Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Waxa ad igala talisaan waxa aan ahay nin doonaya guur laakiin waxa an ilaabay sidii loo shukaan san laha hablahan yurub jooga marka maxan sameya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

h.jama

Wednesday, November 15, 2000 - 10:01 am
asalaamu calaykum..
waxa an ahay nin ilaabey sida loo gu sheekeeyo hablaha yurub jooga markaa igala soo taliya sidii aan yeelilahaa .. waxa an rabaa guur waxna
wa hayaa run tiina laygu qasaari mayo marka ila soo taliya
byeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 15, 2000 - 11:24 pm
walaalkegi hablaha maanta jogo waa hablo cusub maha hablihii layakhanay ee midwalbo lasheekeso han ka xanaajinin hadalo macaan oo uroon khalbigoodi soo jiito mida kalayna walaal waxaan ku weedinayaa manin waxsoo maray miyaatahay mise mid cusub oo bilaaw ah?
midta ugu horeesa waad takhaan sheko bilaawgedi ayaan umaleni, kadibna gabdhaha yurubka joogan waxeey ka helaan ineey marwalba is aragtiin adiga casuntit waxeeyna ku weedisato aadna udiidin, waa sidaa walaalkegi waana iga talo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H.JAMAC

Thursday, November 16, 2000 - 10:12 am
ASALAMU CALAYKUM
WAAD MAHAD SANTAHAY WAA NA RUN INAAN AHAY NI WAX SOO MARAY HORANA WAN U AQAANAY SHEEKADA LAAKIIN HADEER GARAN MAAYO OO SOOMA ROGANKARO HAL ERAY MARKA WAXA JIRA MA FAHMIN ..MA HABLAHAAN HABLIHII AHAYN MISE ANAA LASII QAAD AH.. MARKA WALAL WAXA AN DOONAYA HABLAHA YURUB SIDII AAN ISUGU XIDHI LAHAA MARKA IGALA SOO TALI SXB .
MAHADSANID.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar_fiican

Thursday, November 16, 2000 - 10:31 am
asalaamu caalykum

walaal gabadhaad jeceshahay u sheeg noo inaad jeceshahay maxa ka xishooneeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee hadaa aniga i jeceshahayna i sheeg waan ku caawinayaa lol waxan joogaa yurub lol waan kula kaftamayaa walaal khayr ayaan ku rajaynayaa lolloooooooooooooooooool asalaamu caalykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

uraag

Thursday, November 16, 2000 - 08:34 pm
waryaa sawirbaatahay aabahaa kuw wasyee xeytahay dameerbaatahay ee call this number 1-800 caawiye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyarre

Saturday, November 18, 2000 - 07:50 am
To H. jama;
Saaxiib horta waad ku mahadsantahay suaasha aad na soo weydiisay, waxanan isku dayayaa inaan kuu jawaabo oo aan kuu sheego 10 arimood oo dumarka kula sheekeysankarto hadii aad ku dhaqanto sida aan kuu sheegeyna wax weyni iska kaa badalli karaan:

1. Waligaa gabdhaha markaad la hadlayso sheekada ha ku bilaabin *nin guur kaa raba ayaan ahay,Naa ma ku guursadaa ect.


2. Marwalba oo aad la hadlayso gabadh wajigeeda si fiican u eeg oo haka xishoonin.

3. Isku day inaanad muujinin jiljileec (dumarku wey jecelyihin inay ka ag muuqdaan nin ad adag oo aan qalbi jilicsanayne).

4. Wax kasta oo aad samaysoba waligaa ha u faaninn gabadh aad la sheekeysanayso.

5.Ku dadaal sheekada aad gabadha u sheekeynayso inaanay dheeranin (boring) aanay kaa dareemin. You can be some kind of comedian you know.

6. Tus gabadha inay muhiim kuu tahay oo sheekada markeeda ka gur ( dhibaatada maanta raggeena somalida haysata waxay tahay, qofka dumarka ah waxba kama dhagaysano).

7.Ha noqon bakhayl hana ka filan in gabadhu ay ku tidhaahdo waar inoo wad aan casho tagno.

8. Waligaa iska ilaali in aad gabadh weydiisato lacag iyo wixi la mid ah ( hadii xita aad baqtiyayso waligaa gabadh aad mustaqbal ka damacsantahay ha weydiisan deyn).

9. Always be your self. Caadi iska ahow hana baqan hana farfarxin markaad is raacdaan.


10. Runta u sheeg waligaa xitaa hadii aad ku kala guuraysaan gabdhuhu runta wey jecelyihiin si kastaba ha u dhacdee.

Saaxiib hadii aad inta ku dhaqanto oo aad gabadh kula sheekeysata weydo isoo doono aniga ayaa cashar dheeraad ah ku siinayaa meelkasta oo aad joogtaba e.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H.JAMA

Monday, November 20, 2000 - 09:25 am
TO GABAR FIICAN IYO SANYARE..
AND URAAQ..
ASALAAMU CALAYKUM..
BACDA SALAAN..
URAAQ KUGU DHEERAAN MAAYO WAAYO WELIGAA WAX LAGUMA WEYDIIN TALO AH .. MARKA IGA RAALI NOQOOO..
GABADH FIICAN.
WAAD MAHADSAN TAHAY WALAASHAY WAAANA KULA SOO XIDHIIDHI HADII ALLA IDMO.. IGALA SO XIDHIIDH
DAACAD62@HOTMAIL.COM..
WAADNA MAHADSANTAHAY.,...........
SANYARE SXB WAAD MAHAD SAN TAHAY WAANA FAHMEY SXB ARIN TAAS LAAKIIN ARIN TA IHAYSATAA MAAHA BAQDIN IYO SHEEKO LAAAN LAAKIIN WAXA IGA LUMAY HANAANKII KALE OO AH ...MARKA AAN SHEEKADA BILAABO WAXA AAN KA SHEEKAYNAYA WAX DHIN TAY IYO LIBAAXYO MARKA MAR MAR BAAN HELAA WAXA AY KA HELAAN HABLUHU MARKAA AAN HELO AYAANAN SOO ROGANAYN MARDAMBE OO HADII AAN USHEEKEEYO HAL HABEEN WAXA AAN JECLAHAY IN AANAN HABEEN DAMBE USHEEKAYN MANA GARANAYO ARIN TA SXB MARKAA SXB WAAD KU MAHADSAN TAHAY ARIN TAA WAX BADAN OO IGA MAQNAA AYAAD II SHEEGTAY BAL WA KU DEYI HADII ALLA IDMO.. IGAL SOO XIDHIIDH HADII AAD TALO KALE HAYSO ,,. DAACAD62@HOTMAIL.COM.......
NABADEEEEEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 22, 2000 - 06:55 am
H. Jama

Waxaan u qaatey su'aashaada in aad weydey hablo aad ku qanacdo, ee aadan waayin waxaad u sheegtid.

Arrintani waa mid aniga i heysata, balse yaanan quusan aan Ebbe ka rajo sugno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kamaal

Saturday, December 09, 2000 - 12:12 am
TO: H.Jama
Hablaha aad doonaysid inaad la sheekaysatid haddii ay guurdoon yihiin way ku af garan doonaan adiga oo aan dhowr sakadood uga soo wareegin markaa waxaa laga yaabaa inaad qolooyin yuruboobay aad la sheekaysatay oo hadal doon uun ah. Markaa waxaan kugula talin lahaa inaadan ka quusanin ee aad doon-doontid mid kuu diyaar ah haddii kalena mid yar ka soo guurso waddankii ama waddamada kale ee aan yurub ahayn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji jamac

Monday, December 11, 2000 - 08:19 am
to.dhaman..
asalaamu calaykum..
walalayaal waad ku mahadsan tihiin taladiina waana qaatay waxa ad mooda hadeer in ay ii baxday sheekadii marka waxa an idiin rajeynaya khayr waayo waxa an isku xidhay ilaahay ..
walaalkiin alxaaji jamac..
nabadeeeeey