We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Unrecorded Date Asalaamu Caleeykum bro/sis. Waxaa ila soo gudboonaatay arin aad igula adkaatay oo aan jeclaaday in aan u soo gudbiyo walaalaheeyga Soomaaliyeed meel walbooy joogaanba. * * * * * * * * * * * * * Waxaan ku noolahay magaalo ka tirsan dalka Austaralia,waxaan is baraney qoys Somali ah,si aad ah ayaan isu dhexgalnay reerkaas asaga ah,waxaa jirta gabar ay dhaleen reerka oo aan si xad-dhaaf ah oo walaaltinimo aan isugu fiicanahay. Runtii waan jeclahay gabarta guur xalaal ah ayaana ka rabaa laakiinse ma garanaayo sidaan ugu sheegi lahaa arintaa ayada ah,"micnaha si aad ah ayaan isku xishmeeynaa". waxaa kaloo jirta in aan si aad ah isugu fiicanahay Aabaheed iyo Hooyadeed iyo walaalaheedba,aabaheed waqi walba waan sheekeysanaa,Hooyadeedna mar walba waxay jeceshahay in aan gurigooda joogo. Waxaa wareer iga heystaa sidii aan gabadha ugu sheegi lahaa arintan ayada ah. Iyo sidii hadii ay gabadha soo dhaafto arinta aan waalidka ugu sheegi lahaa. Fadlan wixii talo iyo waano ah waad ku mahadsan tihiin walaalayaasheeyda qaaliga ah.
|
| | Unrecorded Date Salaama Calaykum Walaal Yoonis. Horta waa mide waxaa jirta in hablaha qaarkood haddii aadan ka gaadhsiin shukaansiga markiiba, aay kuu arki doonaan inaad walaal oo kale aad u tahay, kuna adkaato inay si kale kuu eegaan, kuu arkaan ama kuula dhaqmaan. Waa mida labaade: Xaga waalidka inaad ka dhisan tahay waan arkaa waxaana laga yaabaa in waalidku ka dhaadhacsiin karaan inanta in ay wakhti ku siiso ama kuuna soo jeedsato. (Badanaa Taasi weey adagtahay kuma taliyeena). Aan labo mid ku iraahdo eh: 1) Horta inta kaa lumi doonta haddaad is biimayso waxse suurto geli waayaan, waa in badan. 2) hadayse suurto galaan waa xoolahaaga xoolo halaguugu daro. Markaa bal is barbar dhig oo tali. jacaylka aad jeceshahay inanta mala tawakali karaa Yoonis Xaaji? Haday Haa tahay jawaabtu: Waxaad samaysaa; Adoon iswaalin, jiniyana isku rdin; Habluhu waa aqli iyo fikrad miirane, intaad inanta kaxayso oo bahal casho ah ka dhergiso iyo maastikadii khorfaha lahayd, oo weliba filinna geyso, hal su'aal ah oo qudha ah weeydii, oo su'aashaa oo keliya ah ku dhaaf su'aalaha, hana ku celcelin su'aalaha ( Xitaa haday kaa aamusto oo aayan jawaabin ha weeydiin) Habluhu weey neceb yihiin raga su'aalaha ku celceliya, waxay ku moodayaan inaad isleedahay weey dhego la'dahay inanta eh. iyada ayaa inta kale buux-buuxsan doonta. Waxaad tidhaah: Heblaayo sidee baad ii aragtaa? Mase u malaynaysaa inay wax iigu kaa abuurmi karaan? Maxayse kuula ahaan lahayd haddii aanu........ Intaa hadalka ku jooji oo kalmad kale ha u raacin. Haday ku tidhaah waan kasoo fakari doonaa iska dhaaf waxba inanta ha cadibine waxaad tidhaah OK mar danbena afkaaga yaanan waxaasoo kale laga maqlin. balan baan kaaga qaaday iyadoo dhakafaarsan inay kaa tagto. Habluhuna marka ay dhakafaaraan waa inoo ayaan iyo cawadeena. Xaga waalidka marnaba lagama wareego. Habluhu weey ka didaan oo giigaan raga gacandhaafka yaqaan. Nala soo socodsii sida ay arintu ku danbeeyso Xalwadana ha qarsan saaxiib yaanan Somalinet kaa ashkateene. Nasiib wanaagsan saaxiib. Salaama. Faalka Xaaji.
|
| | Unrecorded Date younis, u sheeg gabadha, waxaad tirsanayso, haddii ay ku ogolaato, waalidkeeda gaadhsii, haddii aadan intaa samayn karayn, hayska ahaato walaashaa ee indhaha uun ku eeg. maxaanu kale ee aanu ku odhan lahayn.
|
| | Unrecorded Date good luck. yonis i couldn't say much better what faalgurey say to u.
|
| | Unrecorded Date to yoonis Walaal Asaamu calaykum waraxmatulaaahi wabarkatu Salaan kadib, arinta ku haysataa ma aha arint Ugub ama mid aad adigu ugu hareysay , marka anigu waxaan kugula talin lahaa in aad gabadha arintaada u sheegatid maxaa yeelay gabadh kasta waxa ay ku fakartaa nin taasna daliil xadiis ah ayaan u hayaa oo ah "Nabiga csw waxa uu yiri dumarka waxaa laga abuuray nin hamigeeda oo dhamina waa nin, ragana waxaa laga abuuray dhoobo hammigiisa oo dhamina waa dhoobo oo macnaheedu yahay in uu wax tabco" Marka saaxiib haddii aysan jirin arimo kale oo ay arintu tahay inta qoraalka ku qoran anigu waxan qabaa arintu waa ay sahlan tahay,maxaa yeelay adiga Yoonis ah uguma aadan horeyn gabar wiil ku daadiso, Marka arintaadu waxa ay ku xiran tahay hadba sida aad gabadha hadalka ugu gudbisid Ugu dambaytii waxaad ogaataa in laga yaabaa in ay adiga kaa daran tahay ee aysan garanayn dariiqadii ay kuugu gudbin lahayd, Waxaadna iska dhaadhicisaa in gabdhaas nin uun uu guursanahayo haddii aad sii noolaataan , adigaana xaflada lagaaga yeeri doono,marka anigu waxan hadalkii ku soo gababaynayaa "gurigaaga yaan lagaa marti qaadin"
|
| | Unrecorded Date To. Yonis Walaalkiis, horta walaalahay si fiican ayeey kuula tasheen qayr Allaha siiyee...intaa dabadeed. Yonis maxuma inaad wax jeclaato, laakiin su'aal ayaa wali halkaa ka taagan! Gabadha iyada maxaad ka dareentay ? qof hadii uu wax jeclaado waa in uu isagana signal ka helo qofka uu jecel yahay. Hadaba gabadha laftirkeedu maku jeceshahaad umalayn ? Waxaan qiyaasayaa in aad tahay nin reer magaal ah, kalana garanaya hadba meeshu ay doontu usocoto. Waxaan ku dhihi lahaa inta aad aduun qaribin gabadha iska hubi in ay ku tuseeyso jacayl "saaxiibnimo". Waxaa ugu daran in uu meeshaa is af-fahan ka dhoco, oo gabadha ay kuu jeceshahay walaaltinimo. Calaa & xaal intaadan wax kale samayn hubso gabadha dhinaca ay kuu jeceshahay walaaltinimo ama saaxibtinimo, markaas dabadeed ayeey adarees leedahay. Inta aad qof kale ama waalidkeed usheegina iyada usheeg jacaylkaada, haa hadeey ku tiraahna...dee waa intii la rabay, maya hadeey tiraahna, waxaad ku tiraahda " bartaa bar Alla ah ku dami sheekada" ama waxaad tiraahdaa waan kula kaftamayey. Ugoowna gar rag kama wada qosliso, hadeey ku yeesho waxaa lagayaabaa in aad la kulanto mucaarad reerkooda ah, waxaadna maqli ereyo badan oo kamid yihiin " kii xumaa oo guriga ka qadayn jiray ma maqasheen wuxuu sameeyey" ?- "soo dhawayntii aa uga dartay, nin fiican aan umalaynaynay iwm. iwm. iwm." Ugu danbayntii waxaan kuu rajaynayaa guul. G***
|
| | Unrecorded Date TO: Y Runtii waa fii cantahay inaad dadka latashato (muslimiinta) dadkuna talo fiican ayay kusiiyeen. waxaan ku oran lahaa meel waxaa jirta wax kastoo kuguyimaada loola noqdo,oo maxay tahay? diinta! oo see ulanoqdaa arrintaan? waxaa fiirisaa CALIYYI IBNU-ABIIDHAALIB siduu uguursady gabadhii nabiga. maxaa yeelay nabigu aad buu cali ujeclaa waana uu ku guulaystay asagaa tusaale kuugu filan. mise casrigaas lama joogo hadda? runtii waa adiga iyo siday kuu anfacdo. diintu adaa kunooleiyadu kuguma noola. GABADHAAS HADDII KHAYR KUUGU JIRO ALLAHA KUU SAKHIRO.
|
| | Unrecorded Date WAAR INDHO LAGA BAQAA ALLAAH AYAY KU YALLAANE INANTA ARRINTAADA U SHEEGO YOONIS KOLLEY NINBAA AFKA U DHIGAN LAHAAYE AFKA UDHIGO ADIGU WAX WALBA KAHOR, HADDII KALE INTA LA SOO DOONO ADIGOO TAAGAN HALLAGUGU DUL GUURSADA HADHOWNA HALLAGA MAQLO SHEEKADAADA SUUQA!!! WAAR DHAQAAQOO IS MAAMUL CALOL ADAYG WAA ILAAHAY WEHELKIIYE. GUUL AYAAN KUU RAJEYNAYAA OGOWNA INTAADAN INANTA LAHADDLLIN TUKO SALAADDA ISTIKHAARADA LAYI DHAAHO HADDII AADAN AQOON RAGGA IYO HABLLAHA CULIMADDA AH EE MEESHA KUGULA NOOL WEYDII. WAXAAN SIDA AAN WEDKAYGA UHUBO U HUBAA INAY SALAADAASI KU CAAWINAYSO ILAAHAY IDANKII. GUUL AYAAN ALLAAHA MACBUUDKA AH EE XAQA AH KAAGA REJEYNAYAA. TALO: HADDII ALLAAH GACANTA KUU SOO GELIYO INANTA WAXII XAQA EE ALLAAH KUGU WAAJIBIYEY SI CADDAALADA UGUDO INTAAD LA NOOSHAHAY ADDUUNKA. SALAAMU CALEYKUM WARRAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.
|
| | Unrecorded Date ASAKAAMA CALAYKUM Marka hore waad salaamantihiin salaan ka dib aniga waxay iila muuqataa in aan la waalin wiilkan. Walaalkiis waxaan kugula talin lahaa inta aadan gabadha la hadlin oo aadan wax waydiin ama aadan arintaada u sheegin in aad kor wareegto taasoo macnaheedu yahay bal horta waxaad ogaataa meesha aad ka joogto waayo hadii aad jacayl u sheegato inanta ayaduna aysan ku jeclayn jacayl walaaltinimo waa dhibaato waayo walaaltinimadiina waa ay kaa dhimanaysaa oo inanta wax kale ayaad ku beertay jacaylkiina kuuma hirgalin marka bro inanta kor meer ok taa ayaan kugula talin lahaa ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATULAAH WABARAKAATUHU
|
| | Unrecorded Date To Yoonis Assalamu calaykum, Yoonisow rag kula wada tali waxayna ka maran waaday "calool adeeg" runtii waxaan aad ugu qoslay "faal-gurey' rayigiisa oo isugu dhaxjiro casri iyo wax walba. Waxaanan ku sii qoslay Mastikada qurfaha leh oon aad u cuni jiray.Waayo waayo. Faal'Gurey saxiib Australia malaha makhayad hablaha la geeyo markaa mastikadu soco mayso.Oo makhayad walba waxaa hortaagan sagaal "dhafoor moordi" oo taksiila ah. Si kastaba ha ahaatee. Talada "enough intellegent" ma xumeen oo waxay ku saleesneed "calool adeeg" aniguna waxaan ku oran lahaa "runi rag kama nixiso" inkastoon aadan soo shekin inay gabartu tahay wadaad iyo inkale waayo wax walba waxay ku xiran tahay waxay gabartu tahay. Haday wadaad tahay waxay leedahay siyaabo aad ula xiriiri laheed, haday gabar somali tahay sikale haday teenage tahay oo school dhigato ayadana si unbaan kugula talin laheen. Markaa we need more information in order to provide you the right advice brother. Hadii aad intaa ka badsan waado ku dhag talada xaaji "enough intelligent" waayo ninkaa si odaynimo ayuu u taliyey kuna salesan diin iyo dhaqan. waa walaalka Abdul oo ku leeh hadii waxaad doni uu yahay asaas qoys somaliyeed oo xalaal ah allaha kula garabgalo.
|
| | Unrecorded Date Salaamu Caleeykum. Waad mahadsan tihiin kuligiin walaalayaal si aad ah ayaan idiinkaga mahad celinayaa dhamaan. To bro Abdi. Walaal gabadha waa gabar caadi ah iskuul ayey dhigataa da,deedu waa (17) jir, Xishood badan,waalidkeed baari u ah,aan hadal badneyn,. To all. waad mahadsan tihiin dhamaan,Faal Gurey,Anon, Qaali,Ximbil,G,Talo-kasiiye,Enough Intelligent, Qamar iyo Abdul. By Yonis.
|
| | Unrecorded Date 17 jir aaaaaaaaa??? War gabadha ha saqar suujinin. Ilaahow ninaa waxa ka fakanaayo malaha!! Wax kasta waa la iska haweeysanaa.CAJIIB!!
|
| | Unrecorded Date Asalama Aleykum YONIS Dear bro. I have read your question and the all the advice you got from brothas and sistas well; I just want to give you my advice and this really work for me and it can also be applied in your situation; This is plan> you said she 17 yrs and she goes to school right? Good, bro its simple just ask her for E-mail , there's high possibility that she is connected to the NET..(who knows she might be even a member of this forum) wait a minute... did you said she in Australia ? Hmmmmm...we got alot of them here,well i dont wanna mention names but i am starting to guess something here. Anyway back to the tobic, as brotherly way its easy to get her E-mail if she dont have one u can suggest to get one real Quick and you can be her first client.. The important thing with the E-mail is, it saves face and you dont need to undergo all that "calool adeeg" all you have to do is write what you got inside and just with click of the mouse , you send your message without any humiliation; Hope it will work for you. Good luck. welcome to the 21 st century brother!!!!!!!!!!
|
| | Unrecorded Date Yonis waan ku salaamay adiga iyo dhamaan inta ka ra`yigooda kadhiibtay. Hadii aan hal wax ka`iraahdo, horta walaalahay F-G, Ximbil, G, Talo-k, enought intell, Qamar, Abdi, etc; jawaab fiican iyo talo wanaagsan bay kusoo gudbiyeen. Laakin walaalkay The_diehard taladiisa kugulamataliyeen, sabtuna waxa ay tahay, Arintaani waa arin muhiim ah, marka adiga oo waji (face to face) kuguta ayaa kuhaboon. Mida kale, gabadha adoo aan hubsan sida ay kuu aragto, yacni (her feeling for you), hakahorkeenin guur. Qalad ha`iga fahmine waxaan uga jeedaa taas, gabadhu wali way yar tahay, marka ha`dhexdhigin goob ay`san aqoon (she might be emotionally unstable). Marka tartiib tartiib arinta ugu soo bandhig. Guul baan kuu rajaynayaa. macasalaam.
|
| | Unrecorded Date Yonis, if she is 17; how old are you brother? If you are more than 5 years older than her then I would not advise you to unload yourself completely. She may be too young to handle and may think that you are taking advantage of her. A lot of the advise you got here was properly based on the assumption that she was older and more mature. Good luck!
|
| | Unrecorded Date To yonis Walaal aniga ayaa marka kale ku soo laabtay sababtoo ah sidii aan wax u qiyaasay ayay wax u dhaceen maxaa yeelay qoraalkaygii hore waxaa ka mid ahaa " haddii ayna waxyaabo kale jirin" waxyaabihii kalana waxaa ka mid ah gabadhu in ay 17 sano jirto, marka waxaan oranlahaa labo arimood midood 1- haddii aad gabadha ka weyn tahay qiyaastii 10 sano waxaan ku oran lahaa waa in aad dareensiisaa jaceylkaa adiga oo aan ku sheegin ilaa qiyaastii labo sanadood inta ay ka noqonayso 19sano 2- haddii aad ka weyntahay in ka badan 10 sanadood waxaan ku oran lahaa gabadhu walaashaa ha ahaato gabdhu waa ay buuxaane.
|
| | Unrecorded Date Salamu Caleykum YONIS! Raggu waa kii tigniig badnaadee waxaa loo baahan yahay farsamo wax ku hirgali karaan. Horta ninyahoow nooma aadan sheegin inta sano ee aad jirto, innantu waa 17 sano jir baad tiri, ok. waxaa loo baahan yahay in la ogaado da'daada si loo miisaamo jaaniskaada & habka ugu fudud ee wax kugu qabsami karaan. Taasi waa taas. Gabadha haddii aadan fikradaada isla hortaagi karin oo aay kugu yara adagtahay waxaa kuu banaan 2 arrimood mid, 1) in aad gabdho kale u dirsatid, si aay gabadha heerka aay guurka ka taagan tahay & ra'yigeeda usoo ogaato idiina dhaxeeyso. Iyo 2) in aad saad ku heli kartidba soo heshid E-mailkeeda markaana si toosa adoo anonymous ah su'aalahaada toos u weeydiiya. Ansaari
|
| | Unrecorded Date Yonis aren't you that guys that logs in to mIRC? If you are, then you're A$$HOLE. I hate the people your kind. See you in #somalia.
|
| | Unrecorded Date To Yonis Asalamu calaykum, War yoonisow rag iyo haweenba laguu gurmay oo lagula tali. Qof walbana waxuu taliyey "tabartii iyo taagtii". Inkastoo wali loo bahan yahay more information siiba adiga intaad jirto hadana. Si fiican ayaad oga soo jawaabtay suaashi hore ee aan ka codsanay. Haday gabartu jirto 17, runtii waa da' aad u yar, lakiin su aashu waxay tahay adigu meqaad jirtaa. Let's make assumption that you are 27 and above. Hadii aad markaa intaa jirto xogaa xajadu waa ay adag tahay oo waa inuu jeceylka ka yimadaa dhankeeda. Markaa aad noqotaa "cawa dhalad". Oo markaa ha dag dagin. Anigan kula talin waxaan jiraa 30 inastoon wali isku hesto inaan ahay wiil yar(waxan ku siyey infor si aad u ogato ruuxa kula talin). Hadana gabar 17 kuma dag dageen ilaa ay ayadaba ay iska kay jeclaato oo aan daawada kaliya ee ay qadan karto noqdo. Hadii aad jirto wax ka yar 26 waxaan ku dhihi lahaa ha samrin ee xogaa is yara "giiji" oo isku day intay gabadhu ka gaari 19 inaad wax la wado. Si aad wax ula wado ha u daymo la'aan the use of information technology. Waayo Yoonisow ma jogni waagi telephonka iyo warqada la isku xar xariiqi jiray ee ay gabadha ama wiilka intey ka dhacdo midkood warqada oo ku ilooba fadhiga laga akhrisan jiray. Markaa talada uu ku siiyey "Diehard" ee ah inaad through the net kula xiriirtaa ha u daymo la'aan. Hadii aad nasiib u yeelato inaad hesho e-mailkeda oo ay ku siiso markaa meshaa si tartiib ah oo xelada oo dhan ku idishahay meshaa geediga uga sii wad ilaa iyo inta ay wax kaaga hagaagi. Hadii uu computer guriga u yaalo oo ay san aad u aqoon computerka waxaad isku daydaa inaad gacan siiso oo xataa aad u furtaa MSN messenger (waa bahal aad ku wada sheekesan kartiin sida chatka, lakiin khaas idin ah) kaas ood ku soo xiri galin karto. Lakiin is ka jir yey kugu noqon back-fire oo mid kale oo misiba qabo intuu kula xirriira aad dirishada ka baxdaa. Ugu danbeentii saxibow hadii aad gabadhaa ka wayn tahay xogaa ilaa iyo 10 sano waxba ha isku dhabar jabin ee meelahaga ka ugaarso oo gabadha ula macamil sidi walaashaa Alla barigana iska badso inay iska kaa jeclaataa. N.B. Wada hadaladan waxay ahayeen kuwa wax tar leh, waa waxa la yiraahdo "constructive discussion". Runtiina aad baan uga helay, waana markii iigu horeysay ee Somalinet wax ku qoraa ama ka qayb qataa Dood, mararkii hore waxaan u didahayey waxay aheed badanaa doodahu ma aheen wax macna leh oo reality ah. Si kastaba ha ahaate waxaan fili in uusan walaalkeen Yoonis nagu cayaaren oo waxuu shegi dhab yihiin. Yoonis mar labaad ayaan ku leeyahay waxan ku rajeen Iney Gabadhaa noqotaa Ooridaada ama aad wada aqal gashan. Hadii aad aqal gashana waxaan jogaa Australia oo waa ay fudadahay inaan imadaa Arooskiina. walaalka abdul
|
| | Unrecorded Date Salaamu caleeykum. To all Waad mahadsan tihiin dhamaad walaalaheeyga qaaliga ah meelwalba oo aad joogtaan. Runtii waxaan ahay (28) jir,waxaan ku noolahay qurbaha ilaa iyo (8) sano,wax reer ama famil aan ku leeyahay ma jiraan haba yaraatee. Runtii way igu adkaatay nolosha kalinimada ah,waxaan jeclaaday in aan guursado hadiiba aan awoodo.Guurku ma aha wax cayaar ama kaftan ah,run ahaantii waa gabadhii iigu horeeysay ee aan jeclaado guurna u niyeysto. walaalayaal ogaada ra,yiga aad bixineyso waa mid qaali ii ah waxtar weyna ii noqon doono,"ra,yiga wanaagsana waa sadaqo". waad ku mahadsan tihiin waqtigiina qaaliga ah ee aad isiiseen. waadmahadsan tihiin Anon,diehard,Qowdhan,Saadaq,Ximbil thnx again,Ansaari,anon2,Abdul thnx again. By Yonis.
|
| | Unrecorded Date WAARYAA YOONIS WAARYAA YOONIS WAARYAA YOONIS WARYAA YONIS, IMAQAL WALAAL IMAQAL WALAAL IMAQAL WALAAL.INANTU WAXAY JIRTAA AYAAD TIDHI 17 SNNADOOD,ADIGUNA 28, HADDABA WAXAAN KU LEEYAHAY KABAX ARRINTAAS, KABAX ARRINTAAS, KABAX ARRINTAAS HADDADAN LAJOOGO KABAX ARRINTAAS HADDADAN LAJOOGO. WAXAAN SIDAAS U LEEYAHAY LABA ARRIMOOD: 1- WAXAAD ANANTA UGA WEYNTAHAY SI XAD DHAAFA(11) SANNADOOD. 2- WADDANKA AAD JOOGTAA WAA REER GALBEED DHAQANKIISU AHADDII LAGUGU OGAADO DIININA KAA CELINMAYSO CID KALENA KAA CELINMAYSO,WAXAY YIDHAAHDAN (SEX WITH A MINOR IS A MAJOR CRIME)IN KASTOODAN HADDA ADIGU AADAN NOO SHEEGIN INAAD INANTA GUURSANAYSO MUSTAQBALKA FOG IYO MIDKA DHOW HADDANA WAXAAN KUU ARKAA INAAD DEGDEGSANTAHAY. HADDABA HADDII AAD INANTA U GUURSANAYSO MUSTAQBAL DAMBE OO MARKAY 18 SANO GAADHO AH KUSOCO ARRINTA HADDIISE AY SIDDAA TAHAY OO AAD ADIGU DEGDEGSANTAHA, IYADUNA DHALLAAN TAHAY WAAR KABAX KABAX TALO WWA MIDDAAS INTII LGU XIDHI LAHAA OO AAD CEEBOOBI LAHAYD. WAALIDKEEDNNA AY KU XISAABTAMAYAAN INAY COLLEGE DHAMMAYSO OO JAAMACAD DHAMAYSO OO AY U SHAQAYSO NINBA SI AYUU U XISAABTAMAYAA. HADDII AAN KAAGA DHACO SHEEKO KA DHACDAY MARAYKANKA SIIBA GOBOLKAN AAN JOOGNNO EE CALIFORNIA WIIL SOOMAALIA AYAA GABADH MADOW AH OO AY ISKU FASAL AHAAYEEN CAAWIN JIRAY MARKA SHAQADA GURIGA LASOO SIIYO (HOME WORK)
|
| | Unrecorded Date INANTII WAXAA KUSOO BAXAY UUR UU QAADSIIYEY INANKALE OO AAN WIILKII SOOMAALIGA AHAA AHAYN. MAALINTII DAMBE AYAA LA ISWEYDIIYEY CIDDII UGU DHADHAWEYD EE AY WADA SOCONJIREEN YARKII AYEY GACANTA KU TAAGTAY SOOMAALIGA AHAA XABSIGA YAA LOO TAXAABAY MUDDO MARKII ISGUULKII ALGA REEBAY EE LOOYAR LOO QABTAY AYAA LOO OGOLAADAY INUU ISGUULAK XABSI GURI KU DHIGTA ISKU DA'AAD AYANA INANTA AHAAYEEN INANKA. JEELKII AYAA LAYIDHI INTA ILMUHU GAADHAYO MUDDO DHIIGIISA LAQAADAYO WADDANKANA KAMA BIXI KARTID WAXAANAD TAHAY (UNDERARREST)IYADOO SIDAA ARRINTII U QASANTAHAY AYAA IIGU WAR DAMBEYSEY. QISO KALE MIDYAR OO HADDA ETJIOPIA KASOO GALAY OO SOOMAALIYA AYAA GABADYAR OO TEENAGE AH NAASKA XAFUUJIYEY NIN KAMARAD GURI DHINICIISA SARE KAGA DAAWANAYEY AYAA ARKAY BOOLIISKA AYUU UGU YEEDHAY XABSIGAA LOO TAXAABAY HADDAAN LA IL DARANNAHAY LOOYARKII AAN U QABANNAY. WAARYAA YOONIS KAHADH ILAAHAY NAAG KA KKAYR BADAN AYUU KUUGU BEDELI KARAAYE. WABILLAAHI TOWFIIQ.
|
| | Unrecorded Date Salaama Calaykum. Anigu Enough intelligent ayaan garab taagnahay. Inantu aad ayay u yar tahay, Inkastoo Nebigeenu (scw) Aayisha da' yar ku guursaday, hadda xilligii wuu isbadaly Qurbo ayaana la joogaa. Waxaa ila haboon aniga; In hablaha la sugo intey iskuul ka baxayaan oo wax qabsan karaan, Waayo: waanu u baahan nahoo biilku waa sida ciida oo kale. Salaama. Faalka Xaaji.
|
| | Unrecorded Date To dhamaan. Waxaan qisadan ula socdaa si xad dhaf ah oo waxaa laga yabaa inaan malintii laba mar fiiriyo bal waxa talo ah ee ku soo korodha. Enough intellegent oo xanaaqsana waan akhriyey oo leh waryaa yoonisow is jir. Lakiin waxaan ka sii helay "Naaskuu Xafuujiyey" war ma maraa. Runtii Qosol baan la ilmeen gaaray. Yoonis koleyba anigu horaan ula taliyey. Interesting topic. Abdul again
|
| | Unrecorded Date To Yoonis Walaal waxaan qabaa fikrad ka duwan tii ay walaalihii u dambeeyay ay kuu jeediyeen, sideedabana in aan kala fikrad duwanaano adiga wanaag ayaa kuugu jira, Haddii aan u soo laabto arinta Anigu ra'yi ahaan waxaan ku leeyahay ha quusan maxaa yeelay inkasta oo aan Soomaaliya la joogin, soomaalidu waxa ay tiraahdaa {Naag ninkii dhali karaa dhaqi kara} waxaan kaloo arkaa waynaanta aad ka weyn tahay in aysan wax qiima ah lahayn , Arintuna ay u baahan tahay adkaysi iyo dulqaad,haddii adiga lagu diidana nin la diido uguma aadan horeyn. Waxaan kaloo kuu sheegayaa in aysan muhiim ahayn in aad hadda guursato,laakiin waxaa muhiim ah in lagu yeelo ama in lagu diido. Hadaba ugu dambaytii waxaan ku oranlahaa lahaa gabadhaas u sheeg in aad jeceshahay waqtigay rabto ha ahaato, una ogolow in ay ka fakarto maxaa yeelay go,aanka dag dag ahi waxa uu u dhaw yahay in uu qofka ka shalaayo.
|
| | Unrecorded Date Salamu Caleykum! Waxaa cajiib ah sida qofkan la yiraa ENOUGH INTELLIGENT uu ninka niyada uga dilayo. Gabar already-ba 17 sano kor u sii dhaaftay la mid maahin gabar jirta 16 sano & kasii hoose. Sharci ku xirayana maleh, bilo kadibna waxaay gaari 18 sano. Balse haddii gabadhu raali kaa tahay, kabax systemkan gaalada, idinka ayaa isbasar san kara. Da' maanta wax matarto ee waxaa wax tara qofkaad tahay iyo meharadaada. Ogoow haddii aad tahay qof dhowrsoon, iskufillan (shaqeeysta) waxbartay markaa gabadhu meel ma jirto. Waxaa muhiim ah is-afgarasho, haddii aadse is afgarataana, idinka ayaa mustaqbalkiina ka tashan kara oo dhisi kara. labadan nambar 28 & 17, mushkilad SAA!! uweyn ma leh, waa aay is-qaadan karaan!. La yaabna maleh. Walaal Allaha kuu fududeeyo! Ansaari
|
| | Unrecorded Date Salama Calaykum. Ansaari afkaaga waslad hiliba iyo saxan baasta ah lagu qabay. Aad ayaan kuugu raacsanahay jawaabta aad siisay akhyaarta Yoonis niyyad jabinaya. Da`du wax dhiba ah iilama muuqato. Hala`isfagarto laakiin. Dhamaan: War dad waynoow, walaalkeen wuxuu ina waydiistay in aan latalino. Talidiino yaysan noqon tii uu noloshiisa kashalaayo. Yoonis: Horbaan kuula taliyay, rag badanna way kula taliyeen. Meesha ka wardoon ninyahaw. Macasalaama.
|
| | Unrecorded Date TO: YOONIS WALAAL TALADA HADDII LAGU SIIYO WAA LAQAATAA, MARKANI WAA MARKII SEDDEXAAAD EE AAN BOGAAGA KUSOO NOQDO MARDAMBANA KUSOO NOQON MAAYO, WAXAANAN KU LEEYAHAY, ANIGA FAA'IIDADAADA MOOYAANE KHASAARAHAAGU WAXBA II TARI MAAYO XAASNNA WAAN LEEYAHAY. HADDABA QOFKU CAQLLIGA UU KU DHASHO IYO MIDKA BEY'ADA UU KU NOOLYAHAY AY BARTAO WAA KALA BADANYIHIIN KALANA WANAAGAASANYIHIIN.WAXAAN KUU SHEEGAY LABA ARRIMOOD OO RAADKOODU QOYANYAHAY, QOFKUNA WUXUU REERMAGAAL NOQDAA MARKA UU FAHMO DEEGAANKA KU MEERAYSAN WAXA KATAAGAN EE HORUMAR AH AMA DHIBAATO AH EE MAAHA INUU MAGAALO MUDDO JOOGO!!! ARRINTAADU WAXAY SALKA KU HAYSAA MAAHA INAAD INANTA GUURSATO BALSE WAXAY TAHAY MAKU BADBAADAYSAA GUUR ISKA DAAYOO INAY AFKAAGA SOOMARTO?!TAASINA WAA WAXA AAD TALADA U DOONAYSO KEDIB MARKAAD KACAAL WEYDEY ADIGA SHAKHSI AHAANTAADU AYAAD NASOO DHX DHIGTAY. HADDABA ANIGOO EEGAYA INANTA DA'DEEDA OO KU SALAYSAN WADDANKA REER GALBEEDKA AH EE AY JOOGTO, SOOMAALI HA U ARKIN IYADA IYO REERKOODA U ARAG DAD AY DAAN WAXABA ISU AHAYN EE DANI ISU KIIN KEENTAY! CARABTU WAXAY TIDHAAHDAA "IS AL AL MUJARRIB WALAA TASA'ALI ADHABIIB" OO MACNEHEEDU YAHAY NINKA DHAKHTARKA AH WAXBA HAWEYDIIN EE NINKA CUDURKU UU KUDHACAY WEYDII ISAGAA UGA AQOON BADAN DHAKHTARKA'E! ARRIMAHAAN KUU SOO SHEEGAY IYO KUWO BADAN OO INTAAN GUURDDOONKA AHAA IGU DHACAY ANIGOO KAASHANAYA AYAAN KUU SHEEGAY INAAD ARRINTAN FRAHA KALA BAXDO.
|
| | Unrecorded Date Salaam Yonis-- As a 18 years old female, I would never ever think of marrying a 29 years old man. For the simple fact that I have alot of time ahead of me and I have to think about the only reason I came to this country EDUCATION. Please don't give me the BS about she can continue her education if she gets married to you (NO WAY). A woman has a duty to do when she is married and I don't think she can do them all including doing her homework. ENOUGH INTELLIGENT-- Stop using the caps lock walaalo. You are hurting my eyes. If you don't know where it's location, let he help you. It is next to the letter A. Best wishes Confused-Soul Vaughn city, Canada
|
| | Unrecorded Date WAXAAN KU LEEYAHAY OGOW INAY HADDA ARRINTU FUDUDAHAY LAAKIIN HADHOW CUSLANAYSO WAXAANAN RUMAYSNAHAY INAAD NAAGO BADAN OO LAMIDA AMA KA WANAAGSAN AAD HELI KARTO LAAKIIN FADDLLAN OGOW BEYA'DA AAD KU NOOSHAHAY INAANAY DIINTAADANA AQOON ISLAAM NIMANA KUGU CISEYNAYN MARKAA WAR HADDAAD XORTAHAYE XABSI IYO HIRIG HAGELI XATAA HADDII IMNANTU KU YEESHO MAKA BADBAADAYSAA WAALIDKEED IYO NIMANKA AY MAGANGALYADA SIYAASADEED KULA JOOGTO?! JAWAABTU WAA MID AADAN HUBIN HADDABA HA ISKA SOCON EE TALADA QAADO DUMAR KALANA WAAD HELAYSAAYE INANTU WALAASHAA HA AHAATO ARRINTAANA LAAB LAAB. WALLAAHAY HADDII AY KULA DA' TAHAY AMA AY DHULKII JOOGTO TAAKULO IYO TALABA WAAN KUU GEYSAN LAHAA LAAKIIN WAA WADDAN SHI SHEEYE OO AADAN AMMAAN DIINTAADU WAXAY FARTAY AADAN UGU HELAYN MARKAA DIINTUNA WAXAY AMRRAYSAA HADDII WAX LA ISYIDHAAHO SMEEYA WAA IN LA QIYAASAA FAA'IIDADEEDA IYO KHASAARAHEEDA, HADDII KHASAARUHU KA BADAN YAHAY FAAIIDADA IMANAYSA WAA MADNUUC XAGGA DIINTA IN LASAMEEYAA. HADDABA HADDII ARRINTU XARASH IYO MADAX TAHAY KA KAAFTOON. AAYAD QUR'AANA AYAAN KUUGU KHATIMAYAA QAALA TACAALAA:"KUTIBA CALEYKUMUL QITAALU WAHUWA KURHUN LAKUM, WACASAA AN TAKRAHUU SHAY'AN WAHUWA KHAYRUN LAKUM WACASAA ANTUKRIHUU WAHUWA SHARRUN LAKUM WALLAAHU YACLAMU WA ANTUM LAA TACLAMUUN" OO MACNAHEEDU YAHAY WAXAALAGA YAABAA INAAD WAXBADAN OO AAD NECBTIHIIN KHAYR IDIIN YIHIIN WAX BADAN OO AAD JECESHIHIINNA SHAR IDIIN YIHIIN ILAAHAYNA WAXUU OGYAHAY WAXAYDAAN OGEYN. WAAR DANTAADA MAR WALBA EEGO NAAG WAAYI MAYSIDE FIIRO: WAXAAN ALABADA QORAAL U SAMEEYEY ANOO KA BAQAY INUU WAKHTIGU IGU DHACO LAAKIIN WAY WADA SOCDAN OO WAAMID QUDHA INAAN TALO DAMBE DHIIBTAA IGUMA HADHIN EE SALAAMU CALEYKUM.
|
| | Unrecorded Date Confused soul; How did you findout all of these about women having duties to do and so on? weren't you cofused? Thought I should ask. Fg
|
| | Unrecorded Date asalaamu caleykum, Rag inay meesha galeen, waafwaafdeedaan ka arkaa. Labo arin ma mid; Mida hore: 28 vs 17 wax habayaraate sidaa u sii weyn oo guur in loo joojiyo arintaa darteed ma aha. Waxoogaa is afgaran waa yar baa laga yaabaa in ay dhaliso arinto hadow marka la aqal galo, oo waxaa laga yaabaa in habka geedi guurka gurigu carqaladi ka dhalato, LAAKIIN waa arin iska yar lana xalin karo: "NIN GAMAAN YAQAANAA FARDAHA WUU GAASA BIXIYAAYE" you got the point, I assume. Mida kale ee ah Sharciyadan wadaman qurbaha, taas adaa u joogga oo haddii 17 year in la guursadaa Crime ay tahay farsamo waayi maysidoo ileyn qurbaa baa tahaye, maad garan. Aniguse waxaan u arkaa in xitaa hadii loo baahdo in la sugo 1 or 0,5 year ay tahay uun in arinta loo sii gogol xaaro oo aad soo yareysid Gap:ka inii dhexeeye... macnihii in aad common stories sameysataan, hoos isku waraysataan, waxaad damacsantahay iyo waxay inantu damacsantahay kawada xaajootaan,si hadhow jaanqaadku u sahlanaaado. Bal arintan Ragii oodhan gorfeeyeena bal dumarkana wax weydiiya, maxay la tahay? waan ogahay oo 17 vs 28 markay maqlaan qaarkood isfiilito ayaa ku dhacaysa, qaar wax garad ah ayaase ku jiree bal waa intaas oo ay xaajadda xarigeedda meel ka dhow na tusaane.... Dareenka gabadha ayaan u baahanahay cid matasha. waan ku diiday halka uu dhigay xaajadda mr ENOUGH INTELIGENT.
|
| | Unrecorded Date ASALAAMA CALAYKUM Waad salaamantihiin dhamaantiin salaan ka dib fadlan markii uu qof walaalkeen ama walaasheen ah talo na waydiisto yaanan ku ciyaarin oo aanan meesha ka buuxin wax kaftan iyo cayaar ah maxaa yeelay qofku adiga ayuu caqli ku biday ku waydiistayna caawin fadlan ciyaarta aan joojino oo markii mawduuc noocan oo kale ah nasoo gaaro si quman u qorsheyno maxaa yeelay wiilkan waa uuba ka hadlay arintiisee waxaan filayaa xitaa in ay jiraan qaar badan oo qarsanaya taa waxaan kala jeedaa kuwaa qarsanaya dhibaatadooda ha ka qaataan tusaale marka walaalahayga soomaaliyeedoow qofku markuu cawimaad na waydiisto aan caawino hadaan awoodno hadii kale u duceyno. TO walaalkay yohanis Yohanis aboowe waad salaamantahay marka hore marka 2aad walaalkayoow horta waxii ilaahay wanaajiyo umbaa wanaagsan wixii uu xukmiyo umbaana xukman aboowe da'du sideedaba waa wax meesha ku jira laakiin aniga waxay ila tahay in hadii aan soomaali nahay dhaqan ahaan inoo tahay caadi hadiiba gabadha soomaaliyeed soo gaarto 17sano ay tahay reer ku dhan, Maxaa yeelay dhaqankeena ayaa ku saabsan ama salkiisu ahaa saa inkastoo hada markii ay dadku ku soo bateen qurbaha dhaqan soomaaliyeed laga tilaabsadey aboowe da'du waa wax aad ka heshiin kartaane oo aad isa sugi kartaan ama ka tashan kartaane bal marka hore xal ka gaara jacaylkiina waad mahadsantihiin dhamaantiin ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATULAAHU WABARAKAATUHU
|
| | Unrecorded Date By amina good luck bro thats all i can say
|
| | Unrecorded Date Mr. Yonis: My advise to you whether to marry this teenage girl or not is simple: talk to her sometimes, give her brotherly love, don't rush to ask her or parents for marriage; try to explore her interests in life, marriage, education and so forth. let her grow and maybe finish high school. If you can wait till she is 20, may be you can ask her brother how you feel without letting her or the parent's knowing your intentions.But,if this waiting is gone kill you man! there is alot of fish in the sea, so try not be so love-struck to this young lady. look for other somali girls in the Austrialian Wilderness. I heard in Australia they have wild camels.Hey man! get 100 of those, tame them and give them as a dowry to the family as we used in the old days.Remember, in our crazy old culture girls were ready for marriage at young age and it really worked!. So, don't listen to naysayers, if you really care about this girl don't be shy to ask her how she feels about marrying you after few years. She might have feelings for you man! but,may be shy to show, you never know unless you do some homework( in her home). Wish you good luck man and don't give up the love connection!
|
| | Unrecorded Date To Yoonis; It is very simple since to see her does not a lot of work, all you do is go their house;;; Waxaa sameynlaheyd waxaa la yiraahdaa "Shukaansi" Shukaanso noo, (dhulka is dhig, gabadha qanci " hadey naqato xataa been u sheeg" koley gabdhaha been baa lagu xera galiyaa, runa waa lagu dhaqdaa....... Hadii kale waxan hoos ku qoran ku dheh: Daawadii nafteydaay Dumar taan ka doortaay sow inaan ku daawada maalin waliba aqalkiina uma imaado Dhagax heygu noqoninee sidaan kaaga dabadhacay adna iigu duubnow..... Hadey hadal kugu soo celiso aniga ila soo xiriir Talo Bixiso
|
| | Unrecorded Date Assalamu calaykum Runtii halkan waxyar uun baa kugu odhan lahaa anigu inkasoo ay wallaalaheen talooyin fiican ku sii yeen. Waxaanan ugu jeclahay qofka yire inna lag baqaa ILHAAHEY BEYKU YAA LAAN. Runtii aniga siday arintani ii la egtahey tu lamida ama ku dhow ayaan ku jiraa. Markaa hadii aad xaafada sida aad noosheegtay isu fiican tihiin waa innaad dad ka waaliinta u ah gabadh iska gaabisaa qadarisaana. Inantan iyada ahna runta u sheeg maxaa yeeley ahii aanad waxaad qabto u sheegin qofka kale banini aadanku waxaad caloosha ku hayso ma'oga. Waxa ugu xun ee kugu dhici lahaa waa iyadoo maya tidhaa, even hadii aytaasi dhacdo wax aad u wayn kuu ma dhimayso. Laakiin runtii aamusku raga uma fiicna nib buuna udhigaa. Anigaba gabadh aan wallaalkeed saaxiib ahayn ayaa damac day inay igu xidhato laakiin saaxiibkay wallaashii waxay ii noqotay wallaashey oo kale. Markii aan usheegay waxaan anigu qabay dib ayey isugu noqotey inkasoo wajigii wannaagsanaa ee ay igu soo dhawayn jirtey markii hore isbadaley.
|
| | Unrecorded Date Asalaamu caleeykum dhamaan. To dhamaan. Walaalayaal waad mahadsan tihiin dhamaan Runtii Arinteyda waxay noqotay mid aan ilaa iyo hada aan ka fakaraayo maxaa yeelay dadku qaar waxay igula taliyeen inaan gabadhaas faraha ka qaado qaarna inaan howsheyda halkaas ka sii wado. cabsida i heysa ma aha mid kale ee waa hadii aan gabadha u sheego waxaan is leeyahay imay kaa dhuntaa walaaltinimada, oo soo dhaweyntii iyo kalsoonidii ay halkaa iiga dhuntaa. wax isbedel ah wali ma sameynin wali waxaan rabaa fikrado kale,waana idinla soo socodsiinayaa arintan meeshay ku dhamaato. By Yonis.
|
| | Unrecorded Date salaaamu caleykum, walaalow tasho ilaahay ninbuu kaadhigaye aniga talo iguma hadhin.
|
| | Unrecorded Date Bro what ever you do. Do not write anything to her. My best advise is become very close to her and find out what she likes to do for fun. Try your best to make her feel interested in you. For example go to the libary, store, river,iwm. make her feel specially. If it works good if not get another girl and do not wast you time. THATS ALL AND GOOD LUCK. i NOW WHERE YOU ARE COMING FROM
|
| | Unrecorded Date S/Aleekum To Walaakeey Yonis: Waa idin wada salaamey gadigiin, waan la wada dhacay ra'giina kuligiin si qasah "Faalgure" waayo Habalah in koow la kaxeeyo oo la fiirsho ra'goodah waye fiican tahaye Halmaran wax loo sheego markalan aan lug soo celin sid sida uu yire walalkeey Soomaliyeed ee Faral gurey. Aboowe Yonis waxan an ku oran laah Naag Yaraan ma gasho Hadlkaan waa hadal aay Soomlai hore u tiri,Oday Baa waxaa la siisay Gabar uu dhali karo kolkaas baa habeenki ka sii jeesta oo waxa uu is dhaah gabarta ha ku korto ee sug,habeenki danbe beey waxa sameesaye Barkinta beey xaar u galisa markaas odaygii baa markuu soo hoydey oo damcay in uu seexdo baa Xaarkii u soo uraye kolkaas buu yiri Naa Heblaayo Xaarbaa soo uraye waa sideeh markaas waxay tiri HAA waa Xarakan yar Markas buu yiri Naa xaar Yaraan ma galo markaas beey tiri Naag yaraan ma gasho, markas buu gabdhii warkeedi u hergaley, marka Yooniso Gabar Yaraan ma gasho Yonis aboowe Nasiibka ILah ma xumeey gabadha isku day oo waxan kaloo ku dhihi laha iska hubso in aay ninkale saxiib la tahaye maadam aay Iskooley. Yonis hadeey ku diidan wa caadi oo waxa kam baayo laga yaabo in ayee kheyer ku tahay ama eeysan ku aheen Aboowe Good Luck ILaah ha ku garab golo oo ha ku sahlo waxad jecshaye wa guur xalala wan dareemi kara dhibkaa iyo Isabulinim ku heeso.
|
| | Unrecorded Date Haweeyo, ala tusaale xumidaa!! Kaaley hrota marka ee sheekaday naag khuseeso uun maxaa loo tix geliyaa hadalada; xigmadda iyo maah-maah yadda. Qof kasta markii sheeko naag laga hadlo uun bey xigmadda Soomalida ku soo duxdaa. Somaali baa tiri; Somaali baa ku maahmaade iyo wax la mid ah. Maxaa xigmadaas loo garan wayeey in lagu xaliyo ba'a iyo hooga ka jiro Somaliya?? Naa yaa haweeyo is qor, maxaad email gaaga ninka ugu qoreeys?? Ilaahow imaanka nagu sug. Yonis, gabadha aad bey kaga yarthay, ee iska iloow. Ka fiirso, somaliya lama joogo, gabadha waxa uu fakareeysa sida ciyaal ee iskula la dhiigato.
|
| | Unrecorded Date Heblaayo ukaadi inaar, lama fududaadee.
|
| | Unrecorded Date waaryaa war yaanay xamasaadi ku qaadine bal joog oo u kaadi oo cago dhigo gabadhab iska daa Ha luminin trustkii reerku ku siiyeen oo ha u dabo marin inantooda that is my advice to you
|
| | Unrecorded Date waar gabadh hore ayaa loo guursan jiray immikan waa la guursadaa ee manaag doon ahayd mise hadal doon hadaad gabadha dooni aabaheed u tag oo dheh taad dhashay ayaan dooni wayna ahyn nac nacda la qabo xamar -jadiid taraabi
|
| | Unrecorded Date S/Aleekum: To Heblaayo Heblaayo Tusaalo Xumo maah walaalo waxan sheegaye wax ayaa horey Soomali u tiri, mid xiga meeshan anigase isma beecinaye Heblaayo sorry aniga gabar Reer Leh iyo Caruur ayaan ahaye.Hubsiino Halbaa la siistah.
|
| | Unrecorded Date Haweeyo, why post your email if u are married woman?
|
| | Unrecorded Date Yonisooooooooooow salaamu caleeykum brotha......how r u doing.... me and my girls have come to the conclusion that you my brotha....need big time help.......... we think that ur only problem is that you are a shy guy.......and thats very nice of u....very sweet of u.........BUT..........we think if you are sure of u wanting to merry her......then u should go ahead and dhac dhac dhac..... meaning: go to the girl first.....call her and say abaayo.....walaasheey baa tahay......laakin......walaaltinimo taas kabadan aan rabaa......oo dhac dhac ku jirto.....and if the girl is ok with it.......she'll say i'll think about it.......she wont think....she'll just say it........haddi ku dhahdo waa ka soo fakaraa......waa beenteed.....way ku rabtaa way kuu dhimaneesaa........ee ka gaar gabadha....oo reekeeda lahadal.........odayga xoogaa dhaqaalo ah ku tuur........duqdana jaa waa kaa heshay.....bas sheekada way isku daba dhacday.........dhac dhac........dhacda way isku dhacday.........waa laguu dhac dhacleen doonaana .......watch it.......dhac girlz said...inshaallah.......and i hope u understood the dhac story.......waa dhac lee......
|
| | Unrecorded Date Asalaamu caleeykum Dhamaan. To DhacGirlz and his Girls. Thanks for the advise i realy appreciated about that and i like it. thanks for all my brothers and sisters. By Yonis.
|
| | Unrecorded Date salaamu caleykum walaal aabbay waa idiidey hada ka hor nin waayo waxaan udhawaa 16 sano 1996 wadan kii aan joogena waa la iga soo kaxeeyaya anoo iskuul fiican ku jira wuxuu aabbahay dhahay waad yar tahay ee bal horta weyno intaan baro iyo aabahay oon ani kali dhaaley( yacni ani kaliya wax gabdha ah) ilaa hadana ima ogoya inaan guursado,ka fiirso oo sug intaa u sii sheeke gabadh intee iskuulka dhameeneso. waa walaalasha den
|
| | Unrecorded Date To yonis walaal guur ceeb maha waxaa xun macsiyada,taladey waa tan 1-isku day in aad gabadha aad u sheegto in aad jecshahey 2-walid ha shiigin ilaa aad gabadha wax isku afgarataan 3-waalidkeed yesan kaa dariimin in aad gabadhooda rabtid sababtoo ah hadii ay kaa dareemaan waa laga yabaa in ayba gabadha ku siiyaan madama aad tahey nin ay taganaa ,waladiinta waxay jeclyihiin in uu gabadhooda guursado nin fiican oo ay yaganaan,taas aa hadii ay dhacado laga yaabe in ay gabadha kuu aragto nin uu reerkuuda ku qasbeyo. 4-hadii ay gabadha ku diido isku day in ay sheeda adiga iyo iyada in dhaafin. 5-hadii ay ku ogalaato{insha alaah]oo aad ku heshiisaan in aad is guursataa waxaan u maleenayaa in uu waladkeed uu ku oglaan doono marka taas ha ka walwalin 5-nin aan hadlin hooyadii wax ma sii so fadlan gadha shukaano aniga oo aan lagu dareemin ilaahey ha kuu fududeeyo gore Ugaas
|
| | Unrecorded Date TO:yoonis waxaan ku odhanlahaa naftu marbay kaa baxdaa ee wallaal gabadha lahadal una sheeg wax aad kadoonaysid adoo ka horaysiinaya usheegida dareenkaaga ,yaanlagaa garan dareenka aad uqabto,maaha kaliya haddii waalidkeed kaa dareemaan inay ku siiyaan, laga yaabee jacayka waalidku kuu qabo inuu yahay waxkale ,laga yaabee inuu qofkale jacelyahay sidaad ujeceshahayba ,anoon bayaamin [war xuma tashiilku waa badan yahay.] soo hel waxa ayka hesho ka illaali aragtita raga ajaanbka ah even wiilasha soomaalida ah 6sanno ka hor ayaan gabadh jeclaaday maanan awoodin inaan usheegto waxa aan dareemayay waxaan gaadhay inaan saqda dhexe magaceeda ku qarwo ,waxaan dad farabadan talo waydiiyaba aakhir baan usheegay ,balse IT WAS TOO LATE! illaa haddeer waan jeclahay maan guursan mana aysan guursan,balse wadan iga fog ayay joogtaa ilaah waxaan ka baryaa inaan mar labaad la kulmo oo dhoho[ma,ogtahay siraaday lixsano iyo dheeraad inta waan kusugayoon nafta waan sa,sabayee baribay si uun noqon saadanbay waxa kula qaban saadaasha galiyee.]waxaan ku odhan lahaa just try yuusan wakhti badan kaaga lumin jacayl sida igu dhacday oo kale. and I WISH YOU LUCK. bye
|
| | Unrecorded Date To Qoslaaye Thanks bro. Waad ku mahadsan tahay taladaada iyo sida aad iigu sheegtay say wax kuugu dhaceen. Insha ALAAH waan ku dadaaalayaa sidii aan go,aan uga gaari lahaa si walbaba ha ahaatee. thanks all bro/sis. By Yonis.
|
| | Unrecorded Date To yoonis Walaal yonis waxaan sugaynay sida aad u xalisay arintii ee maxaad ugu soo jawaabi waysay haddii ay kugu adkaatayna maxaad noogu sheegi wayday aan xal kale raadineee Kolayba waa arin adiga kugu xiran haddii aadan xalin waana mid ku sugaysa. waxaan sugnaaba waa jawaabtaada
|
| | Unrecorded Date war anigu waxaan ku dhihi lahaa inanta u geegee hadiyad yar yar sida fiyoore iyo barafuum si sheekada ay ugu fahanto .abow hadaa si u fiirisidna gabadhana waa gabar yar 17 waqti badan baana u haray aniga markaan 17 jiray gur iyo waxaa shegaysid baa waa oyi jiray xitaa hadii la dhaho wiil xafaa ku jecel ,irida hadaan is taagnana ul baa nalugu jajabin jiray rag haday guriga yimadana aqalka xagiisa danbaan fariisan jiranay .
|
| | Unrecorded Date Asalaamu caleeykum. Thanks C/llahi walaal wali arinta fari kama qodna oo waa socotaa wali inkastoo ay dareensan tahay hada in aan indho kale laheyn,bal ha la,iga war sugo intii ay dhinac u dhaceyso. Waxaa kaloo iga qoslisay Shadiya oo ayadana leh "waxaas ha nagu soo qaadqaadin yaanaan wax soo xasuusanine". Thanx all . By Yonis.
|
| | Unrecorded Date Yonis, waxaan aad uga xumahay inaan farriintaadda haatan ka hor akhrin. Sidey ahaataba, anigu waxaan ahay 31 jir, xaaskeygunna waa 19 jir. Waxaynu isguursaney 2 sanno muddo haatan laga joogo. Waxaynu leenahay hal wiil, Ilaah hanoo badiyo. Sidaad dareemeyso, da'da aniga iyo xaaskeyga noo dhaxeeyaa waa 12 sanno, hase ahaatee, sida aynu isu fahmeyno haddaad arki lahayd isma orateen weynu kala weyn nahay. Teedda kale, waxaan ku noolahay waddanka maraykanka. Sharcigga halkanna guurku wuu oggolyahay haddii ay labbadu isguursaneydo 16 jir gaareen. Siddaasi darteed, taladeydu waxay tahay, waxba ha suginoo, gabadha shukaami, sharcigga carigga aad degen tahayna ka sug da'da guurka. Teeda kale, ogsoonow iney inan walib nin u joogto oo wax wakhti ah oo ka badan intaad sugeysey dib ha u dhigan oo inantu nin kale bey wada saaxiibi karayaan. Dhanka waalidku, haddii sida aad sheegtay ay dhabtahay oo ay si fiican kuu soo dhaweeyaan, ha ka cabsan dhankooda iney kugu gacan seedhaan haddaad ka doonato. Anigu waxa igu kalifey inaa fikradeyda kuu soo jeediyo waxa ugu wacan sida ay labaddeena xaaladdo isugu dhow yihiin. Oo anigu qudheydu inanta waalidkeed way i soo dhaweyn jireen oo halkan maraykanku baan ku kulaney. Dhowr jeerna guriggooda baan aadi jirey, ka cunteyn jirey, islamarkaan xirriirkaaga oo kale ah la lahaa qoyska inantu ka dhalatey. Marka anigu waxay ila tahay inaaddan sii sugin ee gabadha marka hore arrintaadu u bandhigto. Haddaad is-afgarataanna u dad dirto waalidka gabadha ka dhalatey. Aalaaba, wey oggolaan maadaama ay ishu ku arkaan inaad run wadato oo aad duqooq u diratey. Ogsoonow, in xaaladdii islaweynidda ka jirtey Soomaaliya ay baaba'adey oo waalid waliba ee qurbaha ku nool jecel yahay inuu carruurtiisa meeleeyo una guuriyo dad muslim ah. Waxaan ku leeyahay NASIIB WACAN IYO GUUL!!!
|
| | Unrecorded Date waad mahadsan tahay Mr Y si aad ah ayaad wax iigu sheegtay,runtii waad sidaad sheegtay waana isku dayayaa inaan sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabto. By Yonis.
|
| | Unrecorded Date Saaxibyaal ninka kan yaanan waqti dheeraad ah la isaga lumin.
|
| | Unrecorded Date yonis walaa anigu magaceeygu waa bile lakiin arintaadi waan arkay runahaantee arintaada markii aan maskaxdayda kala tashady waxaay iila ekaatahy arin fudud sababtoo ah mudaama aad reerka si fiican udhax gashay in reerka ay kula doona
|
| | Unrecorded Date SXB YONIS HADII AAD RABTO WALI INAAD OGAATO FAAHFAAHIN DHEERAAD AH ABOUT TA DUMAR IGA SOO MARTAY SI'AYSAN ADNA KUUGU DHICIN SXB IGALA SOO XIDHIIDH. QOSLAAYE@HOTMAIL.COM
|
| | Unrecorded Date YONIS _____ ------ SXB WAAKAN EMAILKAYGII OO SAX AH QOSLAAYE53@HOTMAIL.COM
|
| | Unrecorded Date Asalamu calaykum. Magacayga waxaa la yiraahdaa Yaquta, gabar soomaliyeed ayana ahay waxaan ku noolahay U.S.A 21 jir ayaana ahay waxaan jeclaan lahaa in aad igala talisaan arintan. Wiil ayaa saaxiibo nahay noloshiisa ayuuna iga jecelyahay anigana aad uma jecli oo imuusan cajabin marka wiil kale oo abtigay labaad dhalay ayaan is baranay aad ayuuna ii cajabiyay xiriir ayuuna iga rabaa. Waan rabaa in aan wiilkan la yeesho xiriir laakiin midkii hore oo guur hal sano kadib ah isu diyaarinaya ayaan rabin in aan xumeeyo si aan ugu sheegana maaqaan. Maxay idinla tahay in aan sameeyo.
|
| | Unrecorded Date TO:Yaquta abayo yaquta wiilka maxad ku diidan tahay oo ma cillado uu leeyahay,mise wuu dabecad qallafsan yahay,ma adase kula heshiiyay aroos oo cahdi la galay,Abayo waanadan waa mid aan ku waaninayo walashay ee Maqal. Abayo marka aad xiriir guur samaysanaysid micnaheedu waa nolol dheer oo u baahan wax yaalo badan laakin waxaa u muhimsan Alle ka cabsi iyo akhlaqda islamka ogowna wiil walba intuu ilah iyo aakhiro ka baqayo ayuu ku dhowrayaa oo ku daryeeli doonaa marka hadii uu yahay wiil diintisu fiican tahay oo dabecad furan abayo isaga qaado. Anigu waxan aaminsanahy kan ku jecel raac jecylkisa ku raaxayso
|
| | Unrecorded Date To: Yaquta, Haddii aadan jeclayn wiilka hore oo niyadaada aysan kujirin inaad nolol laqaybsan karto "don't waste his time and your time" Coz hadhow markaad guursato it's going to be too late for you to think it all over and that may lead to unproductive marriage. Calaa & xaal guurku ciyaar ma galo "intaadan falin ka fiirso" About the other guy " Canjeelo say ukala korayso aa loo cunaa" So xalli wiilka hore eed jeceylka ku beertay arrintiisa. Kadibna use the result as a recipe. HUNGURI WAX KA WAYN WEY DILLACIYAAN.
|