    SKMDhKB | Friday, April 13, 2001 - 01:21 pm Soomaalidu ma midgihii adduunyadaa! Waan ka xumahay inaan sidaas iraahdo, balse waxaa igu kalifey waxaan laga maagan karin. Meel kasta oo aad adduunka tagtid, dadka ku nooli waxay ka siman yihiin jaceyl iyo xamaasadey u qabaan dalkooda, dadkooda(si kastaba ha ula duwanaadeen)iyo milladdooda. Dadkaasi waxay qabaan dareen aan u ogolaaneyn inay cid kale kala sheekeystaan xumaanta iyo dhaliilaha ummadahooda iyo qaramadooda. Waxay kaloo jecel yihiin luuqadooda, oo wey ka faanaan inay luuqad kale ku hadlaan, haddaan dani uga xirmin. Balse markaad u timaadid arrinta Soomaalida, waa mid ka gadisan middaas hore, oo waxay ugu necebyihiin dalkooda, dadkooda iyo luuqadooda. Waxaa tusaale cad noo ah: Fiiri boggan oo kaliya cinwaanada ku qoran, afkee ama luuqadee bey ku qoran yihiin? Balse eeg macnahooda, ma ka muuqdaa dhaqan Soomaaliyeed? Yaase is oran kara waxaa qorey intii wax baratey ummadda, waayo daraasad aan sameeyey waxaan ku ogaadey dadka wax soo qora 95% inay dhigtaan ama ka baxeen kuleejooyinka ama qaarkood ugu yaraan ka baxeen dugsi sare waqti hore. Haddaba xaggee wax ka jiraan, annigu yaabaye??? Ereybixin: kalmadda "midgihii" waxaan ula jeeda: kuwa liita, laga tagey, wax aan isku faleyn, laga rajo beeley, hoomo, sharatooda inkirsan, wah iyo waxba ah, magac u jir oo kaliye. Mar kale baan ka xumahay inaan sidaas iraahdo, balse waa haddii jawaab la iihelo. Waad Mahadsan tihiin, igana raali ahaada dhammaantiinba. Qore: Soomaaligii kal iyo mooye dhexdood ku baryey |