Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Dadow Yuu Yahay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, June 16, 2000 - 05:06 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Arrin aan ku wareeray oo igu mergatay oo cunaha i qabatay oo xitaa markaan madaxa xoq xoqday oo aan gar iyo gundo qabtay aan tabar iyo taag u waaway.

Waxay u baahan tahay cid xoog iyo xeelad leh oo xukun adag intay la tiigsado oo daliil iyo xujo leh xaqa ku fariisisa.

Haddii aad tahay qofkaas aqoonta dheer ka mid noqo guurtida geedkan loo goglay oo sidii Eebahay ku baray garaadkaaguna yahay gu'aami gartan.

Waa dhalin yaro doobnimo u dhaw.

Wuxuu ku dhashay Kuwait.
Wuxuu ku barbaaray England.
Wuxuu ku hano qaaday the United States.

Aabihiis toddobaatan sano ka hor ayuu ku dhashay baadiyaha Diinsoor. Afartan sanana ciid Soomaaliyeed ma caga dhigin.

Awoowgii wuxuu ku dhashay Hobyo oo xorow buu Bay iyo Bakool u tagay. Dibna ugama noqon Mudug iyo dhulkii dhagaxa kululaa.

Awoowgii kaa ka horeeyay Iimay ayuu ku xabaalan yahay oo Sayidkii buu buraashadda u sidi jiray.

Labo ab ka hor kaasna wuxuu ku dhashay duleedka Burco wuxuuna ku xabaalan yahay dhulka deeqsimada badan iyo Nuugaal bankeeda.

Asalkiisii horana waxaa la sheegay Sheekhaal in uu ahaa toban fac ka hor mar dambe oo uu toloobayna Dir buu magta la bixin jiray.

Sabankii Cali Yuusuf waxaa tol u ahaa Biciid yahan waxaase u dambaysay baa la yiri shanta caleemood.

Saaxiibkeena dhawaan ayaan garoonka dayuuradaha London ee Heathrow shaah ku wada cabnay anoo MAANDEEQ baadi goobaya iyo isagoo kulan xiiso leh oo bahalkan Internetka la yiraahdo lagu hormarinay ka soo baxay.

Wuxuu yiri adiguba maanta garo oo ii sheeg cidda aan Soomaalida maanta ka aha.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mawliid

Friday, June 16, 2000 - 11:59 pm
Saaxiib midaasi alle waa i baray, oo maanta waan soo gadhay waqti aan tariikhda raacdeyn karo, ninkaasi maanta waa "" MAACUUN"" waxana uu ka sii yahay "" SHIIKHAAL""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abkeey doolli diloow

Sunday, June 18, 2000 - 04:27 pm
walaalkiin waan ku salaamey...nabad iyo naxariis korkaaga ha ahaato....ninkaa....CITIZEN OF THE WORLD???...wuxuuna yahay cidda uu baasaboorkeeda haysto.....intaa ciddii ku qabsata american indianska ayaa bill clinton ka cayrinaya america...
dhanka kale waa xaalladda soomaaliya dadkeenan wada dhashey oo meel walba degen oo reer walba dhiig u galay bal adigu cid ku sheeg!!
nabad iyo naxariis korkaaga ha ahaato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 19, 2000 - 02:56 am
,,,,,,Dooli Diloow waan ku salaamay inkastoo la kala dayoobay ,,,,,,,


,,,,,Walaalkiin Walaal jira oo jira oo jooga inkastoo baryahan laguba arki waayay intaad Maandeeq aad baadigoobeysay se waxaa la igu yiri Maandeeq London bey hadda ku sugantahay oo weyna iska deysay heesihii oo toobah yaa rabbi bey tiri oo kol haddaad London aad Cagadhigtay waxeey ahayd inaad soo siyaarataa mafrashkeeda Bal waa intaasoo Liilalaw iyo waayo waayo xasuuseed ay maruun gashaaye,,soo wad Sheekooyinkaagii xiisaha badnaa Walaalkiis inlee waa laguu xiisaye,,..


,,,,,Ma garan dulucda sheekada ninkaa Mowliid isku magacaabayna wuu iga sii dhabqiyay,,....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudaneh

Monday, June 19, 2000 - 10:10 am
walaalkiin.

dee ninkaasi waa qof ka sameeysan,Hilib,Dhiig iyo lafo.
maxaa kaleh oo aad heeysaa adigu?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAANDEEQ

Monday, June 19, 2000 - 05:00 pm
WAR HEEDHE MAANDEEQDU YEY TAHAY...?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudaneh

Monday, June 19, 2000 - 08:56 pm
Maandeeq,

Eeyaahe:
Maandeeq waa xoolo dhogor leh.
Maandeeq waa qoor dheer cali.
Maandeeq waa aqal guura hayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abkeey doolli diloow

Wednesday, June 21, 2000 - 11:25 pm
Neefoowkaniini waan ku salaamey qaaliga..waa runtaa oo beryahaan luquntaa qoorta iigu jirta oo waan kala dhunnay bahweyntii somalinet...balse mar un bay si noqon!!!
Maandeeq...wax fiican bay ahayd ,markay masraxa soo istaagto...alla maxaa shaaribbo salaax ah!!!
reer ceerigaabo waxay yiraahdaan "timiro jabtay"
waayo reer ceerigaabo bay ahayd ,maxaa kaa galay bay u qurux badneyd oo cid is hubta oo isku maqiiqta baa la waayey...markaasey fanka ku soo biirtay..."TIMIRO JABTAY"
laakiin "walaalkiin maandeeqta uu baadi goobayo armay tahay dawladnimadeenii luntay"
bal intaa igu qabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, June 22, 2000 - 08:24 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

NeefoowKaniini hayaay hayaay iyo weliba wah!

War heedhe gacaliya sidaa ma aha arrinku!

Yaabayeey NeefoowKaniiniyow maxaa ku daaray?

Salaan badan oo baddaa buuxisa oo barako iyo bishaaro leh oo beri iyo buurihii Ceerigaabo soo martay oo Berbara kulaylkeedii iyo Burco hoos ka soo martay oo Baladkii Weynaa iyo Bakool midig ka martay oo isha Baydhabo intay ka haqab baxday dhankaa iyo Bu'aale u ambabaxday oo Badhaadhe malabkeedii ka dheregtoo bun loogu dubay Baraawe oo dhulkii Banadir la dhihi jiray iyo buulooyinkii tirisay bal walaalkay NeefoowKaniiniyow guddoon.

MAANDEEQ har iyo jiif ii diiday oo aan la dalan dalay oo duurka u xulay ee dib jirka iga dhigtiyo danlaawe sidiisii oo dar xumadan ii yeeshay iyo diifta igu taal oo dareenkii iga qaaday iyo dhiiranaantii oo haddaan dalxiisi lahaa oo damaashaad aadi lahaa duni iga dirtay ma ahan gabadha aad London ku sheegtay iyo weli hal koor leh ee NeefoowKaniiniyow waa mid intaa iiga roonaa lahayd haddaan heli lahaa.

Waxaan ku hadaaqaa ereyadii Raage Ugaas:

Nin ilo biyo leh arkoo ooman baan ahay e!
Nin walaalkii Ugaas yahoo eeday baan ahay e!

NeefoowKaniiniyow iga daa gabar geeraartay ee walaalow MAANDEEQ meel ku sheeg!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudaneh

Friday, June 23, 2000 - 04:58 am
walaalkiin,
Maandeeq iyadoo hilib iyo dhiig ah ayeey Carte joogtaa,waxaa u dhiman oo kaliyah lafihi oo loo abaabulo oo ay ku istaagi laheed,waqti yar baa kaa xigo inshaa allaahu ee adkeeyso,ee su'aal aan ku weeydiiyee yaa kuu ilaalin maandeeq?marka aad hesho,armaa raadiskeeda lagaaga darnaadaa?

Neefoow,
Maandeeq
marna waa qof ilaah uuntay,
marna waa xayawaah ilaah uuntay,
marna waa wax uu bini'aadamku sameesto,
ee inanka yar ee kacsi la bood ka ah yuusan
kuu gabyin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galeeyr

Wednesday, June 28, 2000 - 09:59 am
Waraa waxaa la hadlooyaa maskax gaabka mowliid
isku sheegay EEyle aa tahay oo uraaye Beejo aa
kugu taalay Sheekhaal horteed.waxaanse kuu sheegaa
qurunle adiga iyo macalinka su'aasha keenay, The
question isn't dadoow yuu yahay it's who are the
Somalies?
Maandeeq Gaduudo Carwo Walaasheed waaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 07:16 pm
,,,,,,Arrinkiiba waxaa la yiri bartiri buugaba kuma yaalo waa markaad ii soo qabatay Raage Ugaas waa waxay i leeyihiine se aan dad ugu jecelahay Walaalkiine,,,,,,,,,,......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 07:22 pm
,,,,Immisaan ka daa niri
,,,,Immisaan imasaan ka daa niri
,,,,Immisaa imasaasa loo digay
,,,,Immiseey na dagayeen
,,,,Immisaa imasaa nadagayeen
,,,,Kacaankii daryeelkoo
,,,,Danta Guud ilaashoow