Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): OO AAN KAFTAN AHAYN !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suaal

Monday, November 20, 2000 - 05:17 am
Hadda ka hor ayaa isku dayey inaan gabar cida ama qabiilkayga ka baxsan aan guursado Taasina kuma aanan aflixin. Anigoo aynan faan iyo booto iga aheyn waxaan ahay nin diin leh, qurxoon, wax barashadana heer sare maraya, reer wanaagsan ka dhashay.

aniga run ahaantii waxaan doonayaa inaan guursado gabar aan qabiilkayga ka dhalan oo wanaag,diin,qurux iyo caqli lagu yaqaan.


maxaa igula talin laheydeen???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qawdhan

Monday, November 20, 2000 - 06:41 am
Saaxiiboow allaha kuu siyaadiyo koowdheh, laakin waxaa kaa maqan oo kaliya inaad is gadid, maxaa yeelay sanadkaan waxa aad sheegeeysid ma soconaayaan ee badeecadaada sim loo gato waxay u baahantahay "Strategic Marketing ".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 20, 2000 - 07:25 am
saaxiib waxaad tiri faan igama ahan laakiin waxay
u eg tahay inaad faanaysid, waayo xiligaan la joogo waxaa aad u yar nin noocaaga oo kale ah,
sababtoo ah ragii oo dhanwaxay galeen beerta,
mida kale waxaan kugula talinayaa hadii aad tahay inan doonaya inuu guursado inaadan ku xirin guurkaaga inan aan qabiilkaaga ka dhalan eeiska
guursato gabadhii soomaaliyeed ee doonaysa inay guursato,
goodluck,££££££
¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayaan

Monday, November 20, 2000 - 11:25 am
saaxiib nin yaab leh baad tahay ee halkee lagaa helaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.222

Monday, November 20, 2000 - 03:25 pm
Su'aal

Saxiib figradaadu ma xuma, laakiin aan hal mid xasuusano: Ilaah baa mar hore qorey meesha calafkeeno yahay, Asagaana naga yaqaan oo noo xukumaya sii yeyna caqliga, diinta iyo dhalashadaba.

Marka aan iska ilaalino in aan sii doorano oo aan ku sii xisaabtano qabiilka, wadanka, magaca, midabka iyo sida qofkaasi noqon doono taas oo aan raad ku laheyn guurka iyo qofnimada toona.

Marka markii Alle ku tuso qof aad la dhacdo ka fiiri waxii doorasho ah ama sharuudo ah oo aad ku dooraneysid sida DIINTA IYO CAQLIGA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Tuesday, November 21, 2000 - 06:56 am
asalaamu caalykum

waaa runta AAA 2 sidaas waaye maanta waxay dadka badan kooda ilawsan yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suaal

Tuesday, November 21, 2000 - 02:30 pm
Aad baa u mahadsantihiin dhamaan.

Ayaan
Waxaa la iga helaa Malaysia

A.222
Jawaabtaadi wadnaheyga baa xoogaa ku degay, inkastoo dabeecadan aan ku dhashay bal waan isku dayayaa inaan wax ka qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nasteexo

Saturday, November 25, 2000 - 09:15 am
walalkiis arintaas waa arin aad u wanaagsan inaad ku fakarto ood wiilkaga abti fiican u doortid waxaana qabaa wiilkaga adeerkii inuu abti u noqdo waa laga fiicanyahay, anigana arintaas oo kale ayaa ii haysata sabata keentayna aniga qabiilka aan ka dhashay aad ayaan u jecelahay ee walalhay oo dhan ayaa qabiilkayga guursaday oo wanaag iyo xumaanba ayaga ayaa haya ilmohooduna waxy leyihiin adeer iyo abtiyo isku qabiil ah.
ugu dabayn nasiib wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAWAAB

Thursday, January 25, 2001 - 09:10 am
TO SU;AAL
MARKA HORE WAAD SALAMAN TAHAY MARKA LABAAD MAXAAD KA QABTAA HADII AAN ISKU KAA FIIRIYO?
MARKA LABAAD WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAN XIRIIRNO EE E-MAIL MA LEEDAHAY?
MARKA SOO JAWAAB BAL WAA INTAAS OO AAN CALAF ISKU LEENAHAYE YOU WILL NEVER KNOW*
MALEZIANA MAXAA KU GEEYAY?
SOO JAWAAB NABADGELYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khadij@

Friday, January 26, 2001 - 06:49 am
assalaam Calaykum

Allaha Kuu fududeeyo walaale. Qofka aad raadinayso haddii uu yahay mid diinleh Alleh wuu kuu fududeenayaa insha'Allaah. Markaste oo aad dukatid Alleh bari oo ku bari In uu ku siiyo waxaad jeceshahay.

Intaas ayaan ku tari lahaa

Wasalaamu Calaykum w.wb.