    ATEYE | Saturday, October 21, 2000 - 02:22 pm WAAR WAAD NA CIISHEEN 21 OCT 2000 Cibaaraha Adduunyo, ayaanba waa cayne Casariyo duhuriyo, cishuhu ways gediyaane Samo lagu Cawaysimuu,col kadaba baryaaye Caalamka oo idil, markaan caaro walba eegay Caabuq wuu wada jiraa, hadana sii kala culuse Caynkase soomaali tahaybaan, la sii cajiibayaaye Cod yarbaan leehay kuwan, carceeriyay nabadiiye Kuwan carqaladda wadee, carrigoodii gadaye Ciidoodii hooyiyo kuwan, calankiina gubaye Ciiltire YUUSUF TALLAN baad, ciidho u toogateene Curaddo loo hanwaynaabaad, cawdooda gooyseene Hanadadii caawin lahaa dalkaad, ceelka u qoddeene Cadaawe shisheeyoo, caddaaniyo madoow lahoo Dhaqankeena cuddooniyo,col diinteenna u ahbaa Idin ciidansanaayood, cududiisa noqoteene Caalliyo waxad tihiin, coon iyo maangaabe Caamiye iyo Jaahil, Cilmiyo garaad lahayne Cuur Awliyo habaartoo,laga wada cabaadaye Waar waad na cisheenood, na calool xumayseene Waar curuqdiyo jiidhkiyo,Cududahaad na damaqdeene Waar Cimrigaygu intuu jiro, cafis heli maysaane Casiibaan idiin baryaye, Cidhibtiin ha wada go'do Casiisbaan idiin baryaye,Ifka ku caddibnaada Cassibaan idiin baryaye, Cadaabtii laydinku cayuuq ............A.ATEYE.........LONDON. UK |