    Ahmed1 | Monday, September 25, 2000 - 02:37 am (Panorama) Toban sano ayay dadka soomaaliyeed xal ka sugayeen Kooxo sheegta in ay wakiil ka yihiin Bulshada, kuwaasoo aaminsan in ay yihiin kuwo la rabo, dadkuna jecel yahay. Dhab ahaan isuma heystaan in ayb yihiin kuwa mas’uulka ka ahaa bur burkii ku dhacay dalka iyo halaagii loo geystay shacabka aan hubeysneyn . Markii loo caal waayay oo tirada intii shir ee ay kir iyo kac ku soo kala tageen ay gaartay laba iyo Toban Shir ayay dadku niyad jabeen, waxaa bilowday in cadaawad loo qaado Kooxahaan, iyaga ay is cadaaweystaan dhexdooda. Kadib iyadoo ay shacabka ka muuqato rajo xumo uga jirta xaalka iyo Mustaqbalka Dalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ugu baaqay walaalihiisa soomaaliyeed Toban Sano oo Dowlad la’aan iyo bur bur ah kadib in uu u fidinayo gogol walaaltinimo oo go’aankeeda soomaalida leedahay, si ay isu cafiyaan dibna ugu dhistaan Qarankoodii iyo Dowladoodii duntay. Baaqa Madaxweyne Geelle waxaa durbadiiba ogolaaday guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed, waxaase si daciif ah u diiday Hogaamiye Kooxeedyo dhowr ah , kuwaasoo ku andacoonaya waxyaabo aan cudur daar u noqoneyn . Marka aad fiiriso liiska kuwa geystay tacadiga Xuquuqda Aadamiga iyo Dambiyada Dagaal ee ka dhacay dalkaan waxaa kuu muuqanaya Hogaamiyayaal Dagaal, gaar ahaan kuwa caanka ku ah in ay had iyo jeer hor istaagaan Nabadda iyo dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed. Waxay si cad u diideen go’aanadii ka soo baxay shirkii Umadda soomaaliyeed ay ku yeelatay Magaalada Carta, waxayna bilaabeen Hogaamiyayaasha dagaalka is uruursi ay iyagoo kala shakisan ay rabaan in ay ku hor istaagaan dhaqdhaqaaqyada la doonayo in ammaanka lagu sugo, hubkana lagu dhigo. Kama muuqato in ay weli u turayaan shacabkii ay intiisa badan dagaalada ku laayeen, kuwo kalena ku naafeeyeen, qaarna ay u geeriyoodeen gaajo ka abuurantay Dagaal iyadoo in kalena ay biimo ahaan ugu qaxeen dibadaha, uguna le’deen Tahriibka Badaha. Bal eeg Dr. Xuseen Xaaji Bood oo Toban Sano kadib Saxaafada u sheegayo in shacabku diyaar u yahay wax uu ugu yeeray ka hortagga taliskii la riday, Waxaa la yaab leh in Hogaamiyahaas uu weli u ciilqabo in dhiig kale uu daato, dhulkana ay ka hoos maraan Kumanaan kale oo dad ah, iyadoo weli qalbiyada dad badan aysan weli ka go’in gaboodfalkii dambiyeed ee dhacay xilli uu Dr. Xuseen Bood sheeganayay in uu ahaa Guddoomiyihii USC ee Kacdoonkii Muqdisho, markaas oo ay Jaal hoose ahaayeen Walaalkiis Cali Mahdi. Bal Xusuuso 13kii Bishii Febraayo 1991kii, in ka badan 50 Qof oo Rayid ah, lagana soo qabtay Dhul Beereed ay gabbaad ahaan uga dhuunteen Maleeshiyadii USC, ayaa dharaar cad waxaa lagu xasuuqay Barxada Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yaala W/Muqdisho, Xasuuqaas dadka loo geystay oo isir ahaan ka soo jeeday Qabiilka Gaal Galada, ayaa waxaa nolol uga badbaaday Hal Wiil oo kaliya, halka intii kale oo dhan ay Naftu ka haaday iyada oo qaarkood ay Ashahaadanayaan. Ma jirto cid Maamulkii markaas jiray ka tirsan oo xitta muujisay in ay ka xun tahay falkaas. Sidaas darteed sow dhib kale maaha in hadana kuwo mas’uuliyadda deegaankaas iyo dadka deegaankaasba sheeganayay in ay hadana mar kale shacabka u yeeriyaan Siimbaarta dagaalka, iyadoo weli uu shacabku xanaaq & caro indhuhu la cas yahay. Ugu dambeyntii Hogaamiyayaasha Kooxaha Dagaalka ee weli Qoriga sita, waxaa la gudboon in ay ku soo biiraan dariiqa wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, iyaga oo maanka ku heynaya in aysan jirin cid dooratay oo ay Mas’uul ka yihiin, hadiise ay dhegaha ka fureystaan Baaqyada caalamiga ah ee looga codsanayo in ay ku biiraan Hogaanka cusub waxaa dhici doonta in si deg deg ah oo fudud loo hor geeyo Maxkamad Caalami ah goorey ahaataba. W/ Qoray: C/raxmaan Muxyadiin Cali - Saaxiib u dir warkan - _________________________________ Waxaan la yaabanahay dadka qaarkood oo kusoo gambanaaya magac jaraa'id si ay u usoo bandhigaan fikradahooda buka. Wargeyska Panorama oo qoray hadalka kor ku xusan waxaa ka muuqanaya inay taariiqda ku fiiriyaan il-kaliya. Aniga shaqsi ahaan lama jiro dagaal-oogayaasha kasoo horjeeda nabada, hasayeeshee ma ogolaanayo in taariikhda laga beensheego. Panorama waxay si toos ah ay u xuseen hal shakhsiyad iyo hal-qabiil oo kala ah Dr. Xuseen Bood iyo Abgaal. Walaalayaal waxaan idin weydiiyay Dr. Bood iyo Abgaal ma kuwa kaliya ee geystay falal kasoo horjeeda banii'aadnimada 10kii sano ee dagaaladu sokeeye socdeen???!!. Dr. Bood ma midka kaliya ee kasoo horjeeda dowlada cusub ee lagu dhisay magaalada Carta??!!. Taariikhda oo dhinac laga soo qaataa waa meel ka dhac saxaafadeed oo aan loo dul-qaadan karin. Taariikhdu waxay sheegaysaa in 500 qof Jan. Caydiid ku laayay Gaalkacyo kuwaasoo ahaa dad rayid ah oo u badnaa caruur iyo dumar. Taariikhdu waxay sheegaysaa in Jan. Jees boqolaal qofood ku laayay Kismaayo oo uu weliba dab iyo bansiin ku gubay waxaana lagu soo bandhigay TVyada dunida. Jan. Taariikhdu waxay xuseysaa in Jan. Caydiid ku laayay kumanaankun magaalada Baydhabo inta aysan kasoo saarin halgamayaasha RRA-da. Waxaa marag ma doonto ah falalkii uu Jan. Caydiid u geystay dadka rayidka ah ee degenaa magaalooyinka Marka, Baraawe ee aan laheyn cid difaacda ama xuquudooda u dooda. Waxaan wada xasuusanahay dagaalkii dheeraa ee uu Jan. Caydiid ka sameeyay magaalada Muqdisho isagoo doonaya in meelmariya dawladiisii Salbalaar. Dhacdooyinka taariikhda ma ahan kuwo lasoo koobi karo. Waxaan aad ula yaabay in jaraa'idka Panorama ay falanqeeyaan dagaaladii ehliga ee socday 10ka sano ayna fikradooda kusoo koobeen Dr. Bood iyo Abgaal ayaa laayay Gaalgale. Hadaba waxaan leeyahay waa meel ka dhac Taariikheed oo an la hilmaami doonin!!! |