    Rooble | Tuesday, October 03, 2000 - 06:45 am Waxaa jirta ineey dumarka soomaliyeed eeysan u cadeeyn ragooda baahidooda la xiriirta dhanka galmada, waa maxey sababtu? baahida galmada waa wax ka dhaxeeya noolaha oo dhan, mana aha wax ceeb ah, waa qeeyb ka mid ah nolasha sida cabida iyo cunada, waxaan idin dhihi lahaa ku raaxeeysta nolashiina, sheega runta, isku mahad celiya mar kasta is jeclaada, waa in aan baranaa kuligeen, maxaa yeelay galma wanaaagsan oo eey ninka iyo xaaskiisa ku qanacsanyihiin waxeey keentaa cimri dheeri ,kheyr iyo is jaceeyl aan laga daalin |
    KHADIJA | Friday, October 06, 2000 - 01:31 am aslaamu calaykum rooble adigana ma waxaas ayaad la soo shirtagtay . wax ka fiican mad ka hadashid sida nolasha danbe iyo akhiro. |
    faraah | Monday, October 09, 2000 - 08:14 am Rooble wax wanagsan meesha la imoow, aan ku weydiiyee ma tan reer galbeedka ayaa heshey Aad baa u daawataa JERY SPENG |
    Rooble | Tuesday, October 10, 2000 - 07:02 am Ka: Rooble, odeyga iska leh " Ku: dhamaaan....." KU: Khadiijo Waaan ku salaamay salaan aad u diiran adiga iyo dhamaan marwooyinka iyo mudanayaasha soomaliyeed. Intaa ka dib: Khadiijo ceeb ma aha in laga doodo arrimaha nolosha ha ku saabsanaadaan wax kasta oo nolasha la xiriira, sexkana waa qeeybaha ugu muhiimsan nolasha. Walaaal wixii la qariyo ayaa qurun ku jiraa laakiin waxaan arkaa in tani loo baahanyahay, sababtoo ak kumaan kun ayaa is fura sababa badan owgood, marar badana waxaaa la isku qabtaa dhanka sariirta. Waxaa kaloo jira in eeynan soomalidu dhibkeeda ka hadlin, taana waa sababta dhibaatooyinkeen dhanka bulshada keentay inaan laga doodin, maxaa yeelay Somalidu wax kasta dhankeed waa ka ceeb, waana in afka laga qabsado ileen waa ceeb lama arag , lama maqal iyo lagama sheekeeyaan. |
    KAAFI | Tuesday, October 10, 2000 - 04:56 pm KHADIIJA IYO FARAAH, ROOBLE WAXA JIRA AYUU KA HADLAY U JAWAABA YAAN DAALAC LOO RAACIN. KOLEY WAXAAN MURAN KU JIRIN IN RAGU DHIB KU QABO DUMARKA SOOMAALIDA OO AAD U KA LIFA RAGOODA. EE AALE HA LAGA BAQO OO WAX WALBA HALA SIIYO XAQOODA, SIDAA AYAA KHARKA IYO DANTUBA KU JIRTAA. |
    NADIIRA | Tuesday, October 10, 2000 - 07:00 pm ROOBLE WALAALE WAXAAN KU ORAN LAHAA ANIGU HADAAD ILA TASHEN LAHEYD HABA HADLIN EE SIDA XOOLAHA U CUN UNA CAB, LAAKIIN MA AY HIR GELIN TAASI OO WAAD IGA HOR HADASHEY MARKA WALAAL SUAAL MA WAXAAD LAGA ROONE MAXAAD GARAADKA KAA QAADEY IYO XUSHMADII SOOMAALINIMO OO HABLAHA UGU GAFEYSAA OO ISGA DHIGI NIN WAX GALA WAXNA GUDA BARAN BARAYAHAY NAFTA YARI..........BY ..BY |
    asdgfadxz | Thursday, October 12, 2000 - 10:45 pm Rooble Anigu galmada waan ku raaxeestaa qof walba laakiin wanxaan ku weydiin lahaa adigu ma ku raaxeesataa? mida kale sheeko xumada nagala tag |
    Ali ahmed | Sunday, March 11, 2001 - 12:10 pm ISKA WARAMA. Dhaliin yaro waad salaaman tihiin dhamaan. Waan fahmey dhamaan ra'yigiina. Waxaana is iri bal wax ku darso. Runtii soomaalidu waa dad dhiig kulul oo aan dulqaad lahayn. Waxaan oran lahaa aniga waxaa ila fiican in lays tix geliyo oo qof walba ra'yigiisa la dhegaysto hadii aadan ku raacin cidi ku khasbi mayso oo naftaada agigaa ka mas'uul ah. Laakiinse aflegaadadu ma fiicna. Soomaalidu waxay tiraahdaa, Ninba wuxuu jeclaystiyo dookhii dad kala reeb. waxaan idiin rajeynayaa is fahan wacan iyo kala danbayn. Macasalaama. Magacaygu waa cali Ahmed. |