    Mohamed | Tuesday, February 20, 2001 - 07:41 am Waxaa aad noogu badan haddii aan soomalinahay furiinka oo dhibaato u keena bulshada, si arrimahaaq looga hor tago waxaa haboon in loo bislaado macnaha ka dambeeya guurka iyo qaadista masuuliyadaa waayeeyn, waxaan kaloo idinkula talin lahaa kuwa doon doonaya in eey ku guursadaan north europe iyo Amerika in eey si taxadar leh uga fiirsadaan sabao badan oo jira awgeed. Waxaa dhacda in odeyguna iska jaado meelihiisa, hooyaduna eey ka badin weeydo dahab gadasho, taasoo aanan dan u laheeyn ubadka. |
    Leilaa | Thursday, March 08, 2001 - 04:11 am asalama caleykum fikrad fiican ayaad bixisey, laakiin ma kula tahay in uu guurka yaraan intuu sheydaan noolyahay. nimankii oo been badan, oo xaaskooda runta u quurin, iyo iyagoo xaas kale raadsada markii ilmo loo dhalo wa bilaahi tawfiiq |
    baxar | Thursday, March 08, 2001 - 04:47 am TO:Mohamed Guurku waa wax wanaagsan oo Diintana na fartey Hadiis(yaa macshara shabaaba man astadhaca minkum baha fal yatazawaj.....)Tarjumid(dhalinyarada qofkii awooda ha Guursado.....) Tankale Furunka waa shay xalaal ah,laakiin waxaa loo bahan yahey in aan lagu deg degin Hadiis(abgala xalaali ila lahi adhalaaq)Tarjumid(xalasha ilaahey ka cariysiiya waa furiinka) Hadaba guurka waa shey wanaagsan una bahan in lagu dhirigaliyo qofka muslinka ah, Hadii aan u soo nogdo sababaha keeney in uu furiinka bato soomalida Qurbaha jooga arimahan soo socda. 1-Abaha oo xilkiisa ka soo bixi wayey 2-Hooyada oo noqon waydey raali 3-Hooyada oo isu haysata in aysan ninka hanti uga bahneen ee ay isku filan tahey 4-Balawada ay leyihiin hoyada iyo abaha qooska 5-Meelaha aan ku noolnahey oo u badab wadamao qaalo ah WABILAAHI TOWFIIQ |
    Rashiid | Thursday, March 08, 2001 - 06:15 am A/calaykum dhamaantiin Haddaaaan ka hadlo furiinka waxa inta badan sabab u ah. Markaan ka bilaabo qoyska sharafta leh ninkuna shaqeeyo oo aan qaad cunka ahayn sababa dhowr ah.. 1) ninka oo soo shaqeeya shan(5) maalmood oo markuu guriga yimaado daalan iyo iyadoo shaqa kale ku jirtay oo nafteeduba daalan tahay markii laba hadal lays waydaarsado looma dulqaadan karo sababtoo ah labadiiba daal baa kax lala yahay halkaasna murna baa ka dillaaca. 2) markii ninku kaliya ahi shaqeeyo isaga laftiisu markuu soo rawaxu iyaduna caruurtiibaa say dhagaha uga qaylinaysay illayn meel ay aadaan ma lehe, markuu wax waydiisto iayadoo kul saaran yahay ayey ku jawaabtaa mararka qaarkood wuxuusan raali ka ahayn halkaasna muran baa ka dillaaaca. 3)markuu off day giisa galo ayey iyaduna tiraahdaaa caruurta hay illayn qudheeduba shaqo culus oo caruur hayn la yiraahdo ayey ku jirtay isna shaqo xamaali oh oo bareesharkeedu badan yahay markaasaa lays ku qabsadaa qofkii meelaha soo mar mari lahaa taasina muran bay keentaa. 4) dumarka qaarkood oo daawada showyaashaa qaarkood sida naagta maraykan ka ah oo layiraahdo oprah waxay ku arkaana waxay moodaan wax sax ah taasina waa mid ka duwan dhaqaankeena oo mid aan la qabsan karno maaha rag iyo dumarba. marka arin si loo xalliyo ilaaha idin abuuray isagaa garanaaya waxa idiin fiicane taladiisa raaca oo barta iyadaad ku liibaanaysaane. dawo qof cuni lahaa ma jirto haduusan raacin waxa dhaqtarku usheego, nin baabuur wadi lahaa ma jiro haduusan raacin wixii sameeyey taladooda. marka idinku kii idin sameeyey taladiisa qaata intaa iyo nabad gelyo wa billaahi tawfiiq. |
    Anonymous | Thursday, March 08, 2001 - 09:12 pm Asalaamu Caleykum Marka hore, waxaan saxayaa xadiiska kor ku qoran oo ah "Abqadul xalaali ilalaah adlaaq" Xadiiskaan waa DACIIF wax jirana ma aha culumada in badan ayaa daciifisay shariif cabdi nuurba ha ugu horeeyo. Ilaahey wax xalaal ah kama careysiiso bal iskaba daa inay ka careysiiso ee suurad dhan oo quraan ah ayaa ku soo dagtay Suurada FURIINKA ayaa la yiraahdaa. Guurku wuxuu ku saleysan yahay labo wax, macruuf ku wada joogid ama wanaag ku wada tagin. Soomaali hadaa nahay midna ma heyno, hadii la wada joogona waa dhib hadii lagu kala tagona waa lacnad, naceyb iyo is dil. Islaam ayaa nahay laakiin diinta kuma dhaqano, boosniyaanka iyo kosovada ayaa la yiraahdaa islaanimadooda waa magac bal anaga ma is hilmaanay. Guurku wuxuu ka bilowdaa barashada qofka iyo is doonitaanka, in badan oo guurkooda furiin u dambeeyay macsi iyo meel aan barako laheyn ayey isku barteen, markey guriga wada tageena waxaa la isku qabsada koobkaas biyaa ku jira iyo kuma jiraan. Guriga waxaa la doonayaa inuu ku dhisan yahay aayad iyo xadiis iyo waano iyo wacdi, hadii laga waayo waa loo baqaa. Naag labaad oo la arooso ama ilmo bata dhib ma keenaan, iskaba daa in dhib yimaadee ilmaha waxaa lagu fasiray inay naxariis iyo jaceyl kordhiso. Guriga la dhisayo markuu aasaas fiican helo ayuu fashil ka badbaadayaa amaa inta ka horeysa far baa ku mudan. mida kale, furiinka oo dhan dhib ma wada keeno mar buu kheyrka ku jiraa laakiin waa markii laga tashado sanado badan oo qofka xal kale loo waayo xataa lagu tijaabo in lala labeeyo si dhibka u yaardo. |
    Mohamed | Friday, March 09, 2001 - 03:01 am Waad mahadsantihiin dhamaantiin, intii igala qeeyb qaadatey doodan qiimaha badan leh, waayo waxeey quseeysaa tiirka nolasha waayo haddii uusan guur jireen bani aadamku waa cirib tirmi lahaa. Haddii walaalayaal aan soomali nahay dhibaatada noogu weeyn oo na heeysata waa ayadoo labada qof oo is dooneeysa eeysan ka wada hadlin xaaladooda runta ah, haddii eey noqon laheeyd dhaqaale, nolol iyo bulsho. Waxaa kaloo jira in mudadii 30 sarno aheetd eey soomalidu dowlad ku sheega laheeyd in la dumiyeey aas aaska xaga dhaqnka oo wax kasta oo ceeb iyo fadeexo ah laga dhigey wanaag halka u sareeysa, sida shacaadka, qaad cunista, dhileeysiga aan xishoodka la heeyn tusaale ahaan lab qof oo caawa oo dan is la fadhida jardiin. Waad mahadsantih |