We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Unrecorded Date Waxaan jeclahay inaan hooyadeey ( allaha u naxariistee ) AAMINA XASSAN QAMBI oo ku geeriyootay wadankan mareekan, (july-30-1997 arbaca 9:30 A.M) iyo in alaaliyo intii hooyo ee meel walbaba joogta. ku xuso heestan macaan ee hooyo. Heestan waxaa tiriyay abwaankii weynaa: MAXAMED IBRAAHIM ( HADRAAWI) waxaana sida aad ula socotaan qaaday boqorkii codka ee: MAXAMED SULEYBAAN ( TUBEEC ). Akhris wanaagsan. Hooyooy la'aantaa, adduunyada hubaashii, habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleenoo, dadku uma hayaameen, dayax heego joogoo. sida haad ma fuuleen, xidig hawd ka lulato, hawo laguma gaadheen. hubka laguma tuureen, cirka hirar ka muuqdoo, ruuxaad hagaysiyo, usha mid aad u haysaa. Ila toosa weligey, ka habaabi maayee, Hooyooy addoomuhu, halkey maanta joogaan, adigow horseedee. Intaad hanad xambaartee, haaneedka siisay, horaaddada jiq siisey, habtay maan xisaabiyo, tiro lagu heleyne, Marka aad nin hiilloo, laga baqo hashiisiyo, halyay diran dhashaa baa, Hooyo lagu xasuustaa. Marka aad nin hoo loo, marti hagar ka gelinoo, gurigiisa habaq loo, isku soo haleeyoo, hayntiisa quudhoo, hor Illaahay geystiyo, lama hure' dhashaa baa, Hooyo lagu xasuustaa. Markaa aad nin himilada, hilin toosan mariyoo, hir markii la gaadhaba, ku labaad hilaadsho, haga maatidiisoo, la higsade dhashaa baa, Hooyo lagu xasuustaa. Marka aad nin hooggiyo, ka hor taga dagaalkoo, dabka hura bakhtiiyoo, garta hubin yaqaanoo, xaqa hoos u eegoo, halistiyo colaadaha, ku hagoogta dhiigoo, dadka kala hagaajoo, kala haga dhashaa baa, Hooyo lagu xasuustaa. marka hobol caaniyo, sacabka iyo heelada, labadaba hannaanshoo, hindisaha far-shaxanood, hab-dhahiyo luuq-yada, rabbi hibo u siiyoo, howraarta maansadan, heeseyn yaqaaniyo, hal-abuur dhashaa baa, Hooyo lagu xasuustaa. Dumar iyo haweyn baa, nolol lagu haweystaa, waa lagu hammiyaye, sida hawd calayn weyn, rag u wada hamuumee, ishu halacsaneysaa, hablahaagii weeyee, marka guur la haybshee, gabadh heego dheeroo, hoobaan la moodoo, karti iyo hub-qaadloo, quruxdana ka hodanoo, hira laga aroostaa, Hooyo lagu xasuustaa Hooyooy la'aantaa, higgaad lama barteenoo, Hooyooy la'aantaa, hadal lama kareenoo, ruuxaadan habinoo, kolba aanad hees iyo, hoobeey ku sabinoo, hawshaada waayaa, hana qaadi waayee. Hooyooy dushaadaa, nabad lagu helaayoo, Hooyooy dhabtaadaa, hurdo lagu gam'aayoo, Hooyooy taftaadaa, dugsi lagu helaayoo, waxaa lagu hal-maalaa, Hooyo abaabintaadee, hayin lagu badhaadhaay, hogol lagu qaboobaay, gogol lama huraaneey, dugsigii hufnaantaay, hidda lagu arooraay. Intaad Hooyooy nooshahay, hambalyiyo salaan baan, hanti kaaga dhigayaa, hamrashiyo xaq-dhowr baan, dusha kaa huwinayaa, Hooyooy dhimashadaaduna, hooggeyga weeyoo, hiyigiyo laabtaan, kugu haynayaayoo, weligey hogaagaan, kadul heesayaayoo, hengel baan u xidhayaa, intaan haadka duushiyo, gidi habar dugaagge, ifa hibo ku nooloow, Aakhiro halkii roon, Ifka hibo ku nooloow, Aakhiro halkii roon, Hooyooy aakhiro halkii roon, Hooyooy aakhiro halkii roon waxaan idinku simayaa inaad hooyooyinkiina badbaadisaan, xaq-dhowrtaan, ka danbeysaan, jeclaataan, wax tartaan, ka duceysataan, cagaha u meydhaan, weysada isoo diirisaan, baari loo ahaado, la sheekeysataan, intiina weliba shaqeysa ee iyagoo daal-daalan guriga usoo hoyda ku dadaala inaad u sheekeysaan hooyadiin, idinkoo weliba aad u daalan oo laba shifti soo galay. weligaa hooyo qudha ayaad lahaan doontaa, kuwa hooyooyinkood haysta ayaaba ugu nasiib badan. Hooyadey oo wadan qalaad ku go'dey ayaaba ugu sii daraan lahayd, laakiin nasiib baan lahaa haday agteyda ayay ku geeriyootay. habeenkii saanu u sheekeysaneyney iyadoo caafimaad qabta, subixiina wadnahaa laga qabtay isbitaalka ayaa la geeyay heart-attack buu noqday lix cisho ka dibna wey go'day JUST LIKE THAT! ( allaha u naxariistee ). waanu wada sheekeysan jirnay si aad ah waxaana aan bartay Hooyaday, Hooyo ahaan ka sokow qaf ahaan ayaan u bartay. maalmaha off la yahay salaada subax baanu gaahi jirnay marmar. inta hooyadood waayay (sideyda) allaha u naxariisto janadiina haka waraabiyo ( AAMIIN ) waad mahadsan tihiin, salaama calaykum. abdicaziiz.
|
| | Unrecorded Date to Cabdicaziz, Walaal ilaahay janadii hageeyo marxumada, waana aan usoo ducaynayaa. Intaa dabadeed aad iyo aad ayaad ugu mahadsantay heesta hooyo ee aad miraheeda halkan ku soo khortay; run ahaantii heestan aad ayaan u jeclahay laakinse miraheeda ma aanan wada garanayn, aad ayaad u mahad santaha marlabaad. sidaa iyo nabad gelyo Samira
|
| | Unrecorded Date CabdiCaziiz, salaan ka dib, Allaha u naxariisto hooyo, jannadiina ha ka warabsho. Saxib, heesta ka sokow, xasuus ayey i gelisay sheekadaau. Waana runtii sidaan rabi lahaa inaan hooyadey ula sheekeysto. Markii iigu dambeysay ee somalia aan ka soo tegaayey kuma fiicneyn sheekada waalidka in aan amar ka qaato maahee. Taasu waxey igu reebtay inaan aqoon fiican u lahyn dadkii i dhalay iyo weliba taariikhdooda. Maanta ma shegi karo meel hooyadey ku dhalatay iyo meel aabahy ku dhashtay midna IWM. Muddo 10 sano iyo dheeraad ah ma arag hooyadey. Waxay joogtaa Xamar (iyo sidoo kale aabahayba). Waxan jeclaahay inaan aado Somalia dhammadka sanadkan si aan u soo arko labadi waalid ee i dhaleen. Markaan aqriyey sheekadaada Ilmo ayaa igu soo istaagtay, i xasuusisey hooyadey anoo la jooga. Saxib dardaaran wanagsan.
|
| | Unrecorded Date Salaan qali ah. Cabdicaziiz,allaha u naxariisto hooyadaa ilaaheyna jannadii ha ka warabsho.waad ku mahadsan tayah xasuusinta waalidka runtii waalika waa lama huraan waalika waa dadka aduunyada ugu wanaagsan siba hooyo. ama yaro ama weyno hooyo marwalba carrkeyda yar baa tahay.hada ka hor anigo la jooga ayeeydey aabahay dhashay. maalintii oo dhan bay arag aabahay oo cadadiisu ahad marka uu baxayo iyo marku soo galayo isago hooyadii arag ma bixin jirin. marka bay tir yaah arkay wiilkii mahamuud ahaa marka baan ku iri wiilkeeh markaa bay itiri aabaha waan qoslay oo iri ma isagaa wiil ah waa oday markaa bay i tiri waxuu ilmid yahay wiil xaalay dhashay.marka hooyo waa sidaa qofkii waalidkii ka taxatar qayr buu kala haraayah aqiiro iyo aduunyo. INAAT IYO NABAD GALIYO>
|
| | Unrecorded Date Salaan dhamaan: Waad mahadsan tihiin dhamaan leyla, sharaf, iyo samiira. walaalayaal aad iyo aad baan ugu farxay jawaabihiina sida quruxda badan aad iigu soo jawaabteen, Walaalayaal waa kheyraad aad u badan oo sida ciida oo kale loo xamaalan karo, haddii aanu doono oo aanu isku taxluujino, sidaan waalidkeen siiba hooyooyinkeen uuga farxin kari lahayn ama dhibka uuga qaadi kari lahayn intii awoodeena ah. Mida labaad sharaf walaal allaha ku nabad geeyo xamar haddaadba intaa kari karto qof kheyr qaba ayaad tahay macbuudkaa iga sareeyee (its a oneway ticket to JANAH). dhib kalama kulmi doontid IINSHA ALLAH! waxaanan farax iyo mafsuud ahayn mooyee. safar kii ugu wanaagsanaa uguna waaya aragsanaa hakuu noqdo walaal. IINSHA ALLAH! mar labaad samiira, sharaf iyo laylo waad mahadsan tihiin walaalayaal 100% Asalaama calaykum. cabdicaziiz.
|
| | Unrecorded Date salaaan dhamaan. dhawanhaanma iman halkan oo waan ka maqnaa lakin hadii aan ka qayb qaato qoraalkaaga muhiimka ah. Dear Cabdicaziiz waxaan hoyada leeyahay janada in uu ilaah ka waraabiyo.Amin. waad ku mahad santahay wanada sharaftaleh runti aniga caruurnimadaydii iyo hada isku mid ma ihi hada 22 ayaan jiraa oo Hooyo qimaheeda aan iraahdo walidka qimihisa la ma soo koobi karo ama hees ha noqoto ama wax kale waxay ahaataba Nabiga scw wuxuu yiri oo hubaal ah hadaad hoyadaa u doceeyso in ay gaarayso ducadadaa ee u decee mar walba Ilaah ha u aqbalee. hooyo xaqeedalama soo koobi karo sadex jeer ayey abaha ka xaq badisay. hadaan loo axsaan falin jano la arki maayo. ee Ilaah baari ha inaga yeelo nabadeey.
|
| | Unrecorded Date walaal cabdicasiis salaan iga gudoon: walaal ilaahey hooyadaa janadii fardowsa ha ka waraabsho, iyo intii murxuum ah oo dhimatay. <aamiin> walaal aad baad waad ku mahadsantahay advies kaad na siisay, walaal mar mar waxaa la ilaaba xaqa uu waalidka kugu leeyahay aniga <alxamdlulilah> hooyadey wey ila joogtaa habeyn walbana markaan seexanaayo ilaahey waxaan ka baryaa ilaahow hooyadey aan aniga ka hor dhintaa, cause ma'aqaan waxaan la'aanteed sameyn lahaa. hadaan ani iyo ayada isla socono marwalba waxey jeceshahay iney gacanta iqa bato 19 sano ayaan jiraa habeynkan gaajo ku seexdo sariirta ayeey cashada iigu keenta oo markaan weydiiyana waxey tiraahda curadeydi baad tahay. habeyno ayeey i tiraahda kaalay qolka ila seexo markey saas itiraahdo waan layaabi jiray habeyn dhaweyd ayeey itiri waxaan saas ku iraahda ani wali cunug baad ii tahay anakoo dhan saas baan waridkeen u nahay ee taas ha la ogaado. walaal cabdicasiis hooyada habeynka jimcaha u akhri quraan intaasna ajir ayaad ka heleysaa.
|
| | Unrecorded Date ASALAAMA CALEYKUM MARKA HORE WALAAL CABDICASIIS SAMIR ALAHA KAA SIIYO HOOYADAA,GEERUDUNA XAQ WEEYE WAXAANA ILAAHEY UGA BARYAAYA INUU JANADII FARDOWSA KA WARAABIYO. Runtii intaan ka oran lahaa u isxaan falida waalidka ama waalidka oo baari loo noqdaa hortey ayaa la sheegey,waxaase i qaadey xamaasad inaan sinama u harin. waxaana oran lahaa dhabtii waxaa khasaarey ruuxii labadiisa waalid oo nool daryeeli waayey oo caasi ku noqdey,maxaa yeelay waalidka oo caasi lagu noqdaa waxey ka mid tahay denbiyada waaweyn(akbaru-kabaa,ir)marka ilaahey ha laga baqo oo hala wanaajiyo waaalidka labadaba,gaar ahaan waan ogsoonahay dhibaatada ay hooyadu nagu soo marto caloosha ayey nagu qaadey weyna nuujisey wey noo gaajootaa darteen, mararka qaarkood wey noo murigootaa ka maqnaashaheeda,marka ma mudan tahey in lagu caasiyo? waxaan filayaa iney marna mudneyn. Waxyaabaha baari loogu noqdo waalidka waxaa ka mid ah,marka u horeysa inaad xaqa ugu yeertid,inaad nafaqeysid mana fiicna in ay agtaada ku gaajoodaan adoo nafa qeyn kara,inaad ixtiraamtid tabantaabisid,inaad u naxariisatid hadey agtaada da,weyn ku gaaraan iyo inaad u duceysid hadey kaa hormaraan siiba waqtiyada salaada aad sujuudsantahey oo ah marka ruuxu ilaah ugu dhoow yahey. ugu dameeyntii waxaan idiinka tegeyaa yeyna marna sinaba idiinka mashquulin xoolihiina xaasaskiina caruurtiina inaad waalidka baari u noqotaan.
|
| | Unrecorded Date walaal c/casiis waa reer qambi oo ku leh samir iyo iimaan ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo
|
| | Unrecorded Date A'salaama calaykum Dhamaan waad ku mahadsan tihiin, inta aad isoo waaniseen ina soo duceyseen. Waxaana aan jeclaan lahaa inaan waanooyinkaa iyo ducooyinkaa aan la qeybsado dhamaan inta hooyooyinkoodii waayay oo dhan. Mar labaad waad mahadsan tihiin kuli. Reer qambi wey idin ayo walaalayaal? Bal ila soo xidhiidha fadlan BANAADIR@AOL.COM Waadna ku mahadsan tihiin tacsida aad isoo tacsiyadeyseen. Nabad gelyo. CabdiCaziiz.
|
| | Unrecorded Date Dear Abdicasiis, Si gaar ah ayay ii taabatay jacaylka aad u qabtay Hooyadaa Aamina Xasan Qambi. ( Ilaahay jannaddii ha ka waraabiyo.. AAMMIIN). Waan maqlay geerida Hooyo, waayo aqoon ka sokoow, xaaskayga Farax waa reer qambi. Mar labaad Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu u dambi dhaafo, jannadiina geeyo. AAMMIIN.
|
| | Unrecorded Date TO ABDINUR asalaamu calaykum bacda salaan walaal waa cabdikhaaliq markaa aad waxaan u rabay inaan igala soo xdhiidhaan E-MAILKAN ABDIKHALIQ@HOTMAIL.COM iga salaal farax asalaamu calaykum
|
| | Unrecorded Date To abdiaziz walaal samir iyo imaan alaha ha kaa siiyo ilahayna hooyo ha u naxariiso wiil hoyadii jecel baad tahaye .Anigaba hooyaday anoo 11 jiray dhimatay qof walibana walaal wuu dhimanayaa dunidan waynu katagaynaa waqti ay noqotaba.Walaal uducee markastaad tukataba. simir iyo imaan.
|
| | Unrecorded Date ASALAAMU CALAYKUM SALAAN KA DIB KU:INTA HOOYADA QIIMAHEEDA KA HADASHAY ILAAHOW U NAXARIISO HOOYOONINKEEN WIXII NOOL WIXII DHINTAYBA, ILAAHAYNA HA INAGA DHIGO KUWII U BAARI FALA WAALIDKA AAMIIN. WAXAAN IDIIN SOO DIRAYAA SAARKII CARAYS CIISE ILAAHAY HA U NAXARIISTO AAMIIN. HOOYADU WAA LAMA HURAAN Hagaag waa loo socdaa Hor waa loo sii hoydaa Hadal waa la hindisaa Mudaan uurka hurrudnoo Culays bey hayn jidhoo Talaabtey la hakatoo Xanuun bey la hingateye Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Habeen goor uu bartamay Caanihii bey nagu habtoo Horaadkeey noo dhigtoo Dharkii bey na huwiseye Hooyadu waa lama huraan Calooshaadoon hif oran Adiga oon ka haqab'bin Hunguri ma haweeysatee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Habaaq goor aad tahayo Talaabta aan la holi karin Adoo ciidii hambaday Dhaqsaba waa ku hinjisaye Hooyadu waa lama huraan Afkaa aan ku hadalniyo Hannaankeeniyo hub qaad Hagaag bey noo bartey Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Innaga oon haybad qabin Hal beesa aan suubsan karin Habaaskeey naga huftoo Waa tii noo hiilisaye Hooyadu waa lama huraan Sidaanaan halis u gelin hungurigeey suubisaa Dhaqsaba hoo nama dhehdee Intii ey ka hubsataa Iyada yaa ku hormartee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Reerku haduu yahay hayaan Hayinka aan saaran nahay Hogaankeey haysatoo Hoosbey kaala hadashoo Intii aad ka hurudaa Waa kuu heestaa hadane hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Cilmiga shiikh ku hormariyo Nin haamaan ah iyo hanad Iyadaa soo hayn jidhee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Haddii loo baahdo hiil Geesiga loo habar wacdiyo Fuleyga aan haadka hubin Iyadaa soo hayn jidhee Hooyadu waa lama huraan Deeqsi aad soo haybsatoo Hamuuntii kaa ba'shiyo Bakhaylka aan kula hadleyn Iyadaa soo hayn jidhee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Aabuhu waa hawsha guud Ayuna hoosbey hayaan Habantii guriga iyo Hooygii bee noo huftaye Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Geed yare kaa hooshay meel Hadii aad haah dhehdaa Hubkii bey ka hmndadoo Iyada oon hagar lahayn Haaw waa tii soo dhehdee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Odagu waa haajiraa Hawuu meel ugu kacaa Haduusan mawtku helin Hortaadey taagan tehee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Habeenkaad soo dhaxdaa Hurdada aad uma heshoo Qalbiga waa ka hamidoo Hiloow bey kuu qabtaye Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Horey adigoo aan ahayn Dudkuu bey u hanjabtoo Halyeey beey kaa dhigtoo Amaan bey ku huwisaye Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Abaarta hawaarsatiyo Harraad meelloogu go'ay Heeyhaata uu dhaanku yahay Cirkuna haawanahayaa Halihi ey soo heshaa Hadeey ho' inna dhehdaa Innaga oon soo hambeyn Waatii aan heensanoo Hamuunteedii horiyo Dhib bey la hagoogatey Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Sidii awr haama wada Dusheedaan halabsanoo Hah goortaa nama dhehdee Waa noo sii hoorsatey Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Marada ay nagu hantiday Haddaan hoos uga dhacnaa Wadnihi bey ka hinqatoo Calooshey ka halcateye Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Alaabta horteeda taal Haddaad laad ku hurguftaa Habaar weyn kuma dhahdee Inyar bey ka hifataye Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Hiloowlaha eey dhashaa Haddii meel laga hayaa Asuu haaraa habeen Waa tii hoogeysatoo Ilmadu ey hibitiqdee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Haddaan been lagu hadleyn Wadnaha harkiisa iyo Halbowlaha dhiiga wada Hareer baa laga dhigoo Halkeey joogaan iyagu Yaa loosoo wada hoydey Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Hantida aad leedihiyo Wixii aad haabataa Haddii loosiiyo hibo Abaalkood lama helee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Haddaadu hadey gashaa Hog goortii lagu dhigoo Wadaaduhu kula hadlaan Aabaha looma halwecee Waxaad tahay inna heblee Hooyadu waa lama huraan Waxaad tahay inna heblee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Adduunyadu waa haweeyn Halkaa laskuma hayee Nindoonaba ha hadlee Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Hirar gaagaaban iyo Hawada yaan ka hadlayaa Waxba anigoon hambeyn Hubaashiina aan hayaa Hooyadu waa lama huraan Ha'dii kale waxaan lahaa Hanfada ruuxii noqdaa Hawraar kaama hantiyee Waxba anigoon hambeyn Hubaashiina aan hayaa Hooyadu waa lama huraan SIDAA IYO NABADGELYO QORE:WALAALKIIN C.RAXMAAN C.LAAHI --------------------------------------------------------------------------------
|
| | Unrecorded Date Hello: Mom is so Precious. A house without a Mother is a DARK house. Mom is the Light of everything. Mom is the Foundation of the House and life also. Without Mom i donot know what i would have done to my life. Mom is so Special to me. MOM MAY ALLAH BLESS YOU WITH GOOD DEEDS.
|
| | Unrecorded Date Salaan dhamaantiin. Waadna ku mahadsan tihiin 100%, illaahay kheyr ha idinku siiyo sida wanaagsan ee aad hooyooyinkeen ugu soo wada duceyseen ama usoo ammaanteen. Salaan ka dib mar labaad mahad diiran. Adeer Cabdinuur, waad mahadsan tahay 100% aamiina adeer. Adeer Habaryar nagu salaan. Farax waan xasuustaa, laakiin beri hore ayaa iigu danbeysee. bal nala soo hadla adeer. Banaadir@aol.com. Cabdiraxmaan, Afkaaaga caano iyo malab lagu qabay, walaalkiis. Carays Ciise Abwaan ama Hal-karaan weyn buu ahaa Illaah janadii haka waraabshee Nin fiican buu ahaa oo Wadaniya. Tixanahan dhaantuu ahaa soo maaha? Walaal hadaan Emailkeyga kusoo siiyo ma ii soo diri kartaa copy? Anigaa lasoo bixi doona kharashee. Isoo dir address-kaaga Emailkeygu waa banaadir@aol.com. Mahadsanid Dhamaan waad ku mahadsantihiin waanooyinka iyo ducooyinka. waxaana aan jeclahay inaan dib idiinla qeybsado ducooyinka iyo waanadaba. Nabadgelyo Cabdicaziiz.
|
| | Unrecorded Date Hodan. Walaal samir iyo iimaan Allaha kaa siiyo. Hooyana, Janadii haka waraabsho walaal, Iyo intii Hooyee marxuum ah. Aad baana uga xumahay walaal adoon hooyo baran bey kaa go'day. Walaal Im sorry. Cabdiraxmaan. Sidaan saarka akhriskiisa ugu sii ordayay baan ka kala tagee. Waan gartay tixanhuhu saar buu ahaa, ma ahayn dhaanto Thanks Nabadeey. Cabdicaziiz..
|
| | Unrecorded Date TO:cabdicasiis ASALAAMU CALAYKUM salaan ka dib, waxaan kaliya oo aan ka hadlayaa taladii ay kuu soo jeedisay,Aniso waxaana filayaa in dadka kalena ka faa,iidaystaan, taladu waxay ahayd in aad maalinta jimcaha aad hooyadaa u akhriso Quraan, waxaan labo shiikh ka maqlay in arintaas khilaaf ku jiro,laakiin ay banaan tahay in laba waalid loo duceeyo, sidoo kale waxaa gaaraya waxaad u sadaqayso, sida inaad ceel u qodo muslimiinta, micnaha waxay muslimiinta ka faa,iidaysanayaan, tan kale waxay culumadaas ka maqlay haddii labada waalid quraanka ku bareen, ama qof kale, ajar bay ka helayaan intaad ku dhaqmaysid, calaa,ayixaal waxaan kugula talinayaa siday Hodan kugula talisay, in aad marwalba oo aad tukuto aad ducayso hooyadaa,ducada marwalba waa u ducayn kartaa ee kuma xirna salaad kaliya. WALAAHU ACLAM. SIDAA IYO NABADGELYO QORE:ABDIRAHMAN
|
| | Unrecorded Date Asalaamu*****Caleykum dhalinyaro salaan kadib aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in dhamaatiin ay hooyooyinka idinka taaganyihiin meel aad u sareysa ilaahey hanagu sii hagaajiyee. Runtii hooyo wax loo dhigo ifka majiraan Rasuulkana s.c.w. markuu hooyada xaqeeda sheegayey wuxuu yiri sadex jeer ayey hooyadu kugu xaq leedahay.3 jeer ayaa layiri yaa xaqa koobaad leh markaasuu yiri hooyo, hooyo, hooyo. Marka hooyo wax loo dhigo majiraan. Ashkamadiyo ceebta tii aan noo ogolaanin ereya aanan kala harin amaan iigu heestaay abaalkaada hooyooy intuu jiro aduunyadaa ma ilaawi karayee ifka nabad ku nooloow ****************************** naasaha irmaan iyo taan ibteeda nuugaay anigoo itaal daran isoo ababisaay inta nolosha ku joogtiyo afka macalinkiisaay janadii udgooneed hooyo idanka eebahay kuwa loogu furo albaabada ilaahey ha inaga wada dhigo ilaahey anaga iyo waalidkeenba janada alle hanoo kaso intii waalidkood geeriyooteyna ilaahey samir iyo iimaan haka siiiyo janada allaha u kaso. macsalaama dhaliniyaro dhamaantiin
|
| | Unrecorded Date TO. CABDICAZIIZ Samir iyo imaan. cabdcaziiz thank you and all those others who wrote such abeautiful songs for "HOOYO MACAAN" TO:Hooyaday Sureer Farax hooyo macaan I missed you so much it's been year but it seems a life time.I missed your soft words;and when I was wrong you showed me the righway.I Love YOu HOOYoMAcaan,your the QUEEN OF MY HEART AND YOU'LL ALWAYS BE. BYE SOMALI ROSSE.
|
| | Unrecorded Date Cabdicaziiz aboow hooyo allaha ha u naxariisto. Samar iyo iimaana allaha kaa siiyo. Anigu waa dareemikaraa hooyo-la'aan. Aboowe hooyadeey waxay dhimatay anigoo ilma ah. Maxasuusto saay u eg tahay, mana aqaano cideeda, inkastooaan qabo ayayo iyo awoowaba. Lakin waxa nasiib ku lahaa waligeey matabin oo hooyo kale ayaa illaah isiiyay. Waana u baahnaa. Hada hooyadeey waa waayeel, maalinkasta waa isla sheekaysanaa sidii in aay saaxiibteey oo kale ah. Welina weey i waanisaa ilana talisaa. Markaan sad ahayna xabedkeeda ayaad igalisaa. Markaan jiranhayna cuntayda iyo daawadayda ayey fadhiga iigu keentaa. Markaan imtixaan leeyahayna saladii ay iga kicisaa saan wax u aqrisado, caano kuleel ahna miiska ayey isoo saartaa. Hooyadeey waa ii ducaysay. Aniga wax kasta oo aan u qaban karo ayaan u sameeyaa. Hadii aynoqoto socod in aan u wado. Ama u gado jabaati ayna gashanaynin. Ama siiyo lacag ay sadaqo u baxsato ama qaaraan ama tacsi ku bixiso waa u sameeyaa. Illaaheey hooyo la,aan naba dhigo. Waxaan jeclahay aniga markii illaah ilmo isiiyo in aan hooyadeey oo kale noqdo. Hooyadeydii dhimatay, iyo intee hooyo kale oo dhimatey allaha u naxariisto. Hooyadeyda nool, iyo hooyooyinka kale oo dhana waxaan u rajeynayaa cimri dheer iyo caafimaad iyo nolol wanaagsan. Hooyo, I love You gabadhaada: Dahabo Dalka Nuurisooy.
|
| | Unrecorded Date assalamu calaykum! walaalayaal aad ayaan ugu faraxsanahay in intiinaan oo dhan aad garansantihiin qaxa ay hooyada mudan tahay, waxay u qalantana aan lagu soo koobi karain ereyo. waxaan leeyahay cabdicasiis & hodan hooyooyinkiin alle ha u naxariisto janadiina haka waraabiyo.. amiin..iyaga iyo intii muslimiin ah. walaalayaal aniga hooyaday la'aanteed ma aanan soo gaareen heerkan......thanks to my mom. hooyaday waxay igu soo korisay nolol aad u dhibadan waxbarasgdaydana ku dadaashay intii aan yaraa,iyada ayaa aabo iyo hooyo ii ahayd, hada waan koray waxaan jiraa 19, run ahaantii hada ilmo ayaa indhahayga ka socota markii aan soo xasuustay sidii dhibka badnayd ee ay hooyaday iigu guntatay sidii ay noloshayda aayatiinka u dhisi lahayd. run ahaantii dhalin yaro ma soo koobi karo jacalyka aan hooaday u qabo, hadana isku meel ayaan ku noolnahay,shaqo ayaan helay weekendiga laakiin waxaan doorbiday inaan hooyo u sheekeeyo waayo hadii aanan maalinkii arag ma dareemo inaan caadi ahay, waxbaa si iga noqda! hada waxyaabaha ugu badan ee aan sida joogtada ah iga fikiro waxaan is dhahaa amaay hooyadaa kaa dhimataa adoon u abaal gudin, kolay ilama aha inaan abaalkeeda gudi kari ilaahay mooyee laakiin waxaan isku dayi lahaa waxa aan karo. hada waxaan dhameeyey collegekii jaamacada ayaan hada bilaabayaa(insha-alaah). marka dhamaantiin isoo duceeya anuu aniga oo gratuate ah iyo hooyaday isku keen simo..mahadsanidin saaxib cabdicaziz talada ay soo jeedisay anisa ee ah inaad qur'aanka u akhrisid waa laga maar maan walaal marka ku dalaal qur'aan u akhrinta hooyadaa. sidaas iyo nabadgaliyo assalamu calaykum!
|
| | Unrecorded Date Hooyadaa ale ha'unaxariisto cabdicasiis.(amiin)
|
| | Unrecorded Date ilaah janada hooyadaa hakawaraabiyo cabdicasiis.(amiin)
|
| | Unrecorded Date to Abdiaziz Allah Haunaxaristo Hoyo Oh Janatul Fardosa Xakawarabiyo. Kadib Give sadaq to a mosque for hoyo that will last her forever, also make dua everytime that will reach her too.Samir iyo imaan Allah Hakasiyo hoyo geridhu wa haq.
|
| | Unrecorded Date Dear Abdicasiis, Ilaahay hooyo Amino janadii haka waraabiyo, adigana samir iyo iimaan hakaa siiyo. Amiin.
|
| | Unrecorded Date asalaamu caleeykum walaalayaal aad iyo aad ayaad oogu mahad sintihiin sida aad noo xasuusi seen macaanida eeleedahay hooyada. I hope every one will take i
|
| | Unrecorded Date abbow abdicasiis hooyo Amina allaha u naxariis waxaan ilaa iyo hadda kaxumahay in aanan kula qaybsanin xanuunkaaga sabatuna ay in aan umul ku jiray aan isbitaalna ku noqday after the birth of my son. waxaan ku faraxsanahay in aad page kan ugu magacawday hooyadaa iyo hooyoyinkeen oo dhan Iy llaahay kuligeen nasiib kaaga oo kale hana siiyo oo aan hooyo iyo aabbaba ku duugano Illaahay inti na dhashay iyo inti sii dhashay ha u naxariisto aduun iyo aaqiraba take care bro
|
| | Unrecorded Date walaalayaal kuligiin aad baad u mahadsan tihiin . walaal waxaan jeclaan lahaa inaad isukay sheegto waayo ma aanan ku garan fadlan ii sheeg magacaaga . ABDICASIIS
|
| | Unrecorded Date ABDICASIIS WAXAAN AHAY WALAASHA OO AAD IYADA IYO WALAASHEED KALE AAD KINGS DOMINION ISU RAACDEEN LONG TIME AGO. YOUR SISTER
|
| | Unrecorded Date Salaan dhamaantiin Abaay macaan waan ku gartay ee hoo Emailkeyga. Banaadir@aol.com
|
| | Unrecorded Date To Abdi Aziz: Saaxiib Alaha u naxariisto hooyo Janadiina allaha ka warabiyo, adiga iyo dhaman inta hoyadood ifka ku seegayba,waxaa laga yaabaa in qaarkeen hoyooyinkood lanoolyihiin ama la joogaan ay dareen saneyn qaalinimada hooyo,laakin waa wax aad un weyn sida uu c/casiis shegay waayo la'aanteed waxba maan ahaan laheyn ee hala dhowro hooyo macaan.. personal deligation to my mumy..MUMY YOU R QUEEN OF MY HEART...
|
| | Unrecorded Date MARKA HORE SALAAN DIIRAN DHAMAANBA ISTICMAALAYAASHA BOGGAN. MARKA XIGTA WAXAAAN HALKAN DOONAYAA AAN TACSI HALKAN AAN UGA DIRO HABARYARTEEY OO BISHII JUUN KU GEERIYOOTAY- MAGAAALADA FARANKFURT GERMALKA WAXAANAN DOONAYAA IN AAN TACSI KA GAARSIIYO WALAALKEED ABDIRAHMAAN AHMED WAXAAN LEEYAHAY DHAMAANBA SAMIR HA. INAGA SIIYO AAMIN AAMIN
|
| | Unrecorded Date Bro.Cabdulaahi Samir iyo Iimaan Allaha ha kaa siiyo, Marxuumadana Janadii Illaahay haka waraabsho, Iyo intii Muslim ah oo dhan. Aamiin. Salaama. Faalka Xaaji.
|
| | Unrecorded Date ASALAMA CALAYKUM: Salaan ka dib walaalayaal nabiga SCW,waxuu yiri: Hadii maydku dhinto sadex baa ka hara. 1-Sadaqo socota,sida MASAAJID UU DHISAY AMA CEEL UU QODAY IWM. 2-CILMI LAGU INTIFAACO, WAA CILMIGA SHARCIGAA OO UU QOF BARAYE. 3-WALAD SAALAX AH OO U SOO DUCEEYA. Markaa waxaan filayaa hadaad saaxiib C/CASIIS adaa iska warqabee tahay walad saalaxa oo hooyadii u duceeya in hooyadaa alaha u naxariistee ajar u socondoono, hadaad tahay kuwa aan diinta alah baran kuna dhaqmina naftaada iyo hooyadaaba waad khasaarisaye hada dadaal bilaw. Iga raali ahaw hadaan khaldamo,sidoo kale ka daa heesaha marxuumada waayo waa talahi&lacib dunuwi ah maydkuna uma baahna ee duco buu u baahan yahay. ILAAHOW MARXUUMADAA MUSLIMADA QABRIGA SHIDADIISA& IYO QIYAAMAHA DHIBAATOOYINKIISA U FUDUDEE!! WA SALAAMA CALAYKUM WALAALKIIN MASKIIN.
|
| | Unrecorded Date waxaan allaah uga baryayaa in hooyooyoinkeen uu u naxariisto inta nool iyo inta dhimatayba jacalka hooyda loo qabana waa wax aduunka oo dhan nala qabaan hadana inaga waxaa noo sii dheer diinta islaamka oo na amraysa inaan waalidka u naxariisano intaas kadib waxaan halkaa ku darsanayaa JIIFTO gaaban oo aan hooyooyinka ugu tala galay inkastoo abwaan badan amaantaada hooyooy arar ku tilmaamoo uu yiyri intuu rabo ana erayadaydaan oogta ka cadayne i amaahi dhagahoo i dhagayso adiguna ubaxaan dhadaynoo ishu fiirsanaysoo qurux loo idleeyoo eebe dunida keenoo aan aasmin baad tahay umadaha ku nool iyo aduunyada dhamaanteed udbaheedii baad tahay ubad aadan soo korin edebtiyo asluubtiyo ku ababin tacliintoo waaya ururintaadana dhinac uma istaagee mid aan eexan baad tahay aadnaha dhamaantiis inkastuu u kala baxo abuurkaaga weeyee markay xaajo adag iyo gar adkaatay iyo dood arin dhaba timaadoo dulmanuhu ka aamuso ninkaan eexda galine eebe diinta barayoo xaqa hoos u eegoo aabihiis kulay tahay ninba amaalkiis sii umadu ay u simantahay kasokow illaahay waa ababintaadee indheer garad haduu jiro ilmahaaga weeyaan ayaantay qaraar tahay oo eebo iyo waran laysu wada afaystee ay irdhodo nabadii ninkaan eegin nolashee isagoon awood hayn sii abaara cadawgee aan aqoonin baqashada kasokow illaahay waa ababintaadee haduu geesi adag yahay ilmahaaga weeyaan iyadoo abaar iyo wakhti adag la joogoo dadku gaajo iyo oon lala wada il daran yahay deeqsigaan anfaacada aan dhinac la aadine ehelkana xariirshoo agoonta iyo yatiintiyo masaakiinta ilaaweyn kasokow ilaahay waa ababintaadee gabadhii ilwaad iyo qurux eebe siiyoo dariskiyo islaamkana edeb kula dhaqmaysoo farxad lagu abuuroo aayaheeda talisoo asluubtuna u dheertahay adaa hooyo koriyee kasokow illaahay waa ababintaadee rabigii ku uuntaa sharaf kuu idleeyee amaantaada hooyo ma ebyi karaayee inyar baan kasoo iri
|
| | Unrecorded Date Salama... Hooyooy Gacaloo Gurigii Asluubtii Ubax Lagu Gudomaa...Guleeysoo Wiligaa Guleysoo...Hooyooy Gacaloo Gurigii Asluubtii Ubax Lagu Gudomaa Guleysoo Wiligaa Guleysoo... ..Aqiyaarta..hooyo ha nasoo xasuusina wax yar aaba inooga dhiman inaan emotional ooyin sameyno..walaahi Hooyo wax "no one bears that precious and enjoyable name but HER alone"..and of course she qualifies much more than that itself... Soo baryaa aqiyaarta..
|
| | Unrecorded Date Waaxaan aad & aad ugu farxay. Dhalinyarada wada fahansan micnaha hooyada. Runahaantiina hooyadu waa Furihii aduunka. La, aanteedna wax furilahaa majirtoo. Waxaashe mahad iskaleh Casiiswaynihii Nogudeeqay (hooyo macaan) Naxariistii Aduunkaay. Birkiyo wadnihii jilicsanaayay. Hogaankii aduunkaay. Sharftiii Aduunkaay. Waad wada mahadsantihiin dhamaantii. Waxaan casiiswayne warsanahayaa in uu illahay fahansii micnaha hooyada inta aan fahansaneen.
|
| | Unrecorded Date A'salaama Calaykum. Waxaa maantadan oo maalintu ahayd, Isniin. Saacaduna 9:42a.m, la iisoo sheegay, Geeridii uu geeriyooday Aabahay Axmed Cabdi Ciise oo ku geeriyooday wadankaa Kenya, magaalada Nairobi. Waxaa Aabahay iyo Hooyaday (Aamina Xassan Qambi) kala danbeeyeen Laba sano iyo Shan iyo Afartan beri. (Subxaana Laah) Intey nasoo tari kareen iyo in ka badanba na tare. Illaahay haka dhigo, Labadii Janada ku waara, Eebana Naxariis ka hela. Aamiin.
|
| | Unrecorded Date To. Abdiaziiz C/casiis walaal waa walaalkaa Ciiryaamo oo halkaan kaaga tacsiyeeynaya. Saaxiib hooyo Aamino Xassan Qambi allaha unaxariisto, waxaana Ilaah kaaga baryayaa in uu samir & iimaan kaa siiyo, Aamiin, aamiin, aamiin. Waan ka xumahay in aan kuu tacsiyeeyo 2 sano kadib ! laakiin maanta ayaan aqriyey meeshadan. Walaahi arintaa aad qortay fakar dheer ayeey igu reebtay…markaas kadibna waxaan ku tashtay in aan ilaah xasuustiisa badiyo, waayo malag goor uu imanayo lama yaqaan!. Dadka hooyooyinkood dhinteen marna waan unaxaa marna waxaan dhahaa, bas weeye caloolxumo weey dhamaysteen waxa oohinta & fakarku sugayo waa anaka hooyooyinka leh hadiiba ay naga hor maraan. …Walaalkiis aad ayaan ugu riyaaqay sida fiican ee aad noola talisay. Anigu nasiib wanaag hooyo waan isla nool nahay, waxaana jirta sidaad sheegayso maalintii oodhan sidii shaqo loogu maqan yahay ayaad waxaad guriga imaanaysaa adigoo daalay, horayna waad ka seexanaysaa..! waa runtaa hooyo waxay ubaahan tahay in la la hadlo, la la sheekaysto, la la tashto, wax loo sheego, sheekada laga guro, saacado badan la ag joogo. Mar labaad Alle ha unaxariisto hooyo Aamino Xasan Qambi. Walaalkaa Ciiryaamo.
|
| | Unrecorded Date To Cabdicaziz Walaal samir iyo imaan Alaha kaasiiyo Hooyadaa. Waxan rajaylahaa in oo qofwalibo ka fakiro hooyadiis oo u mahad celiyo every day.sidoow Ilahay sheegayba abaalkooda magudi karno.Sida aan ognahayba Hooyado waa lamohuraan. Intaas iyo nabadgalyo.
|
| | Unrecorded Date to Abdiaziz, I heared that your father passed away. I am sorry to hear that the death of your daddy. My heart go out to you and your family. pls convey my condelence you and to your family. "waxaan Ilaah ugu rajeeynaa naxariistii jano Alaha siiyo."Aamiin.
|
| | Unrecorded Date To:cabdicasiis asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu waa c.raxmaan oo waayadaan maqnaa,waxaan kaaga soo tacsiyaynayaa dhimashadii aabaha, illaahay ha u naxariisto, waxaan kugula talinayaa xiririi dadkii ay waalidkaa xiriirin jireen sida ehelkooda, qaraabadooda iyo saaxiibadadood. sidoo kale haddii ay jiraan walaalo kaa yar oo aan qaan gaarin si gaar ah u ogow, sidoo kale aabahaa hadduu ka tagay xaas sigaar u ogow. waa walaalkaa c.raxmaan oo kheyr kuu rajaynaya adduun iyo aakhira. aamiin. waxaan kuugu hanbalyeynayaa bogaad noo bilowday oo aniga sigaar ah xiiso ii leh, waa bog cay ka maran oo hooyo macaan lagu xuso, aniga xagayga waxaan kaa leeyahy afkaaga caano lagu qabay. sidaa iyo nabadgelyo
|
| | Unrecorded Date A'salaama calaykum: Walaal Cabdiraxmaan aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay Tacsiga. Aamiin saaxiib, Wanaadana waan kaa guddoomay si sharaf leh. Jazaaki-llaahu kheyr sxb. A'salaama calaykum. CabdiCaziiz.
|
| | Unrecorded Date salaama calykum, waxaan raadinayaa gabadhii walaashay ahayd ee Xamdi. Xamdi Cabdinaasir (Muusaliini) ayaa ii sheegay in aabe cisbitaal galay. Walaal allaha caafiyo maanan ogeyn ilaa iyo xalay. Magaalo ayaa la wada degan yahay hadana layskama war hayo. Walaal igu salaan Ninkii ahaa Xassan iina soo dir Email sida ugu dhakhsaha badan. Waxaan rabay inaan Aabe soo booqdo eh. salaama calaykum. Cabdicaziiz.
|
| | Unrecorded Date Sorry cafiif@aol.com
|
| | Unrecorded Date Asalaama alaykum Abdiaziz walaal hooyo iyo aabeba allaha u naxariisto oo janadii ha ka waraabiyo. Naf kastaa way go'eysaa oo qof waaraya ma leh. Waxaan ilaahay SWT ka baryaynaa inuu walidkeen u naxariisto aduun iyo aakhiroba. Walaalkaa Hersi
|
| | Unrecorded Date S/Aleekum: To Abdicasis: Aboowe maacane in kasto ayee aheed Mudo Hore Tacsida Hooyad Laakin iga aqbi doontah.Walaahi Waa iga oo siisaye ILaah u Naxariisto Jano Fardoosa ha ka warabiyo samar iyo Iman ILaah ha ka siiyo adigah iyo inta kula dhalatey Hooyo wa qali benta mah waa runtaa.
|
| | Unrecorded Date Cawo mahadasanid abaay walaahi.... Ducadaadana Allaha ha aqbalo...Aamiin. Aniga iyo inta kale ee Hooyooyinkood waayay. Cawo kheyr Allaha ku siiyo abaay. Cabdicaziiz.
|
| | Unrecorded Date DEAR ABDI AZIZ WALLAAL SAMIR IYO IIMAAN ILAAHEY HA KAA SIIYO HOOYADAA AAMIIN IYADA JANADII ALLE HA KA WARAABIYO AAMIIN. EE WALLAAL ANIGA HOOYADEY WAY NOOSHAHAY. MARKAAN WADANKII JOOGNEY WAXAY AHAY PHYSICALLY IYO MENTALLY ABUSIVE TOWARD HER DAUGHTERS ESPECICIALLY TWO OF THEM.ANIGU EEDADEY BAAN LA JOOGIJIRAY OO 8YRS OLD BAA IIGU DANBEEYAY MARNA XAMAR BAAN SCHOOL KA KA DHIGAN JIRAY TOBAN SANNA CANADA AYAAN JOOGEY. LAAKIIN MARKAAN XASSUUSTO HOW SHE USE TO TREAT OUR OLDEST DAUGHTER CALLOOSHAA IGA XANUUNTA. DON'T GET ME WRONG HOOOYADEY NAFTEEDA UMAY ROOONEYN WAANEY UBAD JECLAYD. AS I LOOK BACK WHY SHE BEHAVED THIS WAY , AABAHEED KUMAY GARAADSAN, OO IYADOO YAR BUU DHINTEY.HOOYADEED STRUGLLED TO RAISE ALL OF THEM ON HER OWN WITH OUT DUMAAL.MARKAA WAXA LA YIRI HOOYADEED AAD BEY U KULULEYD OO U QAYLO BADNEYD. HOOYADEY SIDEY WALLAASHEY MISKIINADA U DILAYSAY OO AY U LAHAYD GARNAYL KUGU DHAC IYO MADFAC AYAANU HARGEISA KA QAXNEY. ANIGOON HOOYO ARAG 8 YRS AYAAN WADANKII KU NOQDEY MISE INNANTEY ERYAN JIRTEY WAA LA GUURSADOO WAXAY IMINKA SIDATAA TII '78 KII DHALATEY OO AY BIRQAAB LA DULTAAGANTAHEY; AABAHAYO WAXAA LA DILEY 1988KII OO FAQASHTU DISHAY MARKAA WAXAA HOOYO UBADKA LA KORIYEY EE LA BIILIYEY WAA 3DII HABLOOD EE U HOREEYAY. ANIGU SINCE LA QAXEY BAAN BIILINIYEY. UBADKII ASIA UGEE ADDIS DEJI, DJIBOUTI DEJI. GURI HARGEISA UGA DHIS IYADDA SANNADKAN SOO KAXEE OO CANADA KEEN . WELL, SHE IS MORE MISSERABLE THAN EVER.9 KA BILLOOD EE AY JOOGTEY 7DII HORE WERE TERRIBLE. SHE NEVER COMPLIMENTS OR APPRECIATES ANYTHING. 2 SHAQO AYAAN KA SHAQEEYAA CAREER WANAAGSAN BAAN HAYSTAA 69000 AYAAN SANNADKAN QAATEY. NINKAYGA IYO ILMAHEGA WAAN U WANAAGSANEY. KARTI IYO DADAAL IYO AQOON AYAAN ISKU DARSADEY IYO WELIBA QURUX.SOMALI COMMINITY GII OO DHANOO NA JANTEY OO LEH BAALEEG INTAN YAR EE AY IS QABEEN HADANA ESTABLISHED KA NOQDEEN AYEY IYADUNA CRITISIZEMENT UUN NALA DABA JOOGTAA. BERI AAN SOCIALISING U BIXI JIRTEY WAY JIRTEY LAAKIIN IMINKA SCHEDULE KAYGU WAA TIGHT. GOALS KAYGUNA WAA SET. CIBAADADEYDA IYO IIMAANKAYGUNA AAD BAY U FIICAN YIHIIN . TV. MA HALLEELO. MUSIC NA MACNE IIMA SAMEEYO. ASXAABNA ISMA NAQAAN .GOBAL KALE AYAAN KA SOO GUURAY OO HABLAHAAN IS BARANEYNA WE DON'T HAVE ANYTHING IN COMMON. JEALOUSY IYO NOLOL UQUURI WAA BAAN KA DAREEMAY. CARUUTAYADDII ASIA AYAAN KU MASRUUFAA OO AY DHOOF KA SUGAYAAN. HOOYADEY BELIEFS IN AAN EFFORT SAMAYN OO IRSAAQADA ALLE UU NOOGU SOO DHIIBEY!TO MAKE LONG STORY SHORT I FIND HER VERY DIFFICULT TO PLEASE HER. HADDAAD ISKA WARAN TIRAAHDID NAA HAY WARREERIN AYAY KUUGU JAWAABEYSAA. WAX HUGGING, TOUCHING IYO JACAYL IYO AMAANA OO AY MUUJISAA MA JIRTO. DADKEY ILA MARAGSATAA OO AY DIFFERENCE KAYAGA UGA SHEEKAYSAA. GABADH AAN WAXBA QORIN WAXNA AKHRIYIN OO AANU GURIGA QAYB KA KIRAYNEY AYAY CUNTADDEEDA AMAANTA TAYDA RECIPE GA KU SALAYSNEYD NA WAY KA DH AAARATAA. TII GAADHIGA WADEY WAA ANIGA MARKAAN GABADHAN SUUQA U QAADAYO IYADEY U DIRATAA CLEENEX KA IYO SHAMPOO GA . "BAL KAALEY DAWADAN II AKHRI " ILLEEN ANNOO AY I DHASHEY IGUMA KALSOONEE.WELIGEED INTAY II TIMID ERAYGA HOOYO MALAA WAY TIRSANTAHEY INTAY IGU TIDHI.GABDHAHA GURIGA ANLA GALA MALAA 10 TIMES AYEY TIDHAA. QURAAN GEE, MUXAADARO GEE, MASAAJID GEE, NEVER GOOD ENOUGH. CARUURTEEDIINA WAXAY TIDHAA WAY NAKALA LUMISAY OO NAKALA JAHAWAREERISAY. HADDA IYAGAAN MUSTAQBAL LA DOONAYAA. IYADUNA WAXAY KA RAYSATEY BACADKII HARGEISA, DADKII BAAHNAA EE HADDII AAN KUN U SOO DIRO KU DABO NOOLAA EE AANEY BIILKEEDA KA DHERGEYN IYO LACK OF A MEDICARE. MARKAA WALLAALOOW ANIGOO CIDLA JOOGEY ISNA ODHAN JIRAY HADDAY HOOYADDA WAXAAD CANADA KU HAYSATO KULA HAYSATO , I WIIL FINALLY FEEL RIGHT AT HOME AYEY PROBLEM IGU NOQOTEY A TOPIC OF THE DAY AANU ANIGA IYO NINKAYGU KA WADA XAAAJOONO. ANAGOO ISLA LIIDANA AYAY XANUUNSATEY CILINKEEDIINA SAARI WAAYEY ANOO XAGA MEDICAL AAD KHIBRAD BADAN UGU LEH MARKAAN BAADHITAAN BADAN MARIYEY CT SCAN ALL NEGATIVE AYAY IMINKA AANU DEPRESSION KA DAWEYNAA AND IT IS HELPING A BIT ANIGUNA IMINKA I AM MORE SENSETIVE TO HER AND I TRY TO IGNORE HER WHEN SHE IS MAD.HER REQUEST WAS TO SEND HER HOME. WHICH SO HARD TO DO FOR SOMEONE CLAIMING TO BE A CONVENTION REFUGEE. ANIGA BABY SITTER AHAAN AYEY IGA CAAWIN LAHEYD WHILE I KEEP SUPPORTING HER KIDDS. CANJALAD AY SOO DIREEN CIYAALKII WAXAY YIRAAHDEEN "WAXAAD MOODAA IN AANU MUQAALUFO YEELANEY MARKII AAD NAGA TAGTEY ILLAAHOOW AYNAAN SI XUN U KALA RAYSANNE." SO THAT SHOWS YOU IN AY QAYLADDEEDII KA RAYSTEEN. HOOYADEY WAA 56YRS OLD ILLETRATE AH, HOBY AAN LAHAYN EFFORT TINA AAN SAMAYNAYN AY CHANGE IN LIFE STYLE AY KU SAMAYSO. MALLAA WAALIDIN KAAR BAAN NOQDEY. I DON'T HOW I WOULD HAVE FELT IF I HAD LOST HER. MIXED EMOTIONS. PLEASE WRITE. YOU SHOULD BE PROUD OF YOURSELF OF HOW CLOSE YOU WERE TONYOUR MOM. SORRY THAT YOU LOST HER SO SUDDEN!
|
| | Unrecorded Date salaan wanaagsan Khadra. Walaal aad baan uga calool xumaaday, arinta adiga iyo hooyo idin kala heesata. walaal waxa keliya ee aan ku qiyaasi karo halka mishaakilku ka iman karo (Anigoonan aqoon u lahayn qabiirna u ahayn)waa: A)Is af-garan waa idinka dhex taagan adigiyo hooyo. (Xaga reerka iyo caruurta idinka maqan) Ileyn waa beer wax dhallay eh. B)hooyo oo ku cidleysan, dhan kalena caruurteedii ka walwaleysa iyo adigoo shaqadu kaa badatoo ninkaagii, caruurtaadii iyo hooyo wakhti badan u la' c)meeshii oo timi (Dhalaankii hooyadood dhalniinka baray) oo kale. Yacni: meeshii oo hooyonimadii laysku haysto iyo awoodii guriga iyo caruurta, madaama labadiinuba hooyooyin tihiin, laakiin hooyadaa inanteedii ay dhashay baad tahay. markii aan waraaqdaada aad iyo aad u dhuuxay waxaan dareemay in adiga iyo hooyo isfahmi la' dihiin, madaama aad in badan kala maqneydeen oo imikana aad hooyo tahay adigu dhanna shaqaale. walaal Khadra, maalin baa la weydiiyay Nebiga (SCW)su'aal, waxaa la yidhi; Yaa rasuulilaah: sidee hooyo dhaliinkii ay ku dhashay oo qura loogu abaal gudi karaa? Nebigu (SCW)wuxuu yidhi: Iyadoo (Hooyo) dhabarka kugu sidda, oo markaa intuu garaarkii dabcay (Qeydka) ilmuhu dhici gaaray ay sidaa intey u naxday ay is tidhi ilmaha qabo yuu kaa dhicine... Haddaad hooyo intaad dhabarka ku qaado "Xaramka" saqaal goor dawaafiso, naxdintaa ay maalintaa aad dhici gaartay ay naxday oo keliya, abaalkeeda ma gudi kartid. Iskaba daa inta ay nasoo fashay oo nasoo tartay inta aanu nooleyn oo dhan. Maalin kale ayaa nebiga (SCW) oo socda meel ayaa wuxuu yidhi sadex goor Uma Uma Uma (Hooyo Hooyo Hooyo), markii afaraad buu yidhi Aabe. Asxaabtii ayaa "Khadraay" weydiisay Nebiga (SCW) sababta uu u yidhi Uma Uma Uma iyo aabe: wuxuu Nebigu (SCW) yiri: Waxaa afar goor goor ley weydiiyay: Yaa xaq kugu leh? Markaa baan ku jawaabay (Hooyo) sadex goor Markii afaraad baa lay weeydiiyay yaa xaq kugu leh? Markaas baan idhi (Aabe) Mar keliya. Walaal Khadra halkan kuma soo wada koobi karo xaqa ay Hooyo kugu leedahay oo dhan, laakiin waa inaad hooyo isbarataan oo wakhti la qaadataa waayo imika idinkoo soo kala maqnaa in door ah haddana waxaad imika (Sidaan qorniinkaaga ka gartay) u kala qeybsantey caruurta, ninkaaga iyo shaqo... hooyana waxaa laga yaabaa inaadan wakhti badan la beer dareyn, weyna dhici kartaa iney kugu ag cidlootay. La sheekeyso, waad yaabi doontaa markaad aragto inta meel ee aad isaga egtihiin aidga iyo Hooyo; Dabeecad iyo muuqaalba. Haddii aan imika is idhaah talo sii walaashaa khadra, waxaan ku dhihi lahaa inaad wakhti la qaaddo Hooyo (weither you like it or not) she is the only Mother you had, have and ever will have. You have no any other mother except HER. So try hard (Very hard) not to loose her Sis. Waa runtaa hooyooyinkeen wax barashadu waa ku yar tahay, oo waalidkood baa soo gabbay, Waxayna Cilladaasi keentaa, cidlo iyo kelinimo aad u xanuun kulul, oo ay bilaabaan iney isla hadlaan marka danbe, luuqad la'aan iyo dhaqan kala wareeray awgeed bey meelahaa marka danbe Naftu ku dayacdaa oo ku geeriyoodaan. Waalidka waxaa u habboon inaan Soomaliya iyo meeshay joogeen laga soo wadan, Waayo walaalayaal wehel bey ku haystaan halkooda. haddiise ay dhacdo ood soo walwaalataan, waa inaad sida ugu fiican uga war haysaa (Sida Caruurtaada oo kale) u dar yeeshaa, haddii kale cidlo darteed wey idinku ag baabi'i doonaan, marka danbena idinku ag go'i doonaan. Taa waa iga tallo halay dhegeysto. hooyo sidey ula dhaqmi jirtey abaayo: walaal khadra taa kama hadli karo waayo war uma hayo, laakiin waan hubbaa ineysan nacayb hooyo ay abaayo necbeyd ka ahayn ee ay edbin oo qura ka ahayd. Waalidkuna qaar baa edbinta ku yara xumaa, lakiin taa waxba kama qabo hadda markaan xusuusto ciqaabta hooyo iyo aabe isoo ciqaabi jirreen. Hooyo iyo Aabe markay imaagaan, walaal mar walba waan ka galabsaday oo anigaa edeb darraa, oo markaan yaraa wax khalqaaliya ayaan ahaan jiray. Lol@@@@@@@@@@ Walaal Khadra iyo dhammaan ummada kale waxaan qalday halayga saamaxo (Siiba Xadiisyada)hana lay saxo haddii qalad ku jiro. Salaama calaykum. Cabdicaziiz.
|
| | Unrecorded Date DEAR CABDICAZIZ WALLAALO JIZAAKALAAH AAD BAAN UGA HELAY JAWAABTAADA EE WELIBA DIINIGU KU DHEEHNAA. WAXAAN ILAAHEY KA MAGAN GALAY IN AAN DEMBI HOOYO KA GALO, WAALIDIN KAARNA NOQDO. IMINKA WALLAAL HOOYO DHAWAAN BEY NOQONAYSAA, OO SOMALIA AYEY GO,AANSATEY ANNAGUNA WAANU KU RAACNEY. ILAAHEY WAXAAN KA RAJEYNAYAA IN INTA TEGISTEEDA KA HADHEY AANU KALGACAL KUWADA NOOLAANO IYO WANAAG, IYADUNA HADALKA NEGATIVE IMPACT TIGA EE QOFKA DHIBAYA IGA DEYSO.WAXAAN MARMAR IS WEYDIIYAA IN AAN HABAYARAATEE WAX AAN ISKU CANNAANTAA OO AAN HORE UGU IRI JIRAAN. BECAUSE, SINCE I AM NOT PLANNING TO VISITING SOMALIA MORE OFTEN DUE TO THE CIRCUMSTANCES, AND I HAPPENED TO LOOSE MOM,WOULD THERE BE A GUILTY FEELING LEFT BEHIND?WAS THERE W ANYTHING I COULD HAVE DONE DIFFERENT WHILE SHE IS IN CANADA WITH ME? MA DOONAYO IN AAN WAX YARNA ISKU QOOMAMEEYO. WAXAANU CUNTO KARINOO DHANA WEYDIIDAYSAA, IYADUNA SHE IS NOT HELPING HERSELF TO THE KITCHEN. MARKAA WAXAY NOQONEYSAA INAAN SIDII CARUURTA KOLBA WAX KU SASABO OO AAN SABAALEEYO ANIGOO NAFTAYDIIBA TACBAAN U AH.ATLEAST WHY CAN SHE GO FIX WHAT SHE LIKES THAT WAY WOULD EASIER FOR EVERYBODY. EID MUBARAK WALLAAL. MAHADSANID
|
| | Unrecorded Date Walaal Khadra Ciid Mubaarak, Adigaana muddan. Waadna salaaman tahay (Salaama calaykum). Walaal haddii Hooyo Soomaliya aad u dirto waa Go'aan la yaqaan, waxaana laga yaabaa in halkaa ay u sahlan tahay Hooyo, oo wehel iyo cid ay shaahii Casariyaha ahaa wada cabbaan heli doonto. Walaal waa runtaa oo berigey hooyo iga dhimatay (Allaha u naxariistee) anigoo soo hayay ilaa iyo 1992kii (1997kii ayay Go'day) Waxaan ilaa iyo hada is dhahaa: Tolow maxaad waxaa ugu sameyn weydey? Tolow maxaad halkaa u geyn weydey? tolow...tolow... Markaa waa run oo adigoo wax walba soo taray ayaad haddana markey geeri timaado Guilty-gu iyo qoomameyntu, laga baxsan karin, oo tolow...Tolow.. saad u leedahay arkeysaa iyadoo gabalku kugu dhacay... Walaal Hooyo maskaxda ayay kaala kaala hadleysaa, ee baaqeeda la soco: Haday ku tidhaah cunto ma rabo waxaad tidhaah adna: ana cunto ma rabo.. haday ku tidhaah ma baxayo, adna waxaad tidhaah: ana ma baxayo... Laakiin waa waa inaad diidaa waxa ay kaaga waxa ay kula dooneyso Sida cuntada, hurdo, bixitaanka haddii lasoo wareegayo yacni, si ay qasab ugu noqoto iney wixii sameyso... Tusaale: marka Hooyo ii cadhooneyso ee lays maago, waxaan odhan jiray hooyo Qadiijo Dheer (Saaxiibadeed) ayaan u tagayaaye may raaci? markey diido ayaan oran jiray waayahay ee nabadeey, maalintii ugu horeysey been bey iga mooday, intaan islaantii saaxiibadeed ahayd u tegey oon shaah kasoo cabbay baan weliba telefoon uga soo diray, maalintaa wixii ka danbeeyey waxay oran jirtay nabadeey aa? waar isug aan kabahiyo malkhabada soo qaadtee...LOL@@ Marka lasoo wareegayo ee ay xanaaqdo Hooyo wareegu waa kakac oo waa la joogayaa maalintaa ilaa ay na tidhaah waar namariya aanu soo wareegnee. Waa run oo waa inaad sida caruurta u dhaqaaleysaa Hooyo oo waa inta keliya ee Attention aad ku siin karto, waxa keliya ee ay kaa dooneyso waa Attention. That's all. walaal nasiib wanaagsan ila soo hadal haddaad dooneyso talo kale maadaama aan anba hooyadey soo heyn jiray waxaa laga yaabaa inaan wax ku dhaamo eh. Cafiif@aol.com iigu soo dir email haddaad halkan kala xishooto
|
| | Unrecorded Date To all the pple that posted something in here... allah unaxariisto hooyooyinkiin oo dhan iyo walidiinteena kii nool iyo ki dhintayba.....naxariista is for dead and alive................ my dad passed away almost 8 years ago....i hardly even remember him............my mom is alive and i love her so much that i cant even imagine life with out her..........does any1 ever cry for something that did not happen........well sometimes i imagine my mom dead.....and even though i know dhimashada waa xaq....i cry like it really did happen.............. i bet we all say we love our parents but do we really show that............do u pple obey what ur parents tell u to do...... love is not only a word.....its action too..... so please show ur parents u love them....... iducee in all ur prayers....and give out sadaqa for them...........there is a hadeeth that says if a man dies....thier work dies too.....unless they have something which is help to pple.....like a masjid or something muslim pple ka faa ideeystaan.......and if they have a good son/daughter who prays for them and makes duca for them............i'm not good at translating and i'm not even sure if the hadiith goes like that or not......but in khulaasa thats what it means....summary...... till lata... honest girl said OneLuv to all our mohters and fathers & to us too
|
| | Unrecorded Date To c/azis aboowe waxaan ka xumahay in waqti danbe aan arkay topican laakiin waxaan ku leeyahay ilaahay hooyo samir iyo imaan ha kaa siiyo naxariisna korkeeda ha ka yeelo Amin Amin. waxaan halkaa uga jeedaa inaa tahay qof macnaha waarid yaqaan . To honnestgirl saaxiib waa ku salaamay waxaa isoo xasuusisay wax aniga aan samayn jiray oo waxaan is lahaa qof yahay ciyaalnimo aa ku haysay ama caadi ma hayn waxaan lahayn dukaan oo hooyaday gadi jirtay waxayna imaan jirtay habeenkii waqti danbe waxaan xasuustaa anigo qiyaastii jira 8-9 sano inaan habeen seexan waayey inkastoo ay walaalahay iyo dadkii awal ila joogi jirey ila joogeen ,oohin waa la i aamusin waayey markii la i dhaho maxaa kugu dhacayna waxaan iri (haday hooyaday dhimato maxaa samaynaa ani) habeenkii ma seexan oo xataa markay hooyo timi oo dhabta i gelisay waa sasayey marka qof yahay isku cilad aa nahay bye
|
| | Unrecorded Date TO C\AZIZ. Abidicaziz ilhaayey ha una naxariista hooyaya iyo hooyadayba oo ku dhimatay somaliya markay tarikhdu ahayd khamiis,Nov18,1999.inigoo 17 jir ah shan iyo taban sano saan ulaahaa sanadkan ha aadin sanadka kale aad aa intoo oo sano kasoo wareegtay. qofkii hooyadii nooshohoow tan igu dhacday yeyna inkudhicin,intaasna waanla xiriiri jiray lakiin waxaa jeclaan lahaa inaan arko ilaahay xagiisana kama suurtoobin.Abdi waxaa heesta igu qiimo badan adigoo markasra quraan u khariya sadaqan ubixiya, aboowe waxaat wiil baari ah oo hooyadii aad u jeclaa laahayna hakaa abaalmariya,halwiil ayaa hooyaday dhashay marnaba adoo kale noqon maayo. laakinn hooyadiis qofkasta meeshuu dhigaa caruutiisana dhigaysaa.hooyaday markasta oo aan so xusoosta waan oyaa hooyo dhib nagusoo kurisay ahayd,aaba hayna hadba nag yar ayuu guursan jiray ilaahada inay naag kadhimatay iyo ainkale shakaa iga jira.hoyaday lix caruur ayey dhashay anigaa ugu yaraa siday dhimashadeeda ugu naxayna ilaa iyo hada waa adagtahay saan ugu samro xataa ilaa wiil yar ah oo dhalay iyiraahdo hooyo ma'og tahay inay oo hintaa hooyadaa wax udhimayso.hoyaday waxaa la oran jiray{caasha owmaxamed maxamud}waxay daganayd Galkacyo laakiin markii udambaysay uu sakaraaka noqotay ayey tiri hala igeeyo tuulu ujitra Galkacyo dhowr kiilo mitir oo la yiraaddo Galdogob halkaas oo walaalaheed daganayeen waxaan goostay inaan baxo asbuucaas lakiin ilaahay maqadarin inaan is aragno waxaana la isoo sheegay inay dhimatay. ilaahay ha u naxariisto janadana hageeyo hooyaday,a\aziz hooyadiis iyo intii muslim ah oo geeriyooday.
|
| | Unrecorded Date SUL AND CABDICASIS. ilaahay samir iyo imaan ha'inka siiyo hooyooyinkin janadana ilaahay hageeyo waxad ogaateen inuu qof walba malin aduunyadan katagayo sadaqada ugu dadaala taas uunbaa wax taraysa. SUL waxay ila egtahay inaan tahay qof tiinta sifiican ugaranaya marka samir walaalo sadkaaga roon majiree ilahay iskuma kiin qorin inaad aduun isku aragtaan.
|
| | Unrecorded Date walaal Cabdicaziiz waxaan Illahay uga rajeynaya inay hooyadaa iyo dhamaan hooyooyinka islaamka meelkasta oo ay joogaanba in ay ku waraan Jannadi Fardowsa, walaal aad iyo aad ayan uga xumahay in ay arrintaasi kula soo gudboonaatay lakiin walaal waxaan wada ugsoonahay in aduunyadan uu qof waliba dhimanayo oo aan cidina noolaaneyn marka Rabi ha u naxariisto hana ka waraabiyo Jannatul Fardowsa. amiin, amiin, walaal waxaan kalo doonaaya inaan kaaga mahadceliyo heestan qiimiga badan ee aad halkan ku soo qortay xusid aad ku xusasay hooyadaa. walaal waa runtaa oo hooyo waa lama huraan, aaduunyadana wax noolaan iyo inta la noolaanba Illahay ayaa ku caalim ah marka in markasat waaridka laga ducaysto oo loo roonaado waa mihiim, marka walaalkiis intaas ayaan uga baxasya ee marlabad Rabi ha u naxariisto hooyadaa iyo dhamaan hooyooyinka muslinka nolol iyo geeriba. amiin, amiin jaaw waa walaashaa xayaad
|
| | Unrecorded Date To Abdicasiss Salaamu Calaykum Dhamaantii... Walaalayaal marka hore iga gudooma salaan, Bacda Salaan walaal abdicasissa Ilaahay Janada ha ka waraabiyo Hooyo iyo dhamaan umada muslinka ha ee dhintayba AMIIN. Walaalo aad iyo aad ayaan uga helay heesta iyo sida wanaagsan ee aad inoo waa ninaysay, aad ayaad ugu mahadsantahay, INanfiican ayaad tahay walaal Ajarkii hooyo Lahaydna Waad Qaadatay, waxaa tahay inan KhayrQaba. Walaal anigu hooyaday iyo aabohayba wey noolyihiin, Alxamdulilaah ,,, inkastoo Abbo hay xasuunanayo,,, Walaal horta waalid adeec ayaan ahay, oo hooyo iyo aaboba waan maqlaa, Waanan Jecalahay, oo Abaal kooda ma gudikaro. LAKIIN WALAAL BAL IGALA SOO TALIYA ARINTA Hadii aad Inan is doonaysaa, oo inanku yahay muslin, somali, oo uu yahay qof dantiisa yaqaana, waxbartay, shaqaysanaya etc, in qabiil la guugu diidaa ma xaqbaa? Ma danbibaa hadii aad tidhaahdo aniga ayaa doonaya ee si sharaf leh isku kaaya siiya, hadayna raali ka ahayn waalidku ee aad adigu rabto waa sidee Bal PLs Walaalayaal Ila Soosocodsiiya. Salaamu Claykum!
|
| | Tuesday, June 20, 2000 - 12:41 am allah u naxariitee maxumadaas.ilaahay waxaan u ku rijeenaa in uu ka waraabiyo janadii fartooso aamiin.Walalyaal waxaan idinka codsnayaa inii ee kadhimatay hooyadoo amb aabhood in ey u bixiyaan wardi habeenk jimch am arbacada.waalid waa indh ha aduun.ilaahayoo hanga dikin kuwa waaridgooda ku caasiyooway ee naka dhig kuwa u baarik ah habeen iyo maalin?
|
| | Friday, August 18, 2000 - 07:05 am Assalama CAleykum walaal alaha kaa samirsiiyo hooyadaa, ogowna in qofwalba dhiman, kulu nafsi daaxiqatul mowt, marka waxaan ku oran, inaa li laahi wa inaa ileyhi raajcuun. hal waano ayaan ku siin markasta u ducee hooyadaa, waa ay gaareysaa ducadaada, alaha u naxariisto mowtida oo idil wa bilaahi tawfiiq
|
| | Monday, October 09, 2000 - 06:17 am ku cabicasiis walalo ilahay naxariistii jano haka waraabiyo hooyo an ogahay hoyalaan tu dhibaatoo yin kaayleedahay odhan aniga hoyaday way noo shahay lakiin mudo sideed sano ma arag waxaan somaliya kasoobaxay aniga oo14gira sideedaa sano ayaan keligey is mamulayey waalid lann waxaan soo galay markii iigu horaysey wadan ka itoobiya kadib waxaan u soodhoofay wadan ka rashiya iyada oo aan qof an garanaayaa iiga horee in waxay igu qaadatay mudo laba bilooda inaan ka ga baxo waxaan galay wadan ka sweden ,,, markaa MARKALE AYAAN KU LEEYAHAY ILAHAY NAXRIISTII JANO HA KA WARAABIYO , AMIIN AMIIN HOOYOOYINKA NOOLNA ILAHAY HA UNAXASIISTO ,,,,,, KADRA WALALO ADNA ILAHAY HAKUU FUDAYDIYO MURAAD KAAGA WAAD SALAAMAN TIHIIN
|
| | Monday, October 09, 2000 - 06:17 am ku cabicasiis walalo ilahay naxariistii jano haka waraabiyo hooyo an ogahay hoyalaan tu dhibaatoo yin kaayleedahay odhan aniga hoyaday way noo shahay lakiin mudo sideed sano ma arag waxaan somaliya kasoobaxay aniga oo14gira sideedaa sano ayaan keligey is mamulayey waalid lann waxaan soo galay markii iigu horaysey wadan ka itoobiya kadib waxaan u soodhoofay wadan ka rashiya iyada oo aan qof an garanaayaa iiga horee in waxay igu qaadatay mudo laba bilooda inaan ka ga baxo waxaan galay wadan ka sweden ,,, markaa MARKALE AYAAN KU LEEYAHAY ILAHAY NAXRIISTII JANO HA KA WARAABIYO , AMIIN AMIIN HOOYOOYINKA NOOLNA ILAHAY HA UNAXASIISTO ,,,,,, KADRA WALALO ADNA ILAHAY HAKUU FUDAYDIYO MURAAD KAAGA WAAD SALAAMAN TIHIIN
|