We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Unrecorded Date Salaama Dadkii reer Kismayo aaway oo nadiifka ahaa oo qabiilka iyo qurunka aan aqoonin intaanay galtidu imaanin oo maskaxda ka wasaqynin. Magaaladii waa u dhamaatay oo Galti goon dheer ayaa ku rafanaysa ee sidii looga badbaadin lahaa taladeeda ayaa la iska rabaa. Waad ogtihiin moos ma abuuran karaan, mallaay ma daban karaan, barwaaqadaad ogeydeen ayay maalin walba gaajo ugu dhimanaayaan War magaaladii ha loo taliyo, Waa ka baxay
|
| | Unrecorded Date Sxb Waxaan ahaa Ciyaal Faanoole, waxaan ku dhashay, Luga Baxsi, hoos udaadag, Masaajidka Xaaji Jaamac agtiisa. CiiseRooti
|
| | Unrecorded Date To: reerkismayo waan idin salaamay marka hore waxaan ahaa reer FARJANO gaar ahaan school ganaane agtiisa sxb dadkeedii away halkee ku nool yihiin horta waad ku mahadsan tahiin page ka aad inoofurteen kismaayo hanoolaato hadee we love kismayo
|
| | Unrecorded Date Ciiserooti, War ninyahow saad u soo socotay baabad gurigeygii timide waa sidee, masaajidka Xaaji Jaamac anaa ag degenaaye xaggee ka xigtay saxib. Anigu waxaan ka deggenaa intaan la gaarin masaajidka tuubada biyaha agteeda, private school-kii Cabdi Yare. War dadku ha wada hadlo oo magaaladii xal ha loo keeno dadkaan laguma fiirsan karo magaalada siday u galeene, bal nimankan sidaan iskaga qaban lahayn ha laga soo taliyo. Soo dhowaada hee
|
| | Unrecorded Date to.kisima . kismaayo iyo kistaada iyo kaskaaga iyo karbuunadaada. walaashiis kismaayo saa sheegtay galti aa wareerisay waagii hore galtida geed aa lagu xiri jiray ka dibna wariiri aa loo gelin ayagaa degi jiray waxaa la siin jiray gabar iyo lamo geesleey asagaabo ugu horeeyo nabad aa dhahaayo dhibka ha la dhaafo laakiin saaamankaan waxaa soo baxay galti oo qori wadato kuwaas yaa maaro u haayo hee
|
| | Unrecorded Date TO,MAANYO @@@@@@@ WAA IGA QOSLISAY WALAAHI WAREERI AA
|
| | Unrecorded Date TO KISSIMA TAAKO ISKU QABO BO MAXAA WAAYE SAA ISKAGA SOO DABA DHECDHECSEEN HOODI HOODI AA ISOO TIRAAHDE ANI WAXAA DEGNAAY FAANOOLE GAAR AHAAN SHALEEMO AYAAN INTA LA GAARIN GURIGII KU GEES YAALE BAAR LUGU BAXSI.WARKA ISIIHEE MAXAA IGA DANBEEYEY.ANI INTAAN MAQLEY IGA HOO KOYTO AA MEESHA KU RAFATEY KISMAAYOOY WAA LAGU XUMEEYEY YAA KU XAAL MARINAA??
|
| | Unrecorded Date meesha dad layagaan ayaa heysto ee shagaadaada gabso in lagu caayo waad is taahishaa stpid
|
| | Unrecorded Date Asalam Alaikum waxaan ahay reer kismayo waan ku dhashay wanna ku so koray, waxaan daganaan jiray fanoole suq mugdi. waxaan dhigan jiray skoolka bilaal. peace
|
| | Unrecorded Date sure,sure,sure warame
|
| | Unrecorded Date waad wadasalaaman tihiin dhamaantiin reer kismaayo intaas kadib ruunti waan kufarxay markaan arkey inaad weli aad hadal heeysiin magaaladeeni aniga waxaan daganaan jirey calanleey majeengo waxa lobahna marka ugu horeysa inbog la iskubarto lafuro oo aan oga doodno xalada eykusugan tahay magaalada iyo sidi wax laga qaban laha waa mahadsan tihiin
|
| | Unrecorded Date as-salaamu calaykum wa raxmatu laahi wa barakaatu waxaa aad ugu faraxsanahay webka aan ku arko dad reer kismaayo ah waxaan degenaa oo aan ku dhashay faanoole waxaana lay dhahaa maxamed geelle dadkii loodkayga ahaa hadii meesha ay ku jiraan cadeeya magacyadiina waa lays garanaayaa mar kale aad ayaad u mahadsantihiin diinta iyo cilmigeeda barashadiisan ha lagu dadaalo intaas ayaan idiin dar daarmayaa jazaakumulaahu khayran mar kale waa maxamed geelle kabajiiq wa bilaahi towfiiq
|
| | Unrecorded Date JILIB IYO JEEBKAADA. KISMAAYO IYO KISTAADA. WAAMO IYO WAREERTOOY GOBOL DHEH
|
| | Unrecorded Date Xamardaye, Markii uu wiil reer Xamar ah u imaado qaraabadiisa reer Kismayoodka ah, oo uu damco inuu dhalinyarada soo dhex galo, waxaa loo haystay inuu baac yahay oo waa lagu ciyaari jiray, waxaa markhaati ka ah inta reer Kismayo ee meeshan soo gasho. Maxamed Geelle Kabajiiq, geedkii weynaa oo fiyooraha ahaa galtidii ma ka gooyeen gurigiina gadaashiisa, duqushkii u dhexeeyay idinka iyo bakhaarka, Carabkii Saalax Gaab ma soo cararay mise Kismayuu ku haray, odaygii waxaan sheegaa iska lahaa gurigii firinjeerka u ahaa Amino Saleebaan. Ii soo barya
|
| | Unrecorded Date Waraa Kissima, Geedi Shaamboow waaxid. XAMARDAYE waa ku faaninaayay adigana waa nagusoo jeesatay miyaa qandha quba cun badan qaade. Teeda kale hadaan reer Xamar nahay mar hadeey runta gaarto reer Kismaayo caruurta waa kasoo xareeysan jirnay ee ogoow. Saa rabtana u faham.
|
| | Unrecorded Date Al Carab Jarab, wa man shaafa Harab. Aa lasoo dhaqantay ee ogoow Kissima.
|
| | Unrecorded Date KISSIMA, ar adiga waa reeysaa,maxaan kuu arki waayay? waagi ololaha far-somaliga gobolada oo dhan lanoo diray,baashaal waa gaas ayuu jiray,si reeyso ayaan kuu baashaali lahaa,ciil badanaa.
|
| | Unrecorded Date Warta-suuqa, warka isiibo, ilmaha waa idinka soo xereysan jirnay aa, waraa ilmaheey gooyaan maa maqashay nacalaa dacaskaada ku taale, beledka ha u gafin waryaa. Fiiri, waligaa qubo ma cuntay? walaxaa kaa maqan saxibow. Xamardaye, Adi Xamar wax ma ka ogide iska dhaaf, Xamardaye aadba tahaye, Caliyaale iyo meelahaas aa ka imaatay aan u maleynaa mise Balcad. Ololihii maxaa Kismayo ka suubineysay, Sakhawadin maa dhigan jirtay, kuwaas aa imaadeen aan maqli jiraye.
|
| | Unrecorded Date TO REER KISMAAYO ANIGA WAXAN AHAY REER KISMAANYO YAA ARKAY REER MAJAANJOO AWALIBA GEED KAMADANBEEYO
|
| | Unrecorded Date to kismaayo iyo kistada waryaah reer shangani ahooy iyo reer balaja carab yaa arakay reer madiina ciyaal faa cali buula xuuway bakaraha boon dheere yaa arkay reer mac mac madiina xamar weyna xamar jajab reer booli qaran iyo bandir oo dhan kismaayo sixir dagay ayaad sheegeesiin reer kismaayo ha ugu sheegiin waaxasadiin dharkiis hataa waa naga furteen 1991 anagoo qaxeeno reer kismaayo hadii run sheegesan dadka xarada <aljaxiim laga rarayo wax uqabta yeman ayaa u bahaan <al jaxiim maloogatalagaliin qoxooti fadhigakaca soomali maryooley qabiil iyo qaran maqeesamaan yaa reer kismaayood oo gada
|
| | Unrecorded Date Hana, Adi waxa aa ka hadlaysid maba fahmin, af somaligaaga waa garamaagidhaa, af maleh, dabo maleh, meel loo raaco maleh. Haddii aad reer Xamar raadineysid maxaa inta ka soo doontay? Sakhraan maa tahay. Naag aan edeb leheen baa tahay
|
| | Unrecorded Date kissima, Adi laftigaada afsomaliga dhib aas ku gu yahay,waxaan u maleeynaa adiga inaa tihid BAAJUUN. REER XAMAR IYO XAMARDAYE MAKALA TAQAANAA? Hariisa iyo Quba cunta yaheey,waa soo shiiroohee. kaftan lee waaye.(lee gabadha waa ku daadisi) peace & luv
|
| | Unrecorded Date XAMARDAYE, Reer Kismayo ragooda gacanta bidixda eey ka laafyoodaan ee ma ogtahay? warkaas wax la gartay mayahay? Hana, Reer Kismayo ineey sixiroolayaal yihiin Soomaalida oo dhan waa taqaanaa ee qalad maadan ka sheegin.
|
| | Unrecorded Date TO KISSMA NAYAAH KISMAAYO WAXAA LOOGA TAGAA SIXIROOLAYAAL IYO SIRQO DHILO AH SAQIIR TUWAAKO CUNAAYO SOKEEYO XASIID AH EE XAMAREEY MEEY GARAAN XAMAR SIXIIR AYAAD KU ROGTEEN
|
| | Unrecorded Date REER DHOOBEEY, isha aad ka riday aniga waxaas afkeeyga ma karin, laakiin ha iloobin kismayo waa lagu badan yahay, nooc kasto waa laga helaa. kissima,magaalada u dood waa ku sidee? banaadir,u tartiibi gabadha inta ay ka soo fool dhaqaneeyso.
|
| | Unrecorded Date Horta , who invited you here, this page is exclusively for Kismayo, if you are not, then get out and take your stinky shoes with you, don't leave them behind. Reerdhoobey, Maxaa dhacay Kismayo maa lagugu faraxumeeyay, mise guy aa kugu dhacay, waxaas xadaaradda leey ka mid tahay, ma waxaa rabtay sidii ninkii Ciise ee intuu tooreeyda isku kala jaray yiri adduun rag lagu wasay maxaan ka joogi. Sixirkana farsamo lagu dheeryahay waaye, mar haddii islaantaada oo qubeysanaysa oo musqusha ku jirta, baaf intii biyo lagu shubo laga fiirsanaayo ka warran, technico lagu dheeryahay ma ohoo. Banadir, Adi waligaa Banaadir meel ey ku taalo ma arkin, Carta Nascita ma qabtaa?, haddaad qabin ka soo qaado Xamardaye. Sokeeyaha xaasidkana waxaa keenay dadkiina kor ka imaanaaya, maxaa yeelay markay abaar idinku dhacdo waxaan idiin soo direynaa Isuzu cambe iyo moos ah, waxaan noo soo direysiin saddex Isuzu oo galti ah intee geyneynaa anaka, oo waliba wexey rabaan in la masruufo oo galabtii oo dhan wuxuu rabaa inuu dumnad ciyaaro, habeenkiina casho kuu soo doonto. War martida waa maalin ama labo, laakiin ya arkay marti 25 sano ah, see waaye. Xamardaye waxaan u malaynaa waa i fahamtay
|
| | Unrecorded Date to banadir sxb marka hore in aad kismayo wax ka sheegto waa qalad.. ma sheeko ayaa ku maqashey.. ma( gabil-cadkii) aad galeyda u shiidi jirtey ayaa kaaga sheekeeyey......... sxb wrong page ayaa ku jirtaa ee sii garaangar peace and love
|
| | Unrecorded Date Kissima, Monsieur funky head you know this say ( Gurigaaga hadoow dhala yahay dadka ha tuuriyeeyn!) So, who started fingering the region thing? Mise waxaad u malaysay banaadir beer cidlo ah ee aad iska daaqi kartid. Saaxiibadaadi aaway xageey ka baxeen maa ciidan raadsatid si aad Kismayo u difaacataan? Xeey kuugu taal xitaa reer dhoobeey waakaa acuudi bilaysteen ee maxaan kuu tari karnaa saaxiiboow?
|
| | Unrecorded Date KISSIMA, ani waa bogay mar horana waa kuu sheegtay,adi ii kaalay aan ku siiyo carta nascita waa u qalantaa,dhoobeey iyo banaadir maxaa sidaas loogu galaa,ani waaba isixirti aan u maleeynaa,us sixir ma jiraane,ma ogi. peace sis
|
| | Unrecorded Date Warta, Saxib ani waa qirtay wixii aan qabay, sixir waa kuu sheegay technico waaye iyo cilmi, haddii ceeb laga dhigana ma noqoneyso. Axsaan aan kuu sameeynaa, yarta aa jeceshahay hal xabbo oo tinteeda ka mid ah boostada ii soo dhig, ayadoo kaa daba ooyneysa anaa ku tusinaayee. Xamardaye, lololol, maya saxib kuma sixrin, seen kuu sixraa inaa gabar tahay iyo in kale maba ogiye, perche ani nin aan ahay, dad aa magaca Kissima ku qaldamooya oo u maleeynaayo naag. Carta Nacsita oo Kismayo aan qabaa too kalena maba arbi haddii beeso la iigu daro xataa. Ayaantii oo ciyaaraha gobolada la qaban jiray aa waxaa ciyaaraayay gobol oo reer koraad eh (waa i fahamtay aan u maleenaa) iyo Kismayo, Reer koraad shan aa laga dhaliyay, guy oo reer koraad eh oo tribuunka fadhiyay aa wuxuu dhahay, fal iyo balaayo ayay la wareegayaan ee yaa ka badin kara, car waa kaase baratanka ha u soo bexeen, tifooshii Kismayo aa wuxuu dhahay anaka tuugo maa nahay maxaa roor nagu wato.........@@@@@@@ Waa i fahamtay,....ii soo bari hee
|
| | Unrecorded Date to banaaadir banaadir aa ar naga qalee shengaani aa ka fiican meeshaas dameer wadayaasha aa meeshaas degnaayee
|
| | Unrecorded Date to dhamaan ogaada kismaayo waa meel fiican laakiin waxaa sheegto kuwo reer baadiye ah oo xoolaha u raaci jiray from bushyaal la ogyahay
|
| | Unrecorded Date KISSIMA, waa soo sama kacay,nabadeey aan qabaa,sifiican aan kuu fahmay(reer koraad)aa waa iga qoslisiisay,sixir waa wax jiro ninki yaqaano ayaana ku shaqeesto,waxaan tegay mar JILIB tuulo ka tirsan gabar ayaa guriga lagu celin kari waayay dharka inta iska dhigto ayeey dhinaca wabiga u cararee,aniga waa wareeray,habeen nimadi gabadhi webigi ayeey isku tuurtay sidi ayaa loo waayay,waxaa la yiri gabadha nin ayaa jeclaa waa loo diiday,reerkeeda ninkaleh ayeey la rabeen,ninka la la rabay isagana wuxuu ahaa nin sixirka wax ka yaqaano,maalmo ka dib isagina yixaas ayaa qaaday,hilibkiisi qaar ayaa la soo helay,gabadhise waxaa la yiri yixaaski ma cunin oo ninki u soo dirsaday ayuu u geeyay,run ayeeyna noqotay gabadhi ninki waa la siiyay marki dambe. WARTA;iska jir hee,gabar timaheed dhiib intaad is leedahay ha isku dhiibin timahaada,oo wabiga hala gaaga yeero. kissima soo dhawoow hee,adiga reer koraad ma tihid.
|
| | Unrecorded Date KISSIMA, marka dambe waxaa wax kaa soo weeydiinaa xaafada FARJANO iyo agagaarkeeda ee is diyaari hee.
|
| | Unrecorded Date Iga wad balaayo tima ha usoo dhiibtee, waxaan ka cabsanaa inoow forumka iigasoo dhax baxo ee yaasiimanka, qulawallaha tabaaraka iyo quluuxiyo aad igu ogtahay XAMARDAYE.
|
| | Unrecorded Date to warame ar reer kismaayo maad eheed wax iiga sheeg sheegbo to xamardaye adne reer waamo maad eheed xamardaye aa bro you are more like kismaayodaye how does that sound to you? garabkiin reer kismaayayaasha(no disrespect OK)
|
| | Unrecorded Date shengaani, sheekada inteedi hore haddii aad la socotay su'aashaas ima soo weeydiiseen,gobolka jubada dhexe mar ayaan socdaal ku tegay waxoogaana soo joogay,just khibrad waxoogaa ayaan u leeyahay. shengaani maxaa dhacay adiga marna ma tegin kismaayo?aloro adiga shengaani weli ma dhex bixin aan u mudaa, lol WAAMO qoobka ciyaar aa loo tegi jiray,taas ma ku dhaaftay.
|
| | Unrecorded Date TO XAMARDAYE AR ANI KISMAAYO HALMAR LEEN KUBADA CAGTA U TAGNAY HALKII MARNE KANEECO AA EBER IGA SOO DHIGTEY LAAKIIN MEEL AY KAA TEHE SUUQ MUGDI MA ARAGTEY HORTI SUPERMAKETKA KU YAAL MINOSOTA UU EGYAHAY. TO WARAME MA IGA XANAAQDE WAAN ISKA KAFTAMAAYE LEE ANI SHENGAANI LEE WAAYE SHEEKAALE LEEN KAA AHAY ok
|
| | Unrecorded Date shengaani, runta lee ma iska sheegtidoo,adi KISMAAYO weligaa ma tegin,kismaayo dhilmaayo aa joogto yaa ku yiri,ar adigaa inaan iska caaydo aan rabaa ma iska tiraahdidoo,waxaa ii sheegtaa shabaga sariirta lagu xirto marka la seexanaayo jilib iyo jamaame maxaa la yiraahdaa neh,ama iyaga maxeey u yaqaaniin,oo dhilmaayada la isaga ilaaliyo. carabkaada waa dhaqmi,la engejiyo aas u baahan yahay hadaneh,carabkaada dhib badanaa us.
|
| | Unrecorded Date Shengaani, Adi waxaan u maleehaa in Qoryooley eey ku geeyeen eey ku dheheen Kismayo waa joogtaa, perche Kismao xeeb waaye kaneecana ma qabto, kubbad cag haddaa u imaatayna waxaan u maleehaa cashar fiican waa lagu soo siiyay oo ebidkaa aa hilmaameynin. Waxaan ka baqaayay timahaada inaa u maleysid kuwii yarta oo ii soo dirtid, markaan kuu farsameeyana adi lee aa is jeclaatid, lolo@@@@@@. Xamardaye, Fiiri saxib dadka kaleba eri iyo lo' ma qabaanoo, maxaa anaka noogu diidee yixaaska, xoolo maxaa loo dhaqdaa anfac lee ma ahanoo, yixaaskaba anfac aas noo leeyahay, hadda ninkaas gabartaas ma heli lahaay haddiis farsamadaas kaseenin, heeeeh see waaye ma la isku dheelaane. Waa jeclaan lahaay inaan mar adiga iyo Shengaani Kismayo idinku arko laakiin reer koraad aa naga qasi beledkii. Ii soo barya hee
|
| | Unrecorded Date KISSIMA, waxaad ii sheegtaa xaafada farjano oday deganaa oo u shaqeey jiray insurance ka,qaybta caafimaadka oo la dhaho MUUSE WAAMBE ma taqiinay? runtaa waa yeh ari iyo lo' oo kaleh aas idiin yahay yaxaaska,qubo neh waxay idiin tahay GEEL camal maa hinoo. SHENGAANI, waa kuu sheegay ani,kismaayo dhilmaayo maleh,waa na ceebeeysay ee adi GOSHA maa tagtay?waa u maleeyhaa.
|
| | Unrecorded Date to kassima &xamardaye labadiina ha iskugu kee tagina noo. ani kismaayo wax ma ka sheegin waxaa dhehe ma maqlinoo supermarketka ku yaal minosota suuq mugdi aas u ekaay. to warame ar kuwaaneey iga qabo xamaa baraan wakaan garabkaa
|
| | Unrecorded Date shengaani, saaxib kismaayo wax xun aad ka sheegtay malagu dhihin ee wax aadan aqoonin ayaad ka sheegtay oo aan jirin,teeda kaleh see la isugu kaa taqaa,shengaani aadba hugataye ha kuu macaanaato saaxib.
|
| | Unrecorded Date Xamardaye, See waaye saxib qof reer Kismayo asal eh oo Muse Waambe kaseynin maa jiro? wiilashiisa aan saxib eheen Jeylani iyo C/xakiim, in kastoo mar hore iigu dambeysay, inta waxaa nala joogo saddex ilmood oow dhalay odeyga, Xasan, Xusen iyo Malyun. Dadkii asalooti dhan waa kasaayaan duqa. Saxibkaa Shengaani maxaas keenay waa la igu goobtay aa? Goobasho reer Shengaani leen u dhaafnay anaka dhinacaas waa nalooga fiicanyahay. Shengaani, Fa niji am sakee daiga, nitee ku rabatay, maxar am laga sakaayee. Haddii faanka naga badbadisid waxaan u qaadanaynaa isfooto ee naga yareey yaa. Haddiis dagaalka dhamaado oo reer koraad isku baaba'aan waxaa ka marti qaadantahay Hotel Wamo ku bishaarayso todobo cawo iyo todobo beri waa lagaa tumaa. Ii soo barya hee
|
| | Unrecorded Date KISSIMA, gacan aan kuu taagay,asalooti iyo nus aad tahay,wiilashaas kii aad akhbaarkiisa rabtid waa laguu haayaa,su'aal bis aa kaa xigto,jeylaani,siciid,a/xakiin,cumar,cabdalla,c/risaaq,waa runtaa,inta kaleh meelahaan ayeey nala joogaan,kissima waxaa jiray oday kaleh oo ay yiraahdaan Axmed Geelle,haye isagana ma ii heeysaa, e-mail keeyga ayaan ku sii naa waa sheekeeysaneeynaa. shengaani: af jini ma kasee adiga intee ku baratay xamar malagaa ka saayee,yaan lagu qashiin sanin saas wax isaga celi,ka kasti aa lagu yiri.
|
| | Unrecorded Date Xamardaye Warka iga qabo saxib, Axmed Geelle daris aan eheen , odeygii geed macsarka lahaay ma sheegeysidoo, wiilkiisana waxaa la dhihi jiray Cabdullahi Axmed Geele,,ma aqaan hadda meel iigu dambeysay, saxib Jeilani Muse meel iigu sheeg. Labadaas qof haddii aad i weydiisay reer beled aa tahay ee ii wad sheekada. Shengaani martiqaadkii loo fidiyay muxuu ku jawaabay. Af jinniga ciyaal Campo waa ka filaayay laakiin Shangaani maya, inuu is qarinaayo ma sheegin laakin. ii soo barya waa degdegaayaa maanta
|
| | Unrecorded Date to kissima maya,maya ,maya ani ha igu cabinhee afka halohoo leen kuwoo saaxiibo nehe leen ka bartee.qof oon reer sikmaayo eheen ma baran karo yimaa?ar naga qalee hee ani fa nijigii reer campo iyo kii reer waqooyi iyo kanbo waa kuu kasahee.iska kee celi..soo daay waxaad heeisbo! e-mailkaaga soo daay usne. garabkiin. xamardaye carab la rugo leed kuu haysaayee maxaan sheegi ani wax run leen sheegiyee...taas na ma li'isku qabsade hooow reer kismaayo hortiin ee xanaaqaan moohoo it is an old saying it seems it came true ciao tutti
|
| | Unrecorded Date KISSIMA, adi aa iga daran,waayo waayo aad isoo xasuusisay, \jeeylaani iyo C/xakiin waxay joogaan LONDON,haddii aad u baahato meel aad kala xiriirto waa kuu haayaa Cabdulaahi Axmed geele,walaashiis tii ugu wayneed in ay dhimatay ma maqashay,xamar ayeey ku dhimatay iyaga oo dhan xamar ayeey joogaan. SHENGAANI,wax dhibaato ah ma jiraan,iska hor imaad lee aan diiday,adigana gacal isagana gacal soo dhawaada labadiinaba xumaan la'aan. ee su'aal?
|
| | Unrecorded Date KISSIMA, IGALA SOO XIRIIR HALKAN:xamardaye@yahoo.com Neefoow,adiga akhbaartaada waa haayaa,oday baad tahay waad ila soo xiriiri kartaa laakiin hebel iga dhaqaaji. warta ka waran?
|
| | Unrecorded Date to shengaani adi kashifaadaan maxaa waaye ani reer kismaayo ma ihi laakiin qaxii leen jug soo siiyey.meel fiican waaye yaa adi hadii kugu xumaatey.wax fag-fagoow walax qar-qariyoow aa ka fiican garabkaa
|
| | Unrecorded Date to xamardaye su'aashaada soo daaybo! to warame HASHAC!ma iskeentibo warame war la uumba uumbeeyo waykac aa ka roon.taas wax la qarin karo ma ihinee korkeey fiiribo miciyihii igu jajabay aa ilaa hadi igu jiro mar dhiw "body surgery"aanba sameesanaa ,saanbo si ma ahee. waan sii luudaayaa ee garabkiin.
|
| | Unrecorded Date Ar Shangaani ma joogtidoo, miciyaasha kugu jiraan waxaan u maleehaa shinni adoo malab ka xadeysid eey kugu shamuumtay Afgoye iyo meelahaas, jahwareerkii aa u maleesi inaa Kismayo joogtid haye? Kismayo haddii kaneeco qabto Shangaanina waa qabtaa perche lamadoodbo xeeb waaye. Fa nijiga dahaa bartidna ow galu rabaa, galacna am galaa daaqaayo, laamin sakto lah sixo aa galuu yiisaa. Xamardaye, Adi London miyaa? Jeilani iyo C/xakiin meesha mey joogaan? ar haddaan ogaan lahaa waxaan imaaday Last October 99'kii, wax reer Kismayo waxan ka arkay hal qof, guy la dhaho Niinow oo misione ah, laakiin dad kale waa waayay in kastoo two weeks lee aan joogay. Ii soo barya hee
|
| | Unrecorded Date to kassima adi cadeen kale oo rabtid in kismaayo tagey maxee tehe haye tan maqalbo ma kasee reer baaqashwayne reerkaas aan ku soo dage markii tage halkaas.shengaani iyo kismaayo maxaa isku keene widaayoow,kismaayo dhilmaayo ku hoolaneeso iyo shangaani dhilmaayadeeda dadke martida si lo soo dhaweeyo ee taqaanaa tan oo kale ma aho oo dheheesoo KAC_TAG imoodbo meesheed iyo meel ka dheer. ar kismaayodaye soo daasidoo su'aashaada ha la baqin adi! garabkiin heeeeeee
|
| | Unrecorded Date kissima, maya aniga meeshaas ma joogi,waanse ka warqabaa,horay ayaana kuu iri marki aad u baahatid diyaar,waambe ilmahiisa haddii ay jiraan qaar aad is aragtaan ma i soo aadin kartaa sii e-mailka,teeda kaleh adi shengaani waaba ku keen keentay bee,ka qafiifi,habaryarteey aadhashaye.ha ha haaaaaaa gux gux gaax gaaaaaaax. shengaani, anigana baay aan wataan qofki ku soo aadaba waa xanjafiyoohaa,adigana magaceeyga aaba bed bedeleeysaa,saas maxaa waaye,intii magaceeyga iiga soo celineeysid wax ma ku weeydiihaayi. nabad iyo caano.
|
| | Unrecorded Date to: warta suuqa ninyahaw sheekada kismaayo leey taagan tahay . maxaa keenay carab jarab.carabtii kismaayo maxaa karabtaa...ma ogid wakhtigan in laga xishoodo in society ama qabiil loo gafo.naga ilaali saaxiib to :kissima waryaa kismaayo aniga waa jeclaa weligeey inkastoo aanan tegin laakin markaad ciyaal xamar afkaaga xun lasoo gashay ayaan nacay kismaayo,hadiiba adigoo kale ka timid.reer xamar waa kaa ree magaalsan yihiin.sixir ayaadba ku faanee,ilaaheey i geeynin malaha hashooyaa i sixran laheedba hadaan isku tagilahaa meeshaas. kaalay imaaw xamar waxaan kugu marti qaadeynaa baar curuuba mise 54 ama jubba xitaa,mise waaba kaa yara bixineynaa magaalada waxan ku geeyneynaa baar xaraf.ama (culture de france0ayaan coffee kaa siineynaa filn french ah oo macaanna waa kaa daawadsiineynaa.ama waxaasoo dhanba kasoo tag ee xeebta jaziira ayaan kugu soo bareynaa dabbaasha (swimming).adigoo reer magaal noqday ayaan kugu celineynaa kismaayo.waxaan weligay moodi jiray in kismaayo caasimada labaad tahay dhinaca reermagaalnimada laakin waa banjarteen reer kismaayo.qubadii shiirka badneed aa idinka soo ureyso weli.hadaad nabad rabtiinna ciyaal xamar mardambe wax haka sheegina. haye kaftan lee waaye yaan la xanaaqin. waa jamaaal4(xamaraawi asal)
|
| | Unrecorded Date to xamardaye adi intee kula kaftamaaye aabo run u qaadatey miyaa??saas hadeey tehe xaal ,,,,,ween iga qaado horti! to kissima adi luuqa ka soo bax noo to jamal 4 kismaayo ma kaa istaahisho inaad ceysid waa wadan soomaaliya ka mid eh ,teeda kale reer xamar asal tehe saan waabo ka ilbaxsanaan leheed. enough said. peace shangaani!
|
| | Unrecorded Date Jamaal4, Adi Xamar waa ceebeysay, saanbo haddaa reer Xamar ku tahay, Xamareeeeey Xaal qaado. Xamardaye iyo Shangaani intii oon la sheekeysanaayi Xamar beled beled camal aan u arkaayi laakiin adibo haddii ka imaatay gadaal ha la iskugu noqdo, Xamar dadkeeda baaritaan ha lagu suubiyo. Reer magaalnimada oo reer Kismayo laga waayay intey taalaa saxib. Shangaani, maxaa carab maa wax kuu galaan, reer Bakhashweyn waa la yaqaanaa dad asal eh waaye, in kastoo hadda reer koraad ey ka bursadeen mininkooda. Xamardaye, warka lamo lamo saxib Ii soo barya hee
|
| | Unrecorded Date to kissima maya,maya,maya, wiilkoo saaxiib nehe ee wax isku ahaayeen marka meeshii hore ku dagney waa igu xumaatey laakiin wiilka i dhehe imaaw meehaas marka saas aan ku tagey ,ani carab ma ihi don't get the wrong picture ok! <<<<<<bzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzz>>>>>>>>>>>i am out. xamardaye adi saad u xanaaqdye miyaa markaad faraxsantehe ha isoo marinbo! <<<<<<<<<<<bzzzzzzzzzzzz adios ppple>>>>>>>
|
| | Unrecorded Date shengaani, tuug la qabtay talo maleh, yaa magac aad inooga dhigee caay miyaa, markiin xanaaqo garoor aan ku siihaa, laakiin markiin farax sanahay, daay waa ka dhargee, siin ku xanaaqo aa adag, adi iyo garoor waa is deeyseen. kissima, mooradaadi maas soo galay? cargaag aad la leentay. lama lamo,isii sisinta. nabad iyo caano.
|
| | Thursday, June 15, 2000 - 05:45 am Ar aaway dadkiin is kasi jirnay, Xamardaye aaway, shangaani intees ka baxay, waa ogahay Somalinet aa niigu dheeshay laakiin hadda kistoo waa is nooleeyeen, firimbi eey yeeriyeen ha la soo noqdo eey dheheen. Warka soo deeya hee
|
| | Thursday, January 01, 1970 - 12:56 pm kismaaaaaaaaaaaaaaaaayo l love kismaaaaaaaaaayo waxaan ku dhashay faanoole footo xarago agteeda waxaan iskuul ka dhigan jiray calaleey kismaaaaaayo yaaaaaa kuu kasaayay sahro
|