyo Abdi naga daaya su'aashan keliya ah ee aad isku tuur-tuureysaan. Boga waa loo baahan yahay eh. fg
|
| | Unrecorded Date waxaa keenay naagihii madaha laga garaaci jiray oo ilaahay xornimo nagu siiyey daa naarta ha aaadeene iminkaba kuwobadan oo kamidihi waa waayo arkeen dana waa soo cilisay markii qurun iyo cadaan ka soo dhergay meela uma hayno iminka
|
| | Unrecorded Date To; Wfp Waaryaa yaa kuu baneeyey in dumarka la garaaco?. Yaase naarta galaya, ma adiga iyo nooca kula mida ee garaaca gabdhaha ama aaminsan waxaa mise masaakiinta aad dulmideen?. Takale haweenka sharafta leh ee Soomaliyadeed kaama mudna in aad caydid, balse anagu ku caayi mayno oo waxa cay kuugu filan waxa aad la shirtimid. Talo iyo tusaale ayaa lagaaga fadhiyaa ee ama keen ama aamus. Alle ha na cafiyo
|
| | Unrecorded Date Samsam walaaleey xawaadle miyaad tahay? hebel
|
| | Unrecorded Date To; Hebal Walaalow ma jecli in aan ku abtirsado qabiil oo waxaa igu filan in aan ku iraahdo muslimad ayaan ahay. haybna waxaa iga deeqday Soomaalinimo. walaalkayga qaaliga ahoow ishaybsi arrintu way ka wayntahay, balse guryaheenii ayaa la rabaa in xal loo helo. haddii aan intaas ku deeqin ilasoo xiriir anaa kuu sheegaya qabiilkayga e. Maxaad iigu malaysay xawaadle?
|
| | Unrecorded Date To samsam waayahay walaal haddii is-haybsigii arintu ka weyn tahay iska illoow waxaan kuugu maleeyey Xawaadle ee sheekadu hanoo socoto oo reeraha soo dhicino. hebel
|
| | Unrecorded Date Xagaanse kaala soo xidhiidhaa ma uur-ku-baalaan ahay. iila soo carar Email-ka ina adeer. hebel
|
| | Unrecorded Date To: Hebal Wacan oo wanaagsan. waakan Email-gu,heassala@livjm.ac.u.k Ma umalaysay in aynu ka baxnay ama ku xadgudbnay falanqayntii iyo xalkii loo raadainayey bulshadeedna burburtay!!!!. Hala tooso
|
| | Unrecorded Date TO.wfp qaablaawe adiga hooyadaa ma la garaaci jiray???
|
| | Unrecorded Date Hi Samsam wee iila muuqataa laakiin maxaa naga galay?..... waa yahay walaal waan kula soo xidhiidhi doonaa
|
| | Unrecorded Date to zamzam and hedal arintiiba waxaad u badasheen shukaansi iyo qabiilkee tahay raali iga ahada mowduuca haka bixina
|
| | Unrecorded Date To: suleiman Salaam Walaal hadii aan khaldaney oo shukaansi arrintii ka dhigney inkasta oo aanu xumayn shukaansiga iyo is barashadu, balkeen adigu xal!!!!!!!
|
| | Unrecorded Date to samsam salama caleykum walaal dumarka soomaliyeed ma dhibyara raguna ka daran walaal dhibtana waxaa keenay dhulkan aan nimi iyo dhibaatada wadankeenii ka taagan taasoo badanaba keenta isku dhaca raga iyo dumarka soomaliyeed ragu waxay badankoodu jecel yihin in ay habkii ay u noolaan jireen somaliya u nooladan dumarkuna waxay rabaan meel dhaxe oo teenii iyo tan wadamadan u dhaxaysa waana dhibato si ay isula keenana arintaa.
|
| | Unrecorded Date to samsam and others. salaan all. after reading your thoughtfull opinions i relised that there is no one who really understands what the problem is, samsam walaal you said (hablaha ayaa madaxa laga garaaci jiray oo waa la gumaysanjiray) but you didn't say wherehow and by who? therefore it seams to me that you ladies think that way (ninkii xile gube ahaanjiray ha noo xisaabin) but the majority of the somali families live hapily.
|
| | Unrecorded Date Asalaamu calaykum To: Alex walaal imaanad fahmin waxa aan ka hadleye qoraalkii uu qorey ninka loo yaqaan Wfp, akhri oo eeg waxa uu yiri. Ta kale dhibaatada dhextaal haweenka iyo raga ma aha oo kaliya mid ku saabsan dilid ama madax laga garaaco ee wey ka balaadhan tahay oo anigu haddii aan soo gaabsho waxay iila muuqataa sidan: * Isbadal ku yimid kaalintii ay raga iyo dumarku kaga jireen bulshadeeni markii aynu joogney wadankeenii, ROLES OF OUR SOCIETY IS CHANGING DRAMATICALLY AND NOT MANY OF US ARE AWARE OF THAT!!!!!!!!!!!!!!!. 1, Nimankii shaqo tagi jirey oo lacagta soo shaqeyn jiery waxaa badelay caydh la qaato,taas oo keentay in aan ninkii wax masruuf ah laga sugin,arrintaasina waa ta madaxa u ah is qadarin la'aanta iyo kala danbeyna la'aanta ka jirta reero badan. 2, Gabadhii joogi jirtey gurigana dani ma ay dhigin oo waxbarasho iyo shaqo ayey u baxdaa taasin waxay keentay buuq badan. 3, Arrinta kale ee keentay ama dhalisey burbur iyo kala tag badana waa Jaad/qaad, marar badan waxaa dhacda in ninka jaadka cunaa aanu soo hoyan aanu ka warhayn reerkiisii iyo carruurtiisii, balse mafrashku u yahay hoy qaali ah oo lama huraana. 4. Dumar badan oo qalad ka fahmey qurbahana way joogaan, hadey tahay freedom,single mother oo ay moodeen sharaf iyo liberation,999,iyo in badan oo ku dooda miyuu i biiliyaa ninkani, oo runtii khaladaad badan fahamsan haday cilmi yaraan tahay, caqli yaraan ama diin yariba. 5, Waddaadada oo iyaguna khalad ka fahmey diinta iyo sida loola dhaqmo dumarka, oo runtii keentay furitaan badan, koox ayaga kamid ah oo jaahiliin ah, waxay ku doodaan diintu in ay gabadhu wax barato uma ogala, in ay shaqaysato iyo in ay baxdana iskadaaba waa caasiyad tasidaa sameysaana, intaas waxaa u sii dheer iyaga oo guursada gabadh labaad iyada oo carruurtoodii hareba gaalo u biiliso. 6, Dhibaato aan yareynina waxay ka dhacdaa reerihii wadankii jirey iyo sidii loo caawin lahaa. 7, Sidaan markii horeba sheegay iyada oo aynu aragno in uu isbadaley (Gender role)oo loo baahanyahay in wax la wada qabsado oo haddii aaney gabadhi karin raashin ama dhaqin weel in uu ninku qabto, taas waxay dhalisey cultural crush, ninkiina waxa uu rabaa in uu noqdo marti muhim ah maalin kasta. 8, Waxaa aad isku guursada dadbadan oo background kala duwan ka yimid, taas kama wado in aynu kala qiimo badanhay ama class system aynu lahayn, balse dhaqanka, diinta iyo waxbarashdu waa muhim in labada qof meel kawada joogaan, waxyaalo badana isku si u arkaan ayna isku waafaqaan sidii ay u wada noolaan lahaayeen. 9, Waxaan ku soo gabagabeynayaa, Soomaali baynu wada nahay hal luqad leh hadana ma wadahadalno mana wada tashano reerka dantiisana lagama wada xaajoodo oo qof uun baa talada reerka hogaan adag ku heysta(Lack of communication and compromising) Walaal kama hadlayo dhamaan ee waxaan ka hadlayaa inta badan iyo aalaaba. Haddii aan khaldamey Illaahey ha ii danbi dhaafo, waxay ila tahay in aynu aad u eegno guryaheenii soomaaliyadeed oo badanaaba burburay ama qarka u saaran burbur. Waxaanan leeyahay Illaah ha ina wada hadeeyo dhibaatadana ha inaga kor qaado. IAM CONCLUDING: IS THE SOMALI FAMILY FACING NEW CHALLENGES OR FALLING APART? SALAAM
|
| | Unrecorded Date Samsam, points well made sis. I agree with what you wrote. Families in the West are faced with the challenges of living in an alien culture, and if we as society don't reassess what is happening to our community; the notion that Somalis are people of one language, one relgion and one culture will disappear in a short period of time. We have to revist our values, we have to be aware that the culture of the majority has the potential to annihilate the intrinsic identity of Somali children. That is what happens when families fail in their reponsibilites to each other. People, ask yourself, "is the quality and wellbeing of the next generation of Somalis my responsibilty??" If the answer is yes, then do your part. If the answer is no, then keep chilling, and tell us about the grand finale:)
|
| | Unrecorded Date waxaan ku rayi samsam sababtoo ah waxaa umaleynyaa in ninwalba uu jecel yahay inuu ka sootooso guri qurux badan laakiin inta aadan dhisin guriga aad galeyso kafiirso qofka aad rabto in aad guri laga sho.sababtoo ah waxaan baaris ku sameeyey guurka soomaalida ee waqtigan xaadirka wuxuu ku saleysanyahay horta wiilkan isku qabiil matihiin ama gabadhan iskuqabiilmatihiin ee uusana ahayn ka helid iyo jeceyl waxaan umalaynayaa dadku in ay kala masakax duwanyihiin ama isku si wax ufahmin marka soomaalidu waxay dhahdaa inta aadan falin kafiirso marka inta aadan guursan kafiirso qofka aad rabto in aad is guursataan
|
| | Unrecorded Date Anonymous: I think you misuderstood Samsam's point. I don't think she singled out the "men" in her argument but rather pointed out the fact that both men and women have lost touch with the diferent roles that they should play in building a family. Samsam, good points sister and I couldn't agree with you more. Peace
|
| | Unrecorded Date Asalaamu caleykum To; Anon Walaal run ahaan maan ka hadal raga oo kaliya sida walalkeen Saadiq kuu sheegay balse rag iyo dumarba in looga baahan yahy isfahan, kafiirsasho iyo in la arko xaqiiqdu waxa ay tahay lana ogaado sirtu halka ay ka qurunsantahay, iyo inaan joogno qurbe waxyaalo badana is badaleen. Balse ta doorashada, waa arrin muhim ah in qof waliba ka fiirsado meesha uu rabo in uu ku dhameysto inta cimrigiisa ka hartey oo aan ciyaar aheyn, balse inoo hogaamineysa aakhiro jano iyo cadaab. Arrinta qabiilku ma aha muhim, balse in waxyaalo badan la isaga mid yahay, sida in meel waxlaga wada arko iyo in isku mowqif layahay. Rabi ha inoo gargaaro.
|
| | Unrecorded Date Samsam, again, very well said. I bet you are already taken .....who ever got you is one lucky brother!!!! If not, drop me a line and we can establish an online romance! saadeq@hotmail.com
|
| | Unrecorded Date From: Raaxeeye Burcaawi Akhyaartiinnan wanaagsane' Sidii Geel olol-reenka Intuu Hawd u amuumay Ceelashii lagu aadshiyo Haradii ka asqooboo Hadba kaynta israacsan Oodihii dhexjibaaxay Waydinkaa asaraarka Muran eedi eryayso Alif wawga duqeeyay Isu eebo safaystee Inyar kaadsha dagaalka Inkasta oo xaruntan ay iiga muuqata ifafaalihii beri lagaga dhaqmijiray ardaagii qadiimiga ahaa ee la-odhanjiray Soc.culture.somalia waxa ii dhadhantay in doodda iyo dulundulcada sheeko ee golahan ka socotaa yihiin dar sidii "Godka"(Soc.culture.somalia) jarka kala-boodi-kara inta dulsaaran......... Haddaan dildillaaciyo warkayga oo jidhifta iyo diirkaba kasiibo.......... Quduro: Waaryaa wiilka Bulqaasa maxaa boobka haweenka, barqaweerarka jooga, baroorta hablihiinna, budhka uun degta saaran, madfacaa burhamaaya, rasaastaa bilistiinna, badheedh loola dhacaayo, barashadeed ku fasheen? Miyaydaan basar khayr leh, bini'aadam sidii, wixii beydka dhexyaalla, u badbaadsan aqoon? Bahalayow dhiigga ku naaxay, ragyow beegsanna waayay, khayrkoodaa cirka baantee, baadhanaaya haweenkow, orda oo isbireeya!!! isbireeya!! isbireeya, beysteynaaba tihiinne' Qarjiidh: Qudurooy magacaa'be, boobku waa noloshaannu, beryahaaba ku naaxnay, haddaanaan dumar baadhan, ama beedka islaanta, uga buuxa sambiilka, kolba qaar lala boodin, ama jiingad la baacsan, ama buushka kuraasta, duhurkii la bidhaansan, ma nolol baaba kacaysa? Horaa looga maahmaahay oo loo yidhi habar-fadhida legdini wax uga fudud. Waxay tidhi dadka ha baadhanina, duniba waxkama oga............. Goray Sheedda Jooga: hooy!!! hooy!!! Alla isla-yaaba, maxaa ku hadlaysaan, isna wuxuu baadhaa haweenka, iyana, iyana, iyana, iyadu awel maxay samaysay???????? Jiqiiiiqq....qaaqqq.....ka-rida, ka-reeba..dhug dhug....yaa ku yidhi Mooryaanka wax-ka-sheeg?
|
| | Unrecorded Date To: Raaxeeya Burcaawi Waar adna xagaad ka timid, sidii daadkii xaabaale ayaad daf na soo tidhi, meeshan dood iyo shukaansi ayaa lagu hayaaye, bal yara naso oo shaah xawaash leh oo kii Burco ah cab, markaasaad garaneysaa meesha laga hadlayo. Takale meeshan yaa Burco ka yaqaan. Waar ma intaasaad ka taqaanaa shukaansiga!!!!!!!!!!!!!!!! Ha cadhoodhan xabiibi.
|
| | Unrecorded Date Jawaab: Marwo idil Shukaansigu waa Hindiye Anigu haasawahaan Hoheey idileey aqaan Yaa salaam, waxay tidhi gabadhii ama gabadh iska-yeeshii(Illayn meeshu waa god baasoo haddaad doonto gabadhba matihide:-) ma-intaasaad shukaansiga ka taqaannaa? Qaali shukaansigu waa afshisheeye..... Waxay marlabaad ku celisay Burco halkan lagama-yaqaan. Waxaan filayaa malaha adigaan aqoonne Burco waa la-yaqaannaa, intaan aqoonna waa la-barayaa ? Burco-na waa heego roob Hibiyo waa sharaf dahsoon Ugu dambayna miyuu gacalo afSoomaaligu kugu adagyahay? mise dacalka aad adduunka kaga nooshahay ayaa "Ha cadhaadhan" lagaga hadlaa :-) Malaha waan kugu talaxtegaye ha-diirin macaan :-) Raaxeeye Burcaawi
|
| | Unrecorded Date Raaxeeye burcaawi lololololololololololololo
|
| | Unrecorded Date loolooloolooloolooloolollol Raaxeeye Burcaawiyoow
|
| | Unrecorded Date TO WFB WARYAA XOOLO BAAD TAHAY WALBO HADAAD GABAR SOOMAALIYEED CIIL UQOBTO XOOGAA WAA LAKHARSADAA EE LAMA MUUJIYO MAGABAR SOOMALIYEEDBAA KUGU SOO DAADISAY MISE WAA HELILA'ADAHAY, HEEY BEHAIVE YOUR SELF OR GET LOST WITH OTHERS. YAAREYTNII HASHUUFAK KUNTA CAMALTILAK XAAGA WAXSHA MAFHUUM YAA AHBAL MAACINDAKSH DAMIIR EE KHALIIK SHUWAYAT SHAKHSAYA OK!
|
| | Unrecorded Date raaxeeye burcaawiyow saaxiib raga lama xasdee gacan baan kuu taagay iyo sadexdayda lugood lol@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
|
| | Unrecorded Date raaxeeye burcaawiyow saaxiib raga lama xasdee gacan baan kuu taagay iyo sadexdayda lugood lol@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
|
| | Unrecorded Date adna maxaa isku taagee? mise lug kale aa kuu qarsoon gacmo socod camal?
|
| | Unrecorded Date Alla Hayaay nin weliba ceesaantii ceel keen Anna wey kane bal ila eega Horta inanta Sam-Sam ah Salaan diiran oo kal iyo laab ah iga hoo anoo kuugu hanbalyeynaya wax garadnimadaada jecelna inaad halkaa ka sii wado tusaaleynta iyo wanaag sheegaba. Waxaad Moodaa in aragtideydii ay Samsam dhamaysay, dee iyadaaba tidhiye maxaan anna ka odhan. Waar Burcaawiyoow inanta Idila Wax ula hadh... waadigaaba kabahii kala haraye :-) Nabaadiino.
|
| | Unrecorded Date to;;hebal waa hebalaw ninka sadexle ah mala wuu is hilmaamay sowkan wixii uulahaaba wadataagay,malaha waa han Qaraarac isagaan waxba udhutin,,,,,,,,,,, bye DHIIN
|
| | Unrecorded Date LOL@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@ hayaaay rageedii dhiin
|