Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Oct. 29, 2000): XAAWALEEY MA I CAAWIN KARTAAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacadnimo

Monday, October 09, 2000 - 06:07 pm
Asalamu Aleykum

Waxaan doonayaa inaad i caawisaan, shido yaraa i heysata walaalayaal hadaad talo ii heysaan isoo siisa waan u baahnahay, waxaa jirta gabar aan jeclahay laakiin ayadu jecelkeyga ma aragto inkasoo ay ayaduba keeda qarsaneyso, marka waxaan rabay sidee gabdhaheena soomaaliyeed loo soo jiitaa oo la isku jecleysiiyaa, mid iga daran ayaa igula talin inaan u qabto oo salaanta lee ugu dadaalo hadal kalena juuq ha u dhihin laakiin qofaad jeceshahay saas laguma suubin karo naftaaban u ogoleyn ee see wax yeelaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye

Wednesday, October 11, 2000 - 02:28 am
duqa waa iska caadi waxba halayaabin waa iska aduunyo waayo gabdhaheena markay yimaadaan yurub wee isqaaliyaan marka waxaan kuleeyahay rayi ahaan
sirsiro waa naag waa caruur waad mahad sntahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DALMAR

Wednesday, October 11, 2000 - 03:08 am
SAAXIIB DAACDNIMO: Inkastoo loo bahnaa in aad su'aasha u qadinto waxii wax ka odhan kara, lakiin iskma reebayo in aan garshadeyda ku daro su'aashada. Saaxiib ma sahalna waxa cishqiga la yiraahado, kaba sii daran marka kaligaa uu kugu noqdo, waayo waa marxalad aad u adag oo aan aakhiro iyo aduun aadan midna joogin, waayo marka xubigaaga hadal idiin furmo ee aad badheedhahaaga u sheegatid, waxii ka danbeeya ee ah ila -laba lis caashaqa, ama la gurguuro caashaqa, ayey sahlanaan laheyd in talooyin iyo taatikooyin laga wada hadlo, lakiin meesha aad hada rabto in aad ka soo dhaqaaqdo hada oo ah wax adiga kaliya caloosha kuugu jira, yacnii sida mar-mar badan dhacda ah KU ARKAYOO KU CAASHAQAY, aniga dalmar ah hadaan warkayga kuu cadeeyo, saxiib xaalikii iyo xod-xodhashadii habalaha soomaliyeed way is badashay, runtiina waxay ku jirtaa waqti kala guur ah, oo kuwo badni ay ku mashquulsan yihiin jawiga iyo qaab nololeedka ay martida u yihiin, saxiib markaa wali waxaa lagu jiraa geedi aan wali la dagin, oo aan la fahmin maxaa inoo dan ah iyo maxaa reer yurub, reer pakistaan, reer carabiya iyo reer america u dan ah ama u wanaagsan
sidaa dartadeed hablaheenii wali way ku adag tahay in ay kala saraan xiisaha iyo xaqiiqada nolasha.

Anigoo aan warkeyga badin soomalidu waxay tiraahadaa "AF-DABOOLAN WAA DAHAB" markaa saxiib ha noqon mid si fudud isu jecelaysiya habalhan daadku wato, saxiib ku dadaal in aad ahaato mid iska ad adag oo aan deg-degin, calfka waa kii alle gacantiisa ku jira, lakiin ceebow adigaa iska badbaadin kara, yaan saxiib qub muus laguu dhigin oo lagu odhan ha baqan ee madax madax isgu tuur, wax aadan garan karin wax ka soo bixi kara,

salaantu waa mid qiimo u leh waxii wax fahmi kara ee midaa ku ekow saxiib!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBTISAAM

Saturday, October 14, 2000 - 11:29 pm
DALMAROW DHIBAATO WEYNBAA KUGU DHACDEY OO AAD XAAWALAYDOO DHAN AAD ISUGU DARTAY.WALAAL HEEDHE DANIGU MA WANAAGSANA DADKOO DHANA LAMA CAMBAAREEYO WAXAANSE ANIGU KU ODHANLAHAA HADAANAD WIILKA WAX WANAAGSAN U SHEEGEYN AFLAGAADADA ISKA DAA OO DUMARKA WAX HA KA SHEEGIN CAALAMAL QAYB MA TIHIDE
IBTISAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HASSAN

Wednesday, October 18, 2000 - 12:58 am
walaal inta dalmar kuu sheegay ilaahay hakugu anfaco, runtii aad ayaan u jecelaystay qoraalka dalmar, waana mid aan habalha lagu aflagaadeyen, bal kaliya la sheegay waxa jira.
IBTISAAM MEESHA MA LA KEENIN WAX AAD KA XANAAQADO, EE ABAAYO HADDII AAD XAQIIQO KA DUWAN HAYSO MIDA DALMAR,WAA LAGU SUGAYAA

JAW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Sunday, November 26, 2000 - 06:29 pm
ku: Daacadnimo walaal waxaan ku dhihi lahaa inaad marka hore isku furfurto macnaha la hadashi sii
dhexgashid baratid dabeecadaheeda adoo xadkaaga ka baxin , ka dibna arrimahaaga aad u sheegatid
kadina shidadan meel bey kaaga xirmaysaa. oo hadaladeeda ayaad ka fahmi kartaa wax kasta.
marka ha ku ekaan salaan kaliya .