Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Qaabkeebaa ku haboon xanaa neeynta caruurta?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

ubadku waa mustaqbalkii bari.

waxaan filayaa in dadbadan ku kala duwan yihiin aragtida xanaanada caruurta, qaarbaa waxay aamin san yihiin sidan
1.hooyada ayaa kuhaboon in ay guriga joogto oo ilmaheeda xanaaneeysato
2.waxaa haboon in lageeyo meelaha ilmaha lagu xanaa neeyo day care center waayo bulshay buu ilmu noqonayaa waxna wuu baranayaa.
3.waxan ii saamixin dhaqaalo markaa waa inaan xanaano kutuuraa si aan badarka u xasiliyo.

sideed adigu la jeclaan laheed ubadkaaga? ama sideed u aragtaa dhiibo taladaada.waakabaxay

waxaan filayaa rayigeeyga in ubadkaaga aad adigu xanaaneeysato meesha cidkale kaxanaaneeyn laheed.tusaale sida hooyo cunugeeda oo kufay uxanbaarto amaan teacher day care joogaa u qaadeeynin!!! waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shamso

Unrecorded Date
abeewee gurey ani waxaan leeyahay gabar yar oo dadeeda tahay 3 1/2. markaaseeyto waxaan geeyaa xanaanada duqeeygana waa shaqeeyaa.markaa waxaa ila fiican noo in ilmaha halkaas aywaxku bartaan ku koraan si hadhoowna bulshada uraacaan iskookane ula qabsadaan.laakiin aboowe waxaan layaabay hadhoow ameey hooyo ahaan ii dareemi waysaa.laakiin xananada aa ila roon ani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nawaal

Unrecorded Date
horta waa idin salaamay arintaaneeyto waa arin xiiso leh oo waxa eey kusab santahay danta ilmaheena oo ah mustaqbalkii barito.waxaan layaabaybo in soomaalideena dad oo saan u fikiraayo ku jiraan oo beelo ah.fikradeeyda waxay ila tahay ani waxa aan qabaa lama wiil mid waa 4 jir midna waa 5 jir,markaa waxaa guriga iigu heen jiray qof muslim ah oo waliba soomaali ah markaasna aan lacag siin jiray.wax yaabaha oo qoraanka baridiisa sabti iyo axad aa lageeyaa duqsiga quraanka.gurigana aabahood aa wax kubara sida xisaabta iyo englishka.ha dhoow waxbarashada waa laqabsan doonaan waana ii edeb san yihiin.waana ijecel yihiin ana waa jeclahay ilmaheyga marka sideen uugu aaminaa xanaano caruureed oo uu ku jiro cunug saqajaan ah oo walidkiis edeb barin macalimiinta xanaanadana madaneeynayaan ilmahaada.waxaa ila roon in ilmaha guryaha lagu heeysto oo lagu xanaaneeyo hadii kale waalagaa kharibaa!!! been waaye waxbaa labaraa,iyo waxay noqonayaan socialization.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ninraga

Unrecorded Date
salaam kuligiinbo waxaan ani ahaan ka dhihi lahaa arintaan ilmaha in wax labaro oo sifiican lookoriyo aamuhiim ah kahor inteeysan gaarin school. markaa hadii aad awoow uleedahay inaad waxa layiraahdo homeschool aad u diyaariso caruurtaada waa tan uugu fiican,hadii aadan taa yeeli karin waxaad sameeysaa udir buplic day care center oo halaguu taba baro si ay bari ula qabsadaan school.saas aa ila haboon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zuhuur

Unrecorded Date
ani waxa aan ahay hooyo leh hal cunug,gabarteeyda waxaa ladhahaa caasha waana kuqanacsanahay,qorasha hana ma iigu jirto ani iyo ninkeeyga inaan shamso buuq galino(caruurkale dhalo) waxaan rabnaa ineey hesho fursad ayada lagu daryeelo.ani waa shaqeeyaa ninkeeygana waa shaqeeyaa cashana waxaan geeynaa xanaanada sidan baan ku qancsanahay kuna farax sanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ala aamin

Unrecorded Date
waxaan ahay aabe leh 4 ciyaala waan shaqeeyaa ilaah mahadii caruurtana waxaa xanaaneeysa hooyadood.labada waa ween waxa ay aadaan day care labada kalela hooyadood baa guriga kusii heeyso.marka ay kuwa kale yimaadaan waayo waa galin xanaanada maha fullday care,way xanaaneeysaa aniga aabe ahaan waxaan ka qeeyb qaataa koontaroolka dhinaca wax barashada caruurta madi iyo diiniba.waxaana udhigaa quraanka waxa aana aqoonta u laheeyna waxaa iga caawiya dad uleh xirfad oo aan u geeyaa.maalmaha sabtida iyo axada.runtii waan ku qanacsanahay nolashaan qoyskeeyga.waayo ilmaheeyga hooyadood baa u heegan oo u heelan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fardoowso

Unrecorded Date
ana waxaan ahay hooyo le 180 caruura aabahoo ayaa xanaaneeya ani waan shaqeeyaa 24ka sacadaadba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
fardoowso

walaashiis meesha waxaad kadhigtay goob majaajilo ee rayigaaga kadhiibo waa dhici kartaa inaad dhashay 180 caruur ah waayo waxay ku xirantahay hadba sida aad ubad satay CADAYGA JIIFKA!!!! mahad sanid waakabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Gurey1 waxaa laga yaabaa inyy typo yahay oo ay ka waday 8 caruur ah ee ka qaleey duqda.

Warta ahaan # 1 aan raacsanahay 100%

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ramla

Unrecorded Date
asalaam
dhalinyaro ani waxaan ku farxay moow duucaan oo runtii ah mid taabanaayo mustaqbal ka caruurta,waxaan ahay gabar aan wali guursan waxaan bartaa maadada ah maamulka markaa waxaan hada ku jiraa xiligii labaad waxaa ii haray sanad.walaalayaal ani waxaan u arkaa in ay haboontahay in wax latabcado kohor intaan guur la bilaabin.hadii se ay dhacdo waxaa haboon in hooyadu siiso waqtigeeda inta badan caruurteeda xanaaneeyntooda.waayo waa mustaqbilkii bari.lacag waxaa igala haboon ubad lagu dadaalay oo si fiican looga fakaray wax barashadooda.iyo koriisha hooda.maha curuur waa la dhalaa ee dhal.sidaas aa ila haboon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xadiyo

Unrecorded Date
waxaan ku farxay moowduucaan waana umahad celinayaa cidii soo diyaarisay.aniga waxaan ahay hooyo haysata laba caruur ah oo iminka dadooda yihiin 3 jir iyo 5 jir.waan kaxumahay inaad ceeysaan hooyada shaqeeyso ee ubadkeeda xalaal usoo tacabta.ood ka dhigtaan hooyo dayacday ubadkeeda.ani waan shaqeeyaa caruurtana day care center ayaan geeyaa.waana ku farax sanahay arintaan.sababtoo ah sida ay u hadashay walaasheen RAMLA waa ubadkaaga utuugso oo ha qaataan lacag ceer saas ma fiicno ani waan shaqeeyaa calashaan baahida caruurteeyda ninkeeyga sidoo kele.markaa geesta caruurta day care center ka aan idinkula talinaa adinkana shaqeeysta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhagardiid

Unrecorded Date
to: xadiyo
walaaleey mawaxaad ku faraxsantahay in caruurta lageeyo daycare center.horta shaqada iyo shilinka un baad kafakartay ee ma is waydiisay,maxaa ubadka ama caruurtaada uroon.shaqada waa kugu raacay waa sharaf laakiin caruurta ayaa igala qaalisan ani ahaan shaqada.sidaa daraadeed hooyada ha xanaaneeyso caruurta abahana ha shaqeeyo.mana iga aha haween ka la ficil tan iyo cadaadin ee waa arin aqoon dheer ku saleeysan marka laga hadlayo hormarka ama danta caruurta.mida kale soow ma ogid in meelaha ilmaha lagu xanaaneeyo caruurta lagu faraxumeeyo 98% mise waad kadhacsantahay warbixintan.markaa hadii cunugaagii la fuulo maxaa aduun kuu yaal oo lacagi kuu sheegtay!!!! wadamadan waxaa loo kala tartamayaa dabada ilmaha!!! ee hooy cunugaaga ilaah hibada kuu siiyay hayskaga geen cadaw fuulaya.nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

Walaalayaal
Dhamaan waad ku mahad santihiin dhiibashada fikradiina.hadaan usoo laabto moowduucaan,waxay igula haboon tahay in aynu qadarinaa uugu horeen baahida cunuga ama caruurta.hadaba caruurtu waxay ubaahan yihiin korin buuxda, jaceel,iyo waxbarasho. hadaba walaalayaal dhibaatada waxaa keenayaa waa dhaqaalo xumi haysa dadkeenaan soo qaxay.markaa caruurtu horta in wax labaraa waalagama maarmaan,intay waliba yar yihiin,laakiin dhibta waxaa keenay sidee wax loobaraa? maadama goobta lageeynayo uu joogo sida badan qof caruurtii faraxumeeynaya tani waa cadaan.markaa qofkii heli karaa ilmihiisa gurigiisa haku baro farbarashada iyo xisaabta biloowga kohor intaanu ilmihu iskuul gaarin.walidka aan wax aqoon ha uraaco oo dhoowr saacadood hala joogo goobta canugiisa.hadii aabuhu shaqeeyo caruurta yaan loo dirin in maantoo dhan lagaasoo hayo.hadii hooyadu shaqeeyso waa in aabuhu hayaa caruurta.waayo waaloo siman yahay xanaanada caruurta waloow hooyada wax gaari karaajirin xanaanada caruurta.waxaan qabaa yaan lagu dagdagin xanaanada caruurta.waayo waxay laxiriiri doontaa jeceelka adiga iyo caruurtaada ee mustaqbalka danbe.midina waaba arin foolxun oo aan loo baahneen taasoo ah in aadan caruurtii geeynin xanaano hadana aadan guriga wax kubareeynin markaa sidani waa dumin caruureed waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaam all

Waxaan ahay Hooyo Ilahay ugu nimceeyay labo wiil oo maanta iskuulka "full-time" u dhigta. Berigaan aabahood is qabnay marna isaga ayaa hayn jiray marna aniga oo waxaanu ka shaqayn jirnay labo "shift" oo kala duwan sidaanu isugu badalno curudkeena. Ka dibna reerkayga ayaan ka ag dhawaaday oo ii hayn jiray caruurteyda alxamdulilaah. Waxaa muhiim ah in caruurta lagu tarbiyeeyo ISLAAM ee ma aha Hooyo ayaa aqalka u joogta oo ilmihii wey hagaagi. Ilahay ha inoo gargaaro. Aniga kolleyba caruur aan dhalay day care ma geeyeen Ilahayna wuu i gargaaray oo reerkayga ayaa ila koriyay. Iminka waan shaqeeya oo aabahood ma wada joogno laakiin sidii baan reerkayga u haystaa alxamdulilaah. Kolkaa ku dadaala in caruurta TARBIYADA ISLAAMKA lagu barbaarsho. Tan kale waa waajiib in caruurta lagu koriyo lacag XALAAL ah. Ilahay khayr ha idin wada siiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

TO:HAWEENEEYDA soo hulaabatay(Anonymous)

Walaal aad ayaad ugu mahad santahay kasoo qeeyb galkaaga moowduucaan.mawaxaad aamin santahay in hooyada cid udhaanta xanaaneeyn caruur ay jirto!!! hadii aysan hooyadu aheen mid xanuunsan ama leh balwad maqneeysiisa xiskeeda ama dareenkeeda.caruur waxaa uugu naxariis badan hooyadii dhashay.

waad ku sax santahay in caruurta lagu tarbiyeeyo islaamka waayo aduunka inta lajoogaaba yar.hadaba soow maha inaan ubadka waxbaro diin iyo maadi labadaba.sidee ayaa loo bari karaa? waxaa loo bari karaa in loo helo waqti.in loo feejignaado xaladooda aqooneed maha uun badar maheleen ama caloosha maloobuuxiyay arinku.

caruurtaada maha cadawgaaga ee waa in aadan kadhigin adigu cadaw ama caasi.waxaa haboon in aad lasaaxiibto caruurtaada,sida diinta islaamku ina faraysaba lasaaxiib ubadkaaga.caruurtaada haka dhigin wax aan waxba garanayn adoo isleh waa caruur yaryar ee u arag sida aad uladhaqmi laheed ruux ween.sidaan waxaa qabta diinteena islaamka.gunaanadkii caruurta waalidoow wax halabaro oo halagu caawiyo dhinaca aqoonta.hana la ogaado xaaladooda si joogto ah hadii kale waraabaa cunaa.haweeneeyda hagooganeey inaad hesho reerkiina oo lagu caawiyaa waa arin aan dadku wada heeysan ilaah hakuu siyaadiyo.

balse abaayo ha iloobin baahida caruurtaada ay uqabaan aabahood waa hadii uunool yahay hadii aadan taa xalinin caruurtaada mustaqbalka raad bay ku yeelandoon taa arintani,hadii aad caruurta iyo aabahood wada xiriirisayna waxaad udaneeysay ubadkaaga bahidooda ay u qabaan abahoodii dhalay,kalatagiinu ma aheen danta ilmaha ee waxay aheed uun danta walidka.waad kumahad santahay akhriskaaga moowduucaan waakabaxay