Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Soomaaliya adduunka ma hugaamin doonta sida U.S.A. maanta?!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Soomaaliya malaga yaabaa inay hogaamiso adduunka intaanu qarnnigan cusubi dhammaan?
Aniga waxay ila tahay waa laga yaabaa.
Dhiibo fekrraddaada ninna fadllan ha ku ceebayn fekrreddiisa shakhsi ahaaneed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
waa idin salaamay dhamaan akhristayaasha gaar ahaana qoraaga moow duucaan.asalamu aleeykum.waxay ilatahay haa waase goorma? waa markii raga iyo dumarka soomaaliyeed gartaan ineey yihiin adame kayihiin african kayihiin soomaali diintoodana tahay islaam.marka ay gartaan in ilaah lacaabudo laakiin ninka cadaanka ah aan lacaabudin.markay gartaan in ninkacadi qabiilqabiil uqaybiyay qorina isugu dhiibay oo awoowyaalkood la adoonsan jiray sida ayagaba hada sida dadban loogu adoonsado.marka aygartaan cadawgooda oo ah ninkaan ilaah nimada sheegta oo indha buluuga ah leh.marka aan aamino nafteena iyo ilaah waayo ismahubno waxa aanahay,iyo inaanba wax qabsankaro iyo inkale nin ka shaydanka ah oon hada caabudeeyno la aaantii.sida yuhuudu uga xorayday soo ma aragtid shaydaanka ooy marmar asaga rartaan,laakiin shalay wuuxasuuqayay.hadaynu kaxoroowno ninkaan cadaanka isku sheega inagaa aduunka utalin doona waa cadaan waayo muslim baanahay asagaana talin doona sida axmad gureyba xiligii dawladii islaamka utalin jiray asagoo soomaali ah u uxukumayay africa guud ahaan,waana nin kii dilay faaska dagaama badmareenkii aduunka ninka iskusheegay.imaam gurey fadhigiisu waxa uu ahaa dira dhaba iyo adari.arintaan waa laqariyaa waayo si laguu qashiin sado oo lagaaga dhigo in soomaali waxba aheen.adeer ragbaa jiray ee fur indhaha soomaaliya bilaash looma baabi in ee.cismaan binu cafaan as xaabigii weeynaa alaa weeyne markuu yimid itoobia yaa salaamay koow oo soodhaweeyay soo halyaygii soomaaliyeed ma aheen markii uukasoodagay zailac itopia ma badbay leeday?ee la oran jiray xarla koombo oo hada fariciisii kunool yahay jigjiga aga gaarkeeda.waxna halabarto in dhahana hala furo hana laga xoroobo shaydaanka waxaan idin sheegi doonaa hadaladii as xaabada ee ahaa sooryan wanaaga dadka soomaalida ah xilgaa haruubka caanaha,xeerada, hilibka solayga ah kalankalka,oodkaca, gogasha fadhiga haasawaha, murtida iyo xishoodka, gobanimada,geesinimada soomalida diinta islaamka nabi muxamad oo jooga ayay ina soogaartay oo nabiga iyo rag aan idiin sheegi doono xiriirbay lahaayeen ragaas oo ah soomali.manihin dad anagu diinta gadaal ka qaatay in dhaha ha alfuro bilaash laynooma dabar gooynayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baashaal

Unrecorded Date
Hi Lost intelgent

Waxaan umaleynayaa in aad qaldantahay oo markii aad iska dhiibtay America aad u maleysid in ay aduunka u taliso.

Aduunka ilaah wuxuu siiyey wadankasta awood ay ku tashadaan danahooda gaar ahaaneed.

Su'aashaadana waxaa kaaga rooneyd in aad tiraahdid soomali ma isku filnaan doontaa sida US.

Madaxaagana waxaa galey propogandada America ee diintaada ku dhawow ee ilaah ayaa awoodaas iska leh ee US malaha.

Mahadsanid

Anigu Waxaan ahey kii soo ceyriyey americanka marka in aad i aamintid weeye
Hilobuule

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A concerned Person

Unrecorded Date
To Enough Intelligent,

Have you forgotten that Somalia can't even feed itself, nor that it could even spell its name... In other words, it can even wash its ass. Leading the world are you kidding yourself or just merely dreaming...wakeup and smell the roses.. LOL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To:Baashaal,

saxiib anigu horta U.S.A. iskama aanan dhiibin, laakiin Vise ayaan hawada kaga soo galay iyo tigidh $1035.00 oo dollar qiimihiisu yahay, markaa sidaas kaga bugso, middaas Soomaalida samasa u sheeg.
Midda inay U.S.A. adduunka hogaaminayso maantana cid adiga mooyaane dafirsani ma jirto adiguna xaasid ayaad tahay.Aniguna Su'aal ayaan ku weydiiyey, haseyeeshee kelmad waxaan ku su'aalay ku saabsan ma aadan taaban markaa taas ayaa ii caddeysay inaadan talo ahayn.
United States Of America dagaalkii labaad ee adduunka Germany oo qabsan lahaa Yurub oo dhan iyadaa ka badbaadisay keddib markii ciidankii Maraykanku kasoo degeen Normand, miyaad inkiraysaa middaa?
Keddib dagaalkii adduunka ee II, yurub aad ayey u baaba'day, deyntii ay dhaqaalahooda ku soo kabeen waxaa siiyey Maraykanka.
Berigii dhaweyd Soomaaliya Maraykanku wuu galay, laakiin way ka faa'iidaysan waayeen oo Talyaani oo Soomaaliya weligeed raranayey ayey hoosta ka gashay oo ciidankii askartii rangerska laayey ka mid ahaa oo hubkana siiyey, haddii ay Soomaaliya soo dhaweyn lahayd Maraykanka 1992-1994si wacan ayey horummar la taaban karo maanta u gaadhi lahayd.
Berigii dhaweyd ee Kosofo xusuuqa lagu hayey, urub oo dhan gacmahay ka taagatey, yaa badbaadiyey oo ilaahay u diray ? Maraykan ayuu ahaa.
Kuweit oo habeen madow la qabsaday sabab la'aan yaa ka kiciyey xizbiga bacsiga ciraaq? Maraykan ayuu ahaa .
Malaayiin xujo oo aadan ogeyn ayuu maraykan adunka u qabtay. Ingiriis wakhtigiisii gumeysi ayuu dadka ku abuuray mooyaane faa'iido ma keenin.Markaa ku xisaabtan taariikhdu way xidido reebtaaye isguul qaboo wax dhigo xaajow.
Soomaaliya waa laga yaabaa inay aduunka hogaamiso qof walibana seben ayuu leeyahay ee la soco in zebekeedii hadhsanyahayna suure.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To: Concerned Person,


I think you are right for some how, but do not forget either in past or sometime in the future Somalia would have fed itself and the rest of the world during desasterous situations.
In other words, I may be dreaming as you mentioned, but don't you think dreams may come true sometimes?
I think so, so please be optimistic for your country of origin always.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Isse Omar

Unrecorded Date
Alaahu akbar dheh walaahi warwaaye yah
qarnigaan iska dhafee markee aqirada soo dhawato xitaa malaga yabo noh wax kale iska dhaafee abaa
taas riyadiina waaye lee abaa ani waxaa kuma jiro yaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

malabow

Unrecorded Date
somalida waa irishka afrika waa laga yabaa iney hogaamiso aduunka waase hadii cadaalad ka dhalato,somalia mareykanka xiriir fiican la sameysto,carabta ula dhaqmo si islaanimo keliya
afrikada iyo asiya xiriir ganacsiwayn la sameysato.somalida nin walba gobalkiisa ku qanco,somalia loonoqdaa,iyadoo dhaqaale,iyo cilmi
laga helay dadkii nasoodhaweeyay,yurub iyoamerika
.loona mahad naqaa.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Doolidile

Unrecorded Date
Lost intelgent

Soomaaliya ha waarto

Nin yohow soomaali waxey ku maahmaaday futo aadan lahaye ha ku saxaroonin.

Marka america waxa tahay malaha ee sidan isku dhaan oo wadankaaga u shaqee inta da'daada ay u dhaxeyso 21-58 intii ka danbeysana ayakaa ku heyn doono.

Awooda aad filimada ku aragteyna yey been kuu sheegin oo meel kaa ridin. xiriir fiicana la yeelo wadankaaga hadii uu xun yahay iyo hadii kale (ku tusaalo qaado xukunkii mosco....)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Ninka Doolli dile,


horta waad salaamantahay, dabadeed, anigu filimada ma galo ee U.S.A. waan ku dhex noolahay midhaa adigaa hollywood movies ku wareeriyeen, annagu wakhtiba uma haynno wax barasho iyo shaqo ayaan ku jirraa xaaji hurdaayoow toos.
Midda kale waxaan ku weydiiyey su'aal saxna noqon karta khaladnna noqon karta, markaa maba aadan ka jawaabin ee cidlla ayaad jiidhay taasoo ka tarjumaysa fudaydkaaga.
Iaa xilli dambe salaama.