Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): WHY SOMALINET WAS CREATED?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed Ibrahim

Unrecorded Date
This is my second topic I contribute to somalinet forum. The first was "CAN SOMALI GIRLS JUDGE OR REASON WELL". Now I have this to say:

Somaaliyey waxaan la yaabey sida aadka ah aan isagu wareersan nahay hadaan nahay dadka dibada ku nool, waxey aniga ila tahay sida somaaliya nabad looga dhaliyo iney ka adag tahay sida dadka dibada jooga isku fikrada looga dhigi lahaa, waxaan isagu jirnaa : from lesbian to gay to feminist to muslim fundamentalist to normal ones. Waxaan kale oo yaab leh, dadka kale ee nala jooga ama nagula nool wadamada ajaanibka ah wey isku duuban yihiin. Marka hadaan arinteyda si fiican ugu gudo kalo, waxaan u maleynayaa in somalinet-ka aad moodo in loo sameeyey in somalida dibada joogta la isku diro sababtoo ah weli ma arag qof topic bilaabey aaan la cayin ama qof badelin wixii meesha ka socdey mise qabiil, mise diin, mise love or anything else ha noqotee. Marka maxaa taas noogu sabab ah somali weyn? soo anagii maaha, waan is ognahay shalay gulikeen "from poor to the president's family" soo qaxooti ma aheen,
soo anagii eerabootyada adduunka umada hortooda niri waxeynu nahay dad gaajo heeso oo dhibaateesan, maxeynu isagu faanaa net-ka dhexdiisa oo qof walba uu isaga dhigaa inuu is kala weyn yahay qof ka kale ha noqoto inuu is moodo inuu ka aqoon badan yahay mise ka nasiib badan yahay mise ka lacag badan yahay? Kuwa ugu sii daran waa kuwa dhaqankooda badelmey ee marba iska dhiga western or arabs or etc. maxaa taas noogu wacan? Hadii umadi ay dibada timaado, of course, waxey arkayaan dhaqamo kala duwan, aniga ma lihi keena ayaa ugu wanaagsan laakin waxaa haboon in qofka uu kiisana inta fiican kan kalena inta fiican uu ka soo qaato uu asaga sameysto "in between" mid wanaagsan uu dadka uu la nool yahay kula dhaqmi karo, maxeynu anaga u nahay "from extreme to extreme" tusaale ahaan, mise inaan dharka dhigano mise inaan kuligeen nala arag. Marka walaalayaal waxaan rabaa inaad taladiina ka dhiibataan, idinkoo is caayin, kaftan waa la kaftami karaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasir

Unrecorded Date
To Maxamed Ibraahim,
maxaad tiri? "waxaan isugu jirnaa from lesbians to gays"??????? shame on you........shame on you..
shame on you.....ilaahey u noqo oo dambi dhaaf weydiiso remember bishhi barakeysnneyd ee ramadaan aa lagu jiraa ee waxaan oo kale ha la shir imaan sxb............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum

Rabadaan Kariim

Ku. Maxamed Ibrahim!

Walaal meeshan Furumka ahi, runtii wax weeyn ayeey noo tareysaa, ugu yaraan waxaan arkeynaa halkan in walaaleheen soomalida ee kukala firirsan arliga aay kuwada xariiri karan, waxaa kaloo halkan laga cabiri karaa heerka ama halka soomalidu aay maanta mareyso & maxaa nagu cusub inta aanu halkan "The West" nimid. Annigu runtii halkan wax badan ayaan ka kororsaday, oo waxaan arkey dad nooc walba oo is-badadelay haddii aay noqon laheyd xag dhaqan, Diin, sinjiba.

Awal waxaan u haystay in soomaali tahay soomaalidii aan wadanka ku aqiin.

Dhibaatooyin badan oo xag walba ah ayaa naheysta, waxaana loo baanan yahay XAL.

Balse sidaan u kala dhantaalanahay ayaanu u kala dhantaal-naaneynaa haddii aanan ku midoobin ISLAM, waayo xalka saxda ah waa Islam oo si dhab ah loo qaato.


Ku. Nasir!

Walaal, ha layaabin arrinkan waa ay jiraan.

Imisa jeer ayaa halkan laga tirtirey dad soo geliyey Ururka Qaniisiinta Soomaaliyeed, imisa jeer ayaanu aragney dad wata Madhab kale oo Islaam aheyn balse lagu leeyahay waa Islam, imisa jeer ayaa halkan lasoo dhigey dad raadinaya soomaali kirishtaana ah, waxaanu aragney gabar tiri lesbian ahay!. Intaas oo dhan sheeko maahin waxaad ka heli kartaa Arkiifiyada SomaliNet Forumka.

Sidaas weeye sidaan u iri: "Soomaali soomaalidii hore ma ahan maanta"

Wa salaam...
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
salaamu calaykum,

To Maxamed Ibrahim!

Ramadan Kariim,! Horta Maxamedow aniguba aad baan mararka qaarkood ula yaabaa policy of SomaliNet service Providers-ka, Isla markaan I am feeling home..... Markaa arintu ama waa pure business oriented ama wax kale!

Kala duwanaanshaha aad ka baqaysidna waxaan u arkaa arin iska caadi ah,! Yes wax baan aaminsanahay, si baan wax u arkaa markaa hadii qof iga aragti duwani yimaado...waa in aan u noqonaa cid nakala saarta, markaa su'aasha ma aha maxaa la iskaga hor imanayaa ee waa Hadii la iska hor yimaado SIDEE LOO KALA BAXAYAA? Yaa la iskula tagayaa oo wax kala saaraya ?

Mid kale waan kugu khilaafsanahay arinta kale ee aad sheegtay ee ah in ayno Airport-yadda dunida daadsanayn, ducufo wax magarato ah ahayn..... maantana aan dharkii dhiganay oo aan cawaan aan ilbaxnimmo iyo dhaqan toona lahayn nahay!!!!!!!!
ma garanayo sida aad wax u eegaysid, iyo waxa aad filaysid in ay dhacaan, Ummaddi hadii ay soo guurto oo ay soo dhex gasho bulsho kale oo ka dhaqan,diin iyo xadaarad duwan 3 mid uun bay noqon:
1- In ay dadkan yar ee bulshadan soo dhex degay in ay ku MILMAAN oo dhaqan doorsoomaan(Asimilation).
2-in ay haba yaraatee wax wadda noolaansho iyo dhaqan ahi aan dhex marin oo qolo waliba albaabadda soo xirato, ama waxa loo yaqaano ISFAQUUQID/GOONI ISKU SAAR
3- In ay dhacdo in labadda bulsho tan soo guurtay iyo tan loo soo guurayba ay helaan wax ay iskaga mid yihiin isla markaan wada wadaagi karaan, waxyaabaha ay ku kala duwan yihiina iyadda oo aan bulshadda kale dhibaato loo geysan wada noolaan karaan, Falgalka noocana waxaa loo yaqaanaa Positive Integration!!

Arimahaas kor ku xusani mid waliba waxay leedahay faa'iido iyo faa'iido daro, kun dabran hadba buldhada laga soo eegayo arinta. la yaab malaha in ay is khilaafan waxyaabaha ay labadda bulsho doonayaan mararka qaarkood.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Yaska are u 129?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anon

Unrecorded Date
fg leave Yaska alone. He always make good sense

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kayse

Unrecorded Date
Walaal Mohamed Ibraahim:

Waxaa tiri: "waxaan isagu jirnaa : from lesbian to gay to feminist to muslim fundamentalist to normal ones."

Ma noo sheegi kartaa who is the normal one? Have u ever met a somali lesbian or gay?

Waxaa tiri "waxaan u maleynayaa in somalinet-ka aad moodo in loo sameeyey in somalida dibada joogta la isku diro"

Ninyohow adoo iga raali ah markaa qoraysay qoraalkan ma cabsaneyd?

sida aad noo sheegtay qoraalkani waa kaagii labaad labaduna waxay u egyihiin eedeyn aan sal lahayn. dhinaca cilmi nafsiga qofka bartay wuxuu adoo kale u arkayaa qof qurbaha ku wareeray oo haba yaraatee wax contribution ah hayn isla markaana jecel inuu wax eedeeyo.

Talo walaaltinimo iga qaado ee markaa wax qoreysid ha ahaadeen kuwo laga faa'iideysanayo.

Yaska: Policy-ga somalinet waa mid adag oo hadii dhinac laga fiiriyo aad u malaysid inay dhinaca waxyaabaha qabiilka la xiriira ay extreme ku noqdeen ama ay single out ku sameeyeen laakiin runtii waa mid wanaagsan sababtoo ah anigu internet-ka waxaan isticmalayey ilaa iyo 1994 hal meel oo soomaalida loo fasaxay inay ku sheekeystaan oo ayan qabiil qabiil isku caayin waxaa ka jirta somalinet. Waxaa jirey nomadnet oo gaal soomaalida buugaag ka qora leeyahay markaas bay qabiil qabiil ingiriis isugu caayaan wax walba oo lagu qorana ninkaas ayaa xaq u yeelanayey, waana nin wax ka qora soomaaliya. waxaa jirey meel newsgroup oo African-ku leeyahay intaan newsgroup-ka soomaalida la sameyn. Meeshaas umadaha kale ayaa Soomaalida la yaabay siday isu caynayaan oo xumaantooda kaliya ay isugu muuqato. Kadib waxaa lasameeyey kan soomaalida soc.culture.somalia qof walbaana soo fiirin kara siduu dhiiqo u yahay. Hadaba ani qof ahaan somalinet waxaan ku raacsanahay meesha ay qabiilka ka istaageen sababtoo ah waxaa hubaal ah kumanannka qof ee meesha ku sheekeysta hadii ay subax walba arki lahaayeen qabiilkooda oo la caynayo inay badankoodu difaaci lahaayeen qabiilkooda isla markaana ay cayn lahaayeen kuwo kale. Dadka hadda saaxiibada ahi waxay u kala safan lahaayeen qabiil. Dadkani waa bani-aadam waana khaldami karaan laakiin history-ga soomaalida kama dhicin meel sidaan oo kale soomaalida uga dhexeysa qbiilna nadiif ka ah. Dadka siyaasiyiinta ah oo jecel inay Soomaaliya wax u qabtaan waxaan kula talin lahaa haqaateen somalinet model.

Kayse

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed ibrahim

Unrecorded Date
mr kayse,

It not easy to get me into high temper my dear friend, but it seems you are one of those guys that i had been describing, that just insult others without gaining single penny or any interest from it. my dear brother, i am sure if you are in west or the arab world definetly you saw somali gay or lesbian if you didnt, then there is nothing i can do to show you. however, it seems your attitude towards me is actively negative.

to the rest,
I understand your point of view.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Anon, stay out of it Bro/Sis...
What have I done to Yaska?
Here you are, jumping around without figuring out what anyone is saying.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
salaamu calaukum; Ramadaan Mubaarak!

To anon;
Thank you very much, who ever you are !!

Kayse-
Waa Runtaa oo meelo badan iskaga mid ayeynu nahay oo ah Qiritaanka wanaaga ay sameeyeen somalinet iyo service "Free-ga " ah ee ay u soo bandhigeen ummadda waliba iyagoo intaaku daray ilaalin, nadiifin iyo la socod.

Anigu Shaqsi ahaan waxaan mararka qaarkood aad u critisis-gareeya somalinet service Providers, waayo bage ayey fureen kaliya iiguma filna in aan ku taageero waxaan ka sugayaa intaa wax ka badan, to me they are "Unkown"or X?, Caalamkan aan ku nool nahay maanta waxaa jira Long-term strategies... iyo short-term ones, Forum-bay sameeyeen, Qabiilkana way ka ilaaliyeen???? Intaas miyaa noogu filan in aan ku amaano oo ayno ku seexano?mise waa in ayno foojignaanaa!!!!!!!! waxaan jecelahay in aan ogaano Strategy-yadda Runta ah ee ka danbaysa? Maxay maagan yihiin? xagay u socdaan? Xagay ka socdaan? Ra'yigooddu ma cada laakiin Howl fiican ayey qabanayaan imikka.

Haday "Pure" Business Oriented yihiin, No problem.. intii laga sugayey in kabadan ayey sameeyeen, Laakiin hadii ay Ujeeddo intaa ka weyn ay jirto.... Page ama Forum ayaan sameeyey it isn't enough camii!!!!

Maanta Resource/Hantidda qudha ee wadankeenu haystaa waa dadka Dibadda ugu maqan!!!!ok, haddaba maxaad dadka u qabatay?maxaad u soo gudbisya?ma wacyi galisay?ma jihaysay? maxaad u qabatay dadka dibadda jooga? mise Wali maskaxdaaddu waxay ku xiran tahay Wadankii??? oo sidii wadankii baad wali u fikiraysaa? su'aalaas iyo qaar ka mid ah ayaan jeclaan lahaa in laga fikiro marka aan arinta somaliNet ka hadlayno?

Waan u mahadinayaa hawshan ay qabteen, Nabiguna (scw) wuxuu yidhi:"Qofka aan dadka u mahadinin, Ilaaheyna uma Mahadinin," ama macno noocaas oo kale ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed A.Hassan

Unrecorded Date
Waxaan salaan hawada u soomarinayaa dhamaan dadka Somaaliyeed ee halkan doodahooda iyo aragtidoodaba ku soo bandhiga. Anigu madoonayo in aan wax cusub la'imaado balse waxaan jeclaaday in aan dhalinyarada Somaaliyeed soo dhexdhigo arin runtii aniga aad iyo aad iiga cadhaysiisay waxa ay kaqabaan waana sidan:

Habeen dhawayd ayaa waxaa doodayay nimanka u tartamaya madaxwaynanimada dalka Maraykanka gaar ahaan waa kuwa republicanka ah{Premiere}waxaan laga hadalayay in ay haboontahay in ciidamada Maraykanka haboontahay in dibadaha loo diro. Ninwalbaana aragtidiisa ayuu ka dhiibanayay balse waxaan fadhiga kabooday markii Musharaxa layidhaahdo Steve Forrbe uu yidhi maxaa somaaliya oo kale ciidan looga diri xataa dagaalka sokeeye kahore waxay ahaayeen Demented and pathetic country e. Waxuu halkaa iyagana ku sheegaay in ayna haboonayn in shaqo lagu darsado dalka hayti. Runtii aad ayaan u xanaaqay aniga oo xasuustay sida aan waayo ahaan jiray ee ajnabigu nookala xodxodanayay e bal arintan talo ka soobixiya Somaali waynay.{Waa aflagaado qaran}

RIWALBAA HALKII AY ISDHIGTO AYAA LAGU QALAA!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Unrecorded Date
Mohamed: Why don't Somali Americans make some noise like suing the guy you mentioned and his party. At least the media would love to hear such a story. My suggestion to you and all other Somali Americans is to ring some bells. This person insulted not only somalis but he insulted Muslims and black people. Somalis belong to these ehtnic and religious groups.

You don't have to wait for anybody, the last thing Somalis can do is to have a common goal, so don't waste time on individualistic Somalis. The most vunnerable person is a politician running for an office.

Send some e-mails to his oponents and they will love to attack him on that front.