Skip to main content

.

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): XUJOOYIN IYO XIKMADO
 SubtopicMsgs  Last Updated

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMMAANTIIN

boggan GENERALKA oo ah mid si gaara aan wax loogu soo qorin oo guud ahaan mowduucyo badan lagu soo qoro ayaa marna waxaan ka helin wax ka hadlaya wax yaabihii dhalinta soomaaliyeed ay ku madadaalan jirtay oo ay ka mid ahaayeen googalaysigii,xujooyinkii iwm, marka miyaa la iloobay? miyaaa la iska dhaafay oo waa laga il baxay!!?.
waayadii hore dhalintu waxay isugu imaan jireen goobo lagu wada hadlo oo wax la isku dhaafsado, hadda waxaa badalay in maadaama dadkii qurbaha u soo baxay in Intii haleeli kartaa ay ku cawaysinto Internetka oo ay ka qaataan wixii caadada u ahaa bulshada soomaaliyeed Kaftanka iyo wada sheekaysiga balse ma arag wax is xujaynaya waa xujooyinkii lagu madadaalan jiraye.

haddaba waxaan jeclaystay inaan furo Boggan cusub oo bal wixii xujooyin iyo googaalaysiba ah la isku dhaafsado, waxaana intaa ku dari lahaa in aan lagu soo darin DHANKA CARAATANKA maxa yeelay waa ila fool xumo.
Haddii si wanaagsan looga qayb qaato sida aan qabo dhalin badan oo qurbaha ku kortay oo aan wali helin fursad xujooyinkaa ay ku helaan ayaan filayaa inay ka faa'iidaysan doonaan.

BAL AAN FURO:-

"qof dumara ayaa waxay xanbaarsanyd Cunug midna way daadihinaysay, waxaa ooyay kii ay daadihinaysay markaasay ku tiri hooyo aamus kaan sidaaba waa aabahaa walaalkiiye!!!!.
Sideebay ku dhacday arinkaa!!!!!???".

Jawaab wacan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date

salaama caleykum

walaal Qadhafaa
xujadan waana wareerisee naga soo sheeg jawaabteeda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
Mohamed waan ku salamaay.
Mohamed maanu dadka kale sugno waxaa laga yaabaa in la radinayee, ballan weeye waan soo dayn inshaa allahu,bal aanu fursad yara siino dadka qaarka baadigoobaya.

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdullahi

Unrecorded Date
asalamu calaykum

qadhafa waa runtaa nasuga waxaad noo dirtay inaanu inaanu dib u baarno buugtii horeeeeee yara na sug waana arin wanaagsan aanu wax isdhafsano qadhafaa nin odaya dheh!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Unrecorded Date
Qadhafaa,
GooGaa!!
laan sariib,laan saloos?
inta jawaab waabta halxidhhagahaa laga soo jawaabayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faadumo

Unrecorded Date
Ku: Qadhafaa,Maxamed,Cabdulaahi iyo Sahra.

Assalaamu Calaykum.

Akhyaarta kaftankaa inoo furan.Xujadaan Soomaaliya waxaa loo diri jirey ardayda fasalka sadaxaad[Grade 3].Goormay maskaxda idinka fuuntoowday?

Islaan baa waxay dhashay curad.Curadkii isagoo da`yar buu guursaday. Asagoo wiil u jooga baa hooyadiis wiil dhashay.Yarka hooyadiis waxay u dhiibatay cunugeedii yaraa[waa kan la xambaarsanyahay] gabadhay sodohda u ahayd, inay u xambaarto. Gabadhii oo xambaarsan ilmihii yaraa oo ay dumaashiga u ahayd baa wiilkeedii yaraa oo ay daadahsanaysay, ooyey markaasay ku tidhi "Hooyo aamus kaan sidaaba waa aabahaa walaalkiiye".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saxarla

Unrecorded Date
Wow,Fadumo

anigana waxaan u heystay in ay islaantu isu martay wiil iyo aabihi...labadiina carruur u wada dhashay. Waa ayna noqon karta sow maahan ninkii xujada keenow?

saxarla

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
waad salaman tihiin.
ma ahan in maskaxdii na fuuntowdaye wax badan ood taqaan ayaa laga yaaba inaan jaahil ka ahay amaba dad badan ayaaba jira oo aanba HALXIRAALE iyo GOOGAALAYSIBA AQOON maka ujedadu waa "AL-CILMU BAYNA TALAAMIID".

Jawaabtaa oo ah mid sax ah ayaan si kale ku jawaabi karnaa waana sida.

" wiil iyo aabihii ayaa waxay kala gursadeen gabar iyo hooyadeed, wiilkii wuxuu guursaday Gabadhii, Odagiina wuxuu guursaday Islaantii.
Gabadhii waxay Wiilki u dhashay wiil, islaantiina waxay Odagii u dhashay wiil
Ayadoo ay maalin gabadhii hayso labadii wiil oo ay sido kii hooyaded dhashay ooyna daadihinayso kay dhashay ayadu ayaa ooyey wiilkii ay dhashay markaasay tiri HOOYO AAMUS KAAN SIDAABA WAA AABAAHAA WALAALKIIYE oo ay sababtu tahay wiilka ay sido waxaa dhalay odaga awoowaha u ah kay dhashay ayadu".
saasna faadumo waa lagu furaa xujjadan.

Sahra Laan sariib, laan saloos! ma garan ee hadda soo daa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Unrecorded Date
DHALINYARO waad salaman tahiin
LAAN SARIIB=GEELA-WEXEY TILMAAMISAA SIDA AY WAX U CUNAAN.

LAAN SALOOL = ARIGA OO WAXEY SALOOSHAAN AMA ISKU TAAGAAN LABADA DAMBE IGOGOO LABADA LUGOOD EE HORE KORA GEEDKA oo wax uga cunaan.....

teeda kale waxbaa si ka ah hal xidhaalahaagee did u baar....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gorgor

Unrecorded Date
anigu waxaan u maqlay sida uu qadhafaa halxidhaalahaa u yidhi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafa

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin dhammaantiin.

mid kale ayaan soo daayey.

" Shimbiro ayaa geed saarnaa kuwana way hoos joogeen, kuwii kor sarnaa ayaa yiri Shimbirayahaw hoos joogaa haddii mid ka mida noo timaado waanu idinku laban-laabmaynaa, kuwii hoos joogayna waxay yiraahdeen Shimbirayahaw kor joogaa haddii mid ka mida noo timaado waynu is le'ekaanaynaynaa".

haddaba waa imisa cadada tirada shimbiraha geedaha saraan iyo kuwa hoos jooga?.

jawaab furan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asli

Unrecorded Date
Shimbirha geeedka saaran waa 7 kuwa hoos joogaana waa 5
GooGaa!
Saadex nin oo nin waalan siida

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arliyo

Unrecorded Date
asli anaa ka jawaabaya halxiraalahaaga
waxaana weeye sedexda dhardhaar iyo digsiga.

GOOgaa.
Wax cirka taar ku leh dhulka taarkuleh tagooga orgi leh.????????????????????????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faadumo

Unrecorded Date
Cadale!!

Arliyo jawaabtu waa Qaansaroobaad.

Googaa!!!

Abtigeen warmaweyne webi taraar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa

Unrecorded Date
Salaan diiran ka dib

Faadumo CADALE

Waa Yaxaaska.

Adiguse GOOGAA

Dudun agteed duumo kugu legaday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faadumo

Unrecorded Date

Sida aan anigu u aqaan jawaabtu ma ahan Yaxaaska.

Cadale!

Jawaabta Googaalahaagu waa Huradada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ARLIYO

Unrecorded Date
GOO GIIN.
WAXAAD KA SOO JAWAABTAAN CAD KA GEELA KU YAAL EE CEERIINKA LAGU CUNI KARO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raage

Unrecorded Date
arliyo waa cadka amaanka ee kuruska
ku dhex jira

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RAAGE

Unrecorded Date
googaa
KOR U BOODE KOOFIYAD CADDE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa

Unrecorded Date
Salaan diiran dabadeed

Raage CADALE

Waa daangada.

Adiguse GOOGAA

is guduudis is garoobis aan la guursan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shukri

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

xujo
meel baa waxaa wada joogay ninkaaga, dumaashigaa,aabahaa, waxaanad haysataa xabbad liin ah xabad tufaaxa iyo xabad moosa marka xabada mooska 3daa qof ayaad siin lahayd?yacni qofkeebaad siin lahayd xabbada mooska ah?.

waxan xijinayaa

GOOGAA
irbad aleecaad ka timid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed yare

Unrecorded Date

shukri xujadaada garanmaayo, laakiin waxaan garanayaa; irbad aleecaad ka timid;
jawaabtu waa DOONTA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amran

Unrecorded Date
Shukri xujadaada sidaan u maqlay waa xaaskaaga, dumaashidaa iyo Hooyadaa. Markaa nin bay ku socotaa xujadu ee gabadh kuma socoto. Waxana uu siinayaa xabadda mooska ah Xaaskiisa.
Waa sidaan u maqlay uun.

GOOGAA
Afar nin oo gogol ku wada fadhiya oon salaantana isla gaadhin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed yare

Unrecorded Date

Amran cadale

Waa naasaha lo'da

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sitey

Unrecorded Date
haaaahhahah..raage taas leenbo aqaana waday:
kofiacadde waa dangada marka la dubaayo..ama popcornka....

Sitey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asli

Unrecorded Date
GooGaa!

Guurigeenu waa wada ul oo ul laaqato maa leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amran

Unrecorded Date
Asli Cigalee
Waa geesaha Riyaha

Xujo
Nin soomaaliya ayaa wuxuu waardiye u ahaa nin Gaal ah meeshuna waa Somaaliya. Muddo badan ayuu u shaqaynayay waanay isku wanaagsanaayeen. Waxa maalin maalmaha ka mida uu gaalkii u sheegay waardiyihii in uu dhawaan dhoofi doono wadankiisiina yara gaadhi doono. Hadaba maalintii uu gaalku dhoofi doono maalintii ka horaysay ayuu waardiyihii ku riyooday Diyaaraddii ninka gaalka ihi raaci lahaa oo dhacday!!! Dabadeed wuxuu aroornimadii u sheegay gaalkii arintaa isagoo kula talinaya inuu maanta ka baaqdo safarkiisa, waayo waa la arkaa badanaa waxa uu waardiyuhu ku riyoodo. Gaalkii isagoo yaaban waxanna aan aaminsanayn ayuu yidhi bal waayahay waanu ka baaqday maalintaa safarkiisii. Sidii uu waardiyuhu ku riyooday ayaa dhab noqotay oo Diyaaradii way dhacday. Ninkii gaalka ahaa aad buu u fekeray maalintaa waanu yaabay sida waxani ku dhici karaan, dabadeed wuxuu u yimid waardiyihiisii waxaanu ku yidhi: "Hoo waakan mushaharkaagii inta aad igu lahayde iska tag" Waanu eryay ninkii waardiyaha u ahaa ee badbaadiyay naftiisa. Sababta uu u eryay maxay tahay????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
asalaama caleykum dhamaantiin

Amran jawaabta sababta waardiyaha loo eryey waxa weeye wuu seexday oo shaqadiisii ayuu dayacay.

intaas ka dib su.aal
waxaad sheegtaa tuulo ka mid ah wadankeenii soomaaliya oo magaceedu ka koobanyahay 14 xarfood
A)marka leyku daro xarfaha(10,11,12,13) waxa kuu soo baxaya magaca caasimada wadanka jarmalka.
B) marka leyku daro xarfaha(10,2,3,1,6,4) waxaa kuu soo baxaya magaca caasimada wadanka faransiiska.
C)marka leysku daro xarfaha(9,8,7,1,11,12,10,14)
waxaa kuu soo baxaya magaca caasimada wadanka kenya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amran

Unrecorded Date
Moh_Said
waxaan filayaa in tuuladaasi tahay Raas Kambooni
Bal ma hubee ka haday noqon waydo waxaynu eegi in cid kale garato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
Amran
runtii waad asiibtey magacii tuulada waxaase kaa dhiman dhameystirka su,aasha inteeda kale marka isku day sidey ku soo bixi laheyd sadexda wadan aan soo sheegay caasimadahooda markaas waxaad saxeysaa speelinka tuulada oo hada wax yar kaa qaldanyahey.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NURADIN

Unrecorded Date

GOOGAA

DHUR WAA KU LIQ OO KU SOO LABA CELI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ARLIYO

Unrecorded Date
cigalee,
dhurwaa ku liqyoo kusoo laba celi waxaweeyaan
AQALKA MADAW EE AAD GASHO HADANA KA SOO BAXDO.
JAAW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdinur

Unrecorded Date
ku: JUXAA (Fri. 29/1/99).

Waxaan u malaynayaa in jawaabtu tahay DUDDUMO.

Balse adiga iyo intiinna kaleba ma dhammaystiri kartaan Maahmaahdan saddexley-dan ah.

"Saddex awoowayaasheen ayaa caado u lahaa, saddexna aabbayaasheen, saddexna dhallinta/wiilasha maanta joogta/jooga."

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa

Unrecorded Date
Salaan diiran dabadeed

Ku: Abdinur walaale waa runtaa oo jawaabtu waa dudumada.

Maahmaahdaada saddexleyda ahse ma hayo, baadi goob ayaanse ugu jiraa.

Salaamaat min kuli aafaat

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYNUUS

Unrecorded Date
WAA SALAMANTIHIIN DHALIN YARO,
MALIN KASTO WAAN AQRIYAA MESHAN SI AAN HAL SUAL UGA
JAWAABO BALSE NASIIB DARO WAXBA ILAA IYO HADA KAMA
JAWABIN MARKA FADLAN NOO FUDUDEYA MARKA SOO SOCOTA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdinur

Unrecorded Date
Ku: Juxa/Dhammaantiin

Waxaan filayaa in aanay dad badani garanahayn maahmaahdaas saddexleyda ah. Muddo laga joogo 14 sano(Soomaaliya) ayaa nin ii sheegay in maahmaahdani tahay mid cusub oo uu isagu sameeyey.
In taasi xaqiiq tahay iyo in kalena Ilaahay baa og.

"Saddex awoowayaasheen ayaa caado u lahaa: Tanaa geel ah, Tag tii tol wacan ah iyo Talo cirroole talinayo. Saddexna aabbayasheenbaa caado u lahaa: Tanaa gees leh, Tag tii quruxbadan ah, iyo Talo gadhmadoobe talinayo. Saddexna wiilasha maanta jooga ayaa caan ku ah: Tanaa lacag ah, Tag tii walba ah iyo Talo carruuri talinayso."

MACNAHA oo kooban:

Waa saddex Fac oo Fac waliba si wax u qiimeeyn jiray. Nuxurka ku jiraana waa iyadoo marka raggii hore sii yaraadaba habdhaqankoodiina sii yaraanayo kaasoo loo sifeyn jirey inu ahaa mid aad u wanaagsan.

Awoowayaasheen xoolaha geela ayey ka qiimeyn jireen, Dumarkana tan ugu tol wacan, taladana ninka cirro leh (da'da) ayaa loo dhiibi jiray.

Aabbayaasheen Geelii waxay ku soo dareen intii geesleyda ahayd (Lo',riyo), Dumarkana waxay ku qiimeeyeen quruxda, da'da talada lagu gooyana way soo gaabiyeen oo waxay soo gaarsiiyeen Gadhmadoobe.

Wiilasha maanta joogaa waxay aad u qiimeeyaan oo wax kasta ka hor mariyeen lacagta, dumarkana waxay u qiimeeyaan "Naageey Naag ma tahay", uma kala soocna (raali iga ahaada gabdhoow), Taladii nin weyn-na diide oo cidna wax kama maqlaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Diinleeya?

Mininkeena gadaashiis geed mac aaku yaalaa?.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa

Unrecorded Date
Salaan dabadeed

Ku: Abdinur

Walaale mahadi ha kaa gaadhee waxaad noo kordhisay xikmad aad u weyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAGAL

Unrecorded Date
WAAD SALAMANTIHIIN WALAALAYAAL
ANIGU WAXAAN NIGU XUJEENAYAA
BARIGII HORE MARKAAN ISCHOOL AAN ADAYNO SUBAX WALBA WAXAAN RADIYOW MOQDISHO KA DHAGAYSAN JIRNAY HEESO BADAN MARKAA HEESTA CAR DHAMAYSTIRA
WAXAA WEYE HAYAAY SOO BAXAAY HAYAAY
IYO HEESTA KALE DUGSIGAAGA KA ADKOOW KA ADKOOW DERSIGAAGA KA ADKOOW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Five

Unrecorded Date
waxaad sheek taan gorta moos la cuno,macnaha goormaa la cunaa moos ama mus.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOYAN

Unrecorded Date
WAAN IDIN SALAAMAY WALAALAYAAL.
SU'AALIHII AAN AQIIN WAA LAGA JAWAABAY, LAAKIIN NIN SAAS KUHARA MAAHIYE XUJADAAN IGA HOOYA.

"WAXAAD HAYSATAA DHALO 8 LITAR( 8 LITRES) OO SALIID AH QAADA OO BUUXDA. WAXAAD KALOO HAYSATAA LABA DHALO OO MIDI QAADA 5 LITAR MIDINA QAADA 3 LITAR OO FAARUQ AH. MARKAAS AYAA WAXAA KUU YIMID LABA NIN OO WADA SOCDA". WAXAA MARKA LARABAA IN LABADA NIN AAD MIN 4 LITAR OO SALIID AH SIISID. SEE BAAD UGU QAYBIN LAHAYDEEN. JAWAAB WACAN DHAMAANTIIN. WAAN IDIN SALAAMAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Loyan

Unrecorded Date
waxaan idin ka iloobay in dhalooyinku aysan wax calaamad ah aysan lahayn ilaa in ay 3 litar, 5 litar iyo 8 litar ay qaadaan mooye.
waad mahad santihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyare

Unrecorded Date
anigoo ah sanyare ayaan waxaan kajawaabayaa xujadii loyan waxa weeye marka hore
waxaad buuxinaysaa sadex literqaada
waxaad kushubaysaa shanlitirqaada
hadana waxaad buuxinaysaa sadexlitirqaada waxaad kushubaysaa shan litirqaada
waxaa kuusoohadhaya hal litir oosaliid ah
waxaad kudaynaysaa sadexlitirqaa da
shantii litir waxaad kushubaysaa sideedqaada
halkii litir ayaad kushubaysaa shan qadii
hadana waxaad buuxinaysaa sadexqaadii
waxaad kushubaysaa shanqaadii
waxaad halkaa kushubtay afar litir oo saliida afartii kalena waxay kuu gu jiraan sideedqadii
anigooy aytahay maalintii iigu horaysay bogan halxiraalaha ayaan waxaan umalaynayaa inyjawaab taadu sidaa tahay looyaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyare

Unrecorded Date
FROM SANYARE

waxaad sheegtaan tol wada afmadow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyare

Unrecorded Date
waad salaamantihiin

waxaad sheegtaan wax dheer oo dheer oo aan hadana hal naaskeed gaadhayn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SANYARE

Unrecorded Date
waad salaamantiin walaalayaal
marlabaad iyo sanyare
waxaad furfurtaan xujadan oo ah
shimbir baa shimbiro utimi waxay kutiri shimbirayahaw imisaad tihiin waxay kuyi raahdeen
markaanu intaanu nahay inleeg lagu daro badhkeed lagudaro rubuceed lagudaro adigana nalagu kaadaro ayaanu boqol noqonaynaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SANYARE

Unrecorded Date
WAA MARSADEXAAD IYO MR SANYARE
WAXA MARKA 1+1=3...
WAXA MARKA HAL LAGU DARO HAL AAN NOQON LABO EE NOQDA SADEX IYO WIXII KASIIBADAN

WAAD SALAAMANTIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arliyo

Unrecorded Date
waxaan furayaa xujadii sanyare ee ahayd tol wada af modow.
waa kabriidka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JABANEY

Unrecorded Date
MR JABANEY

SOOMALIYEEY GOO GIIN
GURIGAANU KAGUUROBA WAX BAA
DIB U SOO EEGAYA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyare

Unrecorded Date
arliyo waad garatay
hadana waxaan idin leeyahay GOOGIIN

waxaad sheegtaan wax kunbaaleh oon badkaboodin?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SANYARE

Unrecorded Date
somaaliyey GOOGIIN
WAXAAD SHEEGTAAN SADEX NIN OO NIN WADASIDA ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa

Unrecorded Date
Salaan diiran dabadeed

Ku: Sanyare/dhamaan

marka hore xujadaaada ku saabsan shimbiraha aan ku hor maree waa 36 shimbirood:
36 + 36 + 18 + 9 + 1 = 100.

Saddexda waalan ee ninka waalan sidana waa dhardhaarka iyo dheriga saaran.

Waxa dheer oo dheer oo haddana hal naaskeed gaarin waa waddada (shaaga, laamiga ama jidka).

Mr sanyare halkaa ka wad xujooyinkaaga.

Salaamaat min kuli aafaat

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Loyan

Unrecorded Date
sanyare, arliyo, juxaa iyo dhamaantiin walaalayaal waan idin salaamay. salaan kadib waxaan layaabanahay waxa ku dhacay saaxiibkeen qadhafaa oo asagu bogaan inoo billabay, waxaan leeyahay war saaxiib hulka kasoo bax. intaas dabeed sanyare waad garatay xujadii, waadna ku mahad santahay. hadaba kuligiin waxaad furtaan xujooyinkan dhowrka ah.
1) libaax ku qaadyoo kusoo laba celi.
2) ninbaa waxa uu watay neef, libaax iyo caws. wuxuu ku yimid webi uu rabay unuu ka tilaabo, hasa yeeshu wuxuu helay doon yar oo asaga iyo hal yeeysh oo kale qaada. masalan waxaa doonta raaci kara ninka iyo libaaxa, ninka iyo cawska ama ninka iyo neefka.
dhibaatada ninka haysata waxa weeye hadii uu libaaxa iyo neefka isaga tago, libaaxu wuxuu cunayaa neefka, hadii uu neefka iyo cawska isaga tagona, neefku wuxuu cunayaa cawska, taas oo uu ninku rabin.
hadaba sidee buu ninku webiga uga tilaabi karaa.
3)waxaad sheegtaan meesha ragu uu kaweyn yahay ratiga geela ugu weyn.
wasalaamu calaykum waraxmatulah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Five

Unrecorded Date
kedis waa is weedaarsi iyo su'aalla is weeydiin.marka su'aasheedda waxa weeye sheega,magaalo dunidda ku taalla oo madooga iyo yahuudda deggan ee aad u badanyahiin adduunga kuma taallo magaallo ee sidaa u deganyihiin.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhuur

Unrecorded Date
Suhuur
Jawaabtu waa Ethiopia, haddii add Yahuuda kawadid Jewishka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDI

Unrecorded Date
waad salamantihiin.
aniguna waxaan idin way diinayaa yuu ahaa madax waynihii aasaasay Jaamacada Carabta iyo dalkuu u dhashay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi jama

Unrecorded Date
waa magaalada newyork

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Five

Unrecorded Date
waxaan u maleynayaa madaxweynihii asaasey jamacada carabta inuu ahaa jamaal abdi nasir oo u dhashey wadanka masaarida (egypti)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fadhag

Unrecorded Date
kuligiin waa idin salaamay

Su'aasheeyda:
Galbeedka Africa waxeey leeyihiin bahwadaag dhaqaale iyo mid milatery , maxaa laka yiraahdaa meeqa wadanna ayaa ka mid ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyare

Unrecorded Date
ku loyan
ka sanyare waan kusalaamayaa
bacda salaan hadaan isku dayo xujooyinkaagii,,,,,,,,,,,
1,jawaab ,, waa aqalka madow
2,waxa weeye markahore waxaad qaadaysaa rida
waxaad hadana qaadaysaa cawska .
waxaad soocelinaysaa ridii . waxaad hadanaqaadaysaa libaaxii, waxaad marka udanbaysa qaa daysaa hadana ridii
3.jawaab .waasurka ama dawaada, ama qadaadka hadba sida aad utaqaano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arliyo

Unrecorded Date
ku, sanyare
waxaan furayaa xujadii ahayd (wax kun baal leh aan bad ka boodin)? waa kitaabka amaba buug

salaan dhamaan qorayaasha aan akhristayaasha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GURAY

Unrecorded Date
GOOGAA
Wax dheer oo dheeraanqon
MOWLIID GURAY ABIIB

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
Loyan,juxaa,sanyare,amran,c/nuur iyo dhammaan dhalinta inteeda kale waad salaaman tihiin iga raali noqda haddii la i waayey waan yara mashquulaye.

haddaan sii wadno dhankii xujooyinka waxaan maantana soo daynayaa xujo u qaabaysan sidii gabaygii oo leh wazni iyo qaafiyad misaaman waa dhawr bayt balse mid ayaanka soo qabanayaa.

SADEX GABAR KU INAMOWDAY OO UUNKA WADA GAADHAY DAD NINKII AKHBAARTAA FURAA IGA ABWAANAYSAN.

Muxuu ula jeedaa mas'aladaas? maxayse tahay?
jawaab wacan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdul

Unrecorded Date
Salaan dhamaantiin,

Magaaladii ugu horeysay ee Calanka Somalida laga
saaro iyo taariikhdii?

Abdul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SANYARE

Unrecorded Date
sanyare
abdul

waad salaamantahay hadaan isku dayo xujadaas
magaaladu waxay ahayd (HARGAYSASANADKII 6-26 1960
LIXIYO LABAATANKII JUUN LIBAANAY KOWDA LUULYO LUGO ANAY KOW IYO LABAATANKII OKTOOBER LALEELAY WATAY SOOMALIDA QAARLAHAAYEEN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdul

Unrecorded Date
hello friends,
dear sanyare

Magaaladii ugu horeysay ee clan Somaliyeed
la suro waa Beletweyn Ocober 12, 1954.
Hargeysa 26/06/60..waa magaaladii ugu horeysay
oo calan xor ah la saaro..Sareeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eegnee kana saar kana siib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali

Unrecorded Date
assalaamu calaykum.
waxaan sheegaYAA sheeko.
wiil ayaa laga keenay baadiye oo la keenay xamar,
maalin ayaa waxaa is raacay wilkii iyo wiil kaLE
waxay iib sadeen Jalaato,wiilkii baAdiyaHA ka yimid oo aan aqoon Jalaata ayaa hadba gacan ku qanta asaga oo lek shii-xaax,xaax oo gacmihii qaboobeen.
wiilkii kale ayaa yiri aboowe cun Jalaataa ladhahaaye MARKAAS AYUU YIRI WAR MA ANAAD II SHEEGAYSAA JALAATO MARKAAN BAADIYE KA SOO TAGAYAY AYAA LABEERAYAYE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CALI

Unrecorded Date
waan idin salaamay dhamaantiin.
waXAA i dhaafay barnaamishkaan oo aan aad u raadin jiray.
mahadsanid QAdhaafe iyo dhamaan inta kasoo qayb gashaybarnaa mishkaan.
XUJO'*'
BAABUUR AYAA MARAYEY LAAMIGA BAABUURKU WUXUU KU SOCDAY BOQOLKA MARKII UU BAREEGA QABTAYNA WAX NIN AH MA SAAR NAYN,EE SEE U SOCDAY.
WAXAAD SHEEGAYSAA WIXII BAABUURKA WADAY.
INTAAS IYO NABAD GALYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa

Unrecorded Date
Ku: Cali
mahadsanid Caliyoow sheekadaadu waa mid aad u qosol badan, bal haddana waxaan isku dayayaa inaan ka jawaabo su'aashaada, Caliyoow waxa gaariga waday waa ruux dumar ah.

Halkaa ka wad su'aalaha Mr Cali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sofia

Unrecorded Date
waan idiin wada salaamay,
salaan ka dib
Fura xujadaan

A poor man can make cigarette from six butts. how many cigarette can he make from thirty-six butts?
good luck!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CALI

Unrecorded Date
KU: JUXAA
Jaxa jawaabta waad la heshay oo isha ayaad kariday.

XUJO KALE:
waxaad sheegtaan wax firin jiyeerka marka lagaliyo
iyo marka uu banaanka yaaalaba kulul.

ku:sofia
xujada soomaali maku qorikartaa adoo raali ah.
WAS-salaamu calaykum.
CALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Unrecorded Date
salaama dhamaantiin dhalinyaro.
ali-wax firingeerka marka la galiyo iyo marka uu baanka yaalo kulu waa basbaaska .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowkowleh

Unrecorded Date
to sofia

the answer to your halxiraale waa 6

idinku ma sheegi kartaan

Riyo dhalay oon dambar lahayn

Mahdsanidin dhamaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid

Unrecorded Date
salaamu calaykum, aad ayaan ugu farxay markaan arkay dhalinyaro is xujeeyneeyso weliba af soomaali layaab!!!.
sababtoo ah waxaan soo booqday dhowr bog koley waa ka war qabtiin dabcan.
bal haddii aan isku dayo xujo,balisku daya jawaat
"sheega wa lagu arko USBUUCII sade jeer aanan lagu arkin BIL IYO SANAD welina MAALIN iyo CAWOBA?"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sofia

Unrecorded Date
Answer to the cigarrete question
the poor man can make 7
he makes 6 first then smokes them, and has six butts to make the seventh one.

thanks kowkowleh you were very close

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdisalaan

Unrecorded Date
waad salamantihiin dhamaantiin
googaa miliq miliq ma liqiyooto

googaa afyar afyar unuunato gallo iyo islaan idleysato

adoo kadalooba xamar kaa dhaa dhac

googaa kali foow tiri kabaal daba yaal kacoo soo qabo

sac la qalay ferro qayax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin dhammaantiin

c/salaan cadalee

- miliq miliq ma laqanyooto: waa midida

- adoo kadalooba xamar kaa dhaadhac: waxaan filayaa inay ahayd wax wayn oo waayeel ka kacay

inta kale waan u fakarayaa.

mid kale ayaan soo tuurayaa maanta.

"Ilmo laba ayaamood jiroo ibo la nugsiinin oo hooyadood iyo aabahood kala aqoonaaya"dad ninkii akhbartaa furaa iga abwaanaysan (nin horaa yiri)

mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowkowleh

Unrecorded Date
abdi salaan,

Keli fow tidhi kabaal daba yaal kac oo soo qabo waa dhuusada.

sac laqalay feedho qayax waa aqal soomaliga intaan kebada iyo cowska dusha laga saarin.

adi tan garo...

Laybaq laybaq laba ka dheere maroodi layn

jini jini saaran jini kale saaran jar ka soo jeeda jabayeeda haya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowkowleh

Unrecorded Date
hey salaan
afyar afyar uunusato gole iyo islaan, waa injirta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amina

Unrecorded Date
walaalayaal salaan qaali ah
salaan dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Dhamaantiin Dhalinyaro salaan
Waadna ku mahadsantihiin
halxiraalayaasha iyo xujooyinka
qiimaha badan waxaan jeclaan lahaa inaan helo
su aashii amran oo ku saabsaneed tuulada somalia
kutaal ee 14 xaraf ka koobnaa jawaabteeda
hadii lahelo karo pls
mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN.M

Unrecorded Date
Salaan kadib su aal?
sadex nin ayaa diyaarad wada raacay
markey magaalada Roma ee dalka Italy ay
kor marayeen ayaa wuxuu duuliyihii dhahay
waxaan kor mareenaa Roma.
sadexdii nin mar ayey wada dheheen
yes we see
sadexdaa nin yey u dhasheen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
waan idin salaamay dhamaantiin

Maryan M. walaal wan ku salaamay halxiraalahaagu waa mid aad maskaxda u daaliyey balse jawabteedu waa sidan.

nimanka sadexda ahi waxay u kala dhasheen dalalka ingiriiska, Fransiiska iyo dalka Talyaaniga waxaana dhiraandhiriyey weedha ah YES WE SEE.

bal i soo sax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM DHAMAANTIIN.

Walaal AMRAN.M
Waad ku mahadsantahay xiiseynta aad u heysid inaad ogaatid tuulada magaceedu ka koobanyahay 14 xarfood, lagana dhex helaayo sadex dal magacyada
caasimadahooda.
waxaase loo sheegay horey inkastoo qoraalka ay xarfo ka dhinaayeen waxaana weeye RAASKIYANBOONI
waxeyna ka tirsantahay gobolka jubada hoose.

MACA SALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu********Caleykum

Dhamaantiin salaan walaalayaal
marka hore mahanaq to Qadhafaa
magacana waa Amran M walaalkiis
adoo raali ii ah maryan maaha
jawaabta aad sheegteyna
waa sax waadna asiibtey walaalkiis
sadexda nin waxay u kala dhasheen
Ingiriis, France iyo Italy
Marka labaad thanks to Moh_Said
Aboowe aad ayaad ugu mahadsantahay
Jawaabtaatii tuulada Raaskiyanboni

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Dhalinyaro salaan kadib xujo?
sadex qof ayaa isla socdey, biyo dhexdood ayey gudbeen. Sadexdaas qof, mid biyaha jilbaha ayey u gaareen, midna mataaban biyihii, midna waxba kama ogeen biyahaas sidey ku dhacdey?
jawaab wacan akhiyaarta
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BURCADE

Unrecorded Date
WAAD SALAAMATIHIIN DHAMAAN
WAXAAN RABAA IN LAGA SOO JAWAABO XUJADAN.
WAXAA SAFAR WADAGALAY 3NIN IYO SADAXDOODII HAWEEN
WAXEYNA KUSOO BAXEEN WABI WAXEYNA RABAAN IN WABIGA DHINACA KALE EY UGOOYAAN WAXAANA WABIGA TAALO DOON YAR OO MARKIIBA QAADO 2QOF WAXAANA LARABAA IN LAWADA GUDBO OO EYAN ISLAFUULIN DOONTA NIN IYO NAAG ANAN MUXRIM ISU AHAY WAANA IN AY KUWADOONTA QAATO QOFKAMID AH USOO CELIYO DOONTA KUWII KALE SI DADKOODHAN EY UDHAFAAN WABIGA.
KASOO JAWAABA HADEY DHIBAATO KA TIMAADO AF SOOMALIGA ISOO WEYDIIYA WAAN SOO JILCIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade

Unrecorded Date
ASLAAMU CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH
SALAANTA ISLAAMKA KADIB.
WAXAAN RABAA INLAGA SOOJAWAABO XUJADAN.
WAXAA SAFAR WADAGALAY 3NIN IYO SADAXDOODII HAWEEN
WAXAYNA KUSOO BAXEEN WABI WAXAYNA RABAAN INEY GUDBAAN WAXAA WABIGA LAGU GUDBAA DOON YAR WAXAYNA QAADAA MARKIIBA 2QOF LAMANA OGOLLA INEY WADA- RACAAN NIN IYO NAAG AAN ISQABIN LAMANA OGOLLA NAAG NINKEEDA AAN LAJOOGIN INEY LAJOOGTO NIMANKII KALE .SIDEE LAGU GUDBI KARAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade

Unrecorded Date
ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU
SALAAN BADIB
SOO FURA XUJADAN.
WAXAA WADA SAFRAY 3NIN IYO SADAXDOODII NAAG
WAXAYNA KU SOO BAXEEN WABI WAXEYNA RABEEN INEY GUDBAAN WAXAA WABIGA TAALA DOON YAR OO MARKIIBA QAADA 2QOF. LAMANA OGOLA INEY WADA RAACAAN NIN IYO NAAG AAN IS QABIN LAMANA OGOLA NAAG UU NIKEEDII DHINA CA KALE JIRA INEY LAJOOGTO RAGII KALE SIDOOKALE NINKANA LAMA OGOLLA ISAGUNA INUU LAJOOGO NAAGO AMA NAAG NINKEEDII DHINACAKALE JOOGA SIDEE LAGUWADA GUDBI KARAA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Magac -maleh

Unrecorded Date
amran:waa hoyo uur leh oo xambaarsan ilmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Salaan dhaliyaro dhamaantiin
intaa kadib
magac-maleh mahadsanid jawaabtii ishaad ka ridey fatalq!!!!! hahahhahahhaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowkowleh

Unrecorded Date
Salaan dhalin yaro. marka xiga, Amran maan fahmin suaasha ku saabsan saddexda nin ee diyaarada fuushan iyo sida uu qadhafaa uga jawaabayba. bal maad ii soo jilcin adigoo raali ah, siday ay ku noqotay nin fransis ah, mid ingriis ah iyo mid talyaani ah.

Mahadsani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi-

Unrecorded Date
Hadaa xisaabta ku fiicantahay tan isku day:-)

Dhalo 8 liter qaada ayaa waxaa ka buuxey caano. Waxaa la rabaa in caanaha loo qaybiyo laba cidood 4 liter iyo 4 liter loomana baahna in cidna qaadato saa'id. Waxaa haysataa Dhalo 5 liter qaado iyo mid 3 liter qaado oo faaruq ah. Hadaba sideed labadaa cidood canahaas 8 liter ugu qaybin kartaa cidiibana afar 4 liter u siin kartaa adigoo isticmaalaya labada dhalo oo firaaqada ah iyo tan sideeda liter qaada oo caanuhu ku jiraan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum
dhalinyaro salaan kadib
kowkowle walaalkiis anigoo raali iyo nus ah jawaabtii waxay eheed siduu qadhafaa sheegey balse waxay sidaa ku noqotey
ninka duuliyaha ah markuu yiri Roma ayaan kor mareenaa sadexdii nin mar ayaa waxaa kasoo wada yeertey "yes we see"
marka midbaa yiri yes oo uu uga jeedo sidaad garan adba (haa) waana ninka Ingriiska
ninka 2aad wuxuu yiri we macnaheedana waa (haa) oo af fransiis ah
kan 3aadna wuxuu yiri see oo macnaheedu yahay (haa) waana kan talyaaniga ah
marka sadexda nin aboowe waxa ay dheheen macnaheeda hadii la fasiro waa hal macno laakiin sadex luuqadood ayey ku kala sheegeen
aboowe waataas jawaabta qadhafaa sax bey eheed xoogaa ayadoo kooban ayuu soo sheegey maogiye

yes=haa English
we=haa France
see=haa Italy
bye mahadsanid walaalkiis kawkawle & the rest

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*****Caleykum

dhalinyaro marlabaad anigii
waxaad sheegtaan naag soomaliya caan ka eheed oo meel kastoo kamid ah magaalada muqdisho ama gobolada qaar laga yaqaaney magaceeda iyo kan aabaheed naagtaasna kuma aysan caan bixin waxyaabaha dadka bini aadamka ah ay ku caan baxaan sida: jago dowladnimo ama business ama fanaanimo,IWM
balse waxayba eheed qof dan yar/faqiir ah
naagtaas magacdeeda labaad qofkii sheegaa waxaan u bixinayaa the GUY OF THE YEAR OR THE GIRL OF THE YEAR.
magaceeda labaadna waxaan uga jeedaa magaceeda iyo kan aabaheed.
macsalaama bye wiilasheena iyo gabdhaheena

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum
dhalinyaro salaan kadib

kowkowleh walaalkiis marka hore mahadsanid marka labaad jawaabta runtii siduu u sheegey qadhafaa ayey eheed balse wuu soo koobey
dabcan anigu waan lafahmey laakiin waxay sidaa kudhacdey
ninkii duuliyaha ahaa markuu yiri Roma ayaan kormareenaa sadexdii nin hal mar ayaa waxaa kasoo wada yeertey yes we see
midka 1aad yes ayuu yiri asagoo uga jeedo (haa) waana kan ingiriiska ehe
kii 2aadna wuxuu yiri we oo ay macnaheedu tahay (haa) luuqada faransiiska
kii 3aad wuxuu yiri see oo uu uga jeedey (haa)
waana ninkii talyaaniga ahaa
marka walaalkiis sadexda nin waxay sheegeen runtii hal macno ayuu yeelanayaa balse waxay kala ahaayeen sadex luuqadood.

haddii dhib aad kala kulantana walaalkiis soo sheeg anoo kufaraxsan ayaan kaaga jawaabi
mahadsanidiin dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qalinle

Unrecorded Date
Waan idin salaamay dhalinyarada xiiseysa qeybtan.

Xujo:
waxaad sheegtaan shey istaagi kara,socon kara,oo jiifa,oo aan fadhinin,......:

Ku:Moh-Said(Tuesday February 02/1999.

Waa xusuusin qeyb ka mid ah su,aashaadii.
Caasimada Jarmalka waa (BERLIN)ee Boon ma aha.

Habeen wanaagsan dhamaan.

Qalinle(Janegale).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowkowleh

Unrecorded Date
Amran.... Mahadsanid, Imika waan fahmay boqolkiiba boqoal walow aanan aqoonin af fransis iyo af talyaani,

suaashaada kale naagtaas caanka ahi ma somali bay ahad mise dal kale ayay u dhalatay?

Haddii ay soomali ahayd malahaa waa xaawo taako

xaawo ibraahim taako

Mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

dhalinyaro salaan kadib
kowkowle aboowe salaan kadib waan ku faraxsanahay jawaabta fahankeeda aad fahantey tan kale su aasheydii danbe waad ku mahadsantahay isku deyidda jawaabta balse naagtu haa soomaali ayey eheed xaawo taakana maaha ee waa naag nooleed oo joogtey waddanka xitaa markuu dagaalka dhacaayey inkastoon ogeen dagaaladii kadib nolosheeda. naagtaas kama mid aha halgamayaashii sidii aan horey usoo sheegeyna waa naag iska danyar ah kuma caan bixin wax dadka ama dalka soomaliya u qabatey sida xaawo taako oo kale.
bye dhalinyaro dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dheereeye

Unrecorded Date
Amraney waa yaabe naagtu ma islaantii habar kuuley ahayd baa!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum
dhalinyaro salaan kadib

dheereeye naagta maaha habar kuuleey
hahahhahahahaha waa iga qosolsiisee laakiin walaalkiis naagta magac caadi ayey leedahay iyo magaca aabaheed oo magac caadi ah

bye dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dheereeye

Unrecorded Date
Amraneey hadaa ma faa cali baa?!!
Anigu koleey ku daalay raadiskeediiye!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin dhamaantiin

amran salaan iga gudoon salaan kadib, kana raali noqo magaca maalintii hore waan yara ilduufaye

walaal markaan arkay su'aashaada waxaa isla markiiba igu soo dhacday waa marka laga hadlayo dhanka Dumarkee Xaawo Cismaan Cali "Taako" iyo Hodan Cabdi oo labadooduba ay caan ahaayeen marka loo eego dhanka dumarka canimaood iyo sifaalihii aad ku sheegtay balse waxad tiri waaba qof nool.

sidaa owgeed waxaan dib ugu noqday inaan la soo faqo maskada baarbaarayoo waxaan ka helay xusuusta Faay cali ama Faadumo cali" iyo waliba
Faay muxudiin ama Faaduma Muxudiin.

kuwaas oo lag yaqaanay magaalda muqdisha iyo gobolada u dhaw (waa saad ku tilmaantaye).waliba Faay cali

intaas wixii dhaafsiisan adlee waaye
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Dhalinyaro salaan kadib

To dheereeye suaashii jawaabteeda waad lasoo dheereyssey ma istiri walaalkiis cajiiib!!!!!
aad ayaad ugu mahadsantahay jawaabta. waana sidaad sheegtey faay cali/faadumo cali

To Qadhafaa aboowe raali iyo nus waan kuu ehee adiga raali iga noqo hee marka jawaabtana sidaad sheegtey waaye waaba toogatey amistiri hee. waa faa cali

dheereeye+Qadhafaa=(the guys of the year)
hahahhahahhahah
wiilasheena iisoo bar barya hee marka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin dhammaantiin

amran waxaabad moodaa inaan aniga iyo dheereeye is ogayn isku daqiiqado ayaan meesha wada nimi kulli calaa xaal halkaa inooga wad.

BURCADE jawaabtii xujada iga sax waatane.

lix qof oo lababa is dhashay loona baahan yahay in laga gudbiyo wabi maxram la'aanna ay mamnuuc tahay , marka sida ayaa la samaynayaa.

- marka hore waxaa doonta raacaya wiil iyo hooyadii,hooyada ayaa dhanka kale ee wabiga la dhigayaa waxana doonta soo celinaya wiilkii oo afartii kale u keenaya halkaas ayuu kaga harayaa markaas ayaa waxaa raacaya laba is dhashay oo dhanka kale gaynaya waxaa markaa doontii soo celinaya hooyadii kaligeed meesha joogtay.

- laba is dhashay ayaa misna raacaya ookaga gudbaya wabiga, hooyada (ama wiilka) ayaa soo celinaya doontii kan kalana dhanka kale ayaa looga soo tagayaa markaa ayaa waxaa raacaya laba is dhashay misna halkaas ayey ayaguna uga gudbayaan.

- waxaa doontii soo celinaya hooyadii (ama wiilkii) labada kale la joogay dhankii kale ayuuna qofkaa ka qaadaya qofkiisii kale

saaas ayey Burcade uga gudbayaa lixda qof.

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qalinle

Unrecorded Date
Habeen wanaagsan dhalinyaro.

Xujo:
Waxaad sheegtaan,wax raga aysan ka xishoonin ama ay sameeyaan,uu owrka ka xishoodo ama uusan sameynin;.

Qalinle(Janegale)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dheereeye

Unrecorded Date
Qalinle waxaan raggu ka xishoon oo awrku ka xishoodo waxay tahay in awrku uusan u tegin hasha haday uur qaado, ninkuse uusan kala jeclayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kowkowleh

Unrecorded Date

Amaraneey salaan, marka xiga, fay cali weligay iyo alahay ma maqlin maxay naataasi sameeysay oo ay caan ku ahayd?

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Dhalinyaro Salaan kadib

Kowkowloooooow marka hore mahadsanid
marka labaadna aan usoo noqdo su aashaadii kajawaabideedii. Aboowe horta naagta faay cali ama faadumo cali ladhahaa wax ay sameysey kuma aysan caan bixin, balse biibito ama maqaaxi midkaad u taqaanaba oo yar ayey leheed biibitadaas meel udhow ayaa waxaa fariisan jirey koox dhalinyaro oo dadka faduulin jirtey specialy (gabdhaha) marka qofkii lamaagaba oo ladhoho yaa wax ku yeeley waxay dhihi jireen faay cali meesheeda kuwa joogaa sidaas nayeeley. Magacii sidii buu kuhir galay dhalinyaradii kooxda ahaana waxaa loo bixiyey ciyaal faay cali

dhalinyaro ma eheene kuwa inkaar qabey ahaayeen kuwaas

aboowe waxaan filayaa inaad fahantey haddi mugdi kaaga jirana aad ayaan ugu faraxsanaan lahaa inaan kuusii faah faahiyo intii karaankey ah wixii aan qaldana dhalinyarada kale way iga sixi karaan

isoo bar barya dhalinyaro hee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qalinle

Unrecorded Date
Dheereeye waad heshay jawaabtii mahadsanid.
bal tana iga hooda.

Xujo :
Qof dibirsan oo hadana gaajo heyso(la daacaayo).

Maalin maalmaha ka mid ah (3)gabdhood ayaa isku qabsaday qofka ugu qurux badan sedexdooda weyna ismari waayeen,gabdhihii mid ka mid ah ayaa tiri maku godiin qofkii meeshan soo maro iyo haa,xoogaa kadib waxaa soo maray wiil yar,wey u yeereen waxey u dhiibeen xabad tufaax ah waxey ku dhaheen qof noogu qurxoon sii tufaaxan,wiilkii yaraa wuu fiiriyey gabdhihii,tufaaxii ayuu goostay uuna yiri anigaa idinka qurux badan.

Waa inoo waqtiga haduu eebe idmo.
Qalinle(Janegale)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qalinle

Unrecorded Date
Salaan ka dib.

Waxaan idiin furayaa xujadii aan qoray 03/17/1999.
oo aheyd shey istaagi kara,socon kara,oo jiifa oo aan fadhinin..... Waa Saacada..................:

Fiid wanaagsan dhamaantiinba.
Qalinle(Janegale)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BURCADE

Unrecorded Date
WAAD SALAAMANTIHIIN
QADHAFAA WALALKIIS BAL SUAASHA SI FIICAN U AQRI
6DA QOF WAA 2BA ISQABTA IYO 2BA ISQABTO IYO 2BA ISQABTA.
ISKUDAY MAR LABAAD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

dhalinyaro salaan kadib

To: Burcade
jawaabtii suaashaadu waatan haddii aan qaldeyna raali iga noqo walaalkiis waad isoo sixikartaa

marka hore doonta 2 nin ayaa raacayo midbaa dhinaca kale lageyn kii toonta wadey markuu soo noqdo wuxuu qaadi ninkii harsanaa then markuu isaga geeyana wuu soo noqon oo sadexdii haween ayuu kala bixi xaaskiisa markuu dhinaca kale tagana labadii ee harsanaa naag mid kamid ah ninkeeda ayaa soo wadaya doonta then xaaskiisa ayuu qaadi markuu dhinaca kale tagana ninkii xaaskiisa kamaqnaa ayaa doontii soo qaadanaya oo xaaskiisii dhinaca kale usoo qaadi that is my best aboowe

dhalinyaro nabadeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Mar labaad anigii
sorry wax ayaan qaldey ayaan u maleenayaa

labo nin ayaa doonta raacayo markuu mid dhinaca kale kusoo dajiyo ninkii doonta wadey wuu soo noqon then wuxuu qaadi halkii nin ee harsanaa. Markuu isaga geeyana wuu lasoo noqon doontiisii oo sadexdii naagood ayuu xaaskiisii kala bixi oo kaxayn markuu dhinaca kale geeyana labadii nin ee hore mid kamid ah ayaa doontii soo qaadan oo xaaskiisii ka kaxaysan meesha markuu isagana dhinaca kale la aado halkii nin ee xaasku kamaqnaa ayaa doontii soo qaadan asna xaaskiisii oo kaligeed meesha fadhida ka kaxaysan

I hope I am right
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BURCADE

Unrecorded Date
AMRAN WAAD SALAAMANTAHAY SALAAN KADIB
ISHA AYAAD KARIDAY WAADNA U SHEEGTAY SIDEY AHAYD
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Unrecorded Date
Nin suuqa xamar weyne khudrad ku gada ayaa waxaa
30 xabbo oo liin ah uga tagey saaxiibkii,wuxuuna
ku yiri waxaad iigu gaddaa saddexdii xabbo shilin.
Markuu ka dhaqaaqay ayaa waxaa u yimid ina-adeerki
oo isna suuqa firshad ku leh markaasuu isna u dhiibtay 30 liin oo yiri ii sii gad,oo waxaad iigu gaddaa labadii xabbo shilin.Markuu ka tagey ayuu wuxuu ku fikiray si aan dadku ula yaabin liinta kala ascaarta ah inuu isku daro liinta oo gado shantii xabbo laba shilin.Waqti yar kaddib liinti waa dhamaatay waxaana uu qabatay lacag dhan 24 shilin oo sidan ku timid.
30+30=60 oo ah wadarta liinta.
marka shan-shan uu u goobeeyey waxay noqotay 12goobood (60/5=12).Goobtiina waxuu ku gaday 2
shilin(3dii shilin + 2dii shilin).Lacagta guud uu qabtayna waxay noqotay 24 (12x2=24).Saaxiibkii ayaa soo hormaray wuxuuna siiyay lacagtiisi oo ahayd 10 sh.so (30liin oo 3diiba sh. tahay).
Markuu ka tagey ayaa ina-adeerkiina yimid, isna wuxuu siiyey 15sh.so(30liin oo 2diiba sh. tahay).
Markii uu ka tagey ayuu xisaabtamay,wuxuu garan waayey halkuu ka baxay shilinka ka maqan;Lacagta uu bixiyey waxey noqotay 25 sh.(10sh+ 15sh) tan uu qabtayna 24sh.Suaasha waxaa waaye halkee ka baxay shilinka maqan?(I hope I didn't confuse U}
Isku tijaabi xujadan,khaasatan haddii aad ku tala jirtid inaad business furatid.

Waad salaaman tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sayidin

Unrecorded Date
Aad baad u mahad san tihiin dhalinta meeshan kuwada kaftantaay, gaar ahaan, waxaan idiinka mahad celinayaa sida hanaanka haboon eed afkiina u hooyo u isticmaaleysaan intiina badan, kuwada iskuna daya, waa fikirkayga, in meel loo helo ubadka da'da yar si ay iyaguna sidan oo ugu kaftamaan uguna koraan dhaqankoodii iyo afkoodiiba.
Aad baad u mahadsantihiin markale.
Assalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

James alone

Unrecorded Date
James alone

Dhamaan walaalayaal waan idin salaamay mawdoocana aad buu xiiso u leeyahay markaa waxaan rajaynayaa inaan hada laga bilaabo ka qayb qaato

WAXAAN II SHEEEGTAA MAGACEEDA MAGAALADA UU DHUL BADHUHU KA MARO SOOMAALIYA (EQUATER)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

James Alone

Unrecorded Date
James Alone

Walaalayaal Salaan

Waxa aad ii sheegtaan hala marka ay nirigtu dhalato kaga duwan tahay hooyadeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

James Alone

Unrecorded Date
James Alone

Dhamaantiin waa la idiin salaamay

Waxa aad sheegtaa magacyada loo yaqaano ama lagu dhaho af soomaali xayawaankan Labkooda iyo dhadiga(nin iyo naag)

1.Libaaxa
2.Maroodiga
3.Daayeerka
Ku sheeg af soomaali labkooda iyo dhadigiisa.

Su,aasha labaad (Goo,gaa)

1.Halkaa maroo Muuqaaqa La waa

Su,aasha ugu danbaysaana waxa ay tahay si kooban u sharax maahmaahdan soo socota.
1. Nin bil ma gaadhid,Nina sanad ma gaadhid,Nina waligaaba ma gaadhid.

Mudo ayaan idin siinayaa markaa hadii aad ka jawaabi kari waydaan anaa idin siin doona jawaabtooda marka danbe ee aan isku saa laabano

Mahadsanidin Dhamaantiin
Med Venlig Hilsen
James Alone

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMES ALONE

Unrecorded Date
James Alone

Ku dhamaan Waxa aan si aan la fahmi karin ama khalday du,aashayda uugu horeysa laakiin su,aashu waa sida

1.SHEEG HALA MARKA AY NIRIGTU DHALATO UUGA WAYN TAHAY HOOYADEED

JAMES ALONE
COPENHEGAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*****Caleykum

Dhalinyaro Salaan kadib

aad ayaan ugu faraxsanahay in boggaan lasoo nooleeyey sababtoo ah waa bog aqoon kororsi

James su aashaada hore dhulbarahu wuxuu kamaraa somaliya Jubada Hoose gaar ahaan magaalo Kismaayo u jirto 50KM oo layiraahdo (SANGUUNI) although aana waligey arag may be inaan qaldo.

Sidaa iyo nabaadiino wixii aan qaldana raali halag noqdo byeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaaamu******Caleykum

mar labaad anigii ahaa hee

James su aashaada kusaabsan xawayaankaas bal aan isku deyee (I wish I was once in baadiyo) waa qur qurin lahaa nooh (kaftan)

Male: Female:
_____ _______
(Libaax category) Aar Gool
(Maroodi) Boor Qalanjo
(Daanyeer) Muun 0

ar daanyeerka naagtiisa makasaayi hee ha la i caawiyo hee kuwa kalana waa usoo laaban doonaa wixii aan qaldeyna plsss raali iyo nus halaga noqdo hee dhamaan
byee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Unrecorded Date
james nin bil ma gaadhin waa ninka kaa gaadiidka fiican , (waxaaa filayaa iney ahaan jirtey maalin ma gaadhin )nin sanad ma gaadhid waa ninka business locationkiisu kaa fiican yahey. ama kalyante badan leh (iga raali noq saas ayaan jeclahey in ay aheyd). nina waaligaa ma gaartid waa ninka kaa haweeney ama xaas wanaagsan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

James alone (Public user)

Unrecorded Date
James alone

Sahra & Amran & dhamaan dhalinta akhrisanaysa bogan

Suaalihii aad isku daydeen inaad ka jawaabtaa Waad saxdeen,Bal se aan isku dayo inaan si kale isiinku sharxo.

-Amran. Waad garatay dhul badhaha

Ta xayawaankana waad garatay laga reebo Daayeerka waana sidan
Male Female

Maroodi Armad Qalanjo
Libaax Aar Gool
Dayeer Heeleeyo Haaruun

Sahra , Waad saxday walaal su,aashii (laakiin waxa aad u sharaxday sida casri ah )Lakiin aan kuu Sidii Somaalidiii hore

Nin maalin ma gaadhid,waa ninka kaa Faraskiisu kaa dheereeyo( Raali hala ahaado anaa su,aash khalday oo bil ka dhigaye lakiin waa maalin ma gaadhid)

Nin sanad ma gaadhid waa ninka waa ninka kaa xoolo badan

Nina waligaa ma gaadhidoo waa ninka oori wanaagsan

Amran&Sahra aad bay ugu jawaabaha ay bixiyeen halkaana ka sii wada

Laakiin wal i lagama jawaabin su,aalihii ahaa
!
1. Go,gaa
Halkaa maroo muuqaaqa la waa

!2. Sheeg hala marka ay nirigtu dhalato uuga wayn tahay hooyadeed?

Maantana bal aynu dib uugu laabano taariikhda Soomaliya

!1.Sheeg Buurta Soomaliya Soomaaliya ugu dheer magaceeda Halka ay ku taalo (Gobol Ama Magaalo)

!2,Soomaaliya waxa ay ahayd Afrika wadankii sadexaad ee lagu weeraray diyaarado,Hadaba ?
B.Sheeg Tariikhdii,Goobtii,iyo cidii la weeraray iyo sababtii ,iyo cidii wax weerartay.
T,Sheeg labadii wadan ee kale,ee soomaaliya ka horeeyay.

Mahadsanidid
Dhaliinyaro Intaasi Ha ina kala gaadho maanta,

James Copenhegan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

James Alone (Public user)

Unrecorded Date
James Alone

Waxa aan khalday qoraalka sababta oo ah anoo dedgdegaya Awadeed ee halaga raari noqdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

James Alone (Public user)

Unrecorded Date
James Alone

Ku dhamaan dhilinta Ashrisanaysa

Hadii laga jawaabi kari waayo su,aalahaa, wwigan gudihiisa ,waxa aan aan isku dayi doonaa inaan jawaabtooda bixiyo wiigan soo socda bilowgiissa,aniga oo waliba idiin haya Su,aalo kale oo ku saabsan soomaliya dhaqan iyo taariikhdeeda.

Sidaa daraadeed
Ha mooganina oo ha ka maqnaanina

James Alone

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu*****Caleykum

Dhalinyaro Salaan kadib

James marka hore mahadsanid

Su aashaada hore buurta ugu dheer soomaaliya waxaa ladhahaa (SURRAD) waxayna ku taal Waqooyiga somaliya. ( waan qaldanaan karaa)

Su aashaada labaad Waxaan u maleynayaa aniga in somaliya aanan looga horeyn xaga weerarka diyaaradaha balse ay soamaliya tahay waddankii ugu horeeyey Africa ee diyaarad lagu weeraro waxaana lagu weerarey halkaas

Ciidamada DARAAWIISHTA
Sanadkii 1921kii
waxana lagu weerarey magaalada TALEEX

hadii aan qaldeyna waa la i sixi karaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

James Alone (Public user)

Unrecorded Date
Wooooooow Amran

Waan idin salaamay dhamaantiin G,aar ahaan Amram

Waad saxday labada su,aaloodba lakiin waxa aan kuugu sii darayaa inta aad ka tagtay

1.Buurta waa Surad waxa aanay ku taalaa Magaalada Ceerigaabo Gobolka SANAAG Waadan odhan kartaa woqooyi.

2 Su,aasha kale Soomaaliya waxa ay ahayd
wadankii sadexaad,Lakiin waxa ugu horaysay Liibiya oo Talyaanigu ku weeraray Turkiga oo xiligaa gumaysan jiray.Kii labaadna waxa uu ahaa Sudan oo ingiriisku ku weeraray nin suldaana oo xoriyada u halgamaayey wakhtigaa.Wadankii sadexaana waa Soomaaliya sida aad sheegtay,
Hadii aan ku xasuusiyo gabaygii uu tiriyey maalintaa oo ahaa hadalkii ugu danbeeyay ee laga hayo sayidka.

WUXUU AHAA

COOMAADIYAAL DUULAAYEEY CADAN KA KEENEENE
CIRKIYO DHULKII IS QABSADAY CARARAQDOODIIYE
ADIGUBA CALIYOW CAQLAAD LEEDEHEE CARAR MAXAA DHAAMA.

Amran waad ku mahadsantahay jawaabaha,Hadii aan ku darana aqoontaada guud aad bay u saraysaa.si fiicana waad uuga jawaabtay saxna way ahaayeen ,laakiin waan kuu sii yara faahfaahiyey,

Waxa aan idiinka jawaabayaalabadii goo,gaa iyo xujadii laga jawaabi kari waayey.

1, Goo,gaa) Halkaa maroo muuqaaqa la waa.
Waa raadkaga oo roob ka danbeeyay
2.Halka ay nirigtu markay dhalato uuga wayn tahay hooyadeed.waa DHOGORTA.

INTAASINA MAAANTA HA INA KALA GAADHO IYO IS ARAG DANBE WIIGA SOO SOCDA ANOO HAWLO KU YARA MASHQUULAYA AWGEED.

Mahad gaara waxa leh Amran iyo Sahra

Is Arag danbe James
Med Venlig Hilsen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Akhiyaarta Salaan kadib

James walaalkiis waan gartey jawaabahaada waadna ku mahadsantahay balse still waxaan aaminsanahay aniga in somaliya aan waddan uga horeyn xaga weerarka diyaaradaha. Ee marka aad tiri Libiya iyo Sudan ayaa uga horeeyey ma diyaaradey ahaayeen mise weeraro nooc kale. ma aha inaanan ku qanacsaneen jawaabtaada walaalkiis balse inaan sidaa u bartey ayaan umaleyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
GOO GAA. WAXAAD SHEEGTAAN GABARTA UGU BADAN MAGACEED SOMALINET OO AAD KA HELEYSID BADIYAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade (Public user)

Unrecorded Date
waad salaamantihiin dhamaan.
waxaad sheegtaan nabi maxamed (scw)

1.magaaladuu ku dhasay iyo magaaladuu ku geeryooday?
2.intuu jiray markuu nabi noqday?
3.xaaskiisii ugu horeysay iyo intuu jiray markuu guursaday?
4.tira ahaan xaasaskuu guursaday?
5.intuu ciyaal dhalay?
6.inteejir ayuu ku geeyaaday?

asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu********Caleykum

Dhamaantiin Salaan

Burcade walaalkiis

Nabiga C.S.W.

1. Wuxuu ku dhashey Maka

2. Wuxuuna ku dhintey Madiina

3. Xaaskiisii ugu horeysey waa khadiija bint khuweyl nabigu 25 jir ayuu ahaa iyadana 40

4. Xaasaskiisa waxay totaly ahaayeen 11

5. Caruurtiisana waxay ahaayeen 7 afar gabdhood iyo sadex wiil

6. Da'da uu nabigu ku geeriyoodeyna waxay eheed 63 sano.

wixii aan qaldana waad iga soo sixi kartaan
macsalaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade (Public user)

Unrecorded Date
waad salaamantihiin dhamaan.

amran:walaal waad sheegtay jawaabtii.
lakiin lambar 4. waxaan kawaday intii xaas ee uuqabay nabiga(scw) aniga waxaan kawaday 9kii xaas ee uu qabay adigana waxaad xisaabisay dhamaan oo anigaa suaasha si qaldan uqoray oo aniga waxaan ogahay 9kii xaas.
nooga soo faaidee 2da dheeradka ah .
adigoo mahadsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade (Public user)

Unrecorded Date
waad salaamantihiin dhamaan.
waxaad sheegtaan eray soomaali ah oo ku dhamaado
xarafka J lamana rabo in uu ahaado eray ka soo jeeday af shisheeye .
tusaale erayga XAJ oo asalkiisa ka soo jeeday
luqada carabta.
waa in uu ahaado erayga ku dhamaado J af soomaali
kaliya.
nabadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said (Public user)

Unrecorded Date
Asalaama caleykum.
TO:Burcade
jawaabta cadada haweenkii nebiga nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waa sida walaasheen Amran ay u sheegtey 11 waana tan sidey u kala horeeyaan.
1)khdiija binta khuweylad 2)sowda binta samca
3)Caisha binta abiibakar 4)Xafsa binta cumar
5)Seynab binta jaxash 6)Seynab binta khuseyma
7)Umu salama(hinda binta umeya al-makhsuumiya)
8)Umu xabiiba(ramla binta abii sufyaan)
9)Meymuuna binta xaaris al-hilaaliya
10)Juweyriya binta xaaris 11)Safiya binta xuyey bin akhdhab.ilaahey haka wada raali noqdo.

Maca salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Dhamaantiin Waan idin Salaamey

Burcade walaalkiis marka hore adaa mudan waxaana filaayaa inaad ka kaaftoontey su aasha aad isoo waydiisey jawaabteeda sababtoo ah waxaa si wanaagsan inoogu sharaxey walaalkeen Moh_Said

Moh_Said aad iyo aad ayaad u mahadsantahay walaalkiis.

Akhyaarta Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said (Public user)

Unrecorded Date
Aslaama Caleykum.
TO:Burcade
Waxaan isku dayayaa inaan ka jawaabo su,aashaada aheyd eray ku dhamaada J, waxaana weeye TAAJ:crown mase hubi inuu kasoo jeedo ereygu carabi ee maxey kula tahey adiga???

Abdi- on monday,march 15.1999
Jawaabta xisaabta qeybinta caanaha labada cidood anigu ka quustey ee ma soo.............??????????

Amran walaashey adaa mudan!!!!!!!!
Waan ku Faraxsanahey marna inaad ii faa,iideysid marna iga qoslisid.

Maca salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous (Public user)

Unrecorded Date
Salamacalaykum:

kala fa'idaysi wacan:

To Amran:

walaal jawaabtaada 5. caruurtiisa waxay ahaayeen 7 afar gabdhood iyo sadex wiil. sidaa aan ogahay waxaa weeyaan 4 hablood iyo laba wiil, oo ahaa Ibraahim iyo Qaasim, bale wiil sadexaad maanan maqal, ee waalaal ii soo faa'idee magaciisa iyo haweenta u dhashay, nabiga scw.

nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade (Public user)

Unrecorded Date
waad salaamantihiin dhamaan.
to.moh_said walaal erayga taaj waa eray marti ah
waxaanan tusale ku bixiyay xaj waana sidoo kale taaj .
isku day wali mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said (Public user)

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum.
TO:Anonymous
Walaal caruurtii Nebiga(nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxey ahaayeen 7 sidey Amran u sheegtey sadex wiil iyo afar gabdhood.
Wiilasha magacyadooda waa:Qaasim,cabdulaahi iyo ibraahim.
gabdhaha magacyadooda waa;faadima,ruqiya,seynab iyo umu kaltuum.Ibraahim mooyee inta kale waxaa nebiga u dhashey khadiija binta khuweylad.Ibraahim hooyadiis magaceeda shaki ayaa iiga jira haduu ala idmo waan soo gud bindoonaa.

MACA SALAAM:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous (Public user)

Unrecorded Date
Salaamacalaykum:

To moh-said:

aad ayaad ugu mahadsan tahay, Cabdullahi baanan maqal, gartay. miyey Ibrahim hooyadii ahayd Mariah bintu khibdhiya,, mase hubo.

marlabaad mahadsanid.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Dhamaantiin Akhiyaarta Salaan:

marka hore Moh_Said mahadsanid waana isku leenahay kala faaiideysi iyo iska qoslisiin bro

bro Anonymous jawaabtaadii waxaa kaa haqa tirey walaalkeen Moh_Said wiilkaas aad raadineysey oo ahaa

Cabdulaahi waxaana u dhalay Maria bintu Khibdhiya sida aad sheegtey adiguba sida aan maqley inaan qaldanahayna way dhici kartaa

macsalaama dhamaantiin wixii qaladna cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Mar labaad anigii ahaa hee...

Maadaama aan Nabiga c.s.w. sheekadiisa kudhexjirno waxaan idin waydiinaayaa

1. Nabiga magaciisa oo sadexan
2. Magaca hooyadiis
3. Qoftii naaska nuujisey magaceeda
4. Adeerkiisii soo koriyey magaciisa sadexan

Macsalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous (Public user)

Unrecorded Date
SALAAMACALAYKUM;

TO AMRAN:

Mahadsanid walaal, laakin waxaan filayaa in uusan wiilka cabdullahi ay mariah dhashay uu yahay Ibraahim, mana hubo.

Waxaan filayaa in aad Bro i tidhi, anonymous ayaa bro ama sis lagu qaldi karaa balse, waxaan ahay sis. mahadsanid.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous (Public user)

Unrecorded Date
SALAAMACALAYKUM;

TO AMRAN:

Mahadsanid walaal, laakin waxaan filayaa in uusan wiilka cabdullahi ay mariah dhashay uu yahay Ibraahim, mana hubo.

Waxaan filayaa in aad Bro i tidhi, anonymous ayaa bro ama sis lagu qaldi karaa balse, waxaan ahay sis. mahadsanid.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Salaan Kadib

Anonymous macaanto raali iga noqo... abaayo waan shakiyey balse more masculine ayuu iila ekaadey magacaada. Waana ku mahadsantahay sixidda aad isoo saxdey anba mahubin Cabdulaahi hooyadiis.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous (Public user)

Unrecorded Date
Salaamacalaykum:

1. Muxamad bin C/Allahi bin C/Mudalib. (scw)
2. Aaamima. (rc)
3. Xaliimatul-Sacdiya. (rc)
4. Abuu-dhalib C/mudhalib bin Hashim.

ma hubo adeerkaad ula jeeday laakin hadaan qalday isoo sax.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro (Public user)

Unrecorded Date
Salamacalaykum:

Sheeg qofkii yiri quotkan,

"The wise person is the one who gives up Dunia before it gives him up, prepares for his grave before he goes into it, and pleases His Lord before he meets Him."

To Burcade:

Ereyga ma waxa weyaan xaaj ama xaj, mana hubo isagaba waa af qalaad, laakin waa ereyga loo isticmaalo xajka.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro (Public user)

Unrecorded Date
Salaamacalaykum:

waa maxay Magaalo ku taal wadan ka mid ah Africa oo ka kooban shan xaraf, hadii sadexda hore la yiraahdo wuxuu noqonayaa eray ama bahal dad cuna ee af-somaliga, hadii sadexda danbe la yiraahdona waxay noqon eray ma wax fiican ee af-somaliga ah.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Dhamaantiin Waad Salaamantihiin

Anonymous macaanto waad sheegtey jawaabihii hadaan usoo laabto su aashaadii hore een qaldey

Ibrahim waxa dhalay Maria sida aad sheegtey

Laakiin Qaasim iyo Cabdulaahi waxay ahaayeen isku hooyo oo Khadiija ayaa Rasuulka c.s.w u dhashey sababtoo ah Rasuulka c.s.w. qof kale oo wax u dhalay xaasaskiisa majirin labadaas maahee.

Suleeqo caddeey ii waran waa usoo laabanaa su aalahaada macaanta.

wixii aan qaldey raali halaga noqdo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade (Public user)

Unrecorded Date
waad salaamantihiin dhamaan.
moh_said walaal erayga taaj waa eray ku ah luqada
soomaalida marti. sidookale waxaan tusaale ku bixiyay xaj oo ah afka carabiga.
iskuday markalle mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
santa lucia

waxaad ka jawaabtaa googaalahaan.

SARAR KU MIIDLE SOOR LA BOOB.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ladan (Public user)

Unrecorded Date
xujadan fura

ninbaa u yimi wiilyar oo guri hor fadhiya wuxuu ku yiri. Oradoo abaa utagoo ana waa abahaye, waxaad ku tiraahdaa gabadhaad qabto ninkii qabaa dibada kuu taagan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said (Public user)

Unrecorded Date
ASalaama Caleykum.

TO:Burcade

Waa markale anigoo isku dayaaya eray ku dhamaada xarafka:J:waxaana weeye,kharaj:expense.

Suleeqo:
soo fududeey oraahda,waqtiga la dhahay qarnigaan miyaa mase ruuxa dhahey wuxuu noolaa qarni hore.

sidoo kale magaalada Africada xagee kaga taal,ma bari mase waqooyi,koonfur mase galbeed.

MACA SALAAM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro (Public user)

Unrecorded Date
Salaamacalaykum:

Faahfaahin dheerad ah:

Oraahda waxaa yiri Ruux nolaa qarnigii hore.

Wadanka waxaa ay uga taal Afrikada dhinaca waqooyi, Faahfaahin dheerad ah, magaca aan ka hadlayo waa magac ay u yaqanaan reer Africa iyo reer Carbeed kaliya, reer westiga ma isticmaalaan, (it is not known to them)

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi yusuf (Public user)

Unrecorded Date
Su,aalo
nin ayaa nin kale u yimid markaa ayuu ku yiri
abti iska waran markaas ayuu kii kale ugu jawaabay abti waa nabad,labada nin midkasta kan kale walaashiis ayaa dhashay.
hadaba su,aashaydu waxay tahay sidee ayaad abtigaa abti ugu noqon kartaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro (Public user)

Unrecorded Date
Salaamacalaykum;

To Burcade:

Ma xawaaj baa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baaruud (Public user)

Unrecorded Date

Suleekha... Waxaan filayaa in jawaabta su'aashaadii ahayd magaalo kutaalo africa ay tahay masar, laakiinse waxaan u malaynayaa inaad su'aasha si khalad ah noo weeydiisay. Halkii aad ka oran lahayd wadan ayaad ka tiri magaalo.

Haddii aan khaldanahay iga raali ahoow, huuno

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro (Public user)

Unrecorded Date
Salaamacalaykum;

My apology, xujada sidaan ku maqlay baan u soo gudbiyey kama aanan fiirsan.

To Barud:

waa Sax, mahadsanidna qaladkaa aad soo saxday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Googaa!
Soo jeed weyne, sii jeed weyne sama ku xarig le, sixirow goo gaa?

Goo gaa!
Tan xamar xaar kaa daaday?
Goo gaa!
Gurigayagu waa uloo ul la qaato maleh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Abdiasis Biixi

By A/asis Bihi
diish@hotmail.com
Waad salaaman tihiin, marka hore oon ilaawayna raali iga ahaada mudane iyo marwooyin, ilana qaybsada xujadaan yar.
Ninbaa watay shabeel, ri iyo cows, wuxuuna rabaa inuu ka talaabo, wabiga dhinaciisa kale, iskaga ma tagi karo midba mid kale, tusaale cowsku ninku intuu qaado, iskagma tagi karo shabeel ka iyo ri da, wuxuu haystana waa HUURI yar oo ku talaabi karo wabiga, wuxuuna qaadaa halkii mar laba qof, sida nin ka iyo shabeelka, marka waxaa laydin ka rabaa, siduu u kala qaadi lahaaa, iyagoo on is cunin.
Jawaab deg deg ah iyo 05/15/99 ama ka horba.
bye bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Dhamaantiin Salaan wiilal iyo gabdho!

Anonymous macaanto jawaabta su aashaada hadaan isku deyo

ninka marka hore wuxuu qaadi shabeelka dhinaca kale markuu geeyo wuusoo noqon then:
wuxuu qaadi ridii markuu dhinaca kale tago wuxuu soo celinaa shabeelkii then:
cawskii uu qaadaa dhinaca kale markuu geeyo hadana ridii uu soo celinaa then:
rida uu dhigaa then shabeelka uu qaadaa ugu danbeyntiina wuxuu usoo noqon ridii oo meel fadhida wuuna qaadi.

Sis inaan qaldey ay u badantahay marka waa isoo sixi kartaa

byeeee akhiyaarta dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cawo (Public user)

Unrecorded Date
asalaamu caleykum dhamaan mudane iyo marwooyin

1) ninku marka hore waa in uu qaadaa rida oo uu soo dhigaa dhinaca kale, maxaa yeelay haddii uu hor qaado shabeelka ridu waxa ey cuneysaa caweska,
markaa ninku wuu soo noqon

2)wuxuu qaadi shabeelka marka uu dhinaca kale tago wuxuu soo celin rida.

3) wuxuu qaadi caweska marka uu dhinaca kale geeyo
wuu soo noqon.
4)ugu danbeen wuxuu qaadi ridii oo keli geed meel joogta.

hadii aan wax khaldey ha leyga raali ahaado.

nabadeey........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade (Public user)

Unrecorded Date
waadsalaamantihiin dhamaan iqyaartasharafta badan.
to-moh_said iga raali ahow walaalkiis maalmaman
iima suuragalin in aan soo booqdo bogan waqtiga ayaa igu yaraa.
hadii aan waxkaadhaho ma jiro eray soomaali asli ah ookudhamaado xarafka J inta aan ogahay.
sidookale suleeqana waxaan dhihi lahaa intaan moh_said iri mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Cawo I agree with you I got the answer after I posted

byee now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JACAYL (Public user)

Unrecorded Date
FROM JACAY
SUAAL DADWEYNOOOW

MATAQAAL LABA IYO TOBANKA BILOOD EE SANADKA
MAGACYADOODA AF SOOMAALI WAXA LAGU YIRAAHDO
ILEEN INGILIISHKA WAAD TAQAANAA IYO CARABIDABA
LAAKIIN BAL II SOO SHEEGA AFKA SOOMAALIGA WAXA LAGU YIRAAHDO. (WAA QAALIB DENMARK)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOSLAAYE (Public user)

Unrecorded Date
AHMED COMEHEGAN

IN BADAN AYAAN HALKAN KA MAQNAA MARKAA WAXAAN SOO CELIYEY DABEELAHAYGII OO AQOONTAYDII,

1- ANIGU TIRAAN QABSADEY SAAXIIBKKAYNA IN LE EG AYAAN UGU DARAY WALAAL KAYNA 100 AYAAN UGU DARAY TIRADII OO A DHAN KAL BADH AYAAN TUURAY SAXIIBKAY INTIISII AYAAN U CELIYEY WAXAA II SOO HADHAY.........SHEEG?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JACAYL (Public user)

Unrecorded Date
SALAAN KA DIB DADWAEYNOOW SUAAL WAA MASALO
WAXAAN KUU DHIIBAY 100SHILIN OOSOOMAALI SHILIN AH
WAXAAN KAA RABAA 100 NEEF OO XOOLO AH
OO KALA AH
A-GEEL QIIMIHIISUNA WAA - 5 SHILIN NEEFKII
B-LO QIIMAHEEDUNA WAA - 1 SHILIN NEEFKII
C-ADHI QIIMIHIISINA WAA - 01 AMA GANBO NEEFKII
HADABA WAXAAN DOONAYAA INAAD II KEENTO 100 NEEF
HADAAN KUU SII FAAH FAAHIYO BOQOLKA SHILIN
WAA INUU SOO GOOYA BOQOL NEEF

MAHADSANIDIN(QAALB DENMARK)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcade (Public user)

Unrecorded Date
waad salaamantihiin dhamaan.
qoslaaye waxaa kuusoohaday 50 .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUMANE (Public user)

Unrecorded Date
ASSALUMU CALYKU.

Walaalayaal hadaan su'aasha Jacayl eego waxay tahay sida aan u maqlay haduusan asagu khaldin ama aanan anigu khaldin waa sidan.

GEEL QIIME 5 SH
LO QIIME 2 SH
ARI QIIME 0.10(TEN CENTS)

Marka haday sidaa tahay waa tan.
Wuxuu u soo kala gadayaa qofku sida.

GEEL 11 ====55 SH
LO' 19 ====38 SH
ARI 70 ==== 7 SH

SIDAASAY ILA TAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismail mire (Public user)

Unrecorded Date
waxaad abtigaa abti ugu nqon kartaa waa awowgaa hooyo oo guursada gabadh aad walaalo tihiin oo aydaan isku hoooya ahayn ,hadii gabadhaasi wiil dhasho adna abti baad u tahay isna wuu kuu yahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadcab (Public user)

Unrecorded Date
Nin Indho la´ dhegana la´ ayaa hooyadii dhimatay sidee baad ugu sheegi laheyd???!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKARIIN (Public user)

Unrecorded Date
TO: QADCAB.

GOD AYAA LA QODAYAA.
KA DIBNA GACANTA AYAA GODKA LOO SAARAA.
CALAA KU XAAL GACANTA AYAA LAGU FAHANSIINAA.

SIDAAN AYAAN U MALEEYNAA WAAL.
BAL ADNA NOO SAX HADII EEY QALAD TAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDIKARIIN (Public user)

Unrecorded Date
HAL XIRAALE:
"WAXAAD JOOGTAA WEBIGA GEESKIISA WAXAANA RABTAA IN AAD WEBIGA KA TILAABSATO.
WAXAANA WADATAA DOON IYO RI, SHABEEL,COOS.
RIDA IYO SHABEELKA MA IS ARKI KARAAN.
RIDA IYO COOSKANA MA IS ARKI KARAAN.
DOONTANA LABA QOF AYEEY QAADAA.
MAR WALBA WAA IN AAD ADIGA DOONTA RAACDAA.

CABDIKARIIN.
JAWAAB WACAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa (Public user)

Unrecorded Date
Salama....

ahahahahah Are you joking sir..Abdikariin..LOL.
Tan waxaa la is weydiin jirey markaan jirney 10 years old approximately lol and now you are trying to perplex it as a enigma lol. Anyway..here is the clue of the answer:

1) Kow, waxaa qaadeysaa ariga.
2) Labo, waa soo noqenee ee waxaa then wadeysaa shabeelka.
3) shabeelka aa dhinaca ariga geysay oo adaa la joogtid of course ma istaaban karaan so then waxaa soo wadee ariga oo dhinacii hore kusoo celinee.
4) Hada ariga aa meesha ugu tagee oo waxaa qaadeeysaa "cooska".
5) Cooska aa keentey meesha uu joogo shabeelka, waxaa u noqotey arigee oo waana keentey.

Haye..intaas ma badan miyaa hee macalinka,,naga daa hee lol..saan camal "hal xiraali ma u kasaayi but u tried ur best bro. Qalad hadaan galey,,i would admit then as i confess it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AAYOW (Public user)

Unrecorded Date
AQIYAARTA BAL TAN ISKU TAYA

FALFAL MATAQAAN LAAKIIN FAROXUMO AYAY TAQAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BEEXAANI (Public user)

Unrecorded Date
SAAXIIBYAAL..IGAARKA ODAYG Ah ee furay BOOGAAN miyuusan inaga mudneyn..in la xuso..Marwalba magaciisa..markii boggaan la soo galaayo..
I SALUTE YOU QADHAFAA...

Salaam for all...

Aqayaarta XUJADAAN waa General Knowledge...

Waxaad sheegtaa sadax ka mid ah wadamada QAARADDA AFRIKA ee wadanka iyo magaalo madaxdiisa isku mid yihiin..Tusaale ahaan..wadanka KUWEIT magaalo madaxdiisa KUWEIT city...

SAAXIIBAYAAL..XUJADAAN WAA HORDHAC ..FAANOOLE FARI KAMA QODNA..
Mahadsanidiin..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa (Public user)

Unrecorded Date
Salama......

Bexaani: Duqa waxaan u maleynayaa su'aalayashada in aan isku dijaabin doono..maxaa yeeley wixii ka imaada "jaqaf" to "jacburis" waa inaan tijaabinaa hee lol..waa tan waa isku dijaabinaa...

1) Algeria==Algiers
2) Tunisia==Tunis
3) (****^^^^^***)...Waa ii kanbisay tan sadexaad duqa.,,,,,

Idinka su'aasheeyda aan soo gamanaa ee ha la sheego hadii marka ay bilaabatey bo xigmado mise xujaale....
......Gormaa Somalia ay noqotey "colony"...kasoo bilaaw malintii, bishii, sanadkii...Maxey Engliriiska ugu wici jireen Siid Cabdulle Xasan "his nick name as British so-named him"....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suldaan (Public user)

Unrecorded Date
marwooyin iyo mudanneyaal waxaad sheegtaan tiro kayar 100 oo loo qaybin karo labo isle,eg sedex isle,eg afar isle,eg lix is le,eg sideed isle,eg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maafish (Public user)

Unrecorded Date
to Beexani.

WARYAA SIDU SHEEGAY JAWAABTA SEDAXAAD WAY UGANBISAY! jawaabta 3aad waa. DJIBUOTI==DJIBOUTI

to suldaan

jawaabto waa 96

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suldaan (Public user)

Unrecorded Date
TO. maafish

saaxiib jawaabta saxda ah ma aha 96 ee
markale isku day wasalaamucalykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr (Public user)

Unrecorded Date

Ammin wanaagsan gidiin

To: Suldaan/dhamaan

Jawaabta su'aashaadu waa: 60

60/2 = 30
60/3 = 20
60/4 = 15
60/6 = 10

NABAD iyo CAANO

Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SULDAAN (Public user)

Unrecorded Date
TO GALAYR. SAAXIIB JAWAABTA SAXDA AH MA AHA 60

MAXAA YEELAY 60 SIDEED IS LE EG UMA QAYBSANTO MARKA MARKALLE ISKU DAY WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr (Public user)

Unrecorded Date

Ammin wanaagsan gidiin

Suldaan waa runtaa oo jawaabtu maahayn 60, laakiinse waa 24

24/2 = 12
24/3 = 8
24/4 = 6
24/6 = 4
24/8 = 3

NABAD iyo CAANO

Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BEEXAANI (Public user)

Unrecorded Date
SALAAM FOR ALL

MAAFISH and WARYAA saaxiibayaal waa ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad isugu daydeen inaad ka jawaabtaan Suaashaan Jacburka ah...

Jawaabtana waa

Algeria = Algeris
Tunisia = Tunis
D'Jibouti = D'Jibouti

Waxaad sheegtaan ninkii ugu horeeyey ee Madax ka noqda Dowlad Soomaaliyeed..??..
Magaciisa iyo Xiliga uu hayey....?

Mahadsanidiin...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa (Public user)

Unrecorded Date
Salama.....

Bexaani Duqa..adiga su'aalahaaga kistoo aa qafiifineysaa macalinka lol...lakiin saan horey ugu sheegey inaan dijaabiyo ma'ahoo once more...waa tan hee..answerka.....

....Aden Cabdulle......
....Wuxuu haayey kasoo bilaaw ilaa 1960 to 1965...saan aan u maleynaa iney tahey dariiqda...

To others..here is a simple as so much figure out if you really have a little brain that indeed requires to give a little concentration, and here it GOES:

...Tell me, who is a child of your mother and of your father who is not your brother and is not your sister?.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAAFISH (Public user)

Unrecorded Date
to waryaa,

sxb;waad igala horbooday suaashii beexani na weydiyay "you are clever.

suashan ;
ma iisheegi karta suldaan ka mid ah suldaamada somaliyeed oo waqtigii seyid cabdille xassan
oo ingiriiska musaafuris ula taxaabay jasiirada"COMORROS"?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Libaax (Public user)

Unrecorded Date
waxaan idin waydiinayaa dhamaandadka xujooyinka keenoo su'aal hadii laga jawaabo waxaan siinayaa qofkii kajawaaba abaal marin su'aashu waxaa weeye lacagta uqaybsanta toban nin illaa iyo hal nin tusaale ahaan lacagtu waa dhawr boqol toban nin hadii ay qaybsato nin walba qaybtiisa ayuu qaadanayaa sagaal nin haday qaybsato nin walba qaybtiisa ayuu qaadanayaa sideednin sidoo kale ilaa iyo hal 7,6,5,4,3,2,ninwalbaqaybtiisa ayuu qaadanayaa hadaad kajawaabto waasu;aal diini ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhaadaar (Public user)

Unrecorded Date
to: burcade on april 21th

walaal jawaabta erey soomali ah oo ku dhamaada J.
waa CAAJ ama CAWAAJ haddaan sii jilciyo erayga cawaaj waxa loo isticmaala marka beeraha maydiga la kala kiraysanayo amaba beeyadda, caajna waa kan ratiga.
Mahasanidin halkaa inooga sii miisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maafish (Public user)

Unrecorded Date
maxa loo aamusanyahay.ha laga soo jawaabo xujadeyda jaalayal iyo marwayaal.

waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa (Public user)

Unrecorded Date
Salama...

Maafidh...Macalinka..Su'aashaada...Maxaa waaye yaqeey waxaa na weydiineysaa..."wax book xataa laga soo qaban karin"...lakiin ani wax walba waa ja-jabin jirey oo laga keeno suuq madoow mise jaburis..lakiin tan maba laga keeni karo xataa Sinaay maskaxda lol....

Aniga midaa dhiibtey ee maxaa looga soo jawaabi waayey..mise "simple" maa laga yaaban yahey...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Afaaro (Public user)

Unrecorded Date
jalee maafish markaan muda dhan 1 bil aan tinteyda xoqay,bugagta taariikhda somalida soo baaray jawabta waxa weeye: suldanka waa suldaan MAXAMUUD.CALISHIRE waxana xiray governer-ingiriiska uu fadhiyay ingiriiska (somaliland-protectorate ee berbera joogay magaciisa maxasuusto hada).taarikhda oo ah 1925.full-stop.

qofkii wax kudarsanaya mise sidaas si kaduwan oo war sugan haya oo xog oogaal ah welkom oo isax...............

qore:ali afaaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hodan (Public user)

Unrecorded Date
soomali waxaan idiin sheegayaa hadii aynaan meshaan waxba ku hayn hasoo galinina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali afaaro (Public user)

Unrecorded Date
to hodan .
adigu se hadaadan waxad qorto heynin maxaa ku soo geliyay diskussionka???!! iska akhrisoo waxa meesha ku soo dhaco!
and bye-bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M. (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Akhiyaarta longtime no see
is aragti kale oo xiiso leh

WARYAA:

let me try the answer of ur "Q"

a child of your mother and father who is not ur brother or sister is...<<<YOU>>>>

haye hee waa sii hadaafee nabadeey dhalinyaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa (Public user)

Unrecorded Date
Salama....

Haye..sis...Xaadir maa iska soo dhigtey mise...su'aasha simplenimeeda aaba la yaabtey miyaa lol..lakiin kuwaan hal sano ay ku qaadatey hee..horta maxaa looga wici jirey "Jeekodheer" ..mise "Qolumbe"....waaba ii ganbiyee..

Walashiis...su'aasha waa duufsadey ee kistoo xataa haash-haash xataa ma u reebin aqiyaarta kale nooh...lol..saas maa u bililiqo ugu hadaaftaa **lol**

Soo bari macalimada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gastro (Public user)

Unrecorded Date
Waxaa la rabaa inaad webbi ka gudbisid shabeel iyo ri' iyo caws. Waxaad isticmaaleysaa huuri (dooni yar) lamana ogola laba wax oo is cunna inaad hal meel uga tagtid, markiina hal wax un baad qaadi kartaa. Sidee wax u xallin laheyd saxiib?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeys Anna waa i kani iga hooya (Public user)

Unrecorded Date
Waxaad u socotaa magaalo. magaalada waxaad u marri kartaa labo wado oo kali ah say WADO A and WADO B . Haddaba labada wado midka mid ah waa QATAR waana inaadan raacin, haddii aad raacdana waa kuu dhamaatay. Haddaba labada wado ma taqaanid midda fiican balse waxaa laguu sheegay halka labada wado ka bilowdaan inay joogaan labo wiil oo walaalo ah. MID wanaagsan iyo MID xun.
Haddaba haddii aad ku soo hormarto kan wanaagsan wuxuu kuu sheegayaa wadada wanaagsan. Hadii aad ku hormarto kan xunna wuxuu kuu sheegayaa wadada qatarta ah. Haddaba labada wiil waxaad way diin kartaa HAL su'aal oo qura./ SU'AASHEE BAAD WAY DIIN LAHAYD KUNA OGAAN LAHEYD WADADA TOOSAN.
REMAINDER:
LABADOODABA WAXAAD SU'AALI KARTAA HAL SU'AAL AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

binti

Unrecorded Date
ahahhahaa
brains r worn out i tell u

h'come ppl don't get this, or no one visits here no more???
lol

qeys i think it is time 2 give ur answer to the quizz...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zak

Unrecorded Date
Yaa sheegi karo "Gaari aan nina wadin" yaase wado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Unrecorded Date
Zak gaariga aan nina wadin waxaa wada naag!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
NIn ayaa magaalo yimid , qofkii ugu horeeyay oo uu la kulmo waxaa uu ahaa nin timajare ah kadibna waxa uu waydiiyay su aashaan oo ah
"magaalada ma kaligaa baa timajare ku yaala?
kadib ninkii waxaa uu yiri haaa .Waxaa kale oo uu waydiiyay dadkoo dhan ma adiga u jira ?
timajarihii waxaa uu yiri dadka oo dhan aniga ayaa u jira inta isu jarta mooyaane waxaa kale oo uu waydiiyay adigana yaa kuu jira ? waxa uu yiri aniga ayaa isu jira, hadaba ninka timajaraha ah hadalka waa sida uu sheegay laakiin been ayuu ayaa hadalkiisa ku jirta.
hadaba su,aashaydu waxa ay tahay, maxaa ay tahay beenta uu ninka timajaraha uu sheegay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam 'Aleykum,
TO; Warsame.

Timajaruhu wuxuu yidhi dadka magaalada oo dhan anaa u jara inta isu jarta mooyaane, markii la waydiiyey adiga yaa kuu jarana anaa isu jara ayuu yidhi: INTA ISKU JARTA MOOYAANE & ANAA ISU JARA! waxaa halkaa ka cad in ay jiraan Timajarayaal kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam All of You
TO; Gastro;

Saaxiib Problemkaas wuxuu ka mid yahay, problemyada LOGIC MATHEMATICS loo yaqaano, oo macnaheedu yahay inta case ee arintu u dhci karid in aad xisaabisid, waxay u baahan tahay qoraal dheer wakhtina ma hayo LAAKIIN THE POINT is: in aad kala ilaaliso in aad labo cadow isu ah isu kali noqdaan like RIand CAWS, or SHABEEL and RI...

Good masalo any way, :::::::keep stuff coming !

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina Iaamac

Unrecorded Date
Salaam caleykum marka ugu horeysa

Marka xigtrana ana midan baan ku darsanayaaa goobta:

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa haweeney gaarigeedii waxay dhigatey dukaan agtiis oo waxay istiri bal halkan wax ka gado.
Inteysan dukaankii galin, baa nin gar weyn oo baabuur duqa wata keedii xagga dambe kaga dhacay.
Waxaa loo yeeray booliis labadii qofna waxay ku murmeen isagaa gara daraa iyo iyaddaa gardareyd..
Marka su'aashu waxay tahay labadaas qof yaa gar lahaaaaa........nabadeeyna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wisil

Unrecorded Date
salamu calaykum yaa muslimiin
waad salamantihiin waa markii iigu horaysay oon soo galo hadana arko meeshan
bal ana aan tuurto
(koob yar oo kun nin deeqa??
/// hahaha karbac karbac kulay ma ahayaa mase qaboow kuma arkin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MACAANE

Unrecorded Date
waan idin salaamay,
aad baan uga helay sida wax laisku weydaarsanayo ,
suaal:maalin lasoo dhaweynayay madaxweyne booqasho ku yimid somalia ayaa wadooyinkii laxiray si baabuurto u soo marin , waxaa wadadii xoog ku soo maray nin tagsiile ah TAXE, booliskii meeshaas joogay waxba kama qaban, <maxaa loo qaban waayay ninkaas taksiilaha ah TAXE>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fiicane

Unrecorded Date
waa salaaman tihiin dhamaantiin walaalayaal,
waxaan isku dayayaa in aan ka jawaabo suaasha sxbkeen macaane,
jawaabtu waa: ninka taksiilaha ah ma wadin taxe ee kiligiis buu ahaa oo lugihiisa ayuu ku socday,
he didnt drive with taxe,he was walking :

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hibaaq

Unrecorded Date
salaam 2 all
googaa:

"jinni qooqan juq ku yiri"
beleive me it is NOT habaar

nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hasan

Unrecorded Date
Waxad sheegtann xujaddan jawaabteeda:
1.Qof hooyadaa iyo aabahaa dhaleen oo walaalkaa ahayn?
2.Diyaaraday rakaab badan saaranyahay, ayaa qaraxday, isla markiina gubatay, cidnana kuma dhaawacmin, Waayo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fiicane

Unrecorded Date
waa salaantihiin dhamaantiin,
waa ka xumahay in lafaaruqiyo bogaan oo ahaa midka kaliya ee xiisaha lahaa ,
to hassan
sxb jawaabta suaashaada waxaan umalaynayaa in ay tahay sidan:diyaarada markii ay qaraxday dadkii saarnaa dhamaan waydhintii mana jirin qof ka badbaaday qarixii,
fadlan jawaabta haddii ay saxtahay iyo haddii aan khalday soo sheeg,
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fiicane

Unrecorded Date
to hibaaq:
sister waan ka xumahay in aan garan waayo su aashaada , waxaan aad u xiiseeyaa xujooyinka iyo xikmadaha ,markastana waxaan jeclahay in aan ka jawaabo . laakiin suaashaada magaran, sababta oo ah ma helin qof iga caawiya googaalaysiga .laakiin maalin maalmaha kamid ah jawaabta adigaa soo qoridoona,
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Unrecorded Date
To: fiicane!!
Saaxiib waad sheegtay jawaabta su'aasha labaad, oo ahayd: dad rakaab ah oo diyaarad laqaraxday oo diyaaraddii gubatay, qofna se ku dhaawacmin.
Jawaabtaadii:Waa wada dhinteen
Waa sax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
to hassan
Aniguna hadii aan isku dayo jawaabta waa walaashaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uraaye

Unrecorded Date
Su'aal!!!?

Nin ayaa beri reer u soo Martiyey(Marti) markaasaa waxa ka soo hor baxday islaan...Islaantii buuu weydiiyey oouu ku yidhi ((Aqalka wax rag(nin) ahi ma joogaan??))..Markaasay Islaantii ku Jawaabtay haa Mid baa joogoo Kaasina wuu Hurdaa..Markaasuu ninkii ku yidhi islaantii...Ma ii toosin kartaa ninka? ..Markaasay islaantii ku tidhi..maya..xil buu igu leeyahayoo tay(gabadhay)hooyaday dhashay ayaa dhashay aabihiina wuu i qabaa.....Nacam naagtay aniga Hooyaday dhashay ayaa wiilkan hurda dhashay aabihiina wuu i qabaa...bal maxaad odhan lahaydeen...?

Jawab Wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Uraaye jawaabta xujadaada micnaheedu waa: wiilka hurda hooyadii way geeriyootay kadib waxaa xigsiin loo siiyay ninka gabadha la dhalatay xaaskiisii hore ee geeriyootay oo ah wiilka hooyadiisa runta ah.