Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): MADHABAA SOOMAALIYEEY CARUURTEENU WAA DAMIIN?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum walaale iyo walaaleey
Waxaa hubaala inaan silama filaana uuga soobarakacanay dalkeenii hooyo kamana hadlayo maxaynu soomaaliyeey usoo barakacnay?hadaba wadamadan eeynu nimid ee reer galbeedka waxaa inooga biloowday baalcusub iyo nolala cusub iyo mustaqbal kaduwan kii hore.markaa caruurteenii xaga tacliinta baarid aan sameeyay waxaan ogaaday in aysan aqoonta dugsiga sare gaarin kii gaaraana uusan jamacad galin,maxaa sababay shaydaanka indhaha buluuga ah leh waxa uu ku andacooday aqoon malaha ama dhibco lagu galo dugsiga sare ama jamacada.caruurtiinu waa damiin hadaad soomaali tihiin.waxay aniga ilatahay waxa aynu dhulkaan ujoogno waxaa koow ka ah waxa aan kafaa iidi karo ubadka oo wax inoo barta waayo waa soomaalidii barito iyo abayaalkii ama hooyooyinkii barito.nidaam bahdalaad ah oo xaqirid ah yaa baabah looga dhigay ubadkeenii xaga tacliinta ee maha waa damiin baan qabaa ee bal hada ila eega.qofkii wax bartaa wuu kaguulaysan cadowgiisa.ma dhabaa in ubadkeenu damiin yahay?ma waxaa jira cunsuriyad ama midab takoor lagu hayo ubadkeena?neceb soomaali gaar u ah miyaa jira?maxaa caruurta soomaaliyeed qalbiga looga dilayaa?maxaa ubadkeena dan u ah?sideen dadka isaga celinaa ileen kaligay iyo kaligaa wax mataree?isku dan manahay inteenaan hada dibada kunooli?yaa inagu kala dhexjira?ubad soomaaliyeed oo wax baranaya ood kuhirato ma ujeedaa ayaha danbe?maxaad u abuuri la dahay hadaad walid fiican tahay inaad waalidka kale eefiican kula heshiiso hormarka ubadkiina?ninka cadi muxuu ujecel yahay kuwiisaba waa daryeelayaaye anigana waaba iqaabilee muxuu caruurteena u saaqidinayaa?waan ku jeclahay caruurtaadana waan necbahay macquul miyaa?waaxaas waa faalo ufuran akhristaha waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
HADAAN JILCIYO TUDUCDA ARINTAAN

Waxaan kawadaa qurbaha ama wadamada shisheeyaha waxaa kunool kumanyaal caruur soomaaliyeed ah.marka hadaba latartanka iyo baratanka aqooneed ee caruuraha usoo guuray dal aanay laheen iyo kuwii loogu yimid dalkooda ayaad moodaa in waalidiin badani kumuran sanyihiin mustaqbalkooda sida.
1.waalid baa wuxuu qabaa fikirka ah caruurta inagaan ku kormeerin waxbarashada oo aan lasocon heerka tacliimeed ee canuga ama gabanta,meesha umadaha kale ay udhuun da loolaan arinkaan.

2.maya ee waan kudadaalaa caawinta ubadka,dhinaca tacliinta waana ku koontaroolaa casharada,waana ufaa iideeynaa wixii ku adkaada,xaalada school kana macalinka ayaan xiriir dheeri ah lasameeynaa.ee waxaa jira naceeb midab iyo diin.waayo caruurtooda caruurteenu uma eka marka ayaga maqancinayaan nooca caruurteenu.


ARINKANI GURACANAA
SHEEKADU QARAA RAA
SIQIIRADA AAN DANBIGA GALIN
SHEEYDAAN MIYAA HELAY?
AQOONTEEY HIGSANAYAAN
AMINKIIBA DABA MARIN
KANI WAA DAMIIN IYO
KANA WAA MAJNUUNOO
MADAXAABA LAGA GALAY
AQOON HADAL KEEDBA DAAYOO
KAC OO DHAQTAR UQAAD
AMA GEE SCHOOL LADA
MAJAANIIN WAX LAGU BARO.
SHEEKADU QARAA RAA
HADALKANI GURACANAA
CANUG AAN BUKTOONOO
BALAAYOBA AN ARAG EBED
EEBEHEEN DARYEELOO
FAHMO IYO AQOONLOO
CASHARADA DHAMAAN TOOD
DUSHAASARE KADAA DIHIN
ISBITAAL HALOODIRO SHEEYDAAN MIYAA YIRI?
WAALID YAHOOW MAXAA DHACAY!!
MEESHA AAD LAHURUDAA
UBADKAAGII MAAD ARAG SIDATAN LOO SIRAY.
MA DALKEENII BAYNU JOOG NAA
MAADAAN DAREEN QABIN
SHILIMAANTA GAALADA MIYAA SHIB AAYAR KAA DHIGAY.

IGA RAALI AHAADA BADBAAN AHAY IN MAANSADU ILA DURUGTAAN DII DAY INTAAS BAAN KUSOO SHAKAALAY..MAHAD SANDIDIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
Arinkani guracanaa
alaylehe guracanaa
ilmo gobo'na aan qabin
sidee loo guneeyaa
gariir loogu beeraa
ama loo gar jabiyaa
dabeed loo garaabshaa
gudub loogu qaadaa
takhtar loogu geeyaa?

gada kale miyaa jira
gureyow walaaloow
garanwaayey aniguye
sidee xaalku noogalay
away hooya gacalkii
away aabihii guud
ma ginay ujeedaan
mise wayska geeyeen?.

intaa dhaafinwaayeye
maxaa lagudaraa hee!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
Gurey salaan,

maqaalkaagu waa mid taabanaya arin aad uxiisa leh loona baahanyahay in wax lagaqabto.haddii aan cidi xaga udhugan waxaa hubaala in taas dadyowga aynu dhulkooda nimid ay dan ugu jirto,sheekaduna waxay ilatahay in ay tahay mid cad,waayo suurta gal maaha in qowmiyad dhami damiin noqoto,
waxayse igula haboontahay in waaridka iyo inta xiisayneysaa ay sameystaan dhaqdhaqaqyo dabagala xuquuqda ubadkooda.

Arinkani guracanaa
alaylehe guracanaa
ilmo gobo'na aan qabin
sidee loo guneeyaa
gariir loogu beeraa
ama loo gar jabiyaa
dabeed loo garaabshaa
gudub loogu qaadaa
takhtar loogu geeyaa?

gada kale miyaa jira
gureyow walaaloow
garanwaayey aniguye
sidee xaalku noogalay
away hooya gacalkii
away aabihii guud
ma ginay ujeedaan
mise wayska geeyeen?.

intaa dhaafinwaayeye
maxaa lagudaraa hee!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

almadow

Unrecorded Date
caruub aabhaoodna jaad cun yahay hooyadoodna part to party maxaad ka filaysaa!!!! waa sida ay soomalidu u badantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
KU: guud ahaan dadka daneeyay moowduucaan,gaar ahaana samigay gurey.


Waxa aan kahad leeyno ayaa waxay tahay war madareensanahay oo ma isku raacsanahay in CARUURTEENA doorka tacliintooda la hagranayo kan dadaala ileen nimaan dadaalin kama hadlayee waayo marmarsiiyo cad baaba loo haystaa kaa,?hadaba dhibaatada ubadkeena haysata ayaa waxay tahay laba arimood waa say ila tahay ee.


1.dhaliil xageena ah hadaynu nahay waalidiinta soomaaliyeed,macnaha caruurteena inaan maskaxda kadhisno kuma fakaro badar waala arkaa.oo kuma dadaalo lasocodka heerka aqooneed ee ubadkeena.mana fiirino tolow maxay bari noqon.mana naqaan fahmada caruurteena iyo waxa ay xiiseeyaan.kaca oo caruureey banaanka KUUN KUUN,AMA KADHIMEEY KADHIM AMA INBILI KUSOO CAYAARA AA WALI MADAXEENA KUDUUBAN.kuligeen maha ee waalid fiicana waa jiraa laakiin muxuu taraa dadaalkiisa hadii walaaladii bacaad cunayaan.


2.Caruurteenii oon ugeeysanay nin cad oo cadaw ah oo aan raali ka aheen,si ay wax inoogu baraan,markaa haday fursad kahelaan waa habaabinaayaan.hadayse arkaan indho run ah koleey kaa naf jecel.waayo ayagu marabaan in ubadkeena uu ubadkooda lamid noqdo,waxaan kawadaa xaga tacliinta.
hadaan intaa ka gudbo

walaale iyo walaaleey ogaada hal arin waamaxay aqooni?aqooni waa iftiin kutusi xaqaaga.waxay ila tahay ineey nu kafikiro horta dhibkaani majiraa? kadib aan raadino xal.hada kama hadlayo maxaa xala ee waxaan udaayay wax garadka soomaaliyeed.waadmahad santihiin.

gurey ilaah ha kaa abaal mariyo saad iiga farxisay macnaha saad udareen santahay arintaan,guuleeyso cadawgaagana ala ha hoojiyo.ubadka soomaaliyeedna xuquuqdooda waligaaba utaagnoow maal maha aad noo shahay.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
ALMADOW
Asalaamu Aleeykum

Ineey dayacan yihiin oo aysan ayo yeelan ee ay noqdaan kuwa caruurta ninka cadi ku shaacireeystaan ee dhacdhaca meelaha ayagoo khamreeysan ama daroogeeysan,booliiskuna ceer ceersado.akhirana hadaan ale ugargaarin oo aysan toobada haleelin cadaab umalee.waxaana sabab u ah waalidkii dhalay.ee isagu balwada caruurtiisa ku hor isticmaalay.rajada ale lagama quusto ee koleey caruur waalidkii dhalay khariban yahay a yahooda calaamad suaal baa saaran? waxaana loo badiyaa dhanka xun.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
Waad salaamantihiin,

Gurey,

Waageynu wadankeenii joogney waxaa jirtey in aan waarid badani muhiimad saasa siinjirin ilmaha wax barashadooda,taase waxaa asturayey macalimiintii qiimaha badnaa ee wax ka barijirey dugsiyadeena oo ilmahooda iyo kan kale ay isugu midka ahaayeen.
Maanta marxalad nololeedka dadka dibada yimid aad ayuu isu badaley,markaa iyadoo ay jiraan ilmo badan oon waaridkood lajoogin ayaa hadana kuwa waaridkood lajooga badankoodu ayan dayac la'ayn.
Dhibaataduse waa mid jirta waxaadse moodaa in aan dan laga lahayn.
Waana wax laxiriira kala daadsanaanta bulshadeenu kujirto dhanwalbaba,malaayiin qof oo kudhaqan isku wadan oon xitaa hal jaaliyad lahayn waxaa lagu yaqaanaa dadkeena!.

Gurey, waad ku mahadsantahay ereyada waanada iyo ducadaba ah,arimaha iyo danaha caruurtu waligood waxay ahaayeen kuwo xiisa gaara iileh.

Nabad iyo naxariis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Unrecorded Date
TO: BROTHER gurey


seed u aragtaa gurey


Asalaamu Aleeykum


sxb anoo kaduulaya in aan dadka ka qayb qaadanaya moowduucaani inagu wareerin sideed u aragtaa gurey? waxaan ula jeedaa kawaran guray1 iyo gurey2? ikhyaarka adaa leh.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey2

Unrecorded Date
Salaan badan,

Gurey,waad fahantey runtii aniga ayaaba kuwareeray!waxaad igu dhaaftaa gurey2,maadaaba aad mawduuca bilowday adigu.waxaana u arkaa inaynu sadaa isku fahano net-ka oo dhan.
bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

TO:brother gurey2

waad mahad santahay sxb sidaa iyo ismaqal dambe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
SHEEKO DHACDAY


TAKOORIDII QAMAAN


waxa uu ahaa qamaan wiil soomaaliyeed oo dadiisu tahay 5 jir kuna nool wadamada reer galbeedka,gaar ahaan wadamada loo yaqaan iskandinivianka.waxaa waalidkii geeyeen goobaha xanaanada caruurta si markaasi loo gu diyaariyo qaabka waxbarashada,ee dugsiyada hoose.marka da diisu tahay 7 jir.qamaan waa wiil ay sifiican ukoriyeen aabe iyo hooyo wanaagsan oo aad uga fakara,mustaqbalkiisa iyo koriishi hiisa.abuhu waa shaqeeyaa waana nin aqoon leh.hooyada waa guri joog.waxaa dhacday in cunugoodii hormarkii luuqadu isa soo tari waayay ee uu sidiisii yahay.hadana uu ku hadlayo ereyo suuqi ah oo ubdan ceey.waxaa arintii u dhaba galay aabihiis oo tagay xanaanada waxa uu uyimid ardadii kale oo wax qoreeysay oo wax labarayo iyo kiisii oo ciida miisaya.odaygu madag dagin,ee maalin kale buusidii si leg u yimid si kadis ah,waxa uu arkay caruurtii oo wax labarayo iyo qamaan oo lacayaar siinayo.7 jeer buu ku noqonayay hubin arintaan.waxaa u cadaatay in qamaan meeshaan laga rabin in uu noqdo mid wax labaro.si bari iskuulku uugu fududaado laqab sashadiisa.hanad oo ah geesi fiiro dheer jecelna wiil kiisa qamaan ayaa ka joojiyay xanaanadii wiilkiisa.kadib.... waa socotaa sheekadaani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Unrecorded Date
to almadow.

Allaylehe runtaad taabatay.caku,hahey ha..mushaali diiran afka laguugu qabay.

waa run..aabosoomaaliya oo jadka cunaya hooyadoodna partga tagayso ma wax kalaa laga filayaa?jawaabtu waa maya sababtoo ah dee awrka hore awrka dambe socodkiisuu leeyahay..oo awlaaduna hooyadood iyo aabahood waxay samaynayaan ayey ka daba samaynayaan..gabadhii hooyadeed hadhuuka tuntaa iyaduna haadiskay ka hoos barataa.

peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TAKOORIDII QAMAAN QAYBTII2


Hanad iyo xadiyo oo ah oorida udhaxday hanad ayaa yeeshay shir aykaga faaloo nayaan dhibaatada soo food saartay qamaan yare.

waxa ay aheed mid ay isla lafo guraan oo ku reebtay dhabano hays iyo yaab!! mar hadalka xadiyo qabsatay ayaa waxay tiri hanadoow waligay waxaan u heeystay in gaaladu ILMAHA JECEL YIHIIN OO UROON YIHIIN,WAXNA BARAAN. hanad ayaa intuu dhoolo cadeeyay ku yiri marwadeeydiiyeey sidee ninka cadi adiga iyo anigana noo nacaa ubadkeenana ku jeclaadaa? waxa uu intaasi raaciyay caku haween,waligoodba meel dhaw bay wax ka arkaan.xadiyo waxay tiri aleeylehe waxbaan ogaaday wayn oo nolasheeyda ka maqnaa,waleese cadaanoow iyo gaalooy kuma aamino mardanbe.hanad ayaa yiri bohol yoowga iga daaye qamaan maxaa udan ah?

waxay tiri waxay ila tahay bal horta aragnay DAYCARE AMA XANAANADII CARUURTEE aan eegno bal dhinaca school lada waxa lagu hayo iyo xaalada ubadka soomaaliyeed ee dhigta dugsiyada hoose.hanad waxa uu yiri waa yahay waatalaabada u horeeysa ee aynu qaadayno ileen waa meeshii aan u wad nay mustaqbalka wiilkeena qamaan ee.waa socotaa........ bal hada eeynu eegno waxa lagu xaliyo qamaan arintiisa balse akhristoow ka dhiibo fikrad sida aad xal u aragto arinta qamaan mahad sanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
TAKOORIDII QAMAAN QABYBTII3


Waxa ay is weeydiiyeen walidka QAMAAN xagee howsha kabiloownaa? waxay ogaadeen macalin soomaali ah oo ka shaqeeya school hoose dhexe.

waxay ka wareeysteen xalada waayo aragnimo ee ardada iyo tacliinta guud ahaan,waxa uu usheegay in marka ilmo soomaaliyeed helo dhibco sare aan macalimiintu iyo fasalkuba raali ka aheen arintaas.

waliba macalinku uu diidan yahay in caruurtiisii cad cadeeyd ee isaga lanooca aheed,waalid koodna uugu sheekeeyay madowga anagaa leh oo waa adoon teenii,in laga dhibco badiyo oo ayaga loo sacbo tumo, intii la hor istaajiyo ardada.

sida caada da ahba qofka dhibca ha badan waa loo sacabo tumaa in tii ardada la hor istaajiyo.markaa waxaa cuslaatay in macalin dhibco siiyo arday ah madoow.

tankale caruurta fasalka dhexdiisa waxaa loo daaraa FILIM ka turjumaya sida madoow qaawan oo macaluul san.

lama soo daayo kuwa cadaanka macaluul san ee qaawan marnaba.
markaa ardaygii madoobaa fasalkaa dhexdiisa waji uma yaal.ardadana waxay leeyihiin kii cisalka dheeraa ma aabahaa buu ahaa!!!! tii naaska dheereeyd se ma hooyadaabeey aheed?? markaa waxaa ardaygii soo food saaraya dhibaatooyin ka baxsan tacliinta school ka oo uusan ka jawaabi karin.

waxa uu markaa isleeyahay warmaxaa kumadoobeeyay hoogaagee umado waa cadahay ee halkaas baa waxaa kadilaacaya niceeb aan damayn dayin abidkii......waxbase akhristoow yayna ila durkin tuducdu yee markii warbixintaa lasiiyay XADIYO IYO HANAD ayaa hadana lagu macsuumay ineey booqdaan schoolkaa hoose dhexe ah ee macalinkaas somaaliga ahi ka shaqeeyo.waasocotaa....