Skip to main content

.

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Ila Tali Walaal - Ask The Experts (Current): ILA TALIYA SEEN KU JOOJIN KARAA KU DHAQANKA QABIILKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAASHI

Monday, March 12, 2001 - 07:53 pm
WAXAA SANADKAN AAN KUJIRNO EE 2001 WALI MASKAXDEEYDA KA GUUXAAYA QABIIL MANA ISKA TIRTIRI KARO OO WAXAA LAYGU SAMEEYEY BAAN UMALEEYNAYAA BREIN WASH MAXAA YEELAY MARWALBA OO QABIIL KEYGA WAX LAGA SHEEGO WAXAAN UQAATAA CUQDAD AAN TIRTIRMIN AMA SHAQSIAHAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

naxariis

Monday, March 12, 2001 - 08:12 pm
alah ku caafiyo amiiin amiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 13, 2001 - 12:55 am
Walaal salaada tuko oo ilaahaaga bari inuu jaahilnimada kaa dheereeyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ka yaabey Anigu

Tuesday, March 13, 2001 - 11:45 am
Fadhiga iyo dhaga dhageynta badan yareey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAGAAG

Wednesday, March 14, 2001 - 09:22 am
QABAAL KUDIL SAA WAA KAASAARMIWAAYEYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilmaan

Monday, March 19, 2001 - 08:12 pm
qabiil ku joojo marka buu kaa baxayaaye qabiil god kulama galayo soo mahan ogaw qabiil waa kii qubaha na keeney soo mahan ninyahow ilaahay hakubada baadiyo salaadan tuko oo ilaahey u soo dhawooow qabiil cadaabta ha kuu horseedo walaaki

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

datoore

Wednesday, March 21, 2001 - 12:28 pm
asalaamu aleekum

sxb xaashi

Arintaada aad iyo aad bay ufudu tahay , ku dhaqanka afaaro qabiilnimadana waa ilaawee

Saxiib aad dal ama meel ay somali ku dhaqanta qabiilka ay ku yaryihiin ,adaaba baranaaya sida loo jeclaaado dalkaada SOMALIYA waana ilaaweesaa qabiil oo dhan ,hadaana adigu raadsan oo bbc ama meelo kale ka aqriyin...
Aniga ayaa saas igu dhacday hadana walaal QABIIL IYO SIYAASAD SOMALIYEED WAA HORAA AYAA IGU DANBEESAY ,sababtoo ah labadaas lama kala fujin karo waligoodomalid
laakiiin kaalay arag saan ujeclahay dalkeegii in kastoo walaalaheen"somalida" qaarkood ay kafaanayaan marka laweediiyo asalkooda, waxayna sheeganayaan dalka ay joogaan waraaqda ay kaqaateen taasna waa wax nabsi ah.

Sxb kuma dhahaayi nac somali, laakiin isku day in aad nacdid QABIIL

ilahaay hanoo fududeeyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Monday, March 26, 2001 - 03:28 am
Walaal alle ka cabso oo iska dhaaf qabiilka oo isku day inaad carada qabiilka ka hormariso carada aad u carooto diinta alle marka wax laga sheego ama qof muslima wax loo dhimo una faham in muslim kasta uu walalkaa yahay ama somali ha ahaado ama yuusan ahaanin badina akhriska qur'aanka allena bari in uu kaa madoobeeyo qiirada qabiilka uu alle kuugu badalo qalbi nadiifa oo alle cabsidiisa ka buuxdo

kheyr baan kuu rajaynayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muniira.

Monday, March 26, 2001 - 11:38 pm
To Xaashi.
asalaamu caleeykum walaal.
walaal qabiilku wuxuu kayimid sheydaan.
Marku Alle ku yiri Malaa`igta iyo Ibliis usujuuda Nabi Aadma,wuu diiday Ibliis, markuu alle kur ahaaye weeydiiyayna, wuxuu yiri: " aniga waxaa leyga abuuray naar isna dhuubo".
ugudenbeeyn tiina isaga ayaa ka soo saaray nabi Aadam iyo Xaawo janada intuu waswaasiyay.
Maantana waa taheeysata soomaali.Marka walaal waxaan ku uran lahaa iskaga tag meesha lugu sheeegayo qabiilka,akhrisana qur`aanka, waliba meelaha kahadlaya Ibliis markuu diidayay in uu usujuudo nabi Aadam, iyo suuratul xujuraad aayad ku jirta, maxasuusto hada waxaan kabaqayaa in aan khaldo. Marka wall ku dadaal in aad iska iloowdid qabiil, waayo waxba matarayo, marka ladhinto hooyadaa iyo walaalahaa iyo ehelkaaguba waad kala carareeysaan.Aduunka unbaa walaalo lagu yahay intoo Alle u naxriiysto mooyee.
asalaamu caleeykum.Your sister Muniira

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.C.W.

Tuesday, March 27, 2001 - 09:40 am
Walaal adiga kaliya cudurku kuma hayo
ee wadan dhan ayuu dumiyey(plus de 10ans)
alaha naga daweeyo(amiin)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 27, 2001 - 10:11 am
To: dhamaan MUSLIMIINTA Somaaliyeed

waad ku mahadsantihiin waanada aad iisheegteen oo walaaltinimada ah ilaahey ha i cafiyo dambiyada aan ka galey dhamaan muslimiinta Soomaliyeed

_________________________________________________
To: Datoore

waanadaada ayaa ah mid aan sameyn doono waxay noqoneysaa inaan katago magaladan iyo dambigeeda
waxaan rajeynayaa inan aado meel aan Soomaali joogin saan ugu soo iloobo qabiil bal maduxu ha iisoo nasto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAASHI

Tuesday, March 27, 2001 - 10:13 am