Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Seen wax ugu sheegaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Danbilay

Unrecorded Date
Aqiyaarta waad salaamantihiin.
Waxaa jirta wiil ayaan saxiib ahayn mudo dhan lix sano,waana kala maqnayn mudadaas. Wiilka runtii aad ayaan u jeclaa walina u jeclahay, markaan ugu danbayntii isku imaanay laakiin aan wali is arkin ayaa nalaga dhax shaqeeyey oo dad ayaa wax been ah u sheegay asaga. Wiilkii ilaa iyo hada ilama hadlo anigana markaan is ku dayo inaan runta u sheego hadalka ayuu ii soo gaabiyaa oo i dhahaa "aniga iyo adiga way nookala dhamaatay." Maxuma hanoo kala dhamaato, maalin walba ayaa lakala tagaa taas waa normal, laankiin waxaan rabi lahaa in aan noqono dad walaala ah oo waxba isku hayn anigana aan runta u sheego. yaanan isku soo noqon laakiin runta lee ha ogaado. Ma'aqaano saan runta ugu sheegi lahaa si aniga uu iiga dhaco culayska mida danbiga lehna aan ahaan. Marka walaalayaal ila taliya saan ugu sheegi lahaa wiilkaas walaalkay ah runta asaga haduu xunyahay aniga marabo inaan ka dabo xumaado! Thanks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Un Known person

Unrecorded Date
Danbilay ma nin kalaad la seexatay intuu maqnaa maxaa idin kala didiyey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xumoow

Unrecorded Date
To: danbiley
Fiiri runtaas aa rabtid inaa hada u sheegtid
lix sano intaa jiideeysey miskiinkaan maxaa ugu sheegi weeysay mise wax hada lee kugu dhashay waaye?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wartan suuqa

Unrecorded Date
War nimanyahoow hadii aanan qaldanayn oo aan aniga wax fahmin gabadha kama wado ninbaan la jiiftay oo qalad baan galay kuma leh, ee waxay ka wadaa maadaama uu iga tagay waxaan rabi lahaa inaan weeydiisto inaan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo wada yeelano, runta ay sheegaysana waa midaa ee wax ay qarinayso malahan ee xageebaad wax ka aragteen adinku, hadaad saxsantihiin oo ay danbi gashayna ayada ayaa inoo sheegi doonta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UBAH

Unrecorded Date
BY LATALIYE C/O UNITED STATES WED 5/10/OO
Walaal danbiilay matihid danbiile waxaad tahay qof daacada balse waxay uegtahay in uu xiisa dhacay ninka waxaanse layaabanahay qofka leh nin miyaad laseexatay mawaxaad wayday hadal mac ruufa ood tiraahdo rasuulka calayhi wasalaam wuxuu yiri amusa ama macruuf ku hadla macnihi hadal wanaagsan kuhadla intaa waa iga talo aan usoo noqdo walaasheen talada doonaysa abaayo wiilka utag ka dhaadhici waxa jira haduu diidana usheeg in aanu jacayl dhaba hayn balse waqti lumis rabay waxaa laga yaabaa in uu soo dabco.
tale kalo hadaad ubaahan tahay soo gudbi

Good lock to you sistar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
DANBILAY,
haddii marki hore aad isku wanaagsaneedeen,marki uu yimid intaadan arag neh la isku kiin diray,isaga ayeey waajibkiisu ahayd in uu kaa wareesto waxa loo sheegay,runtana raadiyo haddii uu ku jecel yahay waxaase ii muuqato in go'aankiisaba uu la yimid,isaga wuu garan waayay waajibkiisi,adiga ayaa rabo in kaalintaadi aad ka soo baxdid oo aad u sheegto in aysan jirin waxa lagaaga sheegay,oo maxaad u dooneeysaa in aad ugu sheegto in aad tusto in aad danbilaay tahay?uma baahna taas,waayo waxaan dhihi karaa kaasi kuuma ba qalmo mana is taahilo in aad guri la dhisto ee iska iloow,waa ra'yigeeyga ii gaarka ah,go'aanka ugu dambeeyo adigaa leh sida aad wax ka yeeleeyso.