We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date maxaad qabateen oon qasaaro ahayeyn? intaad is cunaysaan maad ku fikirtaan in aad del samay sataan, ood dentiina kufirtaan,ood dhul shisheeye sharaf moodeen, war hooy qaad ka daaya ee hurdada ka kacee del kiinii u deneeya. waa talo, aniga sidey ila tahay soomali waa hall ee yaan lakala qaybin. jiija
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Khadiija faduul badanidaa addiga maxaa ku soo geliyay arrimahan waa xaajo ragga u taale iyagaana irbaha u kala furi doonee. Addiguse intaad kombiyuutarka ka kacdo orod baali yahay odagaaga shaaha u kari ciyaalkana hagaaji, ciyaalkii Soomaaliyeed diif baa ka muuqata meeshaad ku aragtaba ilayn habrihii baa hawsha gabaye. Mise waxaad tahay nooca faasukhay ee jamaakaanku meelaha ku haystaan oo hadda caada kaloo dumarka Soomaaliyeed noqotay. Duulkaad doontaan raaca laakiin ha nagu soo faragelinina arrimaha Soomaliya anagaa xalkeeda heleynee idinkuse waxaad xisaabsan tihiin shisheeyahaad hoosta u gasheen, waa siduu Cali Dhuuxna yidhee: Naagaba dhankii loo ridiyo dhinac ma diidaane Dhedigaanshahaa lagu arkiyo dhiiga caadade
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To Sis Khadiija I am absulately agree what that brothers says about our somali women, they are not wadani for somali womens. Wherever you meet jareera he says to you I got Somali women. They became very cheap. If somali man approaches them they will tell do me this,do me that and so. But if Jareera came to them they, say everything is going to be all right let is go. In North West of London Jareera ka say about Somali ladie"Cheap and clean somali ladies" I hope you will understand what I mean. By Abdul
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to xoogsade iyo mr abul, hadaba waan ogaadey labadiina kuwa qaadka meelaha ku cuna, inaad tihiinoo sidaad maqfashka u fadhiseen ficiin aad kaharteen ee anigu adinkoo kale lama sheekey to ee waxaan, la hadlaa dadka wax garad ka ah , ee ninkastooo meelaha ku urey oo gabdhaha soomaaliyeed hoos udhigaayo ee caynaayo gabaryer ooy reero dhaleen, mindhaa waalaalihiin ayaa waxaad sheegeysaan sameeya. mr abdul go and improve your english or write your own somaalian.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date SALAAN WALAASHIIS ANIGA WALIGAY QAAD MACUNIN,BIRINA MA AAN CUNAAYO AAMIIN LAAKIIN WAAN JIIFJIIFSADAA EEMARKA MA NOO BILAAABEESAA DAL KU NOQOSHADA ADIGA MAHADA AYAA JOOJISAY QAADKA WALAASHIIS WAA LAYAAB QAADKU WAA ......
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To Xoogsade. walaal maxaa intaas kaa xanaajiyey? inantu wax xunba kumayn odhane? danaha umada soomaaliyeed ayey idinku baraarujinaysaye? mise runtaa la diidanyahay? Ordoo maqaaxiyaha aad afka wada taagaysaan eed maantoo dhan 10 saac ku luminaysaan qosol bilaasha iyo qabiil( hawiyaa sidan yidhi,daaroodbaa halkan maray,isaaqbaa maxay sameeyey) isla yaaba oo meesha ka kaca alle idin dilye. Rag idinkoo kale ah oo soo shaqaystay ayaad guryahoodii ku nooshihiin,lacagtoodii ku nooshihiin markasaad moodeysaa inay nolosha dhanba sidaas tahay. ahey ah. Allow waad na dishaaye hana doorin dadkuna habaarbey moodeyaan ducana way ku jirtaa. peace and luv.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Hayaay, ka kacaay war col weyn bayna soo galay.... Mar hadday Qumayo meeshii soo gashay waa inaan iskaga hulaabtaa oo go'ayga hore u sii qaataa cagahana wax ka dayaa waa intaasoo belo iga raacdaaye oo xaalkaygu waa: Adiguba caqlaad leedahee carar maxaa dhaama saamax iyo denbi dhaaf baan weydiistay in cafiska 26 june la igu daro.... waxaan halkeer kale ku qorayna dan haw gelin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To Xoogsade. Xoog bilaash dhe,meeyey xoogaad isla haysaayi waadiga qumayo ka baxsadaye?fulay koley mid indho la'ayaad u sheekaynood odhan doontaa waan xoogsadaaye,hmmm,illow. peace and luv.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Naa Qumayo maxaad sidaa iigula hadashay miyaan lagu siin Xoogsade warkiisii, inuu yahay aargoonle laga yaqaan Herer ilaa Saaxil. "Sida xayska roobkaa nafluu ii xidigiyaa" marka ayaaamo lay waayo. Xoogsade raggaan kibir-jebiyay baa ii bixiyey. Addigase waan kaa xishoodoo ma doonayn inaan kula asaraartamo oo aarku gooshiisa waa inuu dhaqaaleeya legdankeenana sariirta aan la sugno. Beryaba halkaasaan hadalkaaga ka daawanayay oo kalgacalkuna igu sii baaxayey oo maanta waadigaa dabinkaan kuu qoolay soo galaye murtidan iga hoo: Waxa gabadh qaryada loo togtaa guur ha kuu qumo e Qoys weyn waxaa loo dhistaa qani gobaadeede Qumayo waxaan u xodxotaa waa qabiibnimo e Inaan qalamsadoo guri geshaan qaaqda u hayaaye Fulahaad igu qiyaastaa qalbigu maljadayaaye Aar qoodha weyn baan ahoo rag weyn qalaye Nimankaan qiyaamaha ku raray waa qubuuraha e Addiguna gooshay qaaliyaad tahay qoodha badaneyde Qol dugsoon intaan kuu goglaan qaacna kuu shidiye Qaddarkii illaah iyo wed baan layska qarineyne Shafka igu qaad aan kuu dhiibo mid ku qaabila e Qalwadana inoo xidh qeyladeena jaarku soo bixine
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To Xoogsade. Yaa salaam yaasiin caleek,eesh calaa wiil dhe.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date yaa salaam yaasiin calayk yaa Xoogsade,waan u qushuucayba ereyada naxwa leh ee bal anna aan inyar kuugu daree dhagaha waxyar ii fur. ”Ninka ila hadlaayee Ii soo hiloobee Hawdkiyo aqalada Hiilkaygu keenee Hamabalyada I siiyee Hogga iiga yeedhow; “Qofka samir hambaystaa Godka kuma hungoobee Ifka hadimadiisiyo Dhibtu way horraysoo Ma huraanta aakhiro Anigaa ku haystoo Hogol bay kor joogtoo Onkod iyo hillaac baa Dusha iga hadheeyoo Haro aan go’ayn baan Darayaa hadhuubkoo Hoobaan bislaataan Haqab li’i dhex joogaa Ishu halacsanaysaa Guri hoos qabow bay Halabtaydu taallaa, Hab-dhaceeda maansada Adigaa higgaadshee Anigana war iga hoo “Waxa hawli joogtaa Ama lagu harraadaa Hanad lagu cidhiidhyaa Hanti lagu gumeystaa Dumar hoodo leeyahay Ragga hoos u eegaan. peace and luv.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to Xoogsade. bisinka...imikaan si fiican u akhristay waxaad tidhi xoogsadoow..waa maxay waxaas an afka la soo marin karin eed sheegtay (qoodhuhu) orodoo i dhaaf wax hagaagsan ma tihide.ishiish
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Qumayo bilcaantaydii qaaliga ahaydee, qumanaanshaha lagu arkay uumiyuhu wuw qushuuceene waana lagu qamaamaaye qaayaha allaw badiyee, qalanjadii quruxda weyneeedee, qadar eebbe iyo, quraankeena mooyee, wax kaloo dhan igala qiima weyn Walaalo miyaad iga cadhootay anaaba yaabay markaan arkay waxaa meesha ku yaal ee teebkaa igaga dhacayoo shaqadaan busyga ku ahaa iyo stresskii baa malaa maskaxdii wax is yara weydaarteen(Waa inaan supervisorkii reportka culus ii dhiibay feedh ku dhejiyaa): Qoodha maskaxdayda ku jirtay waxaan ula jeedaa "Qoodh badnaan" oo ah ammaan attractiveness loo macnayn karo oo waabay ka sii weyn tahay quruxda. Tuduca aan doonayay wuxuu ahaa: Aar qowdhamaan ahoo rag weyn qaatilaye Ka kalena wuxuu ahaa Addiguna gooshay qaaliyaad tahay qoodha badaneyde oo macnaha eeg ka hore xaggee lagu arkay libaax wax qasha oo middida yaa u soofeeyey. Xinninyana la garaye maxaa qoodhaha keenay. Maya il-duuf yar baa dhacay oo raali ahaw walaal. Wadhi oo wadhi gabadhaan u han weynaa intaasoo dhana u soo gaatamayey hadday odhan doontaa bahalku waaba mid khasunaas ahoon meelaba ka muuqan. Qoomamiyo ciil weynaa. Gabaygaan maanta soo allifayna soo qori maayo illaa aad i saamaxdo(haddiiba)
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To all Kaalya hadii wax qabsada nila yiri ma in aad gaba dha ceeydaan oo tiraah daaan bax odey gaaga shaaha u kari qalad ma ah. Marka wax naliisheego mahadsanidbaa layiraahdaa ee hablahoodhan lama caayo hooyaiinba hablaheeykujirtaa. qabiil huduu waxtaraayo waad aragtaan siduu kudanbeeyay wadankeenii ee hurdada kakaca iyo qabyaalada iskadaaya qalad maa han ee gabadha waxba ha af lagaadeenina. Marka kale KHADIIJO dadka kala saar oo iskumid maahan yacni waxaan kawada marka aad leedahay ragiina qaad ka cunaya oo qabyaalada dabacara waxeey ila tahay in aad qalad ku gashay taas. Maxaayeelay aniga qaad macuno,qamrina,sigaarna midnaba mati jaabin manasameendoono. Qabyaaladna iska ba daa oo leema sheegaba xataa ha dii aabaheey iyo abtigey lagu dilay dagaaladii qabiilada ee soomaaliya ku wii dilayna illahbaa laxisaabtamayo oo aniga shaqadeyda ma ahan . Tankale ee aad leedahay baxa oo dalkiina wax u qabsada waa kugu raac sanahay oo waan ku tala jiraa marka eey wax barashada iidhamaato ayaan ku noqondoona hadii illaah nonolol igu gaarsiiyo Marka abaayo waxaan ku oran lahaa wadankii soomaliya maahan in aad tiraahado ragow wadankii idinkuu idunsugayaa dumarkaba xaqbeey ku leeyihiin wadankii ee waxba ha iska saarina
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To Xoogsade. ala waan ku saamaxay..adoo kale yaan saamixinba. waran bal xoogsadow?raga xoogsada ee shaqaysta waaban ka helaaye oo way dhaamaan kuwan afka uun meesha kuu soo qotomine..waxaan ku idhi khalad waa la wada sameeyaa oo bini aadam ayaa la yahaye bal hada xabad gabaya oo dhiiga is dhaqaajiya ku dhufo anna aan sacabka kuu xajiyee. haye daa, wakaas. peace and luv.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date bal i yara dhagayso hada Xoogsadow aan kuu yara heesee. Inta saaran dunidoo dhan Xoogsadahaan ka doortoow Sabanadaa raggaa kacay Sadkii aan ku yeeshoow Waxaan kuugu soo dhoweeyey weji farxad leh timide sidiiroon Samahii dhexdeenana Ha sii dayn Saacadii aad joogtana Ku seexoo ku soo toos Anna waan ku sugayaa Soo dhakhso adoo nabad ah Soo dhakhso adoo nabad ah Samri wayday niyadaydii Lagu saaray calankee Saqda dhexe habbeenkii Sahwiyoo dhawaaqee Waxaa iiba sii dheer Niyad sidig ah Sara taagan awgaa Daraadaa usalashaan Sasabayaa Anna waan ku sugayaa Soo dhakhso adoo nabad¨ah Soo dhakhso adoo nabad ah Arag subaxa indhahayga Nuurka u siyaadshoow Sadriga iyo maanka Qalbiga ii sifeeyoow Sideen kuu ilaawaa Niyad sooman Soo jeeda awgaa Adiguun ku sugaysaan sasabayaa Samoow haday ku waydana Siday noqonba mooyee Anna waan ku sugayaa Soo dhowow adoo nabad ah Soo dhowow adoo nabad a peace and luv.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Nacallaa sheydaan ku yaal. War anna gabay inaan barto weeye sida xoogsade.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Qumayo Mala socodaa in Xoogsade uu kuwa sidaado kale ah dartood East London uga guureey? CiiseRooti
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To;Qumayo kadaabalo hee gak******gak*******gakUmaleey jacayl Weli jaar ma noqoteen? Jid ma wada lugeyseen? Ma la cuntay jidiin wali? Jihaad ma isku aragteen? Jiidhkaad ka dhalatiyo? Ma kaa jaray dadkiinii? Gooni socod makaa dhigay? Umaleey Jacayl Wali jiif ma kugu helay? Jir-jirada ma kaa galay? Hadba dhinac ma ku jaray? JIbadka iyo taahii Jeerdhaaf ma oydoo Ilmo jagac ma kaa tidhi? Umaleey Jacayl Jalow ma kula yidhi? Jarro adag ma kugu xidhay? Heeryo jaan ma kugu riray? Jilbahana ma kuu riday? Waxaad jeefad socotaba Intuu jalowgii kula dhacay Lugahaad ku joogtiyo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Anon: murtida ha ku falfalaadin ee si fiican u soo bandhig Heestii oo tifatiran waa tan: Qummaneey jacayl Weli jaar ma noqoteen? Jid ma wada lugeyseen? Ma la cuntay jidiin wali? Jihaad ma isku aragteen? Jiidhkaad ka dhalatiyo? Ma kaa jaray dadkiinii? Gooni joog makaa dhigay? Qummaneey Jacayl Wali jiif ma kugu helay? Dhudhub ma isku jiidheen Jir-jirada ma kaa galay? Hadba dhinac ma ku jaray? Jiidh durugsanaa iyo Qalbi meel fog kaa jiray Iyagii ma jaadeen Qummaneey Jacayl Weli jalow ma kula yidhi? Jaro adag ma kugu xidhay? Heeryo jaan ma kugu raray? Jibaadkii iyo taahii Jeerdhaaf ma oydoo Ilmo jagac ma kaa tidhi? Qummaneey jacayl Weli jar iyo buur dheer Ama jaranjar hoosteed Ma ku geeyey jiiroo Guryo jaan ma kula galay Waxaad jeefad socotaba Intuu jalawgii kula dhacay Jilbahaad ku socotiyo Ma kuu laabay jeenyaha Qummaneey jacayl Weli jabaq ma kula yidhi Jabad ma isku aragteen Dadka kaad ka jamatiyo Jaallahaa ma kulanteen Halkaad uga jilbixi lahayd Juuqba ma iska weydoo Hadalkii ma kaa jaray
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To: Ciise Rooti Munaafiq baad tahay warxuma tashiil iyo fidna baas ka shaqeeya. Gabadha ha iga aflagaadeyn mar danbe, hadhaw baa markaan sida libaaxa kuugu reemo oon micida soo feyto marada aad qudhmin doontaaye(Muxuu marada geyngeynka badan xaarka ugu gaacshay), lol. Sirqayahay hadalka noocaasa yaan lagaa maqal mar danbe, yaanan jeedal xuubka kaaga siibine. Ciisow waan kula dacwiyi caarif hadalkayga Cimrigaa ma raagee ceebtaad halkaa ka tidhi Maandhow caynkaad sheegtay waa hadal carruureede Caqlilaawayahow laguma degdego camalka qaarkiise Calaanyohow sidaad fali gun bay caadadeed tahaye Maandhow caaqil weyn baan ehee iga ciraab qaado Aarkuba wuxuu caynta iyo calaha meeraaba Habeenkaa wuxuu cuno waa kaga cabaadshaaye Cariishka markaan kugu dunshaad calaladii tuuri Cabaadka iyo taftaad qudhmisaa ciduu ku maadeysan Markaan kugu cantaraad caga-bidhlayn doontaaye Cuucleyohow naftaada la carar ceebi kuu badane Qumayoon calmadayna waa dowladiyo cisiga naagoode Waa CADRAD GABADHA oo sharaf iyo qurux la ciiraysa Waa qalanjo aan cadhoonayn iyo calaf gobaadeede Cishe iyo ayaan illaah baan baryaa inanta ii caymi Eebbow cafiyo caafimaad igu caqiileyso Cilmi kii dilaa iloo derso Caashaq baan ahaye Caashaq baan la liitaaa.... aaaaah
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Naayaadhaheen, aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban? yaa,cajiib dhe,annagaa wax aragnaye. war Xoogsade inaabti ma Gabyaa ayaad soo ahaan jirtey? allaya cizak dhe. to Ciise-rooti. inaadeer orodoo shaqo yeelo. Xoogsade. waxaa jira dad waalanoo,markay dad is raba arkaan u kala wariyo war ceshee walaala kala dilee jacaylkeenaa ka weyn,wad iyo calaf waxaan ahayn,jacaylkeenaa ka weyn. peace and luv.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Qumayo xabiibi waanigaa didiyay dhurwaagii meesha inaga dhabqinayee bal aan ku idhaahdo: Hibooy amba waan ku haybinayee Inaabti ma ii han-weyntahayee Hubaal aawadaa cishqigan i hayaa Haddaaya jar baan u halis ahaye Harraad nin qabaa biyaha ma huree Hilbiyo kala qalan illeyn hadale Haasaawaha waynu wada haynee Heshiinnee maxaynu kala heli doonaayeey? (by Cali Sugulle) Markaa walaal waan kaa dhursagayaa oo waxaaban ka baqayaa haddaanad arrintan si fiican iila wadin in maalin dhaw iilka lay dhigi doono. Qumayo Qumay Qumayo Qumayo Qumayo magacii uun baan intaa ku qarwayaayoo meeday Qumayo....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Qumayo: War baa i soo gaadhay dhiilo i geliyay oo waxaa la ii sheegay inaad tahay soddoh laba gabdhood oo gashaantiya le. Cadrad iyo gabadhna iskaba daaye waxaa la yidhi geyaanba ma tihid oo nin baa saddexdii dalaaqadood kuugu xidhan tahay. Marka walaaley maxaad ii lug-goynaysay sidaan maanso u qorayay baa farihii i qaloocdeen, ninkaagana godob baan ka galoo ma dagaal iyo dhagar baas inaad aloostaad doonaysay. Warka ii soo caddee walaaley. Caawana gaadh baan ahoo maadhiinkaygii baan xabbada ku ridanayaa waa intaasoo col i soo galaaye. Labaysu hilowdaa hayga hadhdhee Hammooy beene sow tan ley helayey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to xoogsade. waxaan ahayba saw igumaadan jeclaan? 1 mid ayaan kuu sheegayaa inaanan nin lahayn ee inta kale waad igu jeceshahay,hadaan islaan ahay iyo hadaan gashaanti ahayba.lol peace and luv.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Walaal iga raali ahaw waxaan u malynayaa in lay soo sheegay war ama been ah oo malaa kii Ciise Furin iyo Rooti iyo wixii la odhan jiray ma naqaane ay soo sameeyeen. Ama inuu yahay war expire oo sidii caana boodhihii Nido-ga isagoo dhacay i soo gaadhay. Ragga qaarkii waaba ku farxi lahaayeenoo waxay odhan lahaayeen: Aniyo Qumayaa Iska qooqaynee Ninkii qabayow Ha qoonsan Anniguse xaaraan uma badheedhoo xukunkii allaan ka baqayaa marse haddaad tidhi ma mehersani waa hadal qalbiga doojiyay. Gabadh iyo garoob taad doonto ahaw ee qaraamku horuu ii galaye dhankaaga yay ka dhicin....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Xoogsade. inaadeer roodhi baaraxday sideed u rumaysataa? iska ilow ninkaas baan ku idhi roodhi baaraxday ayuu meelahaas la wareegaaye. waykane bal warka soo daa xoogsadow.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Xabiibi Qumayo mar hadaynu arrinitii isla garanay reerka yagleelkiisiina ma foga laakiin mar haduusan dadabgalkiiba jirin weedhan yar iga maqal aan kugu tusaaleynayo sidaan doonayo inaad reerka u dhaqdo: Intii aan ilaalo ku jiray dumarna eegaayey Asli midabkii leeyay haddaan adiga kaa doortay oon wada anfiyey naag kaloo Odonla kuu raacay Ardo iyo sidii macalin baan kuu af barayaaye Naahoy aan eray kuu dhigeee qaado odhaahdayda Ma udgoona naag inan gumood cuudna shidan mayne arwaaxaaga oogada biyaa abid ha moogaynin uskag naag le waa necebnehee yuusan kugu oollin nin udgoonka jecel baan ehee uunsiga ha daynin adigaan ilwaad quruxsanayn yaan laguu imaninin Aqalkiyo ardaagiyo qoryaa ilinta aad joogto aqlibiyo awaare isku kacay sidatan geel oodi yuu kaa ahaanine kurtiis ha isku awdnaado isku idikib oo wada adkee ilaxidhkaan jiifo uurkaygu suu damacsan yahay aniga oon sheegin aqligaa wax lagu fiiriyaa garo ixtaajkayga Ayaan noolba tii qaylisaa, waa ibliis darane irdho qaado aashaana soco, aayar haddalkaaga is ogow afkaaga yasiro, edebi waa doore Usha aniga oo kugu dhiftaad meela ka ilduuftay hana ooyin aabow ha odhan hana ugaadhoobin inaad oydid inaad aamustaad ku arrin dhaantaaye ayaan iyo ayaan naag xun baan umalka deyneyne Adoo uubatayn reero kale yaaney ku ogaanin Intaasaan afeef kuu dhigoo waano kuu idhiye Haddii Eebahay kugu anficin waa kitaab idile Haddii aadan aqbalin xaajadan lagu ogeysiiyey Nin kaloo ilaah kuu baxshaba kala awaareynay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date xoogsade, qumayo haddii ee nin kugu noqoto ka waran?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date walee soomaali ayaanad sina kaga amaan helayn. LOL orodoo walaal shaqo yeelo,xoogsade kuuma soo jeedee. peace and luv.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date LOL: Qumayo nin maaha toban bayse u dhigantaa. Mid kale, rabshada haddaad joojin weydo LOL waxay isu beddeli COL...
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waayahay Xoogsade, garabkaaga!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Xoogsade. allow maygu banaantahay, waa umda aadan ka amaan helayn ama waaba intay arkayaan laba qofoo xubiga iyo dhareerka isku dul daadinaysa cajaycl aawadi.si ay iskugu diraan ayey intaas deydeyayaan.shargudban shaydaan xijaaban. bal waran xoogsade?maalhahan waad caatowdee maxaa kugu dhacay? ma islaantii ayaa bustahaagii dibada kuugu soo tuurtey?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Naa Qumayo ii waran xabiibi beryaha weynu is weynaye. Meelo halkeeraan kugu arkayayoo dee naa cagta yaree waa ku sidee mise socodka badan kaagamaan digin gabaygii aan soo diray. Intaasuu waa iga waaniyo tusaaleyn waan oganahay inaad mudeec camalsan tahayoo ilaahay barakeeyey. Naagtanaad sheegaysana busto iimay soo tuurine ka xun bay i yeeshay. Sow garan maysid maalmo dhoweydoon halka dhunkaal ka butaacayey oo dumaroo dhan aan gabagabaynayay waa iyada awgeed iyo xumahay fashay. Qoftan October 1990 ayaan guursaday markaasaan qurabaha u soo baxayoon idhi anaa layn iyo nooli iyo wax walba kuu soo dirayee iga danbee. Sidii iyadooy tahay oon wax walba dhag ka dhigay waa qaraxii dhacay iyana markaasey woqooyi reer tolkeed u raacday. Illaa waagii waa ka war la'aa gabadhase waan jeclaayoo waa ka samri waayey intiina waa sugayey. Meel walbaan war u diray wax iiga war keenana waa waayey. Maalin dhoweeyd uun baa nin bah ayeeyadaya oo reer Gaashama ah ayuunbaan ka waraystay oo wuxuu iigu sheegay deegaankaa. Tilifoon baan hawd la dhacay. Maalmo dabadeed baa dhiiladii la ii weriyey oo waxaa la yidhi naagtii waa iska kaa fasakhday nin bayna 4 caruura u haysaa. Miyaanan dee furka tuurin oo computerkii ku cadha burburin. Haddase waan ka bogsadayoo dee waanigaa guur kale wadwada. Gaalkii jiray wuxuu yidhi guurka labaad waa "The triumph of hope over experience". Wacdaro adduun soo arkay laakiin intaa ku samri maayee Qumayo wax ma ila wadaysaa. Jacaylkaad igu abuurtaan bes la ahay caatadana waxaygu wacan waa isaga: qod baad tahay meel qabow ka baxoo Qajeel ubaxiina wada qariyoo Qumayooy waadigaa qalay naftaydiiye Wax ma quutoo qadoodigaan ku seexdaaye Qacdaan ku bartaan is qoonsadayoo Bal qabsoo waaban kuu qandhanayaaye
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Xoogsade. Inaadeer horta walaahay saan u qoslaayey ayaan xaafaddii soo toosiyey kow dhe, dee gabadhana nabsi ayey kaa amaahatayoo iyadaa dib u bixin doontee bal waxaad igala soo xidhiidhaa e-mailkan. qumayo@hotmail.com bal aynu wada xaajoonee inaadeer anaa ku ilowsiin tii kalee,badalkeedii oo khyar qabaan kuu noqone inshahalaahu. peace and luv.
|