    LULLA | Friday, July 28, 2000 - 05:52 am Waxaan jeclaan lahaa dhalinta rag iyo dumarba leh ee forumka soo gasho oo talooyin wax ku ool ah ka dhiibto ama si daacad ah ba uga hadlo arimaha somalida sida;MOW,GUREY1,GUREY,XAMARDAYE,WALAALKIIN, NEFOOWKANIINI,WARTA,CLEV,SHENGAANI,MURIIDI,MIM, DHALFO,JAMAAL4,XOOGSADE,KAMAAL,JEEGO,HEBEL IYO ODAYGA NABADA(XANARDAYE),KUSSEEY,T-GIRL,DUNYA,MARIAH,SHE,in ay ra'yigooda ka dhiibtaan kaftan la'aan. Somalidu, Marka loo eego badankood waxay qurbaha fog soo galeen 90 kii wixii ka dambeeyay, inti ka horeeysay inyar ayaa jiray oo gacanta khaliijka iyo bad maaxyo ahaa, marka laga reebo inyar oo qurbaha fog kol hore soo gashay, haddaba somalidi ugu dambeeysay ee soo gasho qurbaha 90kii waxay joogaan qurbaha 10 ama 11 sano,walaayaaloow somalidaasi sida dhaqsida leh oo ay isu bedeleen xag dhaqan , xag diin, iyo xag bulshaba, maxaa u sabab ah? ma oran karnaa somalidu way hilmaansho dhawyihiin?ama dhaqsi ayeey isu bedelaan?haddii ay taasi jirto malaga yaabaa in si dhaqsi leh ay u i loobaan colaadi dhex martay? qofkasto ra'yigiigu wuu u furan yahay,caay la'aan Codsi gaar ah: please in somali. mahadsanidiin. |