Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran XABASHIDA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Unrecorded Date
Walaalayaal Waxaan akhriyey qoraalkan, waxaana aad uga murugoodey xaalada aan maanta ku jirno iyo sida ay Xabshida dadkeena Soomaaliyeed ula dhaqmayaan.

Waxaan xabashida xusuusinayaa in aysan nagu arkin kala daadsanaanta aan maanta ku jirno ayna ogaadaan umad aan ka adagnahayba in ay Xabashidu jirto, waxaana soo noqon doonaa anagoo ku luqeyneyna "taliska nuguloow niyad jabkaa ahoow naflacaariga ah naxashka saaranoow"

waxaan kaloo walaalahey Soomaaliyeed xusuusinayaa in xabshidu inoo heyn wax tolnimo iyo naxariis ah ayna yihiin dadka cadowga ugu asalsan ay soomaali leeyihiin iyo cadowga koowaad ee islaamka ayaga iyo ruushka, serbiyiinta iyo wixii Orthdox sheegtaba.

bal ila akhri Qoraalka ka soo baxay jariidad ka soo baxda magaalada Boosaaso.

waad mahadsantihiin.

Qoraalkan waxaa noo soo gudbiyey Bashir Sh.Mohamed oo ku nool waddanka Talyaniga.

"DIXIRIGII KA SOO BAXAY MAYDKII XABSIGA KU DHINTAY INTII AAN XIRNAYN AYAA ANAGAOO NOOL NA CUNAY…"KUTUBO QURAAN AYAA WAXAA NALAGU YIRI KUNA ISTAAGA, HANA LAGU KAADSHO" Wareysi nin 17 bilood ku xiraa Itoobiya.

Todobaad ka hor waxaa xarunta wargeyska Sahan ee Boosaaso soo gaarey nin diif iyo dhibaato xoog lihi ka muuqato korkiisa, maalmihii la soo dhaafay ayaa ninkaas la dhigay Itbitaalka guud ee magaalada, waxaa horay u dhamaatay mid ka mid ah labadiisa xaniinyood dhibaato ka soo gaartey garaacis iyo ciqaabo lagu sameeyey awgeed sida uu sheegay, tii kalana waxaa laga saarey intii uu joogay Boosaaso ka dib markii ay ay bukootey.

Ninkan oo la yiraahdo Axmed Xasan Maxamud, waxa uu sheegay in laga qabtay magaalada Dhagaxbuur, bartamihii 1998kii, wuxuuna xirnaa sanad iyo shan bilood "intaas aan xiraana war iyo wacaalo laygama hayn, waxaana la soo daayey muddo ay ka soo wareegtay bil iyo xoogaa’ ayuu yiri Axmed Xasan oo u waramayay Wargeyska Sahan. Mar aan wax ka waydiinay sababtii lo qabtay waxaa uu noo sheegay, in uu ahaa nin safar ah oo wata Timir iyo Sonkor, kana safray Boosaaso, "markii aan halkaa tagay ayaa Ciidanka Itoobiya I qabteen, waxaana laygu yiri wxaa tahay Itixaad sidaas baa laygu xiray, aniguna Itixaad ma ahayn ee waxaan ahaa wadaad Saalixiya ah, alaabtii aan watay labadiiba waa lala wareegay, waxayna igu yiraahdeen alaabtaan waxaad u wadaa Taakulayn. Ilaa iyo hadana wax iiga soo noqday ma ay jiraan, oo waxa la wareegay Dowlada Itoobiya, markii lay yiri iska soco wax aan kuu hayno malehe" ayuu yiri Axmed.

Axmed waxaa kale oo uu sheegay in lagu xiray xabsiga Qabri bayax kadibna loo gudbiyey Xabsiga ku yaal meel duur ah oo shub ka samaysan, wuxuuna intaas raaciyey in indhaha laga xiray markii ay marayeen Tuulada Haramaayo oo u dhaxaysa Harar iyo Diridhabe, waxaa nagu bilaabay durbadiiba ayuu yiri garaac iyo jirdil, iyadoo nala waydiinayo in aan Itixaad nahay iyo in kale.

Axmed isga oo ka waramaya noloshii xabsiga waxa uu yiri "ragii ila socday waa nala kala reebay, god ayaana nala geliyey, 7 qofba waxaa la galiyaa hal god oo lagu ridaa gododkaas oo ah kuwo badan daboolkooduna iyo albaabkooduna waa shub, kaadidii iyo saxaradiina waa ku jirtaa, oo sidii xeero Alla bari taal ayay todobaadyada waligeedba na dhex ooli jirtay, bahaladii halkaa ka dhashayna sida baranbaradii iyo cayayaankii kale baa ku soo galaya oo ku cunaya, marka raashinka nala siiyo ee ay cuntadu gacantaada soo gasho waxaadan iska celin Karin Baranbaro oo kuligaa ku tafaysa"

Mar aan waydiinay dhibka ugu weyn ee xabsiga yaal waxaana ku jawaabay; "Jirdil si Bai’aadamnimada ka baxsan, ayadoo koronto lagugu qabanayo, dhabarka oo bir lagaa saarayo, bahal feerada dharka oo kale ah oo dabaysan hadii lagugu qatona hadii lagugu jirkaagu kalla daadanayo, markii lagu mariyo baa waxaa jirkaaga ka boodaya qiiq madoow, marka dadka la ciqaabayo Godkii intaan lagaa soo bixin ayaa indhaha lagaa xirayaa, Garaa lagugu soo qaadayaa" wuxuuna intaas raaciyay in la geyn jiray maxkamad khaas ah oo aan cidi kale joogin dhexdeedana lagu garaaci jiray taasi oo ku taal Diridhabe,

Waxaa naloo keeni jiray ayuu yiri nin Soomaali ku hadlaya oo calaamadda kiritaanku ay qoorta ugu jirto, si uu uga turjubaano. Maxkamadaas gudaheeda ayaa katiinad xaniinyaha nalooga qabtaa, bir ayaa dhabarka lagaa saarayaa saacadana waa laguu qabanayaa 10 daqiiqo markey ku saarnaatona waad miyir beelaysaa, ayuu yiri Axmed oo wali sheekadi wada, wuxuu intaas raaciyey, in gododkaas ay ku xiranyihiin Soomaali ka abadan 170 nin kuwaasoo uu ku qiyaasay in kabadan afar meelood marka loo qaybiyo saddex ka mid ahi ay yihiin dad aan wax lug ah ku lahayn ururka Itixaad, wuxuuna intaas ku daray in maxaabiista qaarkeed sheegeen in ay ari la joogeen markii la soo qabtay, kuwaasoo aan waligood alifka quraanba dhigan, Axmed Xasan waxaa kale oo uu sheegay in qaar ka mid ah dadku ay sheegteen in ay Itixaad kuwa ugu daran yihiin si loo dilo iyaga oo aan ahayn markii ay xamili waayeen noloshii jeelka.

Mar aaan Axmed su’aalnay wixii ugu naxdinta badnaa intii jeelka ku jiray waxa uu ku jawaabay: "waxaa iigu naxdinta badnaa markii ay ku dhinten 3 nin oo maxaabiistayadii ka mid ahaa maydkoodiina nalagula jirey godka 1 casho, oo ay meeshaas ku googo’een oo markii Dixirigii ka soo baaxay anagii na cunay ka dibna maydkaas lafahiisii ayaa nalaga saaray oo waxaa ay yiraahdeen waa ay isku dilayaan ee lafaha uun ha laga qaado, sababtoo ah in nala dilo raali baan ka ahayn anana hadaanu haysano wax aan isku dilno waanu is dili lahayn, waxaa kale oo ka mid ahaa maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa naloosoo saaray banaanka oo waxaa la soo bixiyey kutobo Quraan ah waxaa nalagu yiri kuna istaaga kitaabada, hana lagu kaadsho, kadib waxaa dhacday in inkii noogu horeeyey intuu qaaday uu dhunkadey, intayadii kalana aan sidaas oo kale yeelnay, ayaa askartii waxay maalintaas nagu ciqaabtay in ay na figeeyaan kuligayoba. Maalintii danbe ayaa waxaa naloo qaybiyey dhalooyin khamri ah oo waxaa la yiri ninkii caba waa la sii daynayaa, markaasaa niman aan waligood khamri cabini ay isku xaareen oo afkii googo’ay, in la sii daayo iskaba daaye waa looga sii daray" ayuu si quus leh u yiri Axmed. Axmed waa uu ii waday xgwarankii uu siinayay wargeysa Sahan oo wuxuu yiri "dadka halkaas ku jira wax ka warqaba ma ay jiraan, tusaale ahaan aniga xaaskaygii waa la dumaalany waxayna ii haysay 4 caruur ah, wax meesha lagu soo xiro waxaa ugu danbeeyey rag 41 nin ah oo laga soo xiray dhinaca iyo Doolow, magacyadoodana aanan wax ka aqoon, dadka halkaas ku xiran qaarkood waxaa ay ka gudbeen noloshii aadaanaha waxayna u gudbeen midi dugaaga, mana dhiman mana noola, marka aan suureeyana dhibaatada halkaas ka jirta oo aan soo aragnay waxaan oran karaa TACDIIBUL ISLAM, Dhibaatooyinka aniga halkaas iga soo gaarey waxaa ka mid ah, waan ku xiniiyo belay, midi way way dhamaatay, intay dilaacday sidii ay u dheecaameysay, tii kalena waa la iga saaray korkaygana waadba aragtaan, Mudadaa aan xiraa 11 17ka bilood ah hal maalin ma qubaysan oo nalooma ogolayn"

Ugu danbayntiina waxaa Axmed wax ka waydiinay waxa uu ka xasuusto magacyadii dadkii halkaas uu kaga yimid, kuwii dhintay iyo kuwa kale ee la sii daayay, isagoo su’aashaas ka jawaabayana waxa uu yiri, waxaa ka mid ahaa kuwa xabsiga aan kaga imid: 1- Saciid Cabdulle oo Ciidagale ah. 2- Axmed Shiikh Mumin oo Ogadeen ah. 3- Ina Catoosh oo Leelkase ah. 4- Cali Caydan oo Dhulbahante ah. 5-Axmed Faarax oo Cali Saleebaan ah. 6- Nuur Qurde oo Mareexaanka reer Doolow ah. 7-Maxamed Xaaji Cumar oo Gaadsan ah. 8- Caraale Ducale oo Habaryoonis ah. 9-Shiikh Bashiir oo Ogadeen reer Isaq ah. 10- Sh. Maxamed Saalax Macalin Yusuf oo Ogadeen reer Cabdulle iyo Axmed Xaaji Muumin oo aanan garanaynin Qabiilkiisa. Waxaa kaloo ka mid ah nin Carab ah aanuna ku qiyaasaynay in uu u dhashay dalka Masar kuna hadlayey luqada carabiga, ahaana TABLIIQ oo in mudo ah ku jiray halkaasi magacisana aanan aqoonin nagalana joogay waxaan Soomaali ahayn kaligiis, sheegtayna in laga qabtay Jigjiga nawaaxigeeda. Waxaa iray sadex nin oo ku dhintay xabsiga oo la kala oran jiray. 1-Bashiir Muuse Aadan oo Ogadeen/Cawlyahan. 2- Ina Jacfar oo Habar-Gidir ahaa 3- Cabdi nuur Faarax Ogadeen/Bahgarri ahaa, saddexdaa nin madaxaa qarxay labana waa xiniinyo beeleen sidii katinad loogu qabanayey ayaa kaadidi ku dhegtay, waxaa nala soo wada daayey Cumar Dharaar oo Ciise Muuse ah"

SAHAN SANADKA 4AAD CADDADKA 155 ISNIIN 14/FEBRAAYO/00 9 DULQACDA 1420 BOG5

XARUNTA WARGEYSKA SAHAN BOOSAASO TEL: 6224 AMA 826111

Waxaan mahad u diraynaa Bashir Sh.Mohamed oo noo soo gudbiyey qoraalkan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maanyo

Unrecorded Date
to wadani


ilaahay aan ugu baryeynaa maxaabiistaas in cadowga ka badbaadiyo inta ku hartay xabsiga amxaar xaasid waaye waa ogtihiin ilaahoow ka badbaadi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Unrecorded Date
Wadani -Soo qoraalka boga hore ku yaal maaha? Maxaa kugu kalifay inaad mar labaad soo qorto? Dadka boga hore ka doontaa oran kartay adoo somalinet qayb kale ka buuxin ama khasaarin.

Waa qiso aad u naxdin leh waana mid ku dhici karta qof walba oo Soomaali ah.

Mahad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonmous

Unrecorded Date
My God i am shaken by this story,why we are suffering so much, what we have done to deserve this, we became like the jewish of the 1930's.
i can only say god help us,i donn't think so that we've committed so much "dunoob"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum
waxaan filayaa qisadaan ineeytahay dhibaatooyinka uugu yaryar ee umada soomaaliyeed kasoogaara maalin walba guumeeystaha itoopia.waxaad se ku calool fayoobaataan nin aan is ciilin lama ciilo.inagaa is dilee aan is eedno.ragaana xiridooda soomaali baa kadan beeysay.hadayna kadanbeeynin lamaba guumeeysteen. ilaahoow soomaali quluubtooda iyo taladooda midka yeel.
waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shadiya

Unrecorded Date
Dadkagoow waan yabnahay meshey taldiinu ku danbaynayso sabtoo ah amxaarad ka hadlaysaan miyaydaan ahayn kuwa wadankooda soo liqay ee dhexdoodana aduunka isugu neceb ee qoloqolo arki karin xitaa wadanka dhexdisa aan la isku gudbi karin.War maynu runta isku sheegno gumaysi amxaar waligii wuu jiray iyo mid kenyati ay dhulka somalida ay haystaan dartood ku samynayeen somalda dhulkaa dagta.Markaa waxaan idin odhan lahaa qaasatan raga idinkaa wadankii sharaftii iyo magaciiba ka qaadaye idinku is eersada intaad reer hebel yay idin xukumin ku jirtaan duli walboo injir leh ha idin dulaysteen .Waxana taas u leeyhay waad ogtihiin oo manta somaliyey meelkastoon jogno oo qurbo ah sharaf kuma lihin sabtoo ah umad waxaa loga baqaa markay isku duuban tahay amam looga danbeeyaa lakiin dad aan dawlad lahayn mam iyagii 100 community leh xagee lagayn yase raba .Manta xitaa hadii qof somali ah wax ku dhacaan malihin community xoog leh oo wax u qaban kara ama looga baqayo sabtuna waa magac xumada ay maanta somali wayn huwan tahay hadalkii oo dhana bal rag iyo dumar intaad isku tagtaan idinku bal wax go,aan sada intaad dadkale eeda saraysaan oo awalba xoog dhulkina ku haystay.