    UkMan9 | Friday, March 23, 2001 - 03:44 pm HADAAD DOONAYSAAN INAAD AKHRIDAAN GABAYADII CAWRALA IYO CALI MAAX HALKAAN CODKIINA KUU SOO QORA HADAAD ISKU RAACDAAN WAAN KU SOO QORI AAD ARAGTAAN SIDA SOMALIDU JACAYLKOODU AHAA QARKII 19NAAD IYO KA HORBA |
    suhuur | Friday, March 23, 2001 - 03:55 pm waa rabnaa laakiin buugii oo dhan ma haysaa, in mudo ah aan raadinayey. |
    mama | Saturday, March 24, 2001 - 05:25 am Wallaal aad iyo aad baan u raadinayay. |
    Anonymous | Saturday, March 24, 2001 - 05:27 am hi there, I'll love to see it bro |
    imaan | Saturday, March 24, 2001 - 05:29 am Waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa!! |
    Anonymous | Saturday, March 24, 2001 - 05:31 am comeon man let us see!!! |
    umulqeyr | Saturday, March 24, 2001 - 05:32 am Lilalaw! |
    cawo | Saturday, March 24, 2001 - 05:33 am waaryaahee ku mee? |
    maceey | Saturday, March 24, 2001 - 05:35 am aboowe anaa kugu raacay ee soo dhaqso. |
    UkMan9 | Saturday, March 24, 2001 - 07:44 am Sidaan horayba idiin ku balan qaaday waa gabayadii iyo intaan ka xasuusan karo ee sheekaddii oo dhan maaha sababtoo ah taasi waa buug dhan halkaanna kuma soo koobi karo oo shaqo la'aan uma ihi ee gabayada dhuuxa. gabaygaan waa Cawralla oo warqad u qoraysa Calimaax waxayna qortay ilaa shan iyo tobon warqadood oo markay dhamaysaba ay jeejx jeexday oo hadana dib u qortay mid kale sidii haddii jacayl idin hayo qofkaad u qoraysaana idinla socon aad samayn lahaydeen. Hadaad rabtaana waan isku dayayaa warqaddii oodhan siday u qortay laakiin waxaan idiin sheegayaa inaan soo dhowaysataan wax ilmada aad iskaga tirtaan hadaad codsataan inaan warqadda dhan soo wada qoro.. haddii kalana gabayga kaliya akhriya waa idinka iyo codsigiina... waxay tiri.... Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane, Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne, Dabadeed aan kala Jiidanne’e, mar ila soo joogso. Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay, Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay, Waxaan ahay mid kuu cabatayo,. caashiaq dhibayaaye. War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey, Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye Baddoo caratay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa, Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaaye, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye, Waxaan ahay cirkoo hooray, iyo caadka oo kale’e, Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira, Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye, Waxaan ahay carfoon iyo udgoon, iyo cadarki Baariise, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye. Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede, Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene, Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaaye, Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo, Cishihii haddaan sarar cusba leh, kugu cashaysiiyo, Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duu go, Asaadan caloosha igu hayn, Caligaan calmadow yeelkaaye. Ogoobey haddaan dayaxu jirin, dirir ma nuureene, Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene, Ogoobey haddaad diiddo, waan degel baxaayaaye, Oo hal iga dardaarana Caliyoow, debinta maan saaro, War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo, Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne. |
    suhuur | Saturday, March 24, 2001 - 08:01 am ukman buugii ma haysaa ma taqaanse meel aan ka heli karno. please noo soo sheeg, sidaad tiriba shaqo la'aan ma tihid so nama haqab tiri kartid, please noo soo sheeg. |
    UkMan9 | Saturday, March 24, 2001 - 08:15 am suhuur buuga ma hayo waan hayn jiray waysa iga lumay sabata uu ulumayna waa gurigii ayaan ka soo guuray dib danba uwaayey adduunkii oo dhan waa jajabshay....looooooool laakiin gabayada dushaan ka bartay iyo warqadaha intaba.. taaasiba waa wax dhan.. ee waxaad umalaynaysaan ka soo hadla waa idin sidee ... looooool he he he kaftan... |
    Raggeedii | Saturday, March 24, 2001 - 09:31 am UkMan: Ma haysaa midkuu calimaax kula hadlayo faraskiisa ee leeyahay "caawa Xiis i gee" or something like that)isagoo murugaysan gabadhii inay dhimatay loo soo sheegay. Peace |
    UkMan9 | Saturday, March 24, 2001 - 09:56 am Raggeedii waa kan gabay gaad codsatay oo ahaa markii Cawrala dhimatay oo Calimax loo sheegay gabaygii uu tiriyey isagoo la hadlaya faraskiisii. inkastoon ka jeclaa inaan ka soo tebiyo siday gabayadu isugu xigeen laakiin waa kan codsigaagii Calimax wuxuu yiri.. Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo, Xaq laygu lahaa, iyo xus baan dhigayaa ye, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la moodyow, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo, Qalbigay xanafoonoo, xummad bey derdertee, W/aan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo, Xabadkaa i dakaamoo, waan xabeebsanahee, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, In kastoo la xiddeeyo, aroos loo xaradheeyey, In kas too xoola badnaa iyo, xariir loogu hagoogey, Xirrib tii indhaygiyo, xubnahaygay ahayde, War xiskii i dhinaayo, Xadeed weyn ku habaabee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yaw, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jee fag ku dhaafoo, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa I gee, Waan xawaal dhigayaaye. caawa Xiisa i gee, |
    UkMan9 | Saturday, March 24, 2001 - 11:00 am Gacaliye Calimaax, Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane, Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne, Dabadeed aan kala Jiidanne’e, mar ila soo joogso. Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaan uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiha jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro tanoo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay. Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaaddana, waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaani garaflwaay oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay. Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen. Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay, Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye. Waxaan ahay mid habeenkii kowaad oo ay doonnidu gutiraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg ulahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay gursadaan iyo murwooyinkey qabaan. War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey, Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiiggaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da’ ay doonnidiina degtay, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacaan qabatay iyadoo baaxaa degaysa dhawr jeerna hafatay. Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa, Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaa ye, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye, Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yarayn, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxi badeed ma sigeen dhowr jeer. Waxaan ahay cirkoo horay, iyo caadka oo kale’e, Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira, Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye, Waxaan ahay car foon iyo udgoon, iyo cadarki Baariye, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye. Waxaan ahay haddi runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedi ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojee kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey. Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede, Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene, Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaa ye, Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, mangaloot uduggiisa lahaa yow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waago beryaaya wajiigiisa lahaayow, mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo mnidadbka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, inaadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoray yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuude adiguna aad muutsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda. Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo, Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo, Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duu go, Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaaye. Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow. Ogoobey haddaan dayaxu jiriti, dirir ma nuureene, Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene, Ogoobey haadday diiddo, waan degel baxaayaaye, Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro, War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo, Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne. Waa Gacaladaa Cawrala Barre, ee deggaan Magaalada Xiis Xarrago |
    Anonymous | Saturday, March 24, 2001 - 12:50 pm Ukman9 soo soodaa man it was breath taking letter who could belive that Somali woman would write that kind of letter i am impressed |
    Marwo dhab ah | Saturday, March 24, 2001 - 04:15 pm Ukamn9 walaal ma haysaa markuu qabrigeeda yimi gabaygii uu u tiryey kaas hadaad hayso minfadlak soo qor aad baan ujeclahay gabaygaas waa iga oohin jiray. aboowe waxaan umalaynayaa naagtii ku heshaa inay nin heshay. qof saas jacayl u yaqaan wali ima soo marin awal waxaan arki jiray gabayada english kaliya iyo kuwa yar yar oo Somali ah laakiin markaan arkay sheekadaan inaan taqaan gabayadeedana xafid santahay waan ku siiyey koobkii dahabka ahaa ee Jacaylka nin kula mida oo soomali ama dad kale ah umalayn maayo inuu nool yahay. qalad hay fahmin anigu xaas baan ahay. walaashaa oo kale. hayga ilaawin gabaygaan kaa codsaday mahadsanid. |
    UkMan9 | Sunday, March 25, 2001 - 12:34 pm Marwo gacalo waa kaas gabaygii inkastoo dheer yahay waxaa ka fiicnaan lahayd adigoo soo codsada kuwa ka horreeyey laakiin codsi waa codsi dadyahow waxaan soo qoraya ma leh haday daan ka bixin any comment.... loooooool Cawralaay johorad baad ahayd, jamatay laabtaydu, Waxaad ahayd jannadaan raboo, jawda uu lahaaye, Hayeeshee, jacayl waxaa ka adag, calafka jaangoyne, Cawralaay dabayshaday dorraade, deri ma geeriyootay, Daartii aakhiro la hub iyo, degelki mow fooftay, Oo ma dardaarankii aad tiraa, dacar I leefsiiyey, Ogoobey jacayl dihashadiis waa dab iyo naare, Ogoobey waa soo duxanayaan, daqaradiisiiye, Ogoobey waa doog aan lahayn, daawo iyo baane, Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way dam qanayaane, Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalaadhacaynaaya, Ogoobey aniga dulmiyoo, dilay xabiibta ye, Ogoobey anigaa deldeloo, dembi I haystaaye, Ogoobey deyn baan qabaa, la iga deynayne, Oo waxa deyradaas dhigayba, waa dib u dhacaygiiye, Cawralaay ninkaan deelk a, iyo daalka kala soocin, In kastuu dircoon yahay, haddana doqennimow dhoowe, Ogoobey aqoondarridu,waa dulliyo leeleele, Waa darxumo iyo hoog ninkey, dacalka saartaa ye, Waa danqaaro waaweyn, haddaan laga dig toonaanin, Ogoobey daacuunkiyo ka daran, dabargo’iisiiye, War qaaddii daboollayd, markii daaha laga qaaday, Oo dareenku galay uumiyaha, duq iyo waayee1ka, Ogoobey dul iyo layga tuur, déliya dhaadheere, Daraawiishta heegani, markay ban duleeydaysey, Hadaan dayr la ii dhigin, ama dab in la ii qoolin, Ogoobey daryeel iyo aroos, iyo dereg ma weydeene, In kastaan dagaal iyo ku jirey, duullan iyo weerar, In kastay i dershayn, kuwaan deris wadaageyney, Ogoobey anigaa dayacay, dahab la mooddiiye, Wixiise daayinkay qoray ayaan, abid ku deyneyne, Nin Darwiisha waa lagu yaqaan, dirirta gaalaade, U daryeel dalkaagii hadday, daano iga gaartey, Duur waxaan ku noolaa beryoo, debedda meeraayey, Wixii aan caleen daaqayeyoo, doogga guranaayey, Bowdada waxaan duubayayoo, keli is daaweeyey, Dabaysha iyo fooraha waxaan, degel madoobaadey, Wixii aan atoor dilanayoo, dab in u tuuryeeyey, Wixii aan dab waayayoo la baxay, madag intaan doontay, Wixii aan biyaha doonayoo, oon i dili gaarey, Derbi dhagax waxaan xaartayoo, keli is duubaayey, Dabaxiir shabeel ahi wuxuu, igu dul meeraayey, Denbi kuma lahayn Cawralaay, dib u dhacaygiiye, Ogoobey haddii dirriku dhaco, dayaxu gaadow ye, Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo la cayrowye, Ogoobey waxaan kaa danbayn, laba diraacoode, Afartaasi waa iga dub nixid, dharigu hayn waayey, Oo aan deegaye gacaladay, ugu baroordiqay, Afar kalena waa iga duce, balaan daliileego, Darriqii siraad oo ahaa, daliig sinsaanteeda, Oo dabreeya wixii daalinoo, deli ka tuuryeeya, Durduro laguu man, aadaan dab u cabsoonaynin, Dacwadii lagaa dhaaf, catiid dareen wax weydiiyo, Raqiibna ku da’yey oo ku daa, dun markuu waayo, Dembi ma lihide Eebbahay, derejo kuu yeelyey, Waanigaa dal dheer uga imi inaan duceeyaa ye, Waanigaa dul suray xaashidii iyo dooddii aan qora ye, Waataas deddootaye dadyahow ducada aammiin dheh, Durdurkii firdowsiyo u hoyo, togaag durduuraaya, Ku dabbaalo web igii jannada, damal haraynaysan, Ku diihaal bax mira diir la’ood, debinta leefaysid, Ilaahay duggaal iyo ku sii, malab durduuraaya, Kaa hiraabi deeqdiisu waa, daraarta xoolaade, Waxaad doontid oo idil ilaah dacalka ku saarye, Waanigaa dal dheer uga imi, inaan duceeyaa ye, Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye, Waatas deddootaye dad yahow, ducada aammiin dhehe, Rasuulkii ilaah deris la noqo, deneg allow yeelye. Diyaafadaha kuu dhige malaa’ig, daacad ah oo joogta, Waxaad dunida weydey oo idil, daleel lagaa siiye, Waanigaa dal dheen uga imi, inaan duceeyaa ye, Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye, Waataas deddotaye dad yahow, ducada aammiin dheh, Dar alluu ka yimid mow tika helay, dahabadaydiiye, Arla durugsan baan jirey markay, derin ku qaadeene, Haddaanse ku daakinay halkay, keli ku duugnayde, Qabriyahow daboolani adaan, cidi ku deynayne, Adigay dummaddaada tahay, dayax la mooddiiye, yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca, yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca, yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca, Ogoobey waa sidaad u sheegtaye, anna aan u sheegaye, waynoo daartii aakhiro iyadaan cidina deynayne, Oo ogoobey waxaan kaa dambayn laba diraacoode. |
    cosade | Sunday, March 25, 2001 - 04:46 pm salama calaykum . wallal uk . waad mahad santahay waxan umalaynayaa in uusan u baahneyn dukutaa waayo waaxad umalaysaa in aanu raali kawada nahay , waxaan kaacodsanayaa siday ukala horeeyaan usoo gali waxaan kuu sheegayaa in aruurin doono hadaad ii ogolaato saxib . noona soo hseeg meesha aad joogto saaxiib is waraysi wanaagsan . salaama calaykum. |
    Raggeedii | Sunday, March 25, 2001 - 06:56 pm Ukman aad baad ugu mahadsantay gabaygii aad ii soo gudbisay. Boqorka Jacaylkaa laguu caleema saaray hadda siday ila tahay |
    Dk9 | Monday, March 26, 2001 - 04:55 am Daaamn goodman! War uk9 boqorka jacaylka anigaa kugu haystay, laakiin maanta kabid adiga waaye, waa kuutufay!!, soo wad saaxiib ilaa ay gabdhuhu ka jilboonayaan! |
    Anonymous | Monday, March 26, 2001 - 05:32 am Ukamn9 u r my fantasy i am inlove with u. the more i read your poem the more i love u. |
    Oday Ku Dhali Kara | Monday, March 26, 2001 - 05:51 am Ukamn9 Adeer Mahaysaa Gabaygii Reer Baadiyaha Iyo Reer Magaalku Isu Tiriyeen Oo Buugaa Ku Qornaa. Hadaad Haysid Ducaa Iiga Kaa Dhacaysa Waxaan Raadinayey Mudda Badan. Waxaad Wadaba Odayaashiina Heshay Inay Kuu Noqdaan Taageerayaal. Mahadsanid Waa Oday Ku dhali Kara |
    suhuur | Monday, March 26, 2001 - 09:04 am ukman boqol jeer thanks bro. ok ma haysaa gabaygii cawrala tirisay markuu aabaheed ninka ku daray waxaan u malaynayaa inay erayda ka mida ahaayeen:magalooti jaahila oo hadana madaxa taagaaya oo haduu muran idin dhexmaro meel ku jabinaaya....nimaan muxbadiis hayn aaboow ha igu meherin or something like that.ukman daabac nooh gabayada lacag ka samaynaysaa or i amaahi maskaxdaada anaa daabacaya. |
    UkMan9 | Monday, March 26, 2001 - 09:39 am meeshaan uma jeeedo dad badan oo xiisaynaya gabayadaan balse waa kuwaan.... Oday_Kudhali_kara waakan gabayadaad isoo waydiisay Adaana mudan adeer… Reer magaalku wuxuu yiri Wallee daacuflow reer miyaan, doocna garanaynin, Dab la shiday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho, Doqonnino waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye, Haddi doog ilaah shubo, oo duni barwaaqowdo, Oo doobi caanaha riyaha, looga dalaf siiyo, Oo rodol uu doondoon ku helay, uga danbaysiiyo, Isagiyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye, Damdamtiyo hangoolkii ma jiroo, diriri maayaane, Maantaas ninkii dan u lahow, daaso hada1kaaga. Reer miygiina wuxuu ku jwaabay Dunnunucaay kolkuu qahwaha, debinta saaraayo, Duuf lulaaye goortuu kaalluun, labada daan buuxsho, Dayn qaate meeshii nin ragi, debec ka maalaayo, Duryan xume markuu deego buu, dunida hiifaaye Diintiyo wuxuu caayayaa, daayin ilaahiise, Dacwad aan la garanayn iyo, dafashya baas sheegte, Dood iyo dagaaal baa nin raga, lagu daryeelaaye, Deeqdana haddii loogu ladho derejo wee yaan, Wax dawddara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga. Suhuur adigana gabaygii waa kan Cawrala waxay tiri:- Maalqabeenka geeliisa ramag, madar ku maalaaya, Oo muluggii adduunyada qaboo, midigta loo saaray, Nim micnaha dumar yaqaan, yey maskabi dhaama, Magalooti jaahila, oo haddana madax taagaaya, Oo haddii muran idin dhex maro, meel ku jebinaaya, Ninki birimagaydada yaqaan, yey maskabi dhaama, Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe, Oo mugdi ha been gudahayoo, marin habaabaaya, Oo aan maraaciga haween, iyo muxibadood haynnin, Oo aan milgiyo maansa gabay, mira ka sheegaynin, Oo sida Cali waa maahire, mayey u horaynin, Inaan meel cidla ah weytamaa, yey maskabi dhaanta, Muudal weeye iyo nimaan, muqdarba ahayne, Oo magligiyo hangoolayntu, waa meheraddiisiiye, Waa wixii makalay wiiladay, milaygii dayreede, Murwana daryeelkeedu, waa xil iyo maamuuse, Mar hadduu man facii hunguri, mee i oranaayo, Inaan meerto guumays noqdaa, yey maskabi dhaanta, Malabkiyo macaankiyo wixii, miid iyo maaheera, Maantadaas haddi lay wacoo, la i mihiibsiiyo, Maalaydaa dacartoon rabaa, yey maskabi dhaante, Aabbow maqaan iyo waxaad moogtahaa badane, Oo intaasoo masalooyinaan, maragsanaayaaye, Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiishaynin, Haygu mehenin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin, Hay gu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin, |
    Shacni | Monday, March 26, 2001 - 12:07 pm Walal UKman aad ayaa ugu mahadsan tahay inta aa wakhtigaaga galisay runtii gabayada Cawrala iyo Calimaax hadaa noo sii wadi karto waa jeclaan lahaa, waxase ku waydiiyey adoo raali ah imisa jir ayaa tahay lol. |
    Anonymous | Monday, March 26, 2001 - 01:13 pm UK man 9, waw! waxaan ka yaabanahay maskaxdaada. waan ka xumahay inaan ku iraahdo waxaan u maleynayaa inaad buuggii meel ku haysato, laakiin waxay tahayba waxaad dhaantaan in badan oo maan la'aan meelaha caytama. waxaan ku weydiiyay ma taqaan Gabaygii cawrala tirisay markay dhimanaysay? |
    UkMan9 | Monday, March 26, 2001 - 05:34 pm kanna waa suubis looooool Afar waa mugdi, Afar waw maradhaamo, Afar baa ka macaan, Afarna wawga maso. 1. Abaari waa mugdi cawsna waw maradhaamo doog baa ka macaan ninna wawga maso, oo waa ninkaan cood lahayn. 2. Colaadi waa mugdi ergona waw maradhaamo nabad baa ka macaan ninna wawga maso, oo waa ninkii ku dhintay. 3. Habeen waa mugdi dayaxna waw maradhaaino maalintaa ka macaan ninna wawga maso, oo waa ninkii indhoole ah. 4. Hammadi waa mugdi guurna waw maradhaamo jacayl baa ka macaan ninna wawga maso, oo waa caamadaan garanayn |
    Shanka | Tuesday, March 27, 2001 - 03:37 pm Ukman9 macaanoow adi maxaa kasamaysan tahay maskax kugu aasan intee kala timi naagtii kuheshaa nasiib leh soo wad sheekada ha joojine wax badan baan doonayey heekadaas haday suurto gal tahay sheekada dhan maalin maalin ma soo qori kartaa |
    UkMan9 | Wednesday, March 28, 2001 - 05:13 am Intay Doonta saaraayeen ayaa Cawrali dumar la fadhiyey uga sheekaysay jacayl waxayna ku dhexdaraysay Calimaax markay dhulka yimaadeen ayaa saaxibadeed iyo cCarali sheekaysteen in mudda ah markay sheekaysanayeen ayaa saaxiibadeed dareentay in Cawrala jacay hayo markaas ayey waydiisay Cawralaay ma jacaylkaad ka sheekaynaysay markaan doonidu ku jirnay ayaa ku haya..... Cawrali waxay ku jawaabtay Baxsanay habeennada indha baal ma saarinoo, Duni baadi weeyoo bilisina illowshaha, Wa u beer nugayloo ba’a iyo baraaraha, Baraarahay xuseeyaan anse baal ka marayoo, Biimahaad ogayd iyo cirkoo biriq hillaaciyo, Bartii roobka duufaan biyihii shubmaayiyo, Dakhalkii bacramay baan baayeey ku selelaa, Bisin alla bir weeyaan sow bilow ma taabinoo, Eebbe ima ballaysiin anoo baaxa degayoo Bes ah oo hafanayoo bixi layd naftaydii, Baaqaan hayeeey iri sow Cali-badmaaxoo, Birrigii imuu gayn baari iima qabanoo, Berrigii imuu gayn naftaan qaaddir bixinayn, Ogow wey badbaaddaa Waa baab jacayloo baarax uma ledaayoo Baddaasaad arkaysoo buuraha la moodoo, Badraankii libaax iyo hambabarada booddiyo, Bahaluhu ka buuxaan way bila dayahoo Buruudkii Badmaaxiyo nuur layga biliyaa, Waa boog jacayloo bukaankii la yaab ma leh, Beerkiyo wadnaha iyo bogguu hoy ku leeyahay, Waa baab jacayloo Billaawihii afaystoo, Bedenkayga degayoo igu beeray boholyow, Waa baab jacayloo waxa ii bogsiina ah Ama ii bushaara ah oo ii baraara ah, Ama ii barwaaqa ah baanashada haweenoo, Badmaax-aan hantaayoo berri aannu kulanoo, Beryasamo ku waarraa”. |
    MaHaD | Wednesday, March 28, 2001 - 10:08 pm UKMAN9, Saaxib aad baad u mahadsantahay. Oggowna runtii waxa jira rag badan oo soomaaliyeed oo jecel Gabayada, iyo halabuurka maansada oo aan annigu ka mid ahay!. Saaxib, waxaan ku weydiiyay ma jiraan buugaag kale oo gabaya ah ee aad heysid, sida "Inna abdulle hassan"?. Mahadsanid. |
    UkMan9 | Thursday, March 29, 2001 - 11:35 am MaHaD sxb mahayo gabayadaas waa ka xumahay inaan codsigaaga oofin karin laakiin waayi mayno qof hayo oo inta soo gala nagu caawiya... |
    Sanaag | Thursday, April 05, 2001 - 06:29 am Ukman9 Cali Maax awoowahay ayuu ahaa...adigu ma area Sanag ayaad ka timid |
    sahra | Tuesday, April 10, 2001 - 05:58 pm uk9 waan ku salaamay , walaal waxaan arkay gabayadaadii aad ka qortay buugii cali maax waah waah waxaasaa jacayl ah aan ku darsado in yar oo codsi ah walla noo daabac buugii oo dhan rutii waan akhriyey laakii ma xasuusto halkaa kasii wad thank you bro........................ |
    Cali-maax | Tuesday, April 10, 2001 - 11:01 pm aniga haye,ma ii sheegi kartaan meel lagu daabaco si aan u badiyo...don't get me wrong i don't mean to make business out of it...but promise to share with my fellow somali's around world..i mean who ever interested to read again.I borrowed from a friend of mine who is very organized person and archived...so I only have 8 days left to return it. |
    UkMan9 | Wednesday, April 11, 2001 - 12:54 am Sahra inshaallah waan samayn inaan daabaco laakiin ma ogtahay inaan la daabici karin idin la'aan qofkii daabacanaa uu xarig ku galayo... Cali max ha isku deyin bro howshaas maaha iska daabac adoon idinka ka haysan qofkii lahaa buuga.. |
    UkMan9 | Wednesday, April 11, 2001 - 12:57 am suhuur waxaanan kuu sheegiin buuga oo dhammi wuxuu ku jiraa computerkayga isagoon wax ka maqnayn marka codso qaybtaad rabtid anna waan soo qori laakiin buugoo dhan iisoo dir ma samayn karo for sababa awgood. plzzz sababahaas ha sioo waydiin sababtoo ah jawaab may laha loooooooooooooool... |