Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Mudanow Madaxweyne
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Mudanow Madaxweyne adiga iyo gacalkayga reer Jabuuti salaan iyo qadarin iga gudooma.

Abwaan baa waa yiri baa la yiri "wiil labo iyo toban jiraa hadduu lali ahaan waayo. Reerkooda gabanka ah haduu laayic tiri waayo. Raganimo luddiisa kuma jirtee liiday ee ogaada!"

Sanooyin ku dhaw intuu wiil ka hanad qaado ayaan dhasheen cunaynay, gayigii Soomaali la dhihi jiray dadkiisii gablan iyo gacmo maran ka yeelnay.

Markaan garka iyo gundaha is gashaday oo ilmo iyo oohin ba kari waayay oo Ilaahayow Noo Naxariiso aan ahayo oo aan ka quustay garab walaal iyo gacan gacal ayaa la yiri Geelaa kacay fadhiga hagaajiso.

Waxaa la yiri madi ma tihid oo walaal maqnaabaa yimid niyad hagaajiso. Waxaa la yiri walaalihii Jabuuti abaalkii ma iloobin dhiiguna biyo ma noqdo.

Waxaa la yiri Geelaa diyaar ah in uu duno luntay soo dumo oo xarig la gooyay dib isugu gunto.

Waxaa la yiri qawlaysatii qarankii rogtay baa inyow, diiday iyo o'ooho bur iyo qool la hortaagan Geela iyo gacanlkii Jabuuti.

Waxaa la yiri Geela yaahuu iyo yur buu ku yiri oo wuxuu ballan qaaday iyo uu maxkamad iyo qaali hor keeni doono Midig ku dhiig layaasha, Magac ku dhiig la yaasha, Maan ku dhiig layaasha iyo qabqable dagaal mooyee aan quman garanayn.

Waxaan iri "haa kaa leh haday dhalatay ee Maandeeq ma la hayaa?"

Waxaan iri "igaar walaal ah oo guboo gacal ah weeyee Geela garkeeda ma qaban doonaa?"

Waxaan iri "waa inan Soomaaliyeed e maxaa isaga ka reebay iyo hoggaankeeda qabto?"

Waxaan iri "maxaa Cigaal, Caydiid, Caato, Cabdullahiga beerka loo gashay iyo gun kale uu wax ugu sugi soo isaguba Soomaali ma aha?"

Waxaan iri "qabyaalad iyo in wax kala qaybiso oo qurmiso mooyee la waa waxay qurxiso."

Waxaan iri "degaanka Soomaali baa dagan abti iyo isirba."

Waxaan iri "iyagaa is yaqaan qof walbaa rugtuu dego geed iyo goofba."

Waxaan iri "Mudanow Madaxweyne"

Guri walba dadka degan oo degmo loo yaqaan labo qof ka marti qaada.

Gobal walbana shan ka marti qaad

Degmooyin dalka oo 84 ah ha ka yimaadeen 164 qof
Gobalada dalka oo 18 ahna ha ka yimaadeen 90 qof
Soomaalida qaxday ee qurbaha ku noolna sidan ha u yimaadeen: Waqooyiga Maraykanka (USA & Canada), Yurub, Carabaha, Afrika iyo Osterilia iyo Asiyada kale kiiba shan qof ha soo dirsadeen.

Gobalada isu tagay oo toddobo ah Somaliland, Puntiland, Riverinland, Hiranland, Banadirland, Jubaland iyo Shabeelada Hoosena kiiba shan xubnood ha soo dirsadeen.

Intaa markay isu yimaadaanna ha loo dhiso saddex guuddi oo kala ah:

1- Danaha Soomaaliyeed
oo ka kooban Shanta xubnood ee ka kala yimid gobalada isu tagay Somaliland, Puntiland, Riverinland, Hiranland, Banadirland, Jubaland iyo Shabeelada Hoose.

Adiguna Mudanow Madaxweyne u noqo Guddoomiye muddo labo sano ah.

Golaha Dastuur iyo Xeer Dejinta
1- Aqalka Sare:

Xubnaha ka yimid gobalada 18ka ah

2- Aqalka Hoose

Xubnaha ka yimid degmooyinka

Iyaguna muddo labo sano gudaheed ah ha ku soo diyaariyeen Dastuurka Gayiga Soomaaliyeed iyo Xeerarka lagu hoggaamin doono.

Hadday Muslimiintu u dabaal dageen Ciiddii Carafo oo Qurbaan la qaloo dhiig cibaadeed la daadshay oo barakaysan oo khayro badan sidata Ilaahayna qalbi saafi ah iyo niyad sanba aqbali baan dhihi

Ilaahayow Magantaa
Ilaahayow Maciinkaa
Ilaahayow Reer Jabuuti Garab U Noqo
Ilaahayow Xaq bay u kaceen ee Gacan qabo
Ilaahayow diiday kuwa leh qalbiga u xaar
Ilaahayow Waan Kululaanay oon kari waynay
Ilaahayow Madad Madad Madad Dhankaa ah
Ilaahayow Qalbiga Noo Midee
Ilaahayow Walaalaa nahay ee Wacyigeeda Na Sii
Ilaahayow Kuwa gardaran oo garan Qudradaada
Ilaahayow Oon aad Adigana Kaa Baqayn anagana aan noo naxay
Ilaahayow oo gacal iyo xigaal ba gooyay
Ilaahayow Ha Nooga Tagani Hana Noo Halaagin
Ilaahayow Garasho Na Sii

Ilaahayow Geela Goob Cidlo ah Ha DHigin
Ilaahayow Garab iyo Gaashaan U Noqo
Ilaahayow Waxaad Raali Ka Tahay anagana dan noo ah Solansii
Ilaahayow talo keen weeye naga yeel kuwii qaata.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Aamiin! aamiin!, afkaaga caano lagu qabay!!!!
Mahadsanid Walaalkiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Walaalkiin, waan akhristaa sheekooyinkaaga, suugaantaada iyo afsoomaaligaaga qurxoonna waan xiiseeyaa. Tanna waad ku mahadsan tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonBig

Unrecorded Date
Outstanding!

Bravo Walaalkiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GESI

Unrecorded Date
WAX LAYSKU HAYSTAA WAABA 18 GOBOL WAA TAN SHIRKII HORE AY JABUUTI LA SHAQEYN WEYDAY MARKAA SIDA SHIRKA SHEEGAY WAA LAGA DHIGAY 5 GOBOL SOMALIYA OO DHAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Unrecorded Date
Walaalkiin;

Walaal qabqablayaasha dagaal iyo mudanayaasha dadkoodu iney maamulaan u doorteen u kala saar si xaq ah hana isku soo darin hana kala mid yeelin

Mudadii ka danbeysey burburka dawladdii ugu danbeeysey ee Jamhuuriyada Dimuquraadiga ah ee Soomaaliya "Qabqable" dagaal waxaa lagu qeexi karaa sidatan:

Hogaamiye u qabqableeyey dagaal loo qaado magac qabiil laguna qaado umad degan deegaan lagu yaqaano qabiil kale asagoo doonaya in uu xoog iyo sandulle ku maamulo, dhaco, qalalaasana ka kiciyo deegaankaas, ra'yiga guud ee qabiilkaasina uu tusayo in aysan dooneyn in qabqablahaas maamulka deegaankaasi wax dawr ah ka ciyaaro.

Waad mahadsan tahay.