    Idman | Saturday, November 11, 2000 - 08:48 am Waxaa su'aal is way diin leh ah. 1)guurka soomaalidu ma waa laguursadaa bay u guursadaan? maxaa guryihii soomaaliyeed burburiyey maxaa se caruur tii soomaaliyeed u diiday fir fircoonida. maxaa 16 jiradii iyo 17-18 jiradii ka wada dhigay garoobada? maxaa niman kii soomaaliyeed u diiday romantic iyo respect maxaa jacaylka ay sheegaan marka hore oo ay gabdhaha soo xiragashanaayaan daaqada ka bixiya marak gurga la is kugu imaado. maxaa diin tii iyo dhaqankii baa bi iyey markii layimid qurbaha. |
    Anonymous | Sunday, November 12, 2000 - 01:06 pm To idman marka hore waxaad kahadashey maqaal aan horey halkan ugu soo bandhigey oo aad u daba dheeraadey oo ciwaankiisu ahaa Maxaa gabdhihii wada garoobada ka dhigey kaas oo aan weli jawaab i qancisa aan u waayey laakiin hadii aan kaashado maskaxdeyda oo aan jawaabta aad raadineyso ku siiyo waxa ay tahay waxa gabdhihii kawada dhigey garoobada iyagoo dumarku raaca waxa ay ishoodu qabato oo aan sii eegin waxa kadanbeeya xiisahooda oo aad u dhow iyo iyagoo dhalaalka aduunka iska daba rida kaas oo aan sii soconeynin tuducdan yar akhriso oo horey loogu heesey waxse wiiqay taladii weydeeyey raganimo weji lacaga bey dumar wacadkaba ku iibshaan. waxaa kaloo jirta iyagoo qabsadey dhaqankii shisheeye oo tuurey koodii hooyo illaawey xishoodkii dumar lahaa lasoo baxay waxyaalo laga xishoon jirey ama aan dhaqankeena ku jiri jirin sida Boyfriend taas oo ah wax aan diinta islaamku ogoleyn waxaa jira waxyaalo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin iyagoo lagu yiri xor ayaad tihiin hadii lagula hadlo 911 lahadal xornimaduse waa sidee yaase gumeysan jiray dumarka waxa weeye khiyaaliga reer galbeedku doonayaan in dhaqanka islaanka lagu burburiyo marka waxaan oran lahaa habloow dhaqankii tilmaanaa tafiirtii hooyadeen yaan laga tegin oo dib haloogu noqdo kaas ayaa ahaa kii aynu weligeen kusoo dhaqmeyney waad salaaman tahay |
    Idman | Monday, November 13, 2000 - 11:43 pm To: Anonymous Walaal waxaad ka hadashay oo dhan waa in aad dhaleecay nayso gabdhaha lakaiin ka waran ragu waxa ay sameeyaan.yaa ku horeeyey Girlfriend? waxaa gabdha ha garoobeeyey waa raga beentooda waxaa nimanka soomaalida meel u yaal been baa lagu soo xiro galiyaa run na waa lagu dhaqaa. waxa xiisa ha badan waa nimanka waayo marba haduu guursado wuxuu u maleeyaa in uu meel kuhubsaday. oo wuxuu dadayaa midkale. siday u badanyihiina raga soomaaliyeed waxay uguursadaan waalaguursadaa. waxa dhaqanka badalayna waa nimanka waayo marabaan in ay ahaadaan hogaamiyihii gurga ee waxay rabaan in ay kuu noqdaan ilmo aad dhashay. marka oday kaa wayn oo caruur isku haysta lama haynkaro. 911 waxaa keenay in ay gabdhaha lacagtooda cayrta ka gurtaan oo jaadkucunaan in tooda laga qaado habajoogtee marka runta halaga hadlo yaan been la is ku sheegin bye. |
    bashir | Tuesday, November 14, 2000 - 02:12 pm walaal aad baad ugu mahad santahay su,aasha qiimaha leh aad u soo bandhigtay dadwaynaha soomaaliyeed taas oo runtii qof walba oo soomaali ah uu is weydiiyo hasa ahaatee aanu jawaab uu ku qanco uu san helin . waxaan isku dayayaa in aan ra,yigayga ka dhiibto, anoon xag jire iska dhigayn . marka hore ma is waydiinay dhibka dadweynaha kale manala qabaa mise waa anaga keliya? jawaabtu waa maya, waa wax soomaalida oo keliya haysata . marka waxaa jira qodoba muhiin ah oo qofka asaasi u ah .1) diin 2) dhaqan ama caado 3) aqoon . marka adoo tixraacaya qodobadaa xagee baanu ka joognaa . 1) diintii, waad aragtaa ragii iyo dumarkiiba in laga fogaaday diinta oo la is ka dhigaayo reer galbeed . markaad tiraahdo maad salaada tugatid wuxuu ku leeyahay ma waqtaan u haynaa shaqo ayaan burinaayaa .2)dhaqan, ha sheegin oo qof kii lagu arko wax dhaqan kii khuseeya waa reer baadiye ama gadaal ka gaar 3)aqoon, waa jiraan soomaali wax baratay laakiin wax heer wanaag san ka gaaray waa boqolkiiba hal ama wax ka yar.hadaba hadaan rabno in aanu dhibtaa wax ka qabano , aynu isku dayno in annu dib ugu laabano diinta, dhaqanka wanaagsan,iyo aqoonta.waxa dadka kale ay dhibkaasu u haysan waa dad asaasigoodu dhisan yahay .DHIBKA DUMARKA: 1)dalabaad kooda badan wax aan ninku awoodi karin oo madaxa laga saaro,2)waqtiggoda oo ay ku dhumiyaan telifoon oo dhibka ugu weyn ah halkaas oo ay ra,yi qaldan ka soo qaadato oo habeen kii markuu ninku yimaado halkii laga soo dhoweyn lahaa dood iyo cabasho lagu bilaabo 3) ciyaalka oo daryeel lahayn oo "day care" lageeyo halkaas uu wax xun maahee wax wanaagsan uu san ka soo baran , marka ilmuhu waa laga yaabaa qof sii cel celiya in uu helo ,laakiin ma helaayo xanaankii hooyo halkaas uu caasinimo ku bilaabo ilay hooyaba uma yaqaan hooyadiis , marka soomaalidu waxay ku maah maahdaa " geed walba miriisa buu dhalaa"ilmaha ilmaha uu dhala sidaa ayuu noqon. DHIBAATADA RAGA. 1) ragu waa aabihii reerka oo waxaa waa jib ku ah inuu reerka dariiq wanaagsan u hor koco, markaas buu shilinkii uu ku soo daalay sii sanayaa caleen dhib maahee aan dheef ulahayn 2)daryeel la,aan : oo reer kii labada maal mood u fasaxa leeyahay dibaduu uga maqan yahay halkaas xaas kii iyo caruurtii marin habaab uga dhacayaa. waxba yaan war ku gu daaline RAG IYO DUMAR CEEBTII LAWADA SABEEYE ,waxaan oran lahaa hooyadu waa asaaskii reerkee .... guriga yeesan dumin. waxaan u leeyahay guriga yeesan dumin iyadaa badanaa dalbata in la furu , marka inta aysan furiin dalban ha isku daydu in ay guriga dhisto ilaah baa la garab gelaaya.walaal idman waxaan ra jaynayaa in aad ila soo xiriito E_mail kaygana waan kuu soo qoray .waad mahadsan tahay |
    Idman | Wednesday, November 15, 2000 - 11:48 pm To bashir: Walaal waad mahadsantahay Walaaloow badanaaba waxa dhib ta ka jirtaa waa is fahan la aan waayo kow markaan diin kahadalno ilaah wuxuu yiri Arijaalu qawaamuuna calinaas. taasna micneheeda uu yahay in ilaah uu raga masuul uga dhigay reerka. marka waxaa lawada ogyahay dumarku in uu ilaah yiri waxaan ka abuurnay feer qaloocan hadaad is tiraahdo toosi,waad jabinaysaa. taas waxay badanaaba raga soomaaliyeed u badaleen dumarku waa caruur caqli sidaas u dheer maleh,iyagoo sidaa ka aaminsan bay hadana laseexdaan oo ilmo kadhalaan taasna waxaan filaayaa waa ixtiraam daro. tankale aniga waxaan qabaa in ay badanaaba gabdho wanaagsan oo raaliyooyin ah waxna ka maqla ragooda la helaayo, ka waran qof intaas hela oo hadana xanaanaysan waayo? marka waxaan filaayaa gabadha intaas kulansatay oo hadana loo dhaqi waayey si wanaagsan ma waxaa laga sugaa wanaag iyo dulqaad. markuu nin kiiba garan waayey wanaag waxaan is dha haa gabdha ha soomaalida waa gabdhu ilaah ugu deeqay xishood aan muujin dhibkooda xataa hooyadood aan u sheegan waxa haysta si kastoo loo yimid wadama da reer galbeedka hadana dad badan baa haysta dhaqankooda iyo diintooda khasab qofku wuu daciifayaa laakiin mawada dhaqmayo.soomaalina horaybay u tiri dad kaabadan iyo biyo kaabadanba way ku harqiyaan, laakiin dabcan haday gabdhuhu is badalaan maxaysan ragu uga roonaan? iyagaaba dulqaad ilaah u sameeyey. ma kulatahay ilmo hooyo kaliye korsatay in uu lamidnoqonaayo ilmaha kale waayo ilmuhu wuxuu waayey qayb dhan oo nolashiisa ah. maxaa loo waayey in ilmaha loodaneeyo oo dhib kasta ha haysatee waalidka ay iskula joogaan ilmahooda dartoot iyaga oo muujinaaya qoys wanaagsan. salaama calaykum. |
    Xayraan | Thursday, November 16, 2000 - 02:01 pm To Idman; Wallaal waad ku mahdsantahay suaasha aad halkan naga soo weydiisay oo runtii aan u arkay inay tahay suaal u baahan i jawaabteeda laga fiirsado si xaqiiqo ku jirtona qofkii islaam ahi uga jawaabo. Aniguna tallo ahaan sidii aan u arkay een is leeyahay jawaabtu way ku hagaagsantahay bal aan isku dayyo! Anigu waxan qabaa raggu inay 80% masuul ka yihiin dhibaatada maanta haysta qoysaska somaliyeed ee qurbaha jooga oo keliya. Waxa uu dhaqanku ahaan jiray in ninku reerkiisa maamulo,u soo shaqeeyo, la socdo ubadkiisa iyo ooridiisa hadba kii dhibaato qabba. Hadda qurbaha waxa dhacda in ninku uu reerkiisa iskaga taggo oo uu aaddo meelka fog isaga oo aan war ka hayn halkay caruurtiisu ku sugantahay amma sida uu aqalkiisa waagu ugu beryay! Gabadhuna ma hadli karto oo waxa la odhan waar naagtu ma nin ayay u ooyaysaa waxbaba kama uu maqnayne! Marmarka qaarkood ayaa laga yaabaa in uu ninkaasi gabadhaa ka maqnaado sanad iyo wixi ka badan. Tusaale hadii aan u soo qaato xaasas badan oo degen halkan Toronto (Canada) ayuu aabihii reerku ku maqanyahay U S A oo uu ku andacoonayaa in uu shaqo ku maqanyahay! Waar raggyahow Ilaahay hadii laga yaabo miyaanay ahayn in aynaan xilki ragg lahan jiray aynaan haba yaraatee gudanin? Hadii aan hadalkayga soo koobo dumarka somaliyeed ee halkan qurbaha aynu u soo kaxaysanay raggyahow waxba inaguma qabaan habayaratee hadii ay noqoto: - Lacag aad u soo xoogsato (caydh ayyaa wax siisa) -jacayl aad tusto (Waligaa xabiibi kuma aadan odhan dadka oo ku maqlaaya) -daacadnimo aad kula dhaqanto(Waxad ka baqanaysaa in aad u sheegto meesha aad lacagta marinayso) -U tagid aad u tagto oo macno leh runtii loll (minute man). Haddaba dumarka waa in eeda laga daaya oo loogu garaaba sida geesinimada leh ee ay xilkooda u gutaan habeen iyo dharaar. Waa hooyooyin Waa Wallaal Waa oorri may god bless them all. |
    sihaam | Monday, November 20, 2000 - 04:51 am sihaam . hadaad adigu saas leedahay anna waxaan ku leeyahay maxaa ragii wax ma garato ka wada dhigay oo aan damiir laheeyn maxaase ku kalifay nin dhan oo gabari u joogto inuu dhex fariisto golo ragu sida geelii ugu daaqo oo eey isku qabaan ineey akhiyaar yihiin aaway mas,uuliyadii lagaa sugaayay xayawaanyahow ma waxaad mooday ineey gabdhuhu yihiin wax la iska soo kaxeeysto oo looga tago guryaha hadaad baxdo ogoow ayaduna ineey baxeyso sidaas ayaa keentay inuu bato furiinka.hadeey aydu garoob tahay adna eey meel lagu xiray ayaa tahay, |
    Anonymous | Monday, November 20, 2000 - 03:42 pm Jawaab kale oo quseeya su'aashan waxaad ka heli kartaan, "Mas'uuliyaddii Aabbe Meeday????????" oo isla boggan ku qoran. |
    Xaaji Xaaraan | Wednesday, February 07, 2001 - 07:40 pm TO: IDMAN Waxa Ragga Xumeeyey waatane iga hoooooooooooooooo. (1) Maalintii oo dhan isagoo Warshad iyo wax la mid kasoo shaqeynayey ayey habeenkii ku tiraahdaa maanta dhan ayaan hayey ee adigana waa kukaa. (2) Reeraha deriska ayey aaddaa oo 11pm usoo garaacdaa guriga, isaga oo aan weli qabeysan oo carruurtii jihaad kula jira, illeen muu garanayo carruur si xannaaneeyee. (3) Mushaharka ayuu u dhiibaa oo ay ka dhigtaa wax ay barafuun ku gadatay iyo wax ay reerkeedii u dirsatay. Goortuu ku yiraahdo waalidkey wax halloo dirona afka ladadiiss ayey yeertaa oo muran iyo rabsho halkaasi ka kicisaa. (4) Heedhe sidani innama anfaceysee aan carruurta mustaqbalkooda meel wax u dhigno markii uu yiraahdo waxay ugu hanjabtaa wallaahi single mother ayaan gelayaa. Halkaasi ayuu dib u cararaa illeen carruurtiisa inay ambadaan muu doonayee. (5) Cuntadiisa wuxuu ka cunaa McDonald & Hungry Jacks junk food restourants waayoo cid iska xilsaareysa inay cunto u kariso majirto, oo carruurta qudhooda ayaa Pizza, Big Mag iyo Junk food ay ku quudisaa. (6) Carruurta mid wax halleynaya haddii uu canaanto cirkey ayey u booddaa sidii isagu inuusan aabahood aheyn, oo ula hadashaa sidii carruurteeda mid ka mid ah iyadoo la hadleysa weliba carruurta hortooda. si xushmo la'aan iyo dhaqan xumo ka muuqato, goortaas ayuu shib iska yiraahdaa illeen haddii uu lasii wado wey kasii xumaaneysaaye. (7) Goortii uu weydiisto wey u diiddaa, oo ay ku kaliftaa inuu guskiisa barkado iyadoo weliba maro weyn ku duuban duuban oo leh diinta ayaan xaq dhowrayaa!! Xaaji Xaaraan iyo kuwa la midka ahna si fudud oo aad u dhib yar uga biyo cabbaan, free of charge. With no hasle, with no expenses, with nothing. (8) That is what is wrong. We have left hour traditions and we are not as westerners as yet. All and all we are hanging in the midle of nowhere |
    Xaaji Xaaraan | Wednesday, February 07, 2001 - 07:46 pm TO: IDMAN Waxa Ragga Xumeeyey waatane iga hoooooooooooooooo. (1) Maalintii oo dhan isagoo Warshad iyo wax la mid kasoo shaqeynayey ayey habeenkii ku tiraahdaa maanta dhan ayaan hayey ee adigana waa kukaa. (2) Reeraha deriska ayey aaddaa oo 11pm usoo garaacdaa guriga, isaga oo aan weli qabeysan oo carruurtii jihaad kula jira, illeen muu garanayo carruur si xannaaneeyee. (3) Mushaharka ayuu u dhiibaa oo ay ka dhigtaa wax ay barafuun ku gadatay iyo wax ay reerkeedii u dirsatay. Goortuu ku yiraahdo waalidkey wax halloo dirona afka ladadiiss ayey yeertaa oo muran iyo rabsho halkaasi ka kicisaa. (4) Heedhe sidani innama anfaceysee aan carruurta mustaqbalkooda meel wax u dhigno markii uu yiraahdo waxay ugu hanjabtaa wallaahi single mother ayaan gelayaa. Halkaasi ayuu dib u cararaa illeen carruurtiisa inay ambadaan muu doonayee. (5) Cuntadiisa wuxuu ka cunaa McDonald & Hungry Jacks junk food restourants waayoo cid iska xilsaareysa inay cunto u kariso majirto, oo carruurta qudhooda ayaa Pizza, Big Mag iyo Junk food ay ku quudisaa. (6) Carruurta mid wax halleynaya haddii uu canaanto cirkey ayey u booddaa sidii isagu inuusan aabahood aheyn, oo ula hadashaa sidii carruurteeda mid ka mid ah iyadoo la hadleysa weliba carruurta hortooda. si xushmo la'aan iyo dhaqan xumo ka muuqato, goortaas ayuu shib iska yiraahdaa illeen haddii uu lasii wado wey kasii xumaaneysaaye. (7) Goortii uu weydiisto wey u diiddaa, oo ay ku kaliftaa inuu guskiisa barkado iyadoo weliba maro weyn ku duuban duuban oo leh diinta ayaan xaq dhowrayaa!! Xaaji Xaaraan iyo kuwa la midka ahna si fudud oo aad u dhib yar uga biyo cabbaan, free of charge. With no hasle, with no expenses, with nothing. (8) That is what is wrong. We have left hour traditions and we are not as westerners as yet. All and all we are hanging in the midle of nowhere |
    Samsam | Friday, February 09, 2001 - 09:07 am wiilkaagan gabdhaha caannayoow iskui xishoo waa ceeb |
    Gabar murugtay | Friday, February 09, 2001 - 09:11 am Assalaamu aleykum. Ani ahaan waxaan u arkaa inta badan in uu ragu sababo,nimanka soomaliyeed badankoodo marka hore ee ay gabadha rabaan waxey iska dhigaan in ay u dhimanayaan oo aysan la aanteed noolan karin.Markaat ku raacdo oo aad guursato oo gabarnimadaadii uu cuno amaba ilmo meesha yimaadaan ayey waji kale la soo baxaan. waxaan aad iyo aad ugu mahad cilinayaa Xayraan,sida wanaagsan ee aad runta uga hadashay. waxaan ka mid ahay gabdhaas aad soo sheektay, runtiina waxaan mooday in aad qalbigayga ku jirto sida aad arinkaas uga hadashay. waxaan kula dardaarmi lahaa gabdhaha soomaliyeed ee aan wali guursan in ay marka hore kafiirsadaan ninka ay guursanaeyaan,sababtoo ah xalfiican maha FURIIN gaar ahaan markii ilmo meesha yimaadaan.Gabarnimadaadii waadka sabrikartaa laakiin ilmahaaga aabo la aan in aad dhigtaa waa wax aad u dhibbadan,gaar ahaan markaad ku soo kortay aabe iyo hooyo wada jir kugu soo koriyey. |