We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu calaykum walaalayaal Waxaan ahay gabar ku nool yurub da deyduna 25ka yar tahay waxbarata shaqaysatana. waxaan jira arin aad u yaab badan oo aanan waxba ka qaban karin taas oo ah in aanan arag weligeey qof aan ka helo I mean nin in aan weligeey jeclaan amaba aan is dhihin qofkaan nolol waadla qaadan kartaa,. sabatana ma garanaayo qurux, qiimo iyo weliba caqlina beni'aadamka kama yareeysto.ee walaalahayga soomaaliyeedeey miyaad ii sheegi kartaan waxa iga qaldan mahadsanidiin walaalyaal ha is dhihina qoftaan ayadaan la soo raadsan oo hataan waxaan ogahay 8 nin oo guur xalaal ah iga rabaan oo qaarkoodna ey gabar faceey ah ay guursan lahayd lakiin aniga nafteyda ma siinkaro so please help me to think my email is <gabar88@hotmail.com>
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu calaykum; Under 25 year... waxbarata, shaqaysata, ku nool yurub...hmmmm! si aan iskugu dayo in aan fahmo qaabka aad u fikirayso iyo waxyaabaha kuugu wacan in aad sidaas noqoto, Adiga oo raali ah ma noo sheegi kartaa.. Heerka waxbarashadda aad maraysid?Inta aad Yurub joogtay? iyo waliba Asxaabtaadda? ha noqdeen qaar soomaali ah ama ajinabibe? Iga raali ahow ma doonayo in aan Private mail kuu soo diro, waayo waxaan rabaa in figradahayga la ila qaybsado hadii aan khaldamana Walaalaha kale i saxaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO;ANONYMOUS WALAAL MARKA WAAN KU SALAAMEY, WALAAL WAXAAN FILAYAA INAAD TAHEY INAN KU DHEX JIRTA DADKEED HADEY NOQOTO QURUX IYO HADEY NOQOTO CAQLIBA WAXAANA TAA II CADEYNAYA WAXAA TIDHI 8 NIN AYAA GUUR KAA DOONANYA, ARINTA KU HEYSTA MA AHA ISLA WEYNAAN, INKASTOONAD SOO SHARXIN INAAD RAG QALAAD KA HESHO IYO INKALE, HADDII AAD KA HESHO RAGA QALAAD WAXA KU HAYA JUNGLE FEVER,OO MARKAAD MID IYO LABA LA HAASAWYDO AYAAD ARKEYSAA INEY RAGA QALAADI YIHIIN QAAR AANAD NOLAL WADA QAYBSAN KARIN.MIDA KALE WALAALO RUNTA U SHEEG NAFTAAD OO HADDII AAD FEELING U HEYSO SAME SEX IT IS OKEY, THAT IS WHAT YOU ARE.WALAALO KHALAD HA IIGA QAADANIN ADUUNBAA ISKA KEY OG BY BARQAB
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date inkastoo aadan sharax fiican naga siinin sababta aad raga gudiiday sadex unbaan dhibaatada ubadiyay 1. raga adiga kusoo doontay kuma uusan jirin kaad niyada kuhayso mrs right, midkii meel kugu qanciya meesha kale ayaa kamaqan. so you need compromis, life is compromis. 2.majeclid xaalada hada aad kujirto ama meesha aad joogto inaad ku guursato 3.gabdhaha qoyskiina waa labixiyay ama lasiiyay ina adeerahood marka adigu ma laguu helin ina adeer kuu qalmo oo lagu siinkaro hadaad tasho is dhahdana kalsooni majirto. after all life is compromis, sidii roon Rabaa og.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Anonymous - isku cudur ayaa na haya aniguna waxaan ahay nin soomaali oo 29 jira waxbartay shaqo aad u fiicana haysta. halka cillad oo i haysata waa selfish ayaan noqday. Gabdhaan is la sheekeysano markay guur soo qaado ayaan xiriirka u jaraa sababtoo ah wali gabar aan is iri nolol la qaybso ima soo marin. Waxaan u malaynayaa labadeenaba waxaa nahaysta waa jahawareerka labada culture oo maskaxdeena isku dagaalaya. Midkaan ka imaanay iyo kaan ku dhex noolnahay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu calaykum Walaal Anonymous, Runtii umalayn maayo inaad qaldantahay waayo qof walba si buu nolosha u arkaa. Marba hadaad tahay qof Ilahay ku xidhan oo horu socod ah, waxaad heli kii ugu fiicna ragga insha Allah. Muhiimka waxa weeye inaad Ilahay isku xirtid. Tan kale, qofka haduu isku kalsoonyahay waxaan qabaa waxyaalaha qaarkood iyo dadka qaarkood wuu ka leexdaa. Taasna xumaan uma arko. Waxaa sii dheer, laga yaabo inaadan weli dareemin inaad qaadi kartid reer xilkiisa. Masuuliyadaa mid ciyaar ah ma aha, guurkana ma aha heblayo ayaa guursatay anigana waa inaan guursadaa. Marka walaal, waxaan qabaa qof quman baad tahay. Qiimahaga hadaad ogtahay weligaa hoos ha isu dhigin. Kii Rabbi kuu qoray oo khayrka kuu ahna waad heli insha Allah. Gabadh dadaalaysa baad tahay maasha Allah. Ilahay khayr ha ku siiyo walaal. Peace
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Walaashiis arintada xalkeeda waa fududahey ahey waana sidan, waxaa dhiban xiligii ilaahey kugu tala galay in aad guursato{kii calafka kuugu jiray adaan wali helin}. marka lagaaro xiligii ilaah kugu tala galey in aad guursato, waxaa laga yabaa in aad guursato qof adan agoon , sida anigu igu dhacdey oo kale. walaashiis ilaahey nin fiican ha kuu saxlo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date omar To Garyaqaan War ninyahow ishaad ka tuurtey!! waxa hadda ka hor dhacdey in dhalinyaro aan saaxibo ahayn arrinta guurka aad isagu hawli jireen,anna waxbaan baranjirey danba kama geli jirin waxa dhacdey in raggaasi xitaa meelo dheer ay u safreen qaarkodna soo guursadeen qaarna ayan u suuroobin waxa ilaahay qadaray in aan anigii ka hor guursadey iguma jirin inaan guursado niyaddeydana kuma soo dhicin waxa dhacdey in rag aan saxibo nahay oo melo kala duwan jogey ay iigu riyooden ayadoo xafladdii guurkeya loogu yerayo! ficlan sidii bey u dhacdey. Marka waxa dhacdey in gabar aan is baranay waan wada sheekaysannay waana is fahanay muddo yarna waan aqal galney sidii baa rabbi nagau barwaaqeyey. Marka wiilasha iyo Gabdhaha Guurka kala doonayow arrinta fudeeya,ALLena tala saarta dadka aad wanaga ku tuhmeysanna la tashada salaatul istikharona ku khatima arrinka. waxa dadka qaarkii aad ka maqleysaa Hebla iyo Hebal waa wada socdaan!! intaasoo bilod ama sano baa laga yaba in sheeko bilaa yacni ah la wado sheydaanna meesha waa ku jiraaye ogow qof aan iin lahayna majiro saan insaan baan nahaye maalin waxa dhaceysa in layska horyimado waayo labada qof marka wejigoodu isku bato xiisahu wuu yaraada waa wax la soo arkey marka arintuba wax yar oo layku qabto bey ku simantahay waxan ku khatimaya waswaaska sheydaanka iska dhaafa qofkad is fahantan wada dhmeysta,allena tala sarta. w/calaykum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date from gabadh waxaan aad ugu faraxsanahay marka hore walaalahayga somaliyeed oo ila taliyey iskuna keey taxluujiyey in eey wax ii sheegan amaba qaarka mid ah ay xataa ii duceeyeen aad baad u mahadsantihiin I love you all qaasatan yaaska, cajabo iyo garyaqaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ina-abti Waan ku fahmay inaadan qof aad guur ka damacdo weli arkin. Marka si aan wax kaaga sheegno waxa ku heyta fadlan hal su'aal iiga soo jawaab. Weli ma aragtay wax aad gaabsi ka damacdo? Haddii jawaabtaadu "maya" noqoto. Waxaan qabaa in aad dhatar u tagto. Qof labaatan dhaafay oo aan wax damac ah weli gelin "doesn't sound very health" Haddii jawaabtaadu "haa" noqoto waxba kuma hayaan guurka ayuunbaadan ka helin... marka iska sug "your biological will let you know, when you get there" in other words da'du markey kaa daba timaado adaa is-garan doonee iska sug......... waa sii dareeraa hadana nabadeey......
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu calaykum To Gabadh: Walaal taas waa mid la isku leeyahay. Waad mahadsantahay, tan kale qof fiicaan baad tahay oo walaalaheed qadirisa. To Caafi: Walaal maxaa ku qaaday? Waa maxay gaabsigaad ka hadashay? Mar walba qofka inuu Ilahay ka cabsado weeye. Tan kale inanta balaayo maskaxda ha u gelin! LOL. War adna toobad ken! LOL. Peace
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Cajabo Oops! ( yes big oops this time ) no harm intended. Just trying to figure out whether the sister suppresses her feelings or she is natural born celibacy. Lol@@@ See that is the trouble you get, when you ask amateurs counsellors for advice. They ask more peculiar questions than the one that was bothering you……. Roob iyo saliid-macsaro....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu calaykum From Gabar Walaalo cajabo I am very proud for you sis and thanks again. Caafi walal waxaan kuusheegi in aan ahay qof ilaahey ka baqa gaabsina iska daayee yaryarooti xartaa iskuma quuro sidaa aad inaga aragto gabdhaha soomaaliyeed waa gabdho muslim ah diintoodana ku xiran taa macnaheeda waad garan ayaan u maleen. gabdhaha iyo wiilasheena aan ilaaheey iyo diintiisaba ku xirneen waxaan oran laheen ilaaheey ha idin soo hanuunsho. marka koleey adiga caafi ahaan sidaan kaa arko nin la qabsadey ayaad u hadashey hadana gaabsigii caadeystey marka qofka koowaad oo aan ilaah u tuugi waa adiga. bye all
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to: gabar Ina-abti waa saa u tiriye arintaa ayadda ah, aniga nafteydu isuma-quur. Farsamadda baa iga halaawdaye, saa u qaadatay kama wadin. Laakiin waxaan kuu qiranayaa in aan aad ula dhacsanahay sida maangalka ah(rational manner) ee aad u soo jawaabtay iyo ducadaadii qaaliga aheyd. War iyo dhamaan inaan saa kugu tilmaamo anba kuuma quuro. Marka sabeen aa kugu xiran. su'aasheydana waxaan ka waday haddii dareenkii kugu jiro waxba ma jiraane ha ka walwalin...... Once again please accept my apology for phrasing my amatuer contribution the wrong way.........
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu calaykum To Caafi: Walaal, horta mudo ayaan akhrinaayay waxaad qortid markaan shalay tan arkay waan u qaadan waayay! Laakiin walaal waa caadi oo waa wax dhici kara. Saas ee tahay walaasheen "Gabadh" ayaa qof cajiib ah oo sii yar oo qaboow kuugu jawaabtay. Aniga kab ayaan kula dhici lahaa! lol@caafi! Walaal macaan waan ku salaamay. To Gabadh: Walaal, adaa mudan oo waa iga dhab. Qofkii wanaag iyo asluub ku socda aduunka wax ma waayaan. Marka walaal aad baan ugu faraxsanahay jawaabtaad ka dhiibatay. Maasha Allah. Ilahay caqliga iyo wanaaga ha kuu kordhiyo. Peace
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To'gabadh walashiis adaa mudan,waxaan rajanayaa culaykii ku saarnaa in kayare fudaday. To;cajabo walaale waxaad aad iyo aad iga yaabiyey sida wax garadnimada leh oo aad dadka wax ugu sheegtid,waxaana rageenaya in ay dumarka kalana kugu daydaan. yacajabo inii cajabtu xikmatuka.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date hadaadan nin aadan ka helin, then why dont you try a women!........ i really dont know what kind of men can satisfy somali women 21st century!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ANONYMOUS, no matter what, that man is a lot better than a lesbian like you. Somali men have always pleased their women. What problem do you have? Maybe a visit to Wareer can cure you.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Sis noo sheeg maxaad nagu diidey? Maxaadse rabtaa? Nin sidee ah baad rabtaa? Armey xagaaga dhibka ka socdaa?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ku . Anonymouse macalimada Arintaan aad soo shegtay aniga wexey ilatahay aduun kaan waxaa jira kahelid waxaa laga yaaba in aadan kahelin dadkaas
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date I would add, plz see a doctor, maxaa yeeley, i think you've sexual disorder.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To:anonymous: Ka daa gabadha talada xun , waxaa tahay qofxun oo habobsan oo mooday dhaqanka gaalada iyo fusuqooda wax wanaagsan aaqirkadan ilmaahada baad fuuli doontaa, maxaa yeelay khaniisnamada waa kula caadi Ilaaheyna naarta kugu fogee hadii aad tahay qowma luud. To: Gabar. Abaayo waad heli ninka aad ka heli doontid waxa laga yaaba niman aad la kulantay ineysan ku cajibin ama aadan ku arag waxii aad ka rabtay sida quraxda, kartida, dadaalka, reerka uu ka dhashay,waxbarashadiisa iyo iwm. Abaayo ogsoonow qof wada dhan ma jiraan ee ku nasiibso kan wada boqolkii kontan ama in ka badan oo aad isleedahay wa igu dhawyahay astaamahaad ka rabtay, waligaa ahow gabadhii dhowrsan oo dadku ku daydo kuna faano inshalaah. Abaayo waxaan kuu rajeyn cimri dheer iyo cafimaad.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date From gabar to ashanti walal aad ayaad u mahadsan tahay taladaadii fiicneyd aad baana ugu qancay ilaahey ajar hakaa siiyo thank u very much. waana la socda hadaan sharafteyda dhowrto in aan beri waxaan rabo/ ama aan jeclahay heli doono thank you Waxaa jiro ilmo aan weli caqligooda ku filneyn oo qof dhan oo talo raadinaayo cayaar iyo saqajaanimo la soo galaayo please kids talo la idinkagama baahna.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date asalamu alaykum yaa kugu yiri gadadan guursan waad qab wayn tahay khasab maaha inaad guursaitd waad joogi kartaa nin la'naan naago badan ayaa jira waana macruuf soomalia gumays layiraahdo,ha u fahmin hadaadan guursan in wax kaa qaldan yihiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To Gabadh, Wallaal marka hore aad ayaan kuugu faraxsanahay inaad tahay koow gabadh asturan, laba waxbarato, sadex shaqeeysata (Soomali ayaan taan dambe sifooyinkan waa ku yaraadeen ama waligoodba horay uma helin). Midda xigta waan kuu garaabayaa, maxaa yeelay wiilashii Soomaliyeed nasiib xumo saddex ayaan mid u badanay (Raggoow yaan la xanaaqin, laasim in yar oo exception ah waa jiraane)oo kala ah: 1) Kuwa balwad leh: Jaad, Sigaar, Khamro iyo wax ka sii liitaba. 2)Kuw nasiib daro aanan fursad waxbarasho nuucey ahaataba aanan helin (Reer baadiye dibad yimid) 3)Waddaado siiba Aqwaan oo ay aduun oo dhanba ka fahmay Surweel gaaban iyo gar la deysto ayaa horumar lagu gaaraa. Marka abaayo waxaa loo badan yahay noocaas, marka haddii aad geesiyad tahay oo aad wax kaa anfacayaan adiga lee waaye. Aniga talo ahaan sadexdaas qeybood haddaad midkood ka fursan weydo waxaa ila roon qeybta labaad ee reer baadiyaha waayo haddii aysan wali maskaxdooda freezing ama shamiito noqon waa la wadan karaa, waxna loo kordhin karaa. Wallaaley marka waxaa iga talo ah, ha degdegin 25 wali waa yar tahay, mustaqbalkaaga horta si fiican u dhis guur iyo nin fiican asagaa is keeni doonee. In bocca a lupo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Lol@@Burhaan, ninyahow ishaa ka tuurtay!! sida ruunta uu sheegtay. Lakiin xooga dhib waaye un pesante in la jafjafo oo la jiido..... In cerco di un lupo:)
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to burhaan Aboowe aad ayaad u mahasantahay taladaada iyo weliba sida aad ii la fahamtey arinteyda thanks. aboowe waxaad i tiri guurso nin rerbaadiyo ay hadii aad ka fursan weydo aboowe nin rerbaadiyo ay 30 sano lee markaan dhaafo ayaa inoo balan ah inta ka horeyso danaheygaan raacan sidaa ayaan qabaa maxay kula tahay bal taladaada i sii anigoo filaya in aad ila fahmeysid waxaanka wado mahadsanid.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To: gabadh, Abooyo runtii inaad nin reer baadiyo ah guursato makugula talinayo inaad ka fursan weydo ma ahane(Ilaahna taas kuguma keeno). Balse in aad 30 sanno ka dib ku guursatid waxey ku xiran tahay inta ilmo ee aad jeclaan laheyd inaad yeelato, 2 ama 3 wali waa sugi kartaa, balse darsin hadaad rabto is dadaji.. lol@@, umaleyn maayo darsin iyo wax la mid ah inaad ku fakareeyso. Abaayo aniga xataa dhibkaaga oo kale ayaa i heeysta waxbarashadeyda waa ii dhamaatay, shaqo professional ahna waa heystaa, laakiin qof wax ila fahmeeyso oo educated ah ayaan la'ahay, marka jabkeena ilaah ha noo fududeeyo. To anonymous Mi piace di dire la verita anche se alle volte fa male. Cosa ci posso fare? Stammi bene bro/si Burhaan
|