We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 03:23 pm QAAFLEEY- (Dardaaran) Suugaantan waxaa curiyay Axmed-Assad M. Mohmoud, Ahmedy98@yahoo.com. Wuxuu Ahmed ka tiiranyaysan yahay xaalada masiibo ee ku habsatay wadankiisa hooyo, isaga oo ilmaynaya wuxuu yidhi!!! ----------- Qalad looma heesooo Cidla lagama Qayshoo Bacad lama QarQoortoo Qolqol lagama tookhoo Qayd-xun lama hilaabtee Aan Qeexo dulucdee Qac mar'aan ka-siiyee Qunyar ii dhagaytoo Ila Qaada maansada! ******** Qaaliyaloow walaalahayoow Gabdhaha wada Qurxoonoow Qadarinta nimanka yeeshoow Odayada Qadiimkoooooooow Barbaar wada Qaroortaaaaaay! ************ Baryahan waan Qalawsadaa Qulub iyo walaac baygu furan Quuqloow tuke baygu ciyay Qaloombi-baa iga agbaxay Qamuunyaa ila gudboon Qoonkaygii baa dayacan Qaab-li'-doodaan arkaa Iyagoo Qufacaaya-oooooo Qaawan-oo ada mudug-ah Quud aan helin lagu afuro Ayay is Qabiidiyaan Qoryha isku baacsadaan Qabiilo isu laynayaan Qudhana iska goynayaan! ********** Walaalahay Qaaliyow Qarniga halbaa labada dheer Qoomiyadii kale naga-hormare Cirkay kala Qaybsadaan Samaday ka Qadhaabsadaan Dayaxay Qooraansadaan Qalabkay kala dhaafsadaan Qorshay wada leeyihiin Qubulo-dooriyha suntiyo Qiiqaa baabuurta-iyo Qashinka neyukleerka bay Qiil iyo xal u raadsadaan! ************** Walaalahay Qaaliyow Quruumaha hore u maray Quwadaha way wada dhistaan Qarashaadka way wada baxshaan Qoon isku mid ah bay yihiin Inana ways Qalanaynaa Sidii bisad Qabatay jiir Qudhaan iska goyanaynaa Qalbiga wayska tooganaa Alllow na Qaboojiyooo Qaadirow nabad wacan nasii Intaan doontu nala Qarqoon! ************** Walaalahay Qaaliyooow Qaybteenaa wada dega-ah Qodk-iyo udubka isku mida Qal-iyo labadiisa daan Qiyaamada layla helay Qo-Qobkaa lagu wado tolkeen Qarankii markaan milicsadaba Qalbiga jeex bay dumoo Qark-iyo wadnahaa i go'a Qiiraa ilmadu iga Quban!!!! !!!!!! Markaan Qooraansadee! ************* Walaalahay Qaaliyooooooow Inkastoo Qalad lagula kacay Qadhadhootida reer Togdheer Amaba Qaybtaa Barbara Qoolcaday iyo badarwanaag Qurux-badanow ceel afwayn Hargaysada Qaabka wacan Qumbulad nacas lala hubsaday Qudhmuun guulwade'i dilay Qirayo inay dhiidhiyeeeeeeen Qamaamiir iyo gob-yiiiiiin Qadarin wada mudan yihiin Quruxda nasab leeyihiiiiin Qoortiyo beerkayga-yiin! Qolkiyo barsadaa lakala jari Marnaba Qaadan maayo gacal Inaan kala Qaybineeeeeeee Qaranimadeenaa ka weyn Wixii Qaladaad dhaceee Waa inaan wada Qaalibnaa Masuul Quman beegsanaa Illaahoow noo Qaleeee Adaa wayne nala Qorshee Xumaan baan wada Qodnoo Qushaash baan wada fadhnee! ************* Walaalahay Qaaliyoooooow Intaan doontu nala Qarqoon U quusin sidii yaxaas Qubada kuusan iyo kaluun Wax wayn baa naga Qaldane Waxuun baan Qaban karnaa Aan Qaadno talaabo adag Qaayibno samahiyo wanaag Qumino xeer iyo Dastuur Hooyada Qiimayno-ooo Caruuraha aan Qancino Ragoow Quus baad tahee!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 04:50 pm heey guy whts wrong wt yo! I cant read somali but it sounds that you are Ethiopian. hahahahahahah Shooter
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 10:31 am war hayaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaay, waar ninkani ma hadraawi oo isu keen yeelyeelayaa tolow, mise waa sangub oo magac kale inoo soo qatay? Dear bro, waxaan maqli jiray Siinleey sanadihii 1970s kii oo ay ka qayb qaadan jireen, Mu alifiintii waawaynayd ee xiligaa jirtay, sida Hadraawi, Abdiqays, Sangub, Siciid Saalax marka ma iyagii baad mid ka mid ah tahay bro? Geerarkani qalbiga ayuu ii safeeyay waayo anigu waxaan ku dhashay magaalada Ceel Afwayn ee aad amaantay marka kolay isaaq ma tihide ma Dhulkaad tahay mise Warsan gali waadiga leh qaybteenaa wada daga ahe? waxaan u malaynayaa inaad tahay reer Cerigaabo. ! ************* Walaalahay Qaaliyooooooow Inkastoo Qalad lagula kacay Qadhadhootida reer Togdheer Amaba Qaybtaa Barbara Qoolcaday iyo badarwanaag Qurux-badanow ceel afwayn Hargaysada Qaabka wacan Qumbulad nacas lala hubsaday Qudhmuun guulwade'i dilay Qirayo inay dhiidhiyeeeeeeen Qamaamiir iyo gob-yiiiiiin Qadarin wada mudan yihiin Quruxda nasab leeyihiiiiin Qoortiyo beerkayga-yiin! Waar horta nin gob ah baad tahay cidaad doonataba ahowoo hadaad intaas oo dhan duriyada u qirtay gabadh baa ku dhashay, laakiin dee abti faqashtii aan laadka kaga saarnay dhulka SomaliLand haygu soo celin. Illaahay baa kuwaa goor roon naga gooyay oo dhulkaygii barwaaqadaa gobo gobo gobo leh. ma waxuushtan xamar isku cunaysaad igu celin lahayd. Sidaad u sheegtay Qaybeenaa wada daga ah isu keen keen abti inagaa isku af, iyo dhaqan ahoo gabadh iyo inan baa ina kala dhalaye inaga daa gudhuuda iyo faqashta iyo walawaynta dee. Marka ay wax hagaagaan calaloow calalkariim laakin Faqashta iyo Hawiye dabamadoobe iyo maymay toona waxba ku darsan mayno
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 10:40 am shooter what is wrong with you nigger, this guy is no Ethiopian. Cant you read Somali take your f**cking nigger ass to Somali classes SOMALI AS A SECOND LANGUAGE aka SSL. This Somali poet is talking about unity, love, peace, respecting one another, helping mothers and children, reconstruction of our lovely land, brining Somali notherners on board extra extra, what hell is wrong with that? you are iether too dumb or somali illitrate to call him Xabashi.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 11:46 am Ahmed Thank you very much, this poem is for Somalis of yesterday, today, tomorrow and forever, hats off for you bro. love you brotha
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 12:02 pm a masterpiece man. you are totally unique bro because you have different,but optamistic view of the north-south dilema. while you remind us the brutality the southerners used to supres the north, you still emphasise the importance of reconciliation and the need to end the plight of our ppl. your masterpiece is well appreciated. iam really moved bro. keep up the good work. peace
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 12:54 pm Waxaa ilaahay mahadiis ah in nin adiga oo kale ku jiro aftahanada soomaliyeed oo wali ka talinaya samaha iyo wanaaga sida uu u sheegay sheekh abdi. Walaalkay soomaliyeedoow aad ayaan ugu diirsaday gabaygan qiirada iyo wadaninimada leh ee aad ugu deeqday bulshada soomaliyeed. waxaan ilaahay ka baryayaa inuu wadanimada kugu jirta ka dhigo mid ay ubakaaga iyo kawa soomalieedba ka faaiidaan. waxaan adigana kuu rajaynaayaa raxariis jano iyo nolol wanaagsan if iyo aakhiraba Waligaa noo soo daa gabayda xigmada leh
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 08, 2001 - 03:23 pm Yaska, Well, well, well I really hate to bad mouth anyone but you are not hot shot babe. I didn't tell the guy that he was Habash but anyone which I don't understand his language is Ethiopian..lol if you know what I am talking about. Anywayz if the guy is talking about all the things U mentioned I salute him dearly.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 09, 2001 - 04:07 pm Asalaamu Calaykum; Waxaan salaan dabacsan oo ka soo burqatay qalabigayga u hibaynayaa dhamaan walaalaha sida sharafta leh uga hadlay suugaanta ee mahad ilaahay baa lehe ii mahad celiyay, khaasatan, Odaybiiqay, Yaska,Annon, Sheekh Abdi, iyo Nasro. Oday Biiqay, Saaxiib salaan ka dib,Horta aad baan ugu qoslay shaandhayntaadii aadbaana u jecelahay magaalada ceel afwayn waa meel qurux badan. Saaxiib ma ihi reer ceerigaabo laakiin kama fagi. Hadii aan u soo noqdo dadka aad ku sheegtay "Hawiye Dabamadoobe, Faqash iyo Walawayn" walaalo marka hore waxaad garawsataa inay leeyihiin sheekh iyo shariif iyo Shar iyo Shaydaamiin labadaba. Dadka waxaa ku jira mid barakaysan iyo nacdalan marka ma haboona in loogu yeedho magacyo qalafsan. Mideedakale, waxaan kuu hubaa inaan Daarood/Hawiye/Digil & Mirifle meel inta ay ku shireen Isaaq ugu heshiiyeen aanay jirin. Waxkasta oo qalad loo gaystay shacbiga barakaysan ee reer Sh.Isaxaaq looma eedayn karo Hawiye/Daarood/DM/Dir iyo cidkale toona oo aan ka ahayn Maxamed siyaad iyo gulwadayaashiisii dhiigyacabiinta ahaa. Walaal, waxaan kaa baryayaa inaadan dhiiri galin kala qaybsanaan iyo kala qoqobnaan shacbiga la kala kaxeeyo. Waxaan hubaa inay walaalaha Somaliyeed is jecel yihiin ee ay isku diraan Dhiigayacabyo xinjiro-dhuuq ahi. Shooter. Walaal xabashi ma ihi waxaan habeen iyo maalinba ilaaha awooda leh ugu shugriyaa inuu iga dhaliyay dad nasab ah oo daga geeska afrika oo magacooda goor gabow iyo meel perfume lagu buufiyay lagu soo qaadye la yidhaahdo Somaali-Sharaf. Walaalkiin Ahmed
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 09, 2001 - 08:55 pm MAAAAAAAN AHMED WELL SAID BRO I DON'T KNOW WHAT TO SAY TO YOU BUT YOU ARE TRUE SOMALI WITH BRAINS.NEVER KNEW SOMEONE LIKE U WAS OUT THERE OTHER THAN THOSE SHAMELESS HUSKIES THAT SAY THE OPPOSITE U SAID ANYWAYZ MAY I SAY BARAKALLAH AND GOD BLESS YA! WASALAAMU CALEEYKUM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 10, 2001 - 01:05 pm Ahmed, You are the man bro. Ceel afwayn saaxiib nata ayaan u huraa waa magaaaldaydii marka amaanteda waad ku mahadsan tahay. Horta aniga laftigaygu kama helo qabyaalada waana kugu raacsanahay inaan la kala goynin wadanka oo waxii la soo dhaafay layska cafiyo, laakiin ma nin aan waxba haysanin oo mooryaan ah ayaynu ku darsanaa dawlada dhan ee inoo dhisan ee aynu 20 sano u soo halgamaynay?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 10, 2001 - 04:44 pm Ahmed You are true somalian I really liked your poem Never mind those guys who never appreciated what other peepz done. You are really talented and we need ppl like you to be around us regardless what other guys say, keep your head up and do your thing bro.. Nabadeey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 15, 2001 - 12:18 am Asalaamu Calaykum, Hotgirl, iyo Dhoore, Walaalayaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida qalbi samaanta iyo sharaftu ka muuqato ee adigana Somalinimadu kaaga dhab tahay, Waxaan aaminsanahay in dadka Soomaliyed ay yihiin dad nasab ah oo aad u qiimo badan markay helaan hogaamiyeyaal wax garad ah. Aabahay ayaa maalin dhawayd ka sheekaysanay gabar yar oo aanu qaraabo nahay, waxaa ka cabanaysay hooyadeed oo dhahday waa mid dhib badan oo lama edbin karo(5 sano ayay jirtaa) marka wuxuu waydiiyay gabadha yar hooyadeed in ay waligeed TV ka daawatay niman Hindi ah oo tababara maska khatarta ah ee Cobra loo yaqaano, waxay ku jawaabtay haa, oo waxayba aragtay niman intay taba bareen afka ka dhunkanaya maska dilaaga ah, mmh, marka wuxuu yidhi hadii mas cobra ah la rabayn karo waa khasab in qof kasta oo dhib badana la rabayn karo, laakiin wuxuu u baahan yahay qof samir iyo dulqaad leh inuu rabeeyo. Hada, anigana waxaan aaminsanahay in Somalida la rabayn karo haday hesho Hogaamiyayaal Ilaahay Yaqaana oo daacad ah, Qalbi fayoow leh, Cilmi leh, Qabyaalada ka fog, Caadil ah, wax garad ah, etc. Walaal Odaybiiqay, Salaan qaali ah oo dabacsan ka dib, ra'yiga aad sheegtay intiisa badan waxaan u arkaa mid macquul ah, hadii aan ka jawaabo su'aashaadii ahayd in meel burburtay wax lagu darsan karo, Jawaabtu walaal waa hadii ay burbursan tahay way inaga wada burbursan tahay oo cidna lagu eegi maayo ee waa inaan wada dhisnaa, Ma lihi hada iyadoo koonfur is dilayso halaysku daro, laakiin waxaan aaminsanahay in loo sii diyaar garoobo oo guntiga dhiisha uga dhigano sidii aynu koonfur u caawin lahayn waa walaalaheene, mida kale, waa inaynu iska ilownaa inaan wadankeena u horseedna burbur hor leh iyo kala go'id macno daro ah. Khayrbaan isku ognahay akhyaarta iyo marwooyinka sharafta iyo xiisaha lehoow! Waa Walaalkiin
|