    Walaalkiin | Friday, July 21, 2000 - 04:41 am Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato Waxaan akhriyay "AXDIGA QARANKA EE KU-MEEL GAARKA AH" ee ka soo baxay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Qoraalkani ma aha taageero ama diidmo shirka Carta ee waa isku dayid turxaan bixin qoraalka "AXDIGA" ee ka soo baxay shirka. AXDIGU waa qoraal sharci ah oo burinaya wixii ka hor yimaadda oo dhan isla markaasna u yeelaya waajibaad iyo xuquuq dadka Soomaaliyeed, sidaa darteed waa in uu qoraalka AXDIGU noqdo mid si cad u sharxaya ama u muujinaya macnaha iyo murtida qodobadiisa oo ayna dhicin in uu yeesho fasiraad badan oo iska hor imaanaysa. AXDIGU hadduu uu yahay xeerka ama sharciga ay ku dhaqmi doonto dawlad qarameed Soomaaliyeed ugu yaraan saddex sano waan in uu yeesho hal macno oo qaali kasta ama maxkamad kasta u arki karto isku si ama uusan yeelan fasiraad badan. Tusaale waxaan u soo qaadanayaa Qaybta labaad ee AXDIGA qodobka 17aad xubinihiisa koowaad iyo tan labaad oo oranaya sidan: …… 2AAD GOLAHA SHACBIGA QODOBKA 17AAD XUBNAHA 1. Golaha shacbiga KMG waa haya'dda sharci dejinta ugu saraysa matalayana dhammaan shacbiga Somaaliyeed, wuxuuna ka kooban yahay 225 xubnood oo beeluhu soo doorteen, shirweynaha qarankuna ansixiyay. 2. Tirada kor ku xusan waxaa ku jira 25 xubnood oo loo qoondeeyay haweenka oo ay ku qaybsanayaan qaab beeleed. ……… Hadaba haddii aad sii akhriso xubinta koowaad ee qodobka 17aad waxay leedahay: "…wuxuuna ka kooban yahay 225 xubnood oo beeluhu soo doorteen." Bal u fiirso erayga "beeluhu" oo yeelan kara macno kala duwan. Waan dareemi karaa in siyaasiinta Soomaaliyeed iyo aqoonyahanadu ka biyo diidan yihiin Qabiil iyo abtirsiinyo in ay dibnahooda ama qalinkooda soo mariyaan. Hase yeeshee shirka Carte dadka isugu yimid waxay isku raaceen in sida ugu haboon ee dib loogu dhisi karo dawlad qaran tahay in QABIIL wax lagu qaybsado. Beesha Majeerteen oo iyagu ku adkaysatay in DEEGAAN wax lagu qaybsado ayaa shirka ka carootay oo dibadda ka taagan. Sidaa darteed ereyga "beeluhu" ee ku qoran AXDIGU waa mid noqon kara: Beel deegaan sida beesha Shangaani ama Beel Abtirsiinyo sida beesha Majeerteen. Haddii labo qof ku dooddo maxkamad horteed in midkood ay soo doorteen beesha Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose kan kalena ku dooda in ay soo doorteen beesha Baajuun ee degmada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose sidee buu qaaligu u kala saari mar haddii AXDIGU dhigayo "beeluhu soo doorteen?" Miyayna habooneen in loo qeexo sida xubinta labaad ee qodobka 17aad u sugayso tirada haweenka "Tirada kor ku xusan waxaa ku jira 25 xubnood oo loo qoondeeyay haweenka?" Haddii loo baahday in la caddeeyo oo la qeexo tirada haweenka maxaa diidan in si cad oo muran iyo fasiraad iyo waxay ila tahay ayna geli karin loo caddeeyo waxa loola jeedo "beeluhu?" Wa ayo "Beeluhu?" Dir, Haawiye, Daaarood, Raxanweyn iyo Inta kale? Tiro intee le'eg ay beel walba leedahay? Haddii uusan AXDIGU sidaa u qeexin oo uusan diirka ka qaadin soo su'aal keeni mayso iyo ma ahayn ee waxaa loola dan lahaa iyo rayi iyo dood furan. Haddiise ay kharaar tahay in afka la soo mariyo reer hebel iyo qabiil maxaa loo diiday talada beesha Majeerteen ee ah in deegaan wax lagu qaybsado? Ilaahayow Noo Naxariiso |
    gurey1 | Friday, July 21, 2000 - 05:20 am Asalaamu Aleeykum Waxay ila tahay arinta aadka loogu murmayo inaan kadhiibto balhada kolkaasi rayigeeyga,waxaana kusaleeynayaa laba keen rabnaa 1.in aan badareeyno inagu hada oo heshiino 2.in ay naan wada helin badar hada laakiin ilmaheena barito kuli ay sifiican uwada badareeyaan waxaan ula jeedaa ninka ama naagta raba/rabta in qabiil wax lagu qaybsado walaga yaabaa in ay hada xoogaa muufo hesho balse ha ogaato/ogaado in caruurta mustaqbalka ay nu u jeexnay jid ah qabiil oo hadhoow ay dadnimo kudareemaan qabiil meesha uu wadaninimo,dagmo,gobol,dhul, iyo soomaalinimo wax kudareemi lahaa kuna badareen lahaa.baarlamaanka hadhoow qabiil hebal baa qabiil hebal raacay iyo dagaal buu ahaan doonaa waligiis hadii qabiil la aamino oo wax lagu qaybsado.markaa aan ufikiro in ubadka barito wadan iyo dhul iyo soomaalinimo dareemaan taas oo aduun yada dhan lagu xisaabtamo dagmo gobol ama dhul.hadaba nin wuxuu hada cuno raba iyo nin 100 sano kadib kafakarayaa maa muuskii aduun mee qaan bay siman yihiin masalo weeye aana maqal.war caruurta aan kafakaro inagu tagnayee waakabaxay |
    BAKAYLE | Friday, July 21, 2000 - 10:23 pm walaalkiin, waad ku mahadsantahay su'aashaada aad soo jeedisay. hadaba hadii aan kaaga jawaabo waa marka horee hadii degaan wax lagu qaybsanayo, miyey cadaalad tahay in gabol aad u baaxad weyn oo ay ku nool yihiin 10 qof iyo gobol ay ku noolyihiin 2/3 overall population ama sedex qaybood labo ay isku saami yeeshaan marka maandeeq laqalo? qabiilkan baas ee wax lagu qaybsanayo waxaa keenay danta sababtoo ah aaminaadii somalia waad ogtahay meesha ay marayso iyo dhibaatada dhacday ee sidaa ula soco. tan baarlamaanka, waa qasab qolo walba wixii loo qoondeeyey in ay hesho. |
    gurey1 | Friday, July 21, 2000 - 11:37 pm Asalaamu Aleeykum TO.bakayle Walaal waa kumahad santahay ka qayb galka moowduucaan.hadaan waxyar kuubi dhaamiyo waxan aad uguuxday adigu,waxaan kuleeyahay dagaan wax lagu qaybsado garanay,sidee baad qabiil wax inoogu qaybin hadiiba taada aan raacno?tusaale ahaan hadii aa tiraahdo waxaan siiyay 4 kursi izaaq 4 kursi hawiyee 4 kursi daaroood 4 kursi dirta 4 godobiirsi 4 kurisi reerxamar 4 kursi digil 4 mirifle 4 midgaha 4 kursi jareer weeyne 4 qabiiloo yinka yaryar ood sidaa kuraas maa mul uqaybiso sidee lagaaga aqbali daaroood ortable ayaa ka kooban 1500 oo lafood meesha majerteen ka kooban yahay 70000 oo lafood laf walbana waa qabiil raba cadkiisa izaaq waa ilaa 50,000 oo lafood hawiyee kabadan,dadka kalana hadal koodba taa sida ogaadeeen iyo kuwa kalaba oo aad ubadan hadaba laf waliba waa qabiil ee u cadaalad fal oo samee xaq aad laf walba oo qabiil ah aad kusiin laheed qabiil nimo cadkeeda ama kursi maamuleed.runta markaad kahadasho majiro qabiil qabiil raacsan,oo ogol in cadka lafkale usoo qaado maxaayeelay qabiil hadii ladhaho dadku waakala baxaa.markaa adigu baar lamaan waxaa larabaa 225 kakooban ee ma waxaad ula jeedaa gole 1000 000 kabooban baan dhisaa? bal habka aad wax qabiil inoogu qaybin sheeg waxaabad tahay nin aduunka fikir cusub kusoo kordhiyee iyo xisaab cusub.tusaale kale 3 habarood ee ilmo gidir hadii aad tiraahdo waxaan idin siiyay hal kursi habartee kufariisan kursiga? sacad miyaa ceer miyaa saleebaan miyaa mise waad ukala eexan oo ileen siku qabiil ma aha ee sacad baad siin oo kuwakale waa yasee waa xaqiree? aragtideeyda waxaan qabaa inaadan habrahaas qabiil wax uugu qeeybinkarin intaadan ugudbin habrihii waqooyi iyo soomaali weentii kale marka xalka adaan kaa sugeeynaa waakabaxay. |
    gurey1 | Friday, July 21, 2000 - 11:39 pm Asalaamu Aleeykum TO.bakayle Walaal waa kumahad santahay ka qayb galka moowduucaan.hadaan waxyar kuubi dhaamiyo waxan aad uguuxday adigu,waxaan kuleeyahay dagaan wax lagu qaybsado garanay,sidee baad qabiil wax inoogu qaybin hadiiba taada aan raacno?tusaale ahaan hadii aa tiraahdo waxaan siiyay 4 kursi izaaq 4 kursi hawiyee 4 kursi daaroood 4 kursi dirta 4 godobiirsi 4 kurisi reerxamar 4 kursi digil 4 mirifle 4 midgaha 4 kursi jareer weeyne 4 qabiiloo yinka yaryar ood sidaa kuraas maa mul uqaybiso sidee lagaaga aqbali daaroood ortable ayaa ka kooban 1500 oo lafood meesha majerteen ka kooban yahay 70000 oo lafood laf walbana waa qabiil raba cadkiisa izaaq waa ilaa 50,000 oo lafood hawiyee kabadan,dadka kalana hadal koodba taa sida ogaadeeen iyo kuwa kalaba oo aad ubadan hadaba laf waliba waa qabiil ee u cadaalad fal oo samee xaq aad laf walba oo qabiil ah aad kusiin laheed qabiil nimo cadkeeda ama kursi maamuleed.runta markaad kahadasho majiro qabiil qabiil raacsan,oo ogol in cadka lafkale usoo qaado maxaayeelay qabiil hadii ladhaho dadku waakala baxaa.markaa adigu baar lamaan waxaa larabaa 225 kakooban ee ma waxaad ula jeedaa gole 1000 000 kabooban baan dhisaa? bal habka aad wax qabiil inoogu qaybin sheeg waxaabad tahay nin aduunka fikir cusub kusoo kordhiyee iyo xisaab cusub.tusaale kale 3 habarood ee ilmo gidir hadii aad tiraahdo waxaan idin siiyay hal kursi habartee kufariisan kursiga? sacad miyaa ceer miyaa saleebaan miyaa mise waad ukala eexan oo ileen siku qabiil ma aha ee sacad baad siin oo kuwakale waa yasee waa xaqiree? aragtideeyda waxaan qabaa inaadan habrahaas qabiil wax uugu qeeybinkarin intaadan ugudbin habrihii waqooyi iyo soomaali weentii kale marka xalka adaan kaa sugeeynaa waakabaxay. |