    Abdi | Monday, June 26, 2000 - 03:18 am Brothers and sisters time and again some people have mentioned the Djibouti conference as the place where a Somali government will be formed. I believe that the only way a Somali government can be formed is for it to be INCLUSIVE of the whole society. So my question is can the Djibouti conference be considered to be INCLUSIVE? |
    hillac | Monday, June 26, 2000 - 04:09 am may be or may be not....... |
    Abdi | Monday, June 26, 2000 - 04:24 am Hillac would you please qualify your statement. |
    Cabdillaahi Cawed Cige | Monday, June 26, 2000 - 05:05 am Dear Abdi, Inclusive NO! but externally-driven YES. I have been observing the Djibouti Conference for a while and it reminds me the Siyad's lucky old days when the butcher use to enjoy the absolute attention of the whole nation. Call me sceptic or whatever but this is not a Somali Conference and the organisors are not behaving as Somalis. A true Somali Conference or "Shir" constitutes a meeting where every delegate or the head of delegate(s) voices his complaints/wishes/aspirations. Some of the most sensitive issues on the table delegates are granted to voice their wishes under three minutes, YES THREE MINUTES. Others like the Banadirs were literally muzzled to a mere silence. Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK |
    NeefoowKaniini | Monday, June 26, 2000 - 01:44 pm ,,,,,Ina Cawad Cigoow ma ila aragtay waxan kadee shirka la leeyahay,,,,Ina Abtoow waa taad gabyi jidhee maad uun tix yaroo gabay ah ku miisaashid waxa meesha ka socda,,,,,,,..... ,,,,,Anigu kumaanan qancin ilaa waxi iska badalaan |
    mudaneh | Monday, June 26, 2000 - 09:39 pm somalia,haloodaayo somali. |
    Cabdillaahi Cawed Cige | Tuesday, June 27, 2000 - 01:21 pm Neefoow Kaniini, Shirku-sheeggu meel weli alif lagaga falanqeeyo ma-joogo. Wax-kale kuma-garatide waa tabtii ilma-yar oo raad-barad ah oo kolba hooyadii leedahay dhinacan dabka uga baydh, isna garaadla,aan haysa awgii hadba gees u daalaadhacaynaya. Jagada hooyada waxa ku jira Xasan Abshir ka-qaybgalayaashuna badankoodu waa daalaadhacaynayaan... Ina Abtoow maqlay codsigaagiiye horta shirku ha-biyadhigo markaasaynu afarray iyo shanleyba isku-deyaynaaye, bal inta ka horraysa kusii nasanno afarraydii aan Shirkii Qaahira dhammaadkiisii ka tibixsiiyay. Bal qabsoo webiyadii fatahmay iyo shirkaasi waysku beegnaayeen.... Tawsteeda Qaahira Inta colka badankiisu hogatusaale, wax-isfahansiin, aqoonkorodhsi iyo tooyaysi ku jiro anigana waxay igaga dhegsantahay oo aan eryadaa siyaasiyiin-ku-sheegga Soomaaliyeed iyo heeryaxumadooda... Madashu waa Qaahira, dulucduna waxay u dhacaysaa shirkii Qaahira wixii kasoo baxay iyo halka dhiciskii goobtaa ku dhashay dalaqdalaqleeyahay. Bal-qabsoo xilliga aan tixda mariyay waa markii shirka laga dareeray. -------------------------------------------------------------------------------- ***** Tawsteeda Qaahira (Soo baxday 15/01/98)**** Hadday taladu kaa foorortoo; Xaajo kaa tiranto Tuhun iyo haddii uu qalbigu; Taah ka-bixiwaayo Beelihii iswada tiirsadee; Tuurta wada-yaallay Haddii tarabba tarab fiirsadoo; Xaalku tago aafo Halka ay ka tuur yeelatiyo; Tawsta waxa keenay Adigoon socdaal dheer u tegin; Tahanna aan aadin Adigoon nin moos taagan iyo; Caalamkale tiigsan Tubsabaalaheediyo ishay; Toos ku noqonayso Nin caqligu tisqaadiyo aftahan;Tooxan baa garanne' Taariikhda Qaahiri sugtiyo; Tabatabaynteeda Qormaday tusmaysiyo nimcada; Tiimbo lagu heesay Sida wararku soo tebinayaan; Taarku lalinaayo Tiiraanyo suushiyo xanuun; Tagaba daayoo'ye' Tacsi iyo isdhaafbay siddaa; Tii horoo kalo'e Nimuu aabbe taash uga dhintoon; Tacab kusoo hoynin Iyo tuug dhaqaalaha bulshada; Taajir-kaba gaadhay Iyo nimay dhashuu toos udilay;Tiro-la'aan dhaaftay Tacluus iyo dadqaad laysu xulay; Qaran ma-taagaane Iyagoon dadkoodii tebayn; Socodka tiicaayay Iyagoon tashiga sooba gelin; Tarab Yaxaas dheeftay Iyagoon dhallaankii tirmiyo; Taagdarraha fiirsan Webiyada karkaarada tiflee; Tuulka soo jebiyay Iyagoon dhulkay talaxdegeen; Taako ka ogaannin Ayay tawrad kala boobayaan; Tirada foodkeede' Tubtaydaa habboon iyo haddaad; Tayda qiranweydo Iyo anigu tuhunbaan qabaa; Sacab hallay taago Dhalanteed is tariwaayay-bay; Toosh ku deyayaane' Tusmaday hayaan iyo siday; Waxu tanaadeenba Waa gacan togaaliyo kursigu; Yaanu kaa tegine Ninna shacabka toodiyo ma-rabo; Tii san iyo guule' Haddaan talada geed lagu faqiyo; Odayo taataaban Turxaantiyo haddii aan naxliga; Uurka laga toosin Tir kan iyo colaadaha haddaan; Toobad laga keenin Haddaan taarka beelaha ku xidhan;Aan tashigu laabin Tuldihii maqnaa iyo haddaan; Laysu celin tuulka Tayo inay wadaagtiyo inay; Nabad ku tiigaasho Oo taabaqaad qaran dhashaa; Waa tu'aan jirine Adoo aqalku kaa tiir la'yoo; Toosinkariwaayay Nimuu kiisu tuurdheer ka mudhay; Baaqa haw tebinne Tiska inaad u goysiyo inaad; Xero u teendhayso Oo tiro baxnaana sugtaa; Waa tu kuu dana'e Haddii kale talaan ku suntiyo; Taakulayn gacale' Takartiyo cadhada haysa iyo; Dhiigga tibiqdiisa Waxba hayla soo tiigsannine; Tiimbo dhagartaada... ------------------------------------------------ Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK |
    NeefoowKaniini | Tuesday, June 27, 2000 - 02:34 pm ,,,,Ina Cawad CIGE haddaan oran lahaa Najis Najis dhallay iyo innankii kolley berraa lay qabsan lahaa oo la i leeyahay maxaad Shirkan baas ku maagtay se Inna Cawad ku maagtay,,,,,,LAKINSE Gabayga si sahala baad u tiri aniguse meel baan ku xaseestay tan Xasan Abshir ahna iyana weyska sugeynaa oo dhibi ka iman maayo waa saan odorosahayee,,,,,,,,,, |
    Anonymous | Wednesday, June 28, 2000 - 03:30 am To Cabillaahi Cawad Cigwe... Ninyow waa gabey hanaan wanaagsan......... |
    NeefoowKaniini | Wednesday, June 28, 2000 - 06:31 pm ,,,,,Waan Sugi kari la'ahay maansada!!!!!Cigoow |
    Walaalkiin | Thursday, June 29, 2000 - 07:26 am Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato NeefoowKaniiniyow salaan gacalo iyo walaalow iga gudoon koob shaah ah oo caano idaad lagu cadeeyay. Siduu Cige sheegay weeye oo weli fari kama qodna faanool oo Carte xaalkeed xukun baa u haray. Ma garan ragga midiyaha sita siday MAANDEEQ oo nool oo weli rafanaysa u qaybsadeen: DAAAROOD 175 HAWIYEEE 175 Raxanta 175 DIRTA 200 ISAAAQ keligii 100 Jareer siday dheheen tumaal iyo bidiyo Yibir haba aheetee 90 Waxaa la soo weriyay NeefoowKaniiniyow in Xasan Abshir uu shir gudoomiye yahay! Cajanan! Ma garan NeefoowKaniiniyow: Xaamiyahaa Xaaraamiyahaa? Hadan gacaliyow walaalkayow lagama quusto Naxariis Ilaahay oo meel aadan filanayn buu khayrku ka yimaadaa! Haddiise sida la sheegayo shirku dawlad ku dhawaaqi doono bishan July 10keeda, Madaxweyne iyo wasiirona July 13keeda waa nasiib xumo iyo ayaan daro. Soomaaliye iyadoo dhutinaysa oo daasad maran ku tuugsata ayeey Jabuuti xoriyaddeeda dhabarka u dhigatay dhawr iyo toban sano. Soo walaalkayow ma aha abaal xumo haddii wiilkeena Geele dhawr bilood na hayn waayo? Anigu dhihi mayo shirku guul gaari mayo iyo weliba waa shirkii Soomaali u caqli celin lahaa ee waxaan dhihi waa nasiib daro in tuuggii shalay maanta noqdo qaaligeedii. Waana muraaro dilaac in Geelo libinta ku waayo in kiish bariis ah ka bakhaylo. Shirku si uu guul u gaaro ama u guul daraysto waxay ku xiran tahay hadba sida loo dedejiyo. Haddii labo ama saddex ama ilaa iyo sanadkan dhamaadkiisa loo golo xaaro oo laga tabaabushaysto in ayna dhicin tii shalay oo qodob qodob looga doodo sidii wanaag Soomaaliyeed ku iman lahayd: Xaquuqda qofka Soomaaliyeed leeyahay Waajibka saaran qofka Soomaaliyeed Habka iyo hanaanka dawladnimo Waa laga yaabaa in wanaag ka soo baxo. Haddiise Yirib iyo Jareer iyo Barawaani iyo Dirta Koonfureed iyo qaybi oo xukun iyo anaa awoowgay boqor ahaa arrinku noqdo Cigaal iyo Cabdullahi Yusuf iyo gabankii Caydiidna yiraahdaan INYOW anigu xaalkaa garan waayay NeefoowKaniiniyow oo waa sida Cige yiri Allif kama qodna. Ilaahayow Noo Naxariiso |
    Siyaad Bare's son | Thursday, June 29, 2000 - 10:08 am i think somali should have their own deligated conference without the venue or interference of djibouti!But i must also take in consideration,the lack of reasoning in somali representative conference officials!Whether it should include all somali party is irrelevant at this juncture,imature i could dare say,we need to prioritise our foccus!How do we achieve this?By introducing democracy inot somalia!And begin the abolishement of qabiil!That would be the platform of achievement.Just like the americans abolished slavery,tribalism should be our focus!Ya heard! |
    NeefoowKaniini | Thursday, June 29, 2000 - 11:22 am ,,,Oo goormay reerku afka ingiriisigu barteen!! Naw,,... |
    Yalxow | Thursday, June 29, 2000 - 12:13 pm What y'all say if we hold a demonstration rallies in support of the Djibouti Conference. We can all organize wherever we are - Europe, N.America on the Gov't Establishments specifically Foreign ministry or State Dept. |
    kulmiye | Thursday, June 29, 2000 - 12:17 pm good idea yalxow let us do it on july 10. |
    Abolish-your-ignorance | Thursday, July 06, 2000 - 09:00 am Son of Siad, or what ever you call yourself !! Americans abolished Slavery, yeah right ! qabil is Racism not slavery. you Son of an Idiot, I can see Stupidity Runs in your Family. I wish we could abolish Stupidity, you and your Family would not be alive. |