Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Mudanow Madaxweyne!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, June 29, 2000 - 07:57 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Subaxa saaka ah iyo saacad la joogo ninkii yiri xil baan qaadi oo xukun baan rabaa tacsi iyo waxaan u diri dhambaalkan dhagayso!

Mudanow Madaxweyne

Garabkaaga Allaha galo Isagaa Guul ku gaarsiin kara. Guban gabanadii lagu qashay oo ayeeyo ku gablantay gabdhuhuna asay sidaan baad geeskeeda qabatay Guule ha kuu gargaaro.

Aqal dadkii lahaa ka dideen oo abeeso iyo halaq degeen oo mugdi ah baad geleysaaye Ilaahay Ha Kuu Gargaaro.

Haddii aad adkaysatood kelyo adeegto oo aad kursigii gabranaa ku fariisatood khasnadda furaheeda hesho ogow ubadkaaga ku kala tegi iyo baha reerkaaga.

Ablay bay isu qaadan oo gacal ku goyn. Walaalkaaba gafuurka taagi oo tuugo soo hor kici. Kaad soddoga u tahaa xila furi oo xumayn gacalo gabadhaadii. Inta aan anigu u weynahayn durbaan iyo daasad baan daaraddaa la dul tegi oo cay iyo cadaab awoowadaa dab ku shidi.

Dabeedna adoo daalay buu duul xumi kaa adeegi.

Haddiise aad tahay mid adkaysi badan oo Ilaahay yaqaan xukunkan baas maad isaga hartid waa lagu hoogaye.

Agoonka ku moodi aabihiisii aakhiro u kacay.
Rajay baa hooyadii ku moodi hoyiga u haysay.
Arday baa aqoon kaa dalbi iyo in aad u nakhtiino.
Oday baa caafimaad iyo ciil tir ku waydiisan.
Tiir adag in aad u noqotuu rabaa kii la dulmiyay.
Ina aadan ka tagin buu rabaa madi aabe waayay.
Gacal buu ku moodayaa gabankaa geeska jooga.

Adigu gacan waxba kuma ahaysid e aakhiro ayaan lagu cadaabin.

Mudanow Madaxweyn garabkaa Ilaahay Ha Galo culays baad dhabarka u dhigatay e!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Thursday, June 29, 2000 - 02:19 pm
guubaabo macquul ah,
duco iyo baraarujin,


mudanoow madax weeyne dhib waa ku sugaa,
dheefneh warkeed daa.

nabad iyo caano