    gurey1 | Monday, July 24, 2000 - 06:31 am Asalaamu Aleeykum Walaale iyo walaaleey MA INKIRSANI OWOODEENA IYO TABARTEENA DHAQAALE EE DADAAL BAA INA SAARAN waxaan filayaa burburkii dalkeena 1990 kadib in dadbadani soo qaxay kuwaas oo kukala firidhsan aduunkaan dacaladiisa.hadii ilaah kaa dhigay kan yimid meel laga xoogsan karo ood uheshay fursad inaad lacag hesho taasoo aad wax uuga dirto eheladii aad kasoo qaxday ood ogtahay xaaladooda,waa arin muhiim kuu ah ruuxii sidaa yeeloow labadaba aakhiro iyo aduunka.balse waxaa garabyaal lacag xawilay ee ma xawishay fikrad ah inaad ku baraarujiso dadkaagii wax barasho iyo ineey ku dadaalaan nabada.waa cadaan in xaaladu aytahay mid baaba ah saas ooy tahay waxaa haboon in aan kugubaabino waxbarasho ciyaalka si ay u yaraato in uu helo fursad uu ku cayaaro rasaasta.taas oo aqoontu tusinkarto in uu lafihiisa isu badbaadiyo yaan LA ILAAWIN AQOON LA AANI WAA IFTIIN LA AANE WAA ARAD IYO QALBI LA AANE.walaalayaal aan kudadaalo sidii aan umadeenii ugu baraarujin laheen TACLIIN oo ruux waloowba EHEL KAA kudadaal sidii aad lacag ay wax kubartaan uugu diri laheed.MID NA OGAADA LACAG AAD QOF KAAGII WAX KUBARTAY KAAMA KHASAARIN.waxaan qabaa badar waa lahelaa aadba dhowr qadidee laakiin tacliin baa ah muhiim.wardadkii aan kaalmeeyno qofkii waxbaranaya walaalayaal sidaas baa ila quman ee ruux waloow xisaabtan wali qof ma udirtay lacag wax barasho? maxaa hadaa aad dadkaagii jaahiliin uugu fiirsanee si ay facood uuga haraan barito?? AQOON LA AANI WAA IFTIIN LA AANE WA AQAL IYO ILEEYS LA AANEE OGAADA OO UDIRAAY LACAGTA EHELKIIN.waa kabaxay |
    Xoogsade | Monday, July 24, 2000 - 03:04 pm Illaah baa igu og ninkan Gurey waa nin odaya. Weligii kama daalo waano iyo baraarujin. Garabkaaga allaah ha galo rafiiqayow. |
    hebel | Monday, July 24, 2000 - 08:23 pm Haa fikradaan xawilay waa lacag danbe yaan la i weydiin hadii la idiin soomoo la idiin salaado oo dad muslim ah la yahay. |
    xamardaye | Tuesday, July 25, 2000 - 12:58 am Gurey1 ........l0l, Jawaabtu waa haa,fikradu waa in aan la i iloobin. |
    gurey1 | Tuesday, July 25, 2000 - 06:30 am Asalaamu Aleeykum to:xoogsade:- sxb waa haboontahay in aan kala faa iidaysano ee hanaga hagran waxaad heeyso in taad nooshahay. waxaan ula jeedaa fikrad ma xawishay micnaha waxa wadan keenii kadhacay wax kabadalan maadaama wuxu uu yahay dil dumin iyo jahli.waxaa haboon in aan dadka ku baraaru jino deeq alaa bax shee qalinka qaata oo dareema in wax la aqriyo lana qoro.ruuxa aad wax bartay waa ruux indho leh ruuxa aadan wax barina waa ruux indho la oo kaa raba inaad usha u heeyso marwalba markaa waxaa haboon asna hadaneeysto oo wax ha arko adna yuu ku habsaamin.u firso wiilka ama gabadha ardayada ah wayka edeb badan yihiin kuwa aan wax akhrin maxay kudhacday meel beey kuwada nool yihiine?? baaqeenu iyo balanteenu waa WAX BARASHO.waa kabaxay |
    NeefoowKaniini | Tuesday, July 25, 2000 - 11:14 am ,,,,Waanu kugu raacnay oo fikrad wanaagsan weeye se hadda maba aanan diri jirin mid wax lagu barto waxbarashadunna waa ay wanaagsantahay waxaanse anigu isaga mashquulsanaa lacagtii lagu sugi lahaa nabadgalyada maxasta oo taw umaananba hayn waxbarasho iyo qallin lacag lagu bixiyaa oo waxaan lacag u bixiyaba waxeey ahayd tii Pazuukaha iyo Baroonada lagu gadi lahaa si nabadda ay u sugnaato!!!!!!! |
    xamardaye | Tuesday, July 25, 2000 - 10:15 pm Gurey saaxiboow wax hala barto lacagtana wax barasho halagu bixiyo ma xumo, qaar ayaase naga qadaayo,qaarna dagaal loola hortaagan yahay,qaarna duug inaga rabo oo halaan jirin ku jabisay ku dhacday ee sideen yeelnaa ku waas neh? ma u dirnaa lacagta?mise waan ka joojinaa? nabad iyo caano |
    gurey1 | Thursday, July 27, 2000 - 11:02 pm Asalaamu Aleeykum Walaalayaal waa arin aan muran ka taagneen in dadkeena dibada jiraa aynaan heli karin dhaqale inaga soo hara oon udiro qaraabadii danbeeysay balse arinu waa aan kala qoosano xabada ROOTIGA AH.maa daama aynu nahay dad wada dhashay ama ah walid iyo caruurtiis.hadaba waxaa haboon in dadkeena dibada jiraa aynu kafakaro arimaha wax barasho ee dadkii markaa waa in aynu usheegnaa in qorshaha ay kudarsadaan wax barasho oo dadka waa weeyni udiraa ilmaha iyo intii wax baranaysa waxbarasho inaguna aan bixinaa qof walboow tabartaa.hadaad awoodi karin bal xataa hal wiil ama gabar isku day inaad wax barasho kabixiso madaama aadan dhoowr kabixin karin tacliinta.hadii aydhacdo in lacagtaad dirto eed horumarinta tacliinta uugu talagashay loo istic maalo habkale ogoow maadan khasaarin wali maxaa yeelay waxay ogyihiin in aad rabto in ayagu hormargaaraan oo waxbartaan marka ogoon sha ha ah in wax labarto ayaa faa iido ween ah,waxaa kale oo ay is waydiinayaan muxuu wax barashada udaneeynayaa?? taasina waa arin fiican markaa waxaa laga yaabaa markay labo sadex jeer khaldamaan in marka danbe ay dha haan walaahi in aan sidaan kusoconaa waa kahalad.hadaba inaga waxaa ina saaran in aan wax go an u magacaabno wax barasho.dadka da dooda tahay 5-21 waa in aan u qorsheeynaa sidaan wax ubari laheen.waxa kubaxaana koleey maha wax aad iyo aad kuu dhibaya.hadii aad rabto si aamin ah in aad lacagtaad dirtay u hubsato in wax lagu baranayo saad uugu tala gashay waxaan kusiinaa nidaam aan lagu dagi karin waa kabaxay |
    mOwLiD-mAcAaNe | Friday, July 28, 2000 - 04:45 pm Gurey, Ilaahay cimrigaaga ha dheereeyo! Amin. |
    gurey1 | Saturday, July 29, 2000 - 12:00 am Asalaamu Aleeykum to.mowlid-macaane sxb camal suuban raaci maxaa yeelay waxaa la arkaa in uu kula aado jid xun hadaad ku ekaato uun cimri dheer, adigana iyo intakale oo walaalaheen ahna ilaah hasiiyo cimri dheer oo cibaado ale leh.mahad sanid.waa kabaxay |
    mOwLiD-mAcAaNe | Saturday, July 29, 2000 - 02:19 pm Gurey, Dabcan cimri-dheer, cibaado-suuban iyo caafimaad dhamaanteen!!Amin. |