Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): ///////////////// Beribaa islaan tuulo caano keeni jirtay mar keliya caanaheedii qaali garaysa, dadkaa waxay warsadeen waxa ku kelifay, sayte doolarkii baakacay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cusmaan

Unrecorded Date
waa khayr

Hadaba waxaan idin warsanaa somaalaay ma aqaani sababta doolarku marna u koco marna u dhoco.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Unrecorded Date
hi lol@@@@@@@@@
this is funny caanooleydii dollar mee ku xisaabtaan cajiib lol
cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali_Baashi

Unrecorded Date
Doolarku kicitaankiisa ama hoos u dhiciisu sababta sababaha hoosku qoran.

Lacag sarifida.

Xiligii hore dowladuhu waxay wax ku kala iibsan jireen wax is dhaafsi. Hantidaada adag sida dahabka ayaad waxaad dhaafsaneysaa badeecada aad u baahan tahay. Hada maanta anirtaas waxaa loo badaley lacag is dhaafsi maxaa yeeley lacagta waxaad ka sameynkartaa faa'iido ka badan haysashada dahabka. Taas oo sii dheer securitiga.

Dollarka waa lacagta mar walba la hubo in dowlada iska leh xukunkeeda uu sii jiri doono ilaa iyo had. Marka wuxuu noqdaa miisaan lagu cabiro wadama kale lacaga hooda.

Aan kuu soo qaato arinta soomaliya.
Hadii ay soomalida ay wax soo saarkooda uu yahay midku filan ayaka oo ay san lahayn dawlad si xun u isticmaaleysa wuxuu noqonayaa sarifka dolarka mid oo hoos u dhaco mar walba.

Hada soomaalidii malaha dawlad hagaajisa dhaqaalaha wadanka ama masuul ka qaadi karta lacagta shilin soomaliga ah. marka halkaa waxaa ka dhasha in aan dowlado badan aysan isticmaalin shso oo ay ka qaataan dollar taasina ay saa'idiso baahida loo qabo lacagta qalaad oo dollarka ah.

Waxaa halkaa ka dhasha wax looyaqaan high demand of hard currency. marka qofka dollarka heysta wuxuu heystaa wax uu kugu kantaroolo mana u baahno in uu wax ka gato wadankaaga.

Marka gabadha caanaha gado waxaa ugu hanaqaadaysaa dollarka ayaa kacey. Waxa ay gado waa caano, waxaay soo gadataa ka soo qaad cuntada daruuriga ah (bariis,baasto ama weelasha wax lagu cuno ,dharkii ay xiran laheyd ama huwen laheyd. Marka hadii aysan caanaha qiimaha ku darin ayadaa qasaareysa oo bari maheli doonto wax aya ariga biyo ugu gado oo waxaa ka cey bartoorlkii machiinka ceelku ku shaqeynayey. Marka waa in ay u gudbisaa riskiga dadka macaamiisha la ah intii ay ayada ku dhici lahayd. Halkaasna waxaa ka dhaca sixir barar ka imaday kicitaanka doolarka ah. Hadii uu doolarku dhacana waxaa wadanku heystaa ama soo gatey in ku filan waqtigaas la joogo. Hadii ay hada dowlad dhalantana waxaa loo maleeyaa in uu dollarku sii kaco macaa yeeley waxyaabaha ay dowladu ku shaqeyn lahayd waxay u baahan tahay in ay dibada ka soo gadato. Halkaasna waxay u baahan tahay hard currency(Lacaga adag) Kadibna waxaa laga yaabaa in ay sixir dagan ku soo celiyaa badanaa wax yar ka kor sixirka inflationka.

Waad mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cusmaan

Unrecorded Date
Waa khayr.
To/ Cali Baashe

Tolkii jira Allaah hakaa yeelo, baadidaa bariday, oo xeradaada xoolo buuxshe.
Nabar baad iga daweysey runtii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebal

Unrecorded Date
To:cali bashi
walaalkiis waa kaa shakiyee adi Dollar maad ka ganac sataana mise dollarka aad jeceshahay in lagaaga shekeyo? habarta tuula joogto aad shegeysid inleen dollar mataqaanee.mise waxaad tahay kuwa lacagaha xawilo oo nadhaco??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
hebel iyo hebal waa kala nin ee dadyoow na kala sooca.
maxaa dadka magacayga ku saliday?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali Baashi

Unrecorded Date
Hebel

Adiga ceyrtu waa kaa go'i doontaa markii uu cunugaagu noqdo 18 sano. Marka hada isii yaree ama af-macaan baro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
CALI BAASHI,

suuqa doolarka maad ka luf-lufan jirtay?ciilka aad u qabto weeynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
armey islaantu NADAQ stocks caanaha uga iibisay?
maxaase nagu direy islaanta caanaha sida?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Unrecorded Date
Walaahi way ku saxan tahay hadii ay Dolar ku xisaab tamayso,maxaa wacay markii ay caanaha dhamayso oo casarkii caraabayso waxay iibsataa wax ala iyo wixii ay ubaahan tahay,markaas hadii shalay lagu qaaliyeeyay oo ay weydiisay waxaa loogu jawaabay Dolarkii baa kacay oo sidaas baanu uqaaliyeenay,so why not her?????


Marka walaalayaal intaad islaamihii gadayay caanaha aad wax walba ku qaali yeeseen baad ku lee dahiin Dolarkii baa kacay oo waxaa laga yaabaa inaysan dolarkaba garanaynin oo ay u haysato Dowlad marna wax qaaliyeeso marna dhinto,ee sidooda udaaya inlee idinkii baa ku mar-marsiyooda,,,,,,,


dacar-dacar-dacar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Unrecorded Date
CALI BAASHI,

DOOLARKA IYO DAYACTIRKA NOLOSHA WAA ISKU XIRAN YIHIIN SAAXIB;
DAYACTIR//
DOOLAR,
CAANAHA,
HILIBKA,
DHULKA,
GURYAHA,
RAASHINKA BISIL,
RAASHINKA CEEYRIIN,
IYO ISLAANTABA.
EE MAXAA KU DABA DHIGAY ISLAANTA IYO CAANAHEEDA.