    Dacar Cabdi Siyaad | Unrecorded Date Dacar Cabdi ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATU LAAHI WABARAKAATU, walaalayaal salaan kadib, waa Dacar Cabdi oo jooga dalka Sweden, waxaana hadda u baahnahey una bukaa waa taladiina. Walaalayaal waxaa jirta in aan damcey inaan dhaq-dhaqaaq dhaqaale sameeyo, anoon wax lacag ah habayaraatee aan gacanta ku heyn, waxaana dad fara badan oo kala duwan ka deynsadey/ka qaatey lacago, lacagahaas oo aan geliyey mashruuc aan markaas islahaa waad ka najixi doontaa, dadkana xaquuqdooda si dhaqso leh baad ugu gudi doontaa. Balse nasiibdarro waxaa dhacdey in aan ku qasaarey mashruucii isaga ahaa ee aan isku dayey. Maanta waxey xaaladi joogtaa anoo ceeboobey oo maradii iga dhacdey, aana run ahaantii mararka qaarkood is iraahdo habeen madow ilmahaaga iyo xaaskaaga ka dhuumo, tagna meel aad dadkaan xaqoodii uga soo shaqeyso, hana hor imaan dadkaan adoon xaqoodii uheyn, iyo dadkii lacagaha lahaa oo igu dhegan mid walibana uu leeyahey, war ninyahow waxeygii isii. Marka walaalayaal markii aan astuurnaa waan talo xumaadey!, haddoon maradii cesho is irina tabar baa ii diidey!, haddana waxaan ku noolahey nolol xun oo ciriiri ah, oo aanan garaneyn waqti aan ka baxayo, Waxaana igu adkaadey inaan xal deg-deg ah u helo sidii aan arrintaas u xalin lahaa, haddaan saas ku dhintana waa adduun iyo aakhiro seeg. Haddana waxaan walaalaheyga soomaaliyeed ka codsanayaa iney isiiyaan wixii talo iyo fikir ah ee ay isleedihiin walaalkiin waxbey u tareysaa, dhibkana wuu uga bixi karaa!. Waadna mahadsan tihiin. |
    MISKIIN | Unrecorded Date ASALAMA CALAYKUM WA RAXMA BRO DACAR CABDI. Run ahaanti aad bay ii murug galisay arintaadu waana kuu xanuunsaday.anigoo u arka inay dhab tahay,waayo wax badan oo aan waxba ka jirin ama macno lahayn baa meeshan lagu soo qoraa. Hadaan taladayda ku siiyo walaale arintaan ma tihid ninkii ugu horeeyay ee ay ku dhacdo,waxaan ogaa rag badan oo ay ku dhacday,ninba si buuna yeelay.ragas qaar waa cararay oo waxay galeen meel aysan ka gaarin dadkii xoolahu uga dhumeen.balse dhibkii saas ugama harin ee waxaa ku dhacay dhibaato ka badan tii uu ka cararay,waxaana ugu darnaa waxaa kala go'ay isga iyo xaaskiisi iyo caruurtiisi,waxaa kaloo meel kasta u maray magac xumo iyo sharaf dhac waxaana qofkii arkaaba ku xantaa waa tuugi xoolaha muslinka soo dhacay.waxaa kaloo ciriiri ku noqotay noloshii uu u soo fakaday xageeda waayo ilaahay uma fududayn.raga qaarkod walaale way iska adkeyteen balse dhib uma yarayn oo xataa qaarkood waa la garaacay balse way ku samreen kuwaas ayaana sharaf batay waayo waxaa loo arkay nin ay ka xumaatay dadkii caqliga lahaana waxay ku dhaheen kuwii wax ma garatada ahaa ilaahay ba u qadaray ninkan sidee faraha ka qaada.sidaa darteed waxaan kugula talinaya marna in aadan qorshahaaga ku darsan carar xataa hadii gacan kaa xaq darani ku dilayso waayo ilaahay waa kuu jeeda. TALADAYDA waxaan ku soo goynaya dhowr arimood. 1- Waxaa jira xadiis Nabiga SCW ka sugan oo ah qofkii deyn gala doonayana inuu iska gudo ilaahay waxuu u fududeeya arintaas markaa niyadaada yaysan ka suulin inaad xaqaas bixintiisa ku dadaashid. 2- La kaasho dadka ehlu khayrka ee jooga meeshad degen tahay iyo meeshad gaartaba MASAAJIDANA wax ha lagaaga weydiiyo hana xishoon waayo xadiis bay ku sugan tahay in aad ka mid tahay dhowrka qof ee ay u banaantahay inay dadka wax weydiistan. 3-dadka aad qaraabada iyo ehelka tahiin arinta la socodsii gaar ahaan kuwa kuu sii dhow qofwalbana awoodiisa meesha ugu danbaysa ha ka qayb qaato. 4- hadaad ka heli karto dadka wanwanaagsan ee ilaahay wax siiyay weydiiso inay inta kuugu daran wax kaa sii siiyan si ayagu kuugu yeeshan meeshi kuwaasi ku dhibi lahayen. 5-dadka wax kugu leh fadhi qado oo kale ah u samee diyaarsona nin ahlu cilmi ah,oo kala hadla in maalka alah asagu baxshao qofkuu rabana u barakeeyo kii kalana ku ciriiriyo.hana kuu weydiiyo cafis iyo takhfiifin NABIGU SCW sidaas oo kale wuu sameeyay. INTAAS BAAN KUGU BIIRIN LAHAA ILAAHAYNA HA KUU FUDUDEEYO. |
    Faal-Gurey | Unrecorded Date War ninyahow Maskiin, Walaahi oo Bilaahi (Waa anigeygaa dhaartee) Caaqil baad tahay sxb. (Allaa yaa cizak) Talladii ugu habooneeyd ee qof la siiyo ayaad ninkaa farta ka saartay, ana waan kugu raacay 100% Dacar sxb. Nasiib baan rajeeyay. Salaama. Faalka Xaaji. |
    C/J | Unrecorded Date Dacar Cabdi, Har du hört talas om konkurs eller kronofogdemyndigetern? Om svaret är ja. Då har du lösningen, med ett anat ord betala ett viss belopp varje månad. C/J |
    Fg | Unrecorded Date C/J and in English...It meaaaaans...? Fg |
    Enough intelligent | Unrecorded Date Waxaan intaas raacinayaa inaad mar walba akhrisatid ducadii ahayd" Allaahu ma aqninii bi xalaalika can xaaraamika wa bi fadhlika can man siwaaka" Waxaa hubaala inaad deyn baxayso meelkastood joogto Ilaahay idankii. |
    Ansaari | Unrecorded Date Salaamu Caleykum! Walaale Allahu kuu yasiro. Walaalkeen Miskiin ayaan ku raacsanahay. |
    Generation X | Unrecorded Date To. Dacar Cabdi Siyad Walaal Ilaah haku kaalmeeyo, dulqaado dadkana runta usheeg, una sheeg sidii murugada lahayd ee ay arintu udhacday. Waxaana ana ku raacsanahay walaal Maskiin. To C/J. Waraa adiga ninka sooshalad ayaad ku noqotee... altså "med ett anat ord betala ett viss belopp varje månad". Dët var ikke en god lösningen. Generation X Scandanevia |
    NIN QUSTAY | Unrecorded Date WALAAL DACAR WAXAAN MEEL ISLA JOOGNAA NIN 100 KUN OO DOLLAR KA BADAN DHACAY AMA KA LUNSADAY RAG SOOMALI AH AANA GARIISA DHOWR JEER AAN GOOB JOOG U AHA AANA BEEN KA SHEEGEYN NINKAAS MARKAAD ARAGTO AMA LA SHEEKEESATO WAXAAD IS ORANEYSA MISKIINKAAN ALLAHA U SAQIRO OO HADDAAD FARTA AFKA U GELISO KU QANIINI MAAYO LAAKIN MARKAAD BARATO KALMD XALAAL AH MA YAQAAN WAANA TUUG MIDKA UGU WAYN NAXARISNA MA LAHA OO DAD MISKIIN AH AYUU KALA WAREEJIYAY MARKA XIGA NINKII WELI MEESHIISI AYUU JOOGA DHOWR MAR AYUU BALLAN QAADAY INUU GUDAAYO DEYNKA ASAGA AH XITAA SI TARTIIB WAXNA LOO CAFIYAY LAAKIN ALAANA HAL DOLLAR XITAA MA GUDIN WALLAAHI KA TAHAY. HADDI ARRINTA EE SIDAAS OO KALE TAHAY WAX AAN KU DHAHO MA AQAAN OO TUUG AYAAD TAHAY MA ISTAAHISHID XITAA IN LAGU YIRAAHDO ALLAHA KUU FUDUDEEYO. MARKA XIGA DADKAAD LACAGTA KA QAADATAY MA U SHEEGTAY INAAD BEECMUSHTAR GELINEEYSID OO BERRITO LAGU QASAARI KARO SI AAY UUGU SII TALA GALAAN WAXAA LA ORAN JIRA QEYR WAX KAAMA DHIBEE SHAR KU TASHO.NINYAHOW SHEEKADAADA SI UUNBAY U QALDAN TAHAY TIRADA LACAGTA IMISA AYEEY GAAREYSAA MICNAHA DADKAAD KA QABTO LACAGTA MA KA SAMRI KARAAN MEESHAAD DEGGEN TAHAY MAXAA GARTAAS LOO GELI WAAYAY OO XAL LOOGU RAADIN WAAYAY SI XITAA AAD TARTIIB UUGU GUDI INTUU ILLAH CIMRI KUSIIYO.. INKASTO AAD TAHAY NIN DHIBAATEESAN HADDANA AYADOO LA MAQAL DHINACA KALE IN LAGUU GARAABO WAA QALAD WAXAA LAGA YAABA INAAD KALA WAREEJISAY DAD ISLAAN AH OO MASAAKIN KUNA AAMINAY ADIGANAA AAD BEEN USHEEGTAY. |
    DAACAD | Unrecorded Date TO.Dacar Cabdi Siyaad. xaqiiqdaan rabaa inaan hotaada dhigo,sxb talo uma baahnid waayo? waqtigaa kuu taliyey,malaha tusaalayaashay ku badisaaye tusmo aan ku siiyo, nin riyoole ah, ayaa maalin yiyihiisii midka mid ah gadh aad u dheer oo dhulka hadaafayaa ka soo baxay,Riyihii kalaa ka diday! oo moodey bahal ilaa wax aanay arki jirin bay arkeene,ridiina way ka daba carartay! iyadoo is leh gaadh, ninkii riyaha lahaa baa arkay isna waa ka daba cararay! ilaa waa xaqiisiiye. Tuulo ayay soo galeen iyagoo is wada caydhsanaya, waa la qaqabtay,waxaana loo geeyey Cabqarigii xeerbeegtida yaqaaney ee tuullada xukumayey si uu gartaa u naqo wixii qaladka lahaana u saaro.....dacwadiina waa loo akhriyey........! wuxu yiri cabqarigii, Riyuhu gar leh! ri'duna gar leh! ninkuna gar leh!. riyuhu gar leh oo waxaanay arki jirin bay arkeen, riduna garleh oo meelay ku hadho may joogin, ninkuna gar leh oo xaqiisii oo cararay buu caydhsanayey! Saaxiib waxaan hadalka ugu daray,adigu gar waad leedahay oo wixii waa kugu baxay si kastaba haw baxee,ragga kugu lihina gar leh oo xaqoodii bay kaaga fadhiyaan,labada midnase xal noqonmayso,oo xoola aadan lahayn baad cuntay,laakiinse aan isku dayo inaan runta farta kuugu fiiqo, waxaad ogaataa in koonkan aan saaranahay Illaahay maamullo, siduu doonana ka yeelo,aadmiguna aanay waxba ka bedeli karin, awoodooduna xadidan tahay,saan qoraalkaaga ka arkay,daddaal samaysay,saad rabteyse waaw dhici waayey,waad rabtaa inaad deyn baxdid itaalbaase kuu diidey,ogoow inay tahay awood kaa tan badan waxaana la yiraahadaa arimaha Illaahay! intaa markuu iimaanku kuugu dego ka dib,adigoon cararin,cirkana u bixin,isna ceebayn,dadkii ku aamineyna ka dhuuman,naftaada runta u sheeg!haba ku qanci weydee,oo waxaad tiraahdaa, nafeey daddaashey noqonse weydey,haddaba samay sida kuugu sharaf badan, kuuguna qiimi badan,kuuguna eed yar,waayo?qiimi kaama dhicin haddaad qasaartay,marwalba sharaftaadii waad leedahay,laakiin haddaad caratay,dee waa "kaba tolow ma halkaasaad ka baxday" markaad naftaada runta u sheegtid ka dib, dadkii deynka kugu lahaana runta u sheeg,adoo u sharaxaya sidii wax u dhaceen oo Illaahay kugu og yahay,ileyn dushaada ka diiran maayaane, hadaadse muslimiinta ku aaminey khayaamaysid,wallaahay Illaahay baa ku khayaamaynaya! marka ninyohow aduunkan waxan aad la wareersan tahay wax ka weyn baa ka dhaca,raggana ka ummuliya mooyee wax waliba way soo maraan,marka ninyohow waxanoo dhan "QADAR"ka soo qaad,waxba aadan ka bedeli karin,waxadna samaysaa adaa xaaladdaada la socdee sida kuugu macquulsan ee aad u fahansiin lahayd dadka inuu waxani iska qoraa, haday qaadan waayaan,dhakhtar uma noqon kartid qofwalba siduu rabey ku qanciya,laakiinse naftaada waad qancin kartaa itaalkaaga,dadkana dhac kuma lihine u daddaal waxaanad lahayn baad cuntaye, werwerkase iska saar doorasho ma haysatide! |
    realydacar | Unrecorded Date KU; INA ABDI SI'AAD walaal ilaaahay hakuu siyaadiyo maxaa wacay waxaad isticmaashay rag magaciisa ee ilahay waxan kaaga baryayaa inuu ilaahay kuu siyaadiyo,maxa kugu kalifay inaad isticmaashid magacan dacar eh ooah magacayga runta oo dadka igu yaqaaniin,,,, realy dacar,realydacar |