Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb. 16, 2001): Qaybta Haasaawaha
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacaltooyo

Friday, February 09, 2001 - 06:08 am
Markaan akhriyey qoraalada meesha ku yaal badankooda, arkayna waxyaalaha maalaayacniga ah ee layskula meeraysanayo, weliba meel walba rag iyo dumar laysugu caayayo, iyadoo la ogyahay inaan la kala maarmayn, ayaan waxaan door biday inaan meelo badan ka sameeyo barnaamijkan aynu ugu yeedhnay qaybta haasaawaha. si ay inamada iyo hablaha xasaasiyiinta (Romantic) xilkaska ah ay waqtigooda qaaliga ah halkan ugu wada qaataan, xigmado iyo haddalo macaana isugu dhaafsadaan, kagana nabad galaan meelaha kale ee laysku aflagaadeynayo. marka fadlan halaysku dhaafsado kaftan aan turxaan lahayn iyo xujooyin wax ku ool ah, kuwaas oo ku kala wajahan ragga iyo haweenka.

Kaftanbaa jacayl dhala
kulankaa u xiddida ah
murtidaana kicisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nafisa

Friday, February 09, 2001 - 06:55 am
gacaltooyo.
aboowe waa ku mahadsan tahay boga fiicanee aa noo furtay Gacaltooyo caqli waa haysaa waana ka soo qaybgeli lahaa in layga horeeyaan sugaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mussa

Sunday, February 11, 2001 - 08:45 am
nafiisa,waa lagu salaamy aniga oo runtii kaa hor mariyey in aan u mahad noqo ninkaas xilkaska ah sidaad adiguba carabka ku dhufatay waayo waxay na bareen [the lady first].hadii aan abaaro ujeedadayda waxaan ahay wiil u dhashay xeebta soom.ama jam,jabuuti,waxaan ku leeyahay abaayo soo dhawoow,aniga oo qiyaasaaya lahjadaada waxaan filayaa in aad reer koonfur tahay,waayo waxaan xiiseeyaa kelmda aboowe macaane.jawaab wacan abaayo macaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jacaayl

Monday, February 12, 2001 - 11:18 am
Jacaaylku waa mid dhexyaala dumarka iyo raga waxaana u sameeyay illaaheenii, hadii uuna jiri lahaayna aduunyadu majirteen.
Jacaayl iyo kagacal ayaa labada qof isu keena iyagoo kala duwan oo markaa isugu hooreeyso.
waa jacaaylka midka isu keena qalbiyada isu ooman. waa nabada isu soo dhawaansaha.
waa jacaaylka midka aan ku dhalano.
waa is wehashada labad qof ee inanta iyo
wiilkaba.
waa dareen culus oo inoo dhaxeeya rag iyo dumar.
waa naxariista isha.
waa qaboowsiga qalbiga.
waa doonida hoose.
waa hadal la aaan
marka laays eego eey quluubtu isu weeyraxdo.
waa kalgacal qurux badan.
la aantii nolashu suuragal ma ahaanteen.
waa iloowga dhibaatada.
waa wada qaaybsiga nolasha si kastaba
xiliga jirada, caafimaaka, taajirnimada.
iyo faqiirnimada.
waa dareen qoto dheer.
nafta ayaa ku qanacda.
indhahaa ku doogsada.

waa tuu cilmi boodhari yiri.
markaad hodan tiraahdaan baan soo hanqanayaaye.
waa mid joogtaha
waa is cafis
waa farxad joogta ah
waxaa ku xiran nolasheena.
qof walba rag iyo dunmar wuxuu ku riyoodaa inuu nolasha la qaaybsado ruuxuu jecelyahay.
waa wadaaga waxa dahsoon,.
isku dhawaanshaha.
wadaaga sirta gabadha iyo inanka.
akhristooy hadii aad damacado inaad jacaylak qeexdo waxaay kugu qaadaneeysaa mudo banan.
marka aan maqlo hadalkeeda, qalbigaa qaboowsada oo wadnahaa garaaciisaa i bata.
waa indhahaaygii inantani.
waa maqalkeeygii.
waa riyadeeydii.
waa rajadeeydii.
waa caafimaadkeeygii.
waa marwadadeeydii mustaqbalka.
qoraxi iima dhacdo anigoon ku fakirin.
waa tii layiri
anigoo nugaaliyo kunool beele nabadeedeey ayaan nabarada jacaaylka ka nuuxsan waayoo.
intaa aan ku naawilaayoo mana nastoo.

fadlan wixii aan ka tagay halgu daro.
lama iibsan karo jacaaylka qiima kasta.
lama kala dhexlo.
laayskuma qabo.
waase la koriyaa.
abdi jacaayl,.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

atariisho

Tuesday, February 13, 2001 - 02:09 am
Wow wow waxaasaa jaceyla!!!!!!!!!!
Mahadsanidiin dadka boggan sharafta iyo qiimaha mudan billaabay run ahaantii aad ayaan ugu riyaaqay mar labaad mahadsanidiin.

Haddii aan jaceyl jirin aduunyada ma joogteenee!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacaltooyo.

Tuesday, February 13, 2001 - 05:27 am
Dear Atariisho!

Ummalleey jacayl
weli jaar ma noqoteen?
jid ma wada lugayseen?
mala cuntay jidiin weli?
jihaad ma isku aragteen?
jiidhkaad ka dhalatiyo?
makaa jaray dadkiiyoo?
goonijoog makaa dhigay?

Peace and Love.
Gacaltooyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacaltooyo

Tuesday, February 13, 2001 - 05:48 am
Allaaya cisak yaa Cabdi Jacayl. saaxiib waad asiibtay. waxaana filllayaa inuu kuu hayo Alla ha kuu sahlee, waxaanna kuu rajeynayaa inaad guulka gaadho.

Mar labaad Saaxiib aad baad ugu mahadsan tahay sida aad shucuurta hablaha u gilgishey.

"badannaa jacaylku wuxuu kaa yimaaddaa qofkay raxmaddu ku jirto"

sidaynu wada ognahay haddii aynu niraahno hala qeexo jacayl! xaqiiqdii qofna kama salgaadhi karo, maxa yeellay waa dareen la dareemi karo laakiinse aan la taaban karin, marka dareenkaaga ayuun baa sharixi kara, ee afkaagu ma sharixi karo. waad tlmaami kartaa oo keliya aragtiyaha xaddidan ee jacaylka ogowse akhristow marna kama salgaadhi kartide, haddalna kuma qancaysid haddii aanu ku soo marin.
Marse haddii la yiri hala qeexo, Qofba si haw abbaaree aniga arragtidayda waxaan ku tilmaamayaa
sidan.

Jacayl waa
"BEER"
Aasaaskeedu yahay
"BARASHO"
Abuurkeedu yahay
"RUN"
Waraabkeedu yahay
"Hagarbax"
Midhaha ka dhashaa yihiin
"GUUR"
Haadii la dhaafo ama wax laga beddelo xadkaas aan u dhigay, waxaan aaminsanahay qaaciiddadii qaniidka ahayd iyo xidhiidhkii dhabta ahaa inuu u bedelayo dhalanteed.

Hab jacayl ku dhaqn galo
ma holladay kan ugu dhow
mise weli waxbaa dhiman?

Peace and Love
Gacaltooyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaayl

Tuesday, February 13, 2001 - 08:30 am
jacaaylku waa qaayba badan yahay
hadaad gara ii soo dir fadlan jawaab.
waa immisa qaaybood jacaalku.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jacaayl

Tuesday, February 13, 2001 - 08:34 am
Immisaa dariskeeygu, hanshaashaqeeyga uu ka seexan waayoo aan kugu hamiyaayay.
imisaaan ku horjoogoo hadal aad u wanaagsaniyo samo aan kaa waayoo.
nabsi waa maaguraan
haduu caashaq ku taabtee
waanse kaa naxayaayoo
beerkaa iigu kaa yaalee
soo dhawoow xabiibii
ubaxaan suganayoow.
dareen jkaayga cuslaado.
jacaayl aan dhamaaneeynin
ayaa iigu lamaanee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 15, 2001 - 06:11 am
Jacayl ma gabadh baad tahay mise wiil?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaayl

Thursday, February 15, 2001 - 09:51 am
Waxaan ahay wiil.
adiguna midkeed tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jacaayl

Thursday, February 15, 2001 - 10:01 am
Waxaan ahay nin caashaqa waligii ciseeyoo, kalgacalkana u ooyee.

Ubaxaa la beerana midhihiisa jeceloo , gurashadooda waa hore u digleyabaaa ahay.

Jacaaylkaan ciseeyaa, cidiisaan waraabshaa.
Naxariista deeymada markeey hodan dhaqaaqdaan kolba leeygu dagayaa.

Sanadkoo dhan idilkiis caashaqaan caweeynaa.
cidla aan ku kulanaa.

Kalgacaaylu waa kee, hadaad garan muxuu yahay.
markii uu ku taabtee kuu diido hurdadaad.
baad garani doontaa.

Saqda dhexe habeenkii
makuu diiday hurdadoo
codkeedii ma maqashaa.
sawirkeedaad aragtaa.
dareenkeedaad damqataa.

Beerkaa ku weeyraxa
wadnahaa islaba roga
indhahaa ku booyoo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhurwaa

Monday, February 19, 2001 - 12:43 pm
jacayl waa quwo xoogbadan oo dhibka loomarayo aan la arkin.
sheekaa waxay tiri dhurwaa baa caashaq noqday oo danyo kahelay<dawaco> sheekaa dhex martay oo waa laqaadaa dhigay.
hayee shee matag meel aadd rabto kuguma simee wakhti baa kala geeyay oo waa lakala guuray
dhurwaa waa kadagi wayday hawshaasi habankii danbuu go aansaday in uu caawa danyo arko
waa gud cur maararoobaad roobna waa da ayaa cirka iyo dhulkana lama kala arko wuxuu soo guurabahaleeyaba wuxuu yimi gurigii calaso<danyo> ayadoo hurdo isu dhigtay
waa labo dhib toosin ta danyo iyo haasaawe la,aan noqo
waa uu ku kormeeraystay isgoo ku celcelinaya bayd gabay ah
CALASOOY BAL TOOS WAA MID KAY CALI LAHAAYEENE
CALASOOY BALTOOS WAA MID KAY CALI LAHAYEENE
danyaa soo booday markay dhagta ku dhufatay dhawaaqii cali
ayadoo leh;
ALAHAYOOW YAA DHURWAA UDHAXOO DHAB ULA HAASAAWA
ALAHAYOOW YAA DHABTIISA GALOO DHIDID KASIIDAAYAAAAA.
halkaasna waxaa kabilawday kaftan yar iyo xoogaa kafee ah oo lacabay.
way socotaa ee lasoco

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIL GUREY

Thursday, March 01, 2001 - 12:48 pm
Ismaaciil Gurey
Cardiff
S.Wales


ANIGU HADALKA BADIN MAAYEE HADAAN QEEXAY JACAYL
WAA ABUUR DAREEN OO DABIICIYA, OO UU RUUXBA RUUX UGU GUDBIYO ARAGTI.

ANIGU SIDAASAAN U AQAANAA WAA HADAAN AHAY LAFIHII HOREE UU WAAYA DAASHADAYE, HABLOW SOO DHAWADOO KAALAYA HORTAYDOO, AAN HADHUUBKA CAASHAQA KA WADA CABNEE, SOO DHAWAADAA WAAN LA KALA MAARMINE!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hana

Friday, March 09, 2001 - 01:55 pm
alla qaniyoow jacayl waa kan ihaya &
midaanba jirin
ee alow ii sahal oo baari iiga yeel
kan qalbigayga harsaday,,,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NURA

Sunday, March 11, 2001 - 01:58 am
WAA SALAAMAN TIHIIN

WAAMEESHAAN KALIYA EEN ARKAY EE SIFIICAN WAX LOOGUSOO QORO OOY AF LAGAADO KUJIRIN.

WAXAAN UMALAYNAYAA XAGII MURTIDU IN AY RAGA KUDAN BAYSO HABLOOW DEE AYNU LAQAYBSANO,
KOLAY QOF KASTA WAA LAGU WAYN YAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HOBOLOOSH

Sunday, March 11, 2001 - 09:04 am
ALSALAMU CALAYCOM DHAMANTIIN .
WAAD MAHADSANTHIIN QAYBTAN AAD OO FORTIIN JACYLKA LAKIIN WAAD NOGO KICISIIN DAREMADII JEFAY DADKINAN CASHAQ OO HELAY HALKAA KAA WADA BAAL .