Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): DIINTOODAA ISLAAM AHEED CIYAALKEEY WAX BARIJIREEN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Sunday, August 20, 2000 - 03:03 am
Asalaamu Aleeykum

rag waa ragii hore

Waxaa wax xusid mudan ah diinta iyo dhaqanka ay asalka u leeyihiin umada soomaaliyeed ee kunool geeska africa.waxay daganaayeen dhul ilaah kuma neeystay biyo iyo baad (caws,iyo dhir xooluhu cunaan)waxay lahaayeen aqalo(guri ama aqal soomaali) ay alifeen dhismihiisa ingineero soomaaliyeed.waxay ahaayeen dad ubadan xoolo dhaqato oo hodan ku ah loda,geela ,ariga ,fardaha,dameeraha,.waxay ahaayeen beeraleey,iyo xeebleey(dadka xeebta daga) waxaa caado u aheed marti galyada iyo sooryeeynta socotada(martida) waxay siin jireen gogal nooca ay kuseexdaan tan uugu fiican iyo hilib iyo caano nooca uugu dhadhan fiican.xataa haday tahay martidu kuwa colaadi kadhaxayso kan lamartiyay marwalba waxuu ka xaragoon jiray marti diisii baa wax layeelay.waxay ahaayeen dad isla ween xarago badan gobonimadana ku fogtahay.habka guurka waxaa loo maa muusi jiray hab leh xeer iyo dhaqan oo aad usareeya,waxaa sharaf ahaan la waydiisan jiray gabadha aabaheed waxaana is arki jiray madaxda labada reer oo xididaya ugaasyada garaad yada suldaanada iyo boqorada ayaa geedka isku arki jiray lagu bixinayo gabadha.waxaa lakeeni jiray sooryo ama gabaati ama xarago oo lagadhiibi jiray gabadha waydii sigeeda,laakiin yaradku waa baabkale,oo gabadha ayaa laga bixinayaa xoolo farabadan ayada oo wiilka xoolahaas dib loogusoocelin doono badan kooda.taas waxaa loo yeelayaa weeyneen guurka iyo xaragada gobta is guursaneeysa.waxay soomalidu ahaayeen kuwo ilmahooda bara quraanka oo diinta aad u jecel waxay kafaani jireen gaal iyo wixii raaca ama raad kuleh.waxay ahaayeen deeqsiyaal ilaah aaminsan.waxay ahaayeen geesiyaal aan dagaal cabsidii aqoon markay xarbi galaan.waxay ahaayeen dad neceb beenta ruuxii lagu ogaadana waala takoori jiray.

Diintoodaa islaam aheed dariskeey xurmeeyn jireen
Dugsiyeey lahaan jireen ciyaal keey wax bari jireen
Dumarkeey xushmeen jireen gaalkeey dili jireen
Deeqsi beey ahaan jireen ma tadeey daryeeli jireen
Daminkeey necbaan jireen tacliin teey baran jireen
Dalkoodeey daryeeli jireen cadawgeey udiidi jireen
Digri bay lahaan jireen ilaahbeey baryi jireen
Duun yeey lahaan jireen danbarkeey cabi jireen
Dacad bay ahaan jireen gacmaheey isqabsan jireen
Damiirkoodu wuu adkaa calan keey xurmeen jireen
Dalkoodeey jeclaan jireen beeraheey falan jireen

-waxaan hadal kuusoo koobay soomalida aan kasoo jeednaa waxay ahaayeen kuwo shisheeyaha ladagaalama oo dalkooda difaacda.
-kuwo isku tiirsan oo isu kaalmeeya
-kuwo diintooda jecel oo kudhinta
-kuwo naftooda ku kalsoon oo isla ween
-kuwo yasa oo kaafaana kuwa ilaah beeniyay
-kuwo tuugsiga iskala ween oo haleelo dhashay maala
-kuwo ku kalsoon ciidooda ragna iska dhacsha

waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, September 01, 2000 - 02:42 pm
Hypicrat