Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Daneey! Talo bixin weeyee maxaad ku darsan?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, July 31, 2000 - 06:11 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Dawladda iyo bulshada reer Jabuuti oo uu hormood u yahay Madaxweynahooda ayaa guntiga dhiisha isaga dhigay siday Soomaalidu dhihi jirtay oo intay is xilqaameen ay gogol nabadeed u dhigeen gacalkooda guyaashii la soo dhaafay colaad sokeeya dhex martay.

Waxay yiraahdeen Soomaaliyeey tashada oo sida silica iyo saxariirta leh ee aad ku sugan tihiin maanta si dhaanta doona.

Haye iyo hadal wanaagsan ayay Soomaali xaadir tiri. Oday waayeel ah iyo wiil aqoon iyo qoraal bartay iyo gabar gacal iyo gobanimo doonaysa ayaa durba Jabuuti marti u noqday.

Carte ayaa culimo iyo caaamo la isugu tagay oo abwaano waaweyn iyo Yamyam canaan iyo dhiiri gelin u soo jeediyeen ergooyinkii. Calaacal iyo beer la xawsi markii labo walaalo ahaa oo beryo kala maqnaa isu soo jeediyeen ayay hadanaca cafis iyo laab xaarasho gacmaha is gashadeen.

Daneey!

Dawlad aan doonano oo aan qarankeenii dib u dhisano oo aan daryeelno carruur iyo ciroole ayaa lagu dhawaaqay ee yaa diidan?

Daneey!

Soomaaliyeey aan midawna oo walaalnimo iyo muujino sinnaan baa lagu dhawaaqay hadana wanaaggii socday oo rajadii kacday hakad baa galay ee sidee wax u jiraan?

War Daneey!

Wareer iyo walbahaar iyo walaac ayaa durba soo muuqday sababtoo ah sida wax u socdaan oo taabtay boog hore iyo dhaawac cusub.

Cabsi baa timid kalsooni daro iyo tuhin aabe u yihiin!

Quursimaad iyo saluug baa yimid.

225 xubnood oo Golaha Shacbiga ha la qaybsado markii la yiri ayay talo adkaatay. Qaybo bulshada Soomaaliyeed ah ayaa la qadiyay inta kalena wax aan u cuntamin baa ku soo hagaagay siday is yiraahdeen.

Gogol balaarin!

Haddii shirweynaha nabadaynta ay ka qayb qaateen dad ka badan 2,000 oo qof oo wanaag iyo dawladnimo raadinaya la iskuna raacay in cadaalad iyo sinnaan bulsho aasaasku yahay la iskuna af gartay iyo shan beelood wax loo qaybsado soo ma haboona in beel walba dheregto oo qayb ku filan hesho?

Hadaba maxaa bi'i haddii tirada xubnaha lagu saleeyo SUURADAHA QUR'AANKA oo beel walba la siiyo 114 xubnood oo afar iyo tobanku yihiin haween.

Shan beelood oo min 114 xubnood ah = 570 xubnood

Isla markaa Golaha Shacbigana laga dhigo labo aqal oo siman oo kala madax banaan islana shaqeeya.

Aqalka koowaad oo ka kooban 225 xubnood oo 25 tahay haween beel walbana leedahay 45 xubnood wuxuu fulinayaa waajibaadka ku xusan qodobada 17aad, 18aad, 19aad iyo 20aad ee AXDIGA KMG.

Aqalka labaad oo ka kooban 345 xubnood oo 45 tahay haween beel walbana leedahay 69 xubnood waxay gudanayaan waajibaadka GUDDIYADA QARANKA ee ku xusan qodobka 30aad ee AXDIGA KMG.

Waa sidaa iyo daneey!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, July 31, 2000 - 09:06 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Markii sidaa la yeelo oo xubnaha Golaha Shacbiga laga dhigo 570 xubnoon hadana ha lagu daro talada in la dhiso Gole u adeega danaha Soomaaliyeed.

Golahaas oo qaban doona xilka Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad wuxuu ka koobnaan doonaan kow iyo toban xubnood oo shan beelood midba labo xubnood soo dirsato haweenkuna yeeshaan xubin.

Hoggaanka goluhu wuxuu noqonayaa kaltan ama wareegto.

Saddex xubnood ayaa noqonaya Madaxaweyn iyo labo ku xigeen saddexdii biloodba mar.

Afar xubnood ayaa noqonaya Wasiirka 1aad iyo ku xigeenadiisa lixdii biloodba mar.

Xubnaha soo harayna ee goluhuna waxay noqonayaa xoghaynta golaha saddexdii billoodba mar.

Sidaasna maxay kula tahay haddii la yeelo?

Ilaahayow Noo Naxariiso