    Anonymous | Friday, December 29, 2000 - 07:54 pm waxaan a hay wiil dhalinyaro ah dagan [uk]waxaan xiriir naga dhaxeeyaa gabar aan wada soconay mudo [todobo bilood ah] runtii waan ka helay dhanka diinteeda iyo quruxdiidaba waxaan ku heshiinay in aan is guursano sanad ka dib isbuucii mar ayaan kulanaa waxaana isku dayaa in aan u sameeyo wax walba oo ay u baahantahay xataa deyn aan u galay waxaan isku dayaa in aan iraahdo hadalo jilicsan iyadana in ay i tiraahdo iska daa waxay hadalkaaga ma rumaysanaayo waqti dhameeys maad iigu timid hadalkaan kula hadlaayo qaali waayay iyo enarjiga ha iga dhameeynin biisi aan ahay ha ii imaanin wax aanan u atkeysan karin markaan iraahdo wax maad iga tabaneysaa waxay leedahay maya waxayna jeceshahay waxay rabto in loo sameeyo hadii kale waa ay xanaaqeysaa walaalayaalow talo i siiya ma iska daayaa mise waan u samraa waxaan rabaa taladiina wixii caay ah waa mamnuuc waad mahadsantihiin |
    ladan | Saturday, December 30, 2000 - 07:12 am aboowe aniga waxaan aad u jeclaan lahaa intaad gabadha kala hada shid waxa ku dhibaya waayo hada hadaadan sheegan markale fursad uma helaysid teeda kale waxaan kula talin lahaa ha guursan qof aanan ku jecleen waayo sidaan hadalkaaga aan ka gartay qoftan kuma jecla fadlan iga raali noqo but i have to say this guurku ciyaar ma ahan ee ka fiirso ladan |
    safiyooak | Monday, January 01, 2001 - 06:01 pm aboowe adigu gabadh ka hadal sii waxa raabto waxa ba haku degdegan guur hada happy ma tahiid marka waxan u maleeynayaa kuma jecla qofkada jecashay eey maqaarna waa logu seexda marka war waxaas iisameey misa waan xanaaqin masaconeyso walaalki waxay damacsantahey hasheegto walaashay waxaad tiri waa qof diin wanaagsan maxaa ku dhacay ilaahey hakuu sahlo waxii kuu wanaagsan adigana byyyyyyyyyybyyyyyyyyyyy |
    jeele | Tuesday, January 02, 2001 - 01:54 am ladan waa ku salaamey, anigu adigaanba kaa helaa abaayo, waayo waa hadal wanaagsantahay qof wax garadaad tahay marka abaayo ii soo dir wargaaga |
    LOOYAAN | Friday, January 05, 2001 - 01:00 am DHIBANE UK saxiib runtii talo wanaagsan baad u baahantahay Q.gabadha sida aad soo sheegtay guur baad ku heshiiseen maxaa badalay oo sida xun kuu la hadlaysaa? sidaan kaa dareemay dabacsanaan iyo qalbi wanaag baad leedahay,saxiib jilicsanaanta badan yaree adigoon gabadh tusayen xumaan runta u sheeg dareensii inaad jeceshahay,baro waxay ka hesho uga sheekee sheekooyin ka qoslin kara, hadii saxiib aadan hayn sheekooyin aad kaga farxisid ururi sheekooyinka lagu qoslo ogow dumarku farxada iyo qoslka waa ka helaan. u saar gabadha dibada soo wareeji gee meelaha ay ka hesho. hadii aad leedahay saaxiibo aad ku kalsoontahay bar gabadha. dareenkaaga jacaylka si qurxoon u tus meel qurxoon ku tus. markasta dhagayste fiican noqo.hala murmin ogow saaxiib in gabdhaha rag badan ay shukaansadaan,noqo kii uga taga qalbigeeda xusuus iyo dareen xoog leh,weerkaagu hanoqdo mid qalbigeed aad farxad ku abuuranaysyo, waxaa dhici doonta inay iyadu labo noqoto. qalbiga iyo maskaxda. dhinca xargada markastoo u tagaysid noqo nin si fiican u la bisan,nasasho qaado intaadan u tagin. saxiib todoba bilood waqti badan ma aha wali waxaan filayaa inaad u baahantahay barasho. Q.maxay kuu tiraa waqti lumis baad igu wadaa? lafteeda dareen kama maqna ee xoogaa waxay rabtaa love. ogow qofka run kuu jecel waa inuu dhibta kula dareemaa. Q.MARKAAD WAXA U QABATID MA KU TUSTAA INAAD TAHAY HALYEYGEEDA?MASE WAY KU YASTAA JB MARKAAN HELO BAAN KU SIIN WAQTI KALE. LOOYAAN |
    Anonymous | Friday, January 05, 2001 - 05:43 pm waad mahadsantihiin dhamaan [ladan,safiyooak,iyo,looyaan looyaan wlaal waxaad i weydiisay,gabadha maxey kuu tiraahdaa waqti lumis baad tahay? walaal waa mida aan la yaabanahay sababtoo ah waxaan ku iraahdaa hadalo jiljilicsan sida waxaan jiclaha in aan waqtigeyga oo dhan kula qaato waa ku jeclahay oo kale jawaabteeda waxay noqatay sida tan in aad waqtiga igu dhameeys iigu timaado maad rabtaa iyo waqtigeeyga qaali waayey energiga ha iga dhameeynin markaan iraahdo walaal maxaad sidaas ii leedahay miyaadan eheeyn qoftii aan is dooranay waxey tiraahdaaima ima rabtid miyaa waxay ku jawaabtaa hadaan ku rabin maan gaarigaaga soo raaci lahaa iyo wax la mid ah mida kale walaal maalintaan u tago waxaan ku qaadanaa sheekadeena magaalada meel aan somaalida u badneyn xishoodkeeda awgeed mana ogala in aan gurigeeda ku qaadano iyadoo sheeganeysa in ay ka xishooneysa reerka ay la joogto oo aan aheeyn aabaheed iyo hooyadeed midna ahna qaraabadeed oo kaliyah waxaana intaa ii dheer in an mar walbo isku dayo in aan balanqaadyo u sameeyo oon iraahdo waxaan kuu sameeynayaa wixii aan u sameeyn lahaa naag aan qabo hadeer sida aan kuugu kalsoonahay hadeer waaba ka soo dartay ee tala keen looyaan saaxiib waxaan kaa sugaa waa taladaada wa bilaaahi towfiiq |
    looyaan | Saturday, January 06, 2001 - 01:56 am dhibne uk saaxiib dhawaan ayaan kuu soo qori doonaa taladayda,hada daraasaad ayaan sheekadaada ku samaynayaa. laakiin ilaaa hada waxaan u jeedaa in isfahamwaa jiro. looyaan |
    walaalkaa | Wednesday, January 10, 2001 - 02:20 pm saxiib salaan kadib waxan ahay nin wayn oo aanay waayo aragnimo udhimanay waxan ahay xaas waxan aqoon buuxda uleeyahay haweenka waxan ku oranlahaa wiilkaagu maalin ayuu hiil kaaga baahan yahay? waa maalinta aad hooyadii raadinayso. kafiirso naag dabeecad adag iyo naag hawo jecel iyo naag aan qalbi dabac sanayn waxan ku oran lahaa ka dheeraw wabilaahi tawfiiq |
    Anonymous | Wednesday, January 10, 2001 - 05:42 pm to-walaalkaa walaalkiis waad ku mahadsantahay talada aad i siisay runtiina waa talo aan ka helay dad badan oo saaxiibadey ah waana mid meesha taala somalida ayaa horay u tiri[talo adiga ayaa ku nool ee kuguma noola]marka waxaan is leeyahay armaad heshaa talooyin iyo fikrado ka duwan mida saaxiibadaa ay ku siiyeen anigoo aan ula jeedin fikradooda way xuntahay horaa loo yiri[nin jirani boqol u talisay] eny way waad ku mahadsantahay taladaad i siisay wabilaahi towfiiq |
    bro | Friday, January 12, 2001 - 12:00 pm Waxa u maleenaa in tallo wanaagsan laguu soo jeediyay, haddii ay wax iska bedeli waayaan labadiinaba. waxaan kugula talin lahaa inaad iskaga tallo baxdo qoftaas, sababtoo ah ma fiicna in ragu shalaayo. haddii arinkiinu halaabana iyada ayuu ka halaabay ee adiga mar kasta waad heli tii alla kuu qoray. |
    Samy | Monday, January 15, 2001 - 01:12 am Aboowe waad salaaman tahay. Waxaan ka yaabanahay qof aad u jeedo sidey kuula dhaqmeyso in aad hadana rabtid weli talo kale, ma u maleynaayi in aad tahay DOQON maxaa yeelay soomaalidu waxey tiri doqonta usha hoRteeda ku dhufo hadey fahmi haweydana korkeeda. sidey dadkii horeba kuugu soo sheegeen guurku ma aha wax cayaar ah ee ka fiirso iskana dhaaf gabadhaan aad ka hadleyso qof bini'aadm ah ma badali kartid masaxdiise. Good luck for the future.... |
    WAANO, | Monday, January 15, 2001 - 10:18 pm WALAALKEYGA TALADA U BAAHAN WAXAAN KU ORON LAHAA GET RID OF HER BRO.NAGTAAN KUMA JECLO EE YAYSAN WAQTI KAA LUMIN,TAN OO KALE LUGOOYO AA LA YIRAA,NAAG KALE KA RAADSO HADII AY FARAYS KUU OGOSHAHAYNA ISKA FAREE,ADIGOO MIDKALE KU DUL-RAADSANAAYO,,,,,,NABAD IYO CAANO. |
    maxamed,nuur | Tuesday, January 23, 2001 - 09:43 am somaalidiina waa idinlayaabay nin iyo naag uu rabo inuu guursadaa kala dhaxgalaysiin. saxiib naagta iska guurso haday kucajabinina iska fur. aniga ba imisaan furnay. markaa dantaada gaartid iska fur maxamed,nuur |