    Cawo Dhalad | Unrecorded Date bogaan waxaa ka soo qayb gali kara :qofkii dashay 1/01 ama qofkii lagu eedeeyey in uu dhashay 1/01 ama qofkii lagu khasbay in uu dhashay 1/01 Happy Birthday.......... |
    Anonymous | Unrecorded Date Cawo Dhalad Every somali person who was not born in CISBITAALKA DIGFEER, was born 1/01. Is that a fact or a myth, I dont know. Check it out! |
    Mowlid-macaane | Unrecorded Date Cawo Dhalad Waxaan ku hoos dhashay geed hoostii, kadibna aabahay oo reer cadmeed ahaan jirey oo yaqaana af carabida ayaa geedkii aaan ku dhashay ku qoray taariikhdii aan dhashay, maalmo yar ka dib aabahay Libaax baa lategey geedkiina waa lajaray. Sidaa darteed lama yaqaan waqti aan dhashay? Hase ahaatee waraaqaha aan isku dhiibey waxaa iigu qoran 01/01!!!! KA TALI HADABA! |
    Anonymous | Unrecorded Date HAHAHAHAHAHA. Mowlid-macaane Tanna waa dambeyse miyaa?? Aabehey aa libaax latagey aaa?? lol. Soomaali waxeey wada dhasaan 01/01 kuli. |
    Mowlid-macaane | Unrecorded Date To anonymous Yes abslutly, walaalkiis!!lol |
    hebel | Unrecorded Date Meeshaan waalidkii aa la duugay YAAAAAAAAHUUUUUUU! Ar Hooy waa gabartaadan isu bogtee 01/01 isku qarxisay aniga 10/21 aan dhashee shirka maka soo qeyb gali karaa? qandho dhalasho ku qaab darane |
    Anonymous | Unrecorded Date Hada ka hor ayaa nin aan saaxiibkey ah i waydiiyay sababta ay soomaalida u dhasheen 01/01 waxaan ugu jawaabay anigu waxaa la ii sheegay inaan dhashay maalintaas laakiin waa wax khiyaali ah, ma ilaalino maalinta iyo bisha balse waxaan kaliya eegnaa sanadka sidaa daraadeed markii aan wadankaan imaneynay ayaa nala waydiiyay waqtiga qof walbana wuxuu doono ayuu sheegtay inta badana immigrationka ayaa bixiyay taariikhdaas. wuxuu i yiri ma given date baa waxaan ugu jawaabay waa saas markaasuu i yiri ma jeceshahay inaad iska badashid markaasaan iri wili xataa ma hubo sanadka saxda ah ee aan dhashay laakiin waxay hooyadey ii sheegtay inaan abaartii noocaas aheyd dhalshadeydu ku beegneyd wuxuu yiri waa wax lala yaabo markaas ku iri waxay ka jirtaa wadamo badan oo caalamka. Laakiin ninkaas waxaanan u sheegin oo iga yaabiyay in baasaboorkeena uusan qoreynin maalinta iyo bisha ee sanadka kaliya qorayo, dabacada miyaa khaladay mise sharciga somalia u daganaa ayaa ahaa in sanadka kaliya la qoro. |
    amiradii harere | Unrecorded Date hort awaa arin yaab leh . bari baa nin aan guri k akireesanaayey o ani ka hore dhorw somali ah mindhaa ka kireeyey ayaa markuu i arkay in aan somali ahay intaanan ba isla gadhin hadal igu yidh ( NO I DONT WANT 01\01) saan yaabay oo idhin why, suu i yidhi aqalkaan anaa is kaleh ma laha ( 01\01) marka sorry san idhi bal is daji , anoo wali fahmin wax u u dan leeyahay ayaan bal ninkii hadalo mac macaan ku dajiyey ileen naf guri raadis ku raagtay ayan ahayee, ninkii wuu soo dagey oo xoogaa ayaan kaf tanay oon ka qosliyey wuu iga helay ninkii ogalaadayna in uu i siiyo guriga . kolkii waraaqihii la kala qorayey uun baan inta aan furay bassporkeygii indhaha ku dhuftay 01\01 markaas ayuu i dhacay micnahii uu ninka u gubtay markii hore iyo wixii ka keenay hadalku lahaa. si yaroo reer magalnimo ah ayaan hoosta uga dhibay bassporkeygii anoo wali qosal yar sii raaciyey, mar qur aayuu ninkii inta sidii wax ay koronto qabatay kor u booday oo gariiray ,hada waa kii hada oo dhan faraxsanaaoo ila qoslaayee, ayuu yidh ( MY GOD, SAVE ME FROM 01\01) halkaas ayaa ninkeygii ku guri waayey oo waliba dibada laysoo saray anoo waliba indha xumo iyo dacas yaroo ii raaca... ammiradii harere |
    shadiya | Unrecorded Date somalida kuli waxay wada dhasheen 01/01 iyo 10/21 wax kale ma yaqanaan lakiin ani waxaan dhashay feb 09 markaa ka warama. |
    hebel | Unrecorded Date I dont see nothing? |
    Atariisho | Unrecorded Date Ku dhamaan Aqyaarta: Walaalayaal in aan la yaabno maaha taariiqda dhalashada waayo waalidkeen denbigood Allaha dhaafo ma xasuusan karaan oo waxaan u badan nahay dad socdaal lagu dhalay iyo dad iyadoo la xamaalaayo la dhalay marka ma ahan inaan la yaabno taariiqda 01/01 iyo 21/10 waa waqtiga keliya een xasuusan karno. laakiin anniga waa ka badbaday waa 15May.lol |