Skip to main content

.

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Mar. 2000 - August 2000): Gabdhayaga sideen ku qancinaa???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guhaad

Unrecorded Date
Salaan diiran ka gadaal waxaan rabay inaan halkaan
isku dhaafsanno arimmo aan is leeyahay waa lagama maarmaan marka la doonayo in reer is qabaa uu raago oo ay ku wada noolaadaan nolol raaxo leh.
Arrintu waxay tahay waxaa in badan ka dhex dhacda qoysaska soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamadan aan ku noolnahay ee r.galbeedka ,in ay dhacdo in ay isku fahmi waayaan qaabkii ay u noolaan lahaayeen,
ha ahaato masuuliyadda gurigga ,dhaqaalaha, iyo howlaha gurigu u baahan yahay oo dhan.
Waxaan in badan ku arkay magaaladda aan deganahay
rag badan oo meel ay galaan la' ,sababtoo ah waxaa laga soo eryay gurigii kadib markii uu ka leexday awaamiirtii xaaskiisu ay fartay.Raggaas aan sheegayaa ma aha rag xun sida aragtidayda ah woloow ay iskka kay og yihiin haddana anigu markii aan is weydiiyay waxaan is iri malaha gabdhahaa qaldan.
Gabdhaha soomaaliyeed waxaan weydiinayaa sidee idiinla dhaqanaa si uu u yaraaddo furiinka iyo is aaminid la'aanta ka jirta dhexdeena?
Rag badan oo aan ugu horeeyo ayaa shaki ka galay inay guursadaan gabar soomaaliyeed kadib markay arkeen dhibaatadda badan ee ka dhex taagan reeraha jaalkeena ah.

waa guhaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusseey

Unrecorded Date
garanmaayo, garanmaayo, guurkee dadbaa gacansi ka dhigay.looooooooool

guri mas iyo god ayaan galay.

walaal arintan waa mid culus ee bal sug dad expertis ah inee kula taliyaan. aniguse waxaan ku oran lahaa labada qof waa inee si fiican isku bartaan inteesan guur isla aadin....sababtoo ah somaalida badanaa iyagoo is aqoonin ayee guur ku cararaan. taasina waxeey dhali saa is aqoon la'aan

hadaba ma oranayo waa ineey wiilka iyo gabadha iska dhigaan westernized oo b/g iyo g/f waqtiga ku dhameeyaan waxaas caadideena iyo dhaqankeena ma ahan lakiinse waa in gabadha iyo wiilka ey is siiyaan waqti wey isku dabeecad bartaan. waxaa laga yaabaa waqtigaas gudihiisa inee arimo badan la kulmaan oo ama ku hishiiyaan ineey iska badalaan dabeecadahaas ama ey amaan is siiyaan intee guur isla gaaran ......guurka horta ka fiirsada gabdhayahow iyo wiilyahow ...waana iga talo.

guhaad this is a good point dat u brought bro
hope u can get as many feedback/adcive as u can
good luck
nuff love
kusseey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jawaabdoon

Unrecorded Date
kuusey arintaada weyfiican tahey laakiin aniga illaa iyo hadda waxaan raadiyaa gabar aad u qurux badan oo dabeecad leh mana helin wali marka haddaan hello gabar seyn ku daayaa ama ku sugaa xili aan sifiican isku sii dhax galno

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusseey

Unrecorded Date
to jawaabdoon:::

walaaal horta salaan dhab iga dheh .....jawaabdoon in aad gabar quruxdeeda raadiso dhib malahan lakiin la soco hee ........qurux waa tan insidka iyo qofka reer magaalnimadiisa iyo sida uu kuula dhaqmo .....waxaa laga yabaa gabar iska caadi ah dhanka quruxda banaanka ah .....inaad markaad barato aad qurux umada kale arkin aad adiga un aragtid sababtoo ah qofta si lilaahi ah baad ula socotey oo u wada sheekeysateen.....marka walaal waxaan ku oran lahaa .....quruxda aad raadiney so ma ahan tan wajiga saaren ee waa tan ka timaada qofka niyada furan iyo qalbiga wanaagsan ......marka hadaan damco su'aashaada inaa kaaga jawaabo waalee kuma oran karo kan ama kaas qabo sababtoo ah howysha waxaa ka dhaxeesaa adiga iyo gabadha sidaa isku af garataan......dadka qaar kood waxey is dabeecad keenaan daqiiqado gudaheeda dad na dhor iyo waqti bey qaadataa ...marka waxaa iga tala ah ....iska sug waxii calafkaaga ku dhaafi mayaan......illaahoo meey daganaataa AFRIKA meesha uga danbeysa .....marka saxiib talo aa tii rabi ee hadii illaahey kuu sahlo gabadha aad raadineyso is fiican ula soco oo is afgarta is uusan qaladaha uu walaalkeen sheegay camal idinkuga dhicin

i hope i somehow helped u
til next time
take care
nabad galyo iyo naxariis allaah

kusseey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
Kusseey

Salaam sister:

Waxaan is idhi Kii caqli ahaa meel uu jiray ba Agtaada ayuu ku soo aruray:lool: Waxaan ka helay sida fican aad jawabta u bixisay ::: and absolutely i agree with:

Thanx to all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaan

Unrecorded Date
marka hore waan ku salaamay salaan ka dibna raga waxay nagu fahami karaan hadey kale ogaadan labad dhaqan ka u fiican. Mid waa kan looga dhaqmo wadamada North America oo ah ineey ninka iyo naagta wada shaqeeyaan siyey nolol uwada sameyestaan(and that inclued house work)
ma.ah inaad tiraadan banaanka igala shaqeey markaan guriga imaanan (be my wife and do all the work at home) OR be the husband work for your wife make her house wife and she will take care of you just like back home.
bye take care jawaabdoon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
guhaad anigu waxaan qabaa wadankan waa la siman yahay waana la wada shaqaystaa hadaadan helin gabadh ninkeeda la shaqaysata oo shaqo wanaagsan haysata reerkeedana dhinac ka haysa nolol fiicani ma jiri karto.
laakiin gabadhaa waa inay ninkeeda iyo reerkeeda wax walba kasoo hor marisaa ninkana sidoo kale inta kalena booska labaad soo galaan.
ma ogtahay in jacaylka xaasku ka muhiimsan yahay jacaylka caruurta? oo hadaad tahay nin caruurta aad u jecel dumarka qaar baa neceb.
.
.
.
.
I feel very weird now.
I must go.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Hebel

This is the first time i read one paragragh long answer of yours. I could not believe it. I completly understand why you feel very weird, because i felt the same thing when i read your posting. Anyhow, I like your answer except when you said " Halkan waa la siman yahay" Even though this sentence could have different explanations, I though you were refering to the rolls of the men and women. Well, I believe that men and women have different functions in the family life. the women should take care of the children, house, as well as the happiness of her husband. IF she can work after she did what she had to then its her busness. the man should take care the finantial part of the family as well the fimaly planning. most of the time, when there is a mixst undertanding of what the women and men should be doing, is the result of divorce. for example, even though i live here in the U.S. for the last 12 years i was married and not worked at all, even when i had the chance to do so. Why?because I know that my family cames first. I was only 15 when i got married, so during this time, i finish H.S. and i have one year left from getting my B.S. in collage. After I finish School I am hopping to work and continue to do my part of the family without any proplem.
Thanks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
your point is well made anonymous.
your gender m/f ? so I can note accordingly.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
to hebel
You are sexist, what makes you think that the womans place is in the house, while you take care of the finance. You say the woman should also take care of her husbands happiness, What about her hapiness? What makes you think that the woman cant take care of the finance and you take care of the house and her happiness?
I believe that man and woman are equal, and us woman can take care of the finance just as much as you can take care of the house.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Unrecorded Date
to hebel
every page i look at your there
DON'T YOU HAVE A LIFE OUT SIDE THE INTERNET.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
anonymous please check again and see who said what.
Muna no would you like to create one for me?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusseey

Unrecorded Date
to mrfaroole

mahadsanid macaan sida fiican oo aad ii faanisay....waana iga qosolsiisay lol

to jawaabdoon::

ar warkaaga ma hayo ma atariishadii baad heshay na taloo gaabso oo yuusan qafiif ku qaadin ka fiirso sheekada heerka ey mareeso yaah....lol just jokin bro i just thought i should check on u ......any gooooooooog newz yet??????

til next time
take care
nuff love

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xayaad

Unrecorded Date
war meeshaan akhaar qosol badan ayaa isugu yimid kuusayba ha ugu horeysee. runtii waa arrin fiican in figradaha la is waydaarsado oo aqoon lakala koror sado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadeey

Unrecorded Date
Aqyaarta ha hilaamina mowdiicii guhaad,,
Hebel waa nin yar koley isagaa sibadali doona haduu sii joogo usa e,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
cadeey is kala rog macaanta lugtaa iiga jiiftaaye.
iigabiso aan ka wadaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
Haddiiba islaamihi ay guryaha naga saarayaan,xal aan ahayn in horay loo socdo ma jiro,caruurti iyo islaamihi waa la isku waayay soow ma aha,ragoow waxaa inoo ballan ah tafta qabo oo daa,waagi baryaba guur cusub,walbo tubaha ha yaaliino.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bidixle

Unrecorded Date
walaal waxa intii aan oranlaaba tiri walaasheen,kuusey,lakiinqoyska door wayn waxa ka ciyaara, wada hadalka,iyo, is dhegeeysiga, ma aha waan is guursanay oo wax kasti waadiyaar waa in aad uheshaa xaaskaaga waqti aad usheekayso aanad waydiiso waxay ku sugnayd maanta siday tahay waxa reeku ku sugan yahay,iyo waxa ka maqan. haweenku waxay ubaahan yihiin hadalo naxariisa waqtiyada ay daalan yihiin ,iyo wax yaalo kale oojaceylkeeda aad ku kasbanlahayd,ma aha sidii orgigii intaad fuushid aad oradid ,walaal haweena hays oran toosi, waayo haweenka waxa laga sameeyay, feedhii aadan markaa feedhu way godan tahay, hadaad toosi is tiraahdana,way jabi,ee waa inaad kool koolisaa, hadii aad kool koolisid, intaad samaysay in kabadan iyaad kaheli dootaa.waa sidaan qabo.

xamse

Unrecorded Date
belooy waryaaya mid hadalka toosiyaa lawaayey sowtan qurbihii soomaali cusub lagu bartay rag iyo dumar masina rabi ayaan simin hadii ruleska rabi wax mlaga bedelayo ma sheegin, balse aniga waxaa ii muuqata hadii dumarkau ku ekaadaan guryahooda asturaana jirkooda,caruurtooda iyo ragoodana ku dadaalaan siday ula noolaan lahaayeen waxba ma xumaadeen.